Barnaamijkii Radio Xoriyo
09 Jun
2007.
Bashiir Axmed
Makhtal oo markii ugu horraysay warqad laga helay.
Siminaar ay
ururada bulshada Ogaadeenya iyo Oromiya wadajir ugu qabteen
Jarmalka.
Qaybtii ugu
dambaysay barnaamijkii waraysiyada iyo warbixinada ee madaxda
jabhada(Q3aad).
======================
Bashiir Axmed
Makhtal oo markii ugu horraysay warqad laga helay.
Bashiir Axmed
Makhtal, oo ah muwaadin Ogaadeenya u dhashay oo ciidammada Itoobiya
ka soo afduubeen dalka Kenya, ayaa markii ugu horraysay laga helay
warqad uu ka soo qoray xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, wuxuuna
xukuumada Canada ka codsaday inay ka soo badbaadiso taliska cadowga
ah ee naxariis darrada ku caana baxay ee uu gacanta ugu jiro.
Bashiir ayaa warqadiisa ku sheegay in taliska Addis Ababa uu ku
qasbay inuu duubo cajalad uu ku qiranayo denbiyo uuna galin.
Bashiir ayaa
warqadiisa kaga warbixiyay sidii loo qabtay iyo sidii looga soo
afduubay dalka Kenya ee gacanta loogu galiyay ciidammada nacabka ah
ee Itoobiya, wuxuuna sheegay in magaalada Muqdisho ee dalka
Soomaaliya laga soo qaaday 22/01/07, ka dib markii labo maalmood oo
kaliya lagu hayay garoonka Muqdisho, oo la keenay magaalada Addis
Ababa.
Bashiir ayaa
waradiisa ku sheegay in rajada kaliya ee uu hadda filayo ay tahay
xukuumadda Canada, wuxuuna sheegay in haddii ayna xukuumadda Canada
goobjoog ka ahaanin oo ka qayb qaadanin maxkamada la saarayo uuna
haysanin fursad kale oo uu ku badbaado, isla markaana uu la mid
noqonayo kumanaanka ku tabaalaysan xabsiyada Itoobiya.
Bashiir wuxuu
sheegay in markii ay taariikhdu ahayd 18/04/07 lagu qasbay in laga
duubo cajalad muuqaal ah, iyadoo loogu hanjabay in jidhdil uuna ka
soo waaqsanin loo gaysanayo haddii uu diido, hase yeeshee wuxuu
tilmaamay inaanuu cajaladaas ku duubin wixii ay iyagu ka rabeen inuu
ku duubo.
Bashiir Axmed
Makhtal waxaa dabayaaqadii Dicember ee kal hore laga qabtay xadka u
dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, ka dibna waxaa gacanta loo galiyay
ciidamada Itoobiya eek u sugan Soomaaliya.
Ururrada bulshada
ee Ogaadeenya ee ka jira dalka Canada ayaa hadda ku dadaalaya sidii
ay xukuumadda Canada ugu cadaadin lahaayeen inay talaabo haboon ka
qaado kayska Bashiir, waxayna bannaanbaxyo waayn isninta ku qaban
doonaan ka soo horjeedka xafiiska ra’iisal wasaaraha Canada iyo
safaaradaha Itoobiya iyo Kenya.
Siminaar ay
ururada bulshada Ogaadeenya iyo Oromiya wadajir ugu qabteen
Jarmalka.
Ururrada bulshada
ee Ogaadeenya iyo Oromiya ee dalka Jarmalka ka jira ayaa si wadajir
u qabtay siminaar lagaga hadlayay ku tumshada xuquuqda aadanaha iyo
tacadiyada kala duwan ee jabhada TPLF ay ku hayso dadwaynaha u
dhashay Ogaadeenya iyo Oromiya.
Sminaarkan waxaa
soo agaasimay Midowga Ardayda Oromada ee dalka Jarmalka, waxaana
lagu qabtay Jaamacadda Wolfgang Goethe ee magaalada Frankfurt markii
ay bisha Juun labada ahayd. Shirka waxaa warbixino la xidhiidha
tacaddiga xuquuqda aadanaha ee Ogaadeenya iyo Oromiya soo hordhigay
Ururrada samafalka iyo xuquuqda aadanaha ee Ogaadeenya iyo Oromiya,
kuwaasoo ka warbixiyay xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee taliska
fashiistaha ee TPLF u gaysto dadwaynaha Ogaadeenya iyo Oromiya.
Ka qayb galayaasha
siminaarku markii ay si wayn uga doodeen xasillooni darrada iyo
dagaallada ka jira Itoobiya iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika,
waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobo dhawr ah oo ay ka mid
yihiin; iyagoo si wayn u taageeray halganka sharciga ah ee labada
shacab ee Ogaadeenya iyo Oromiya kaga soo horjeedaan taliska
fashiistaha ah ee TPLF. Waxay sidoo kale si wayn u taageereen labada
urur ee ONLF iyo OLF iyo halganka ay ugu jiraan aaya ka-talinta
labada shaca ee ay matalayaan. Waxay kaloo si wayn u taageereen
Isbhaysiga AFD ee labada Urur ee ONLF iyo OLF ay xubnaha ka yihiin.
Waxyaabihii kale ee
siminaarkaas ka soo baxay waxaa ka mid ahaa dhaleecayn wayn oo loo
soo jeediyay taliska Addis Ababa, iyadoo lagu dhaleeceeyay dilka,
dadka la qabto ee la waayo meel ay ku denbeeyeen, xidhayga aan
maxkamada lahayn, jidhdilka iyo dadka ciqaabta loo gaysto u dhinta
ee sida aan xadka lahayn loogula gaysto dadwaynaha Ogaadeenya iyo
Oromiya.
09 Jun
2007
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari