SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii: Jun 10, 2007

  • Qarax si weyn looga maqlay Daafaha Magaalada Muqdisho oo ka dhacay Agagaarka Dugsiga sare ee 15 May…

  • Dowladda Itoobiya oo wal wal ka muujiysa Isbahaysiga cusub ee ay sameysteen

  • Golaha Wasiirada DFKMG oo shalay kulan yeeshay Magaalada Muqdisho

  • Musaveni oo la filayo in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho


Qarax si weyn looga maqlay Daafaha Magaalada Muqdisho oo ka dhacay Agagaarka…

SomaliTalk.com | Muqdisho, Soomaaliya

            Qarax si weyn looga maqlay daafacaha Magaalada Muqdisho ayaa xalay fiidnimadii ka dhacday agagaarka Dugsigii Sare ee 15May ee Degmada Wardhiigle, waxaan la sheegay in qaraxaasi lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah lag heynin, haddana warar ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday dhimasho iyo dhaawac.

Goobtii uu ka dhacay qaraxa ayaa waxaa yimid Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, iyagoo halkaasi ka bilaaby baaritaan la xiriira qaraxaasi, sidoo kale waxaa iyana la xiray goobihii ganacsiga ee ka furnaa halka uu qaraxu ka dhacay.

            Qaraxyadan ayaa waxay ku soo beegmeen xili ay Magaalada Muqdisho ka socoto hawlgal lagu sugayo ammaanka ee ay wadaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo maalintii shalay ahayd baaritaan xoog leh lagu sameeyey agagaarka Warshadda Baasta iyo Isibitaalka Carafaad, sidoo kale waxaa baaritaan lagu sameeyey suuqa  labaad ee ugu weyn Muqdisho iyadoo halkaasi lagu jajabiyey gobo sharciyo daro ah oo ku yaalay halkaasi.

Geeddi
Geeddi oo mucaanaqaynaya Zenawi markii uu ka soo degey Muqdisho June 5, 2007... Read here...

Daudi Aweis believes there is little hope that progress will be made at the national reconciliation conference, due to open on June 14.
Read here...
Ali Mohamed Geedi
Geeddi oo fiirinaya gaariguu lagu burburiyey qayb ka mid ah gurigiisa xilli uu ku jirey halkas.. June 3, 2007

Geeddi oo fiirinaya gurigiisii la buburiyey: Sawirka: AP

Waa Kuma Geeddi

Dowladda Itoobiya oo wal wal ka muujiysa Isbahaysiga cusub ee ay sameysteen

            Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay walwal weyn ka muujiyey Isbahayisga cusub ee lagu aasaasay Magaalada Asmara ee dalka ereteriya kaas oo la sheegay in ay ku bahoobeen afar urur oo ka soo Horjeeda Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya waxay Sheegtay in Isbahaysigaani uu keenayo in uu qalalaase ku sii kordho geeska Afrika, isla markaana ay abuurmaan xaalado nabadgelyo xumo oo aad u baahsan.

            Isbahaysigaan ayaa madax u ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, halka garabka hubeysan uu madaxa u yahay Admiral Max’ed Cumar Cismaan.

            Isbahaysigaan ayaa waxaa laga soo dhaweeyey qaar ka mid ah Gobalad ay ka soo jeedaan jabhadaha ay ka soo jeedaan ONLF iyo OLNF.

            Waayadanba waxaa magaalada Asmara kulamo isdaba joog ah ku lahaa kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Itoobiya, kuwaas oo doonaya in ay ciidamada Itoobiya ka saaraan dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo dhulka Soomaali galbeed.

Golaha Wasiirada DFKMG oo shalay kulan yeeshay Magaalada Muqdisho

            Shalay ayaa waxaa shir isugu yimid  golaha Wasiirada, waxaa shirkaasi looga hadlay arrimo dhowr ah iyadoo laga soo saaray go’aano.

            Shirkaan ayaa waxaa shir guddoominayey Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxayna warar laga helay Afhayeenka xafiiska Ra’isul Wasaaraha C/llaahi Codka ayaa sheegay in shirka ay shalay yeesheen golaha Wasiirada arrimihii qodobadii ugu muhiimsanaa ay ka mid ahayaeen sidii looga qayb-qaadan lahaa aaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), waxayna golaha Wasiiradu magacaabeen Guddi sare oo ka kooban wasiiro uuna madax u yahy Ra’isul Wasaare Cali Max’ed, waxa uuna guddigaasi loo xilsaaray aaska madaxweyne Aadan Cadde oo lagu wado in beri oo isniin ah la aaso.

            Kulankaan ay golaha Wasiiradu isugu yimaadeen ayaa waxaa la isku raacay sidoo kale in iyadoo la weyneynayo Aadan Cadde gaaroonka Diyaaraha Muqdisho loo bixiyo (Aadan Cade International Airport).

Golaha Suxifiyiinta Qaranka oo qabtay Siminaar looga hadlayo...

            Waxaa Hotel Naasa-Hablood maalintii labaad ka socda Siminaar loogu magacdaray (Ololeynta Damaanadqaadka Saxaafadda Xorta ah), waxaana ka qaybgalaya suxifiyiin ka kala socotay Warbaahinta dalka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah, waxaan soo qabanqaabiyey Golah Qaranka Suxifiyiinta Soomaaliyeed.

            Siminaarkaa noo socon doona mudo shan maalmood ah ayaa waxaa shalay looga hadlay doorka ay Bulshada rayidka ah ku leeyihiin Difaacidda Suxufiyiinta, waxaan ka hadlay Nuurto Sheekh, waxayna sheegtay in Bulshada Rayidka iyo suxufiyiintu ay yihiin kuwo isku xiran oo aan sinaba ku kala maarmin, waxay kaloo sheegtay in Bulshada rayidka ah ay mar kasta ka soo horjeedaan lagu xadgudbo suxufiyiinta, halka Suxufiyiinta looga baahan yahay in ay dhowraan anshaxa saxaafadda, sidoo kale waxaa ka hadlay Maryahan Xuseen Awreeye oo iyana si aad ah ugu dheeraatay xiriirka u dhexeeya saxaafadda iyo Bulshada rayidka, waxayna sheegtay in saxaafaddu ay ka mid tahay Bulshada rayidka ah, loona baahan yahay in ay Bulshada tusiyaan habka ugu haboon ee lagu hormarin karo nabadda. 

Musaveni oo la filayo in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho uu soo gaaro Madaxweynah wadanka Uganda Musaveni, waxaana lagu wadaa in inta uu joogo Muqdisho uu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka, sidoo kale waxaa la filayaa in uu la kulmo Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in uu kala hadlo arrimo la xiriira bacan sinta Shacabka Soomaaliyeed.

Booqashada Musaveni ayaa xoogeedu waxa ay tahay sidii uu u dhiiragelin lahaa Ciidamada Uganda oo dhawaan shan ka mid ah looga dilay qarax ka dhacay magalada Muqdisho, waxana uuna Madaxweynuhu uu horey u sheegay in ciidamdiisu aysan marnab ka niyadjabi doonin hawlagalada ay ka wadaan Soomaaliya.

Max’ed Dheere oo furay Tartankii Nabadda iyo Nadaafadda ee..

Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna Duqa Magaalada  Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa maalintii khamiista ahayd Garoonka Banaadir ka furay tartan loogu magacdaraday (Tartanka Nabadda iyo Nadaafadda), waxaana soo qabanqaabiyey xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, iyadoo ay og yihiin Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Tartankaan oo isugu jiray K/cagta, Kolleyga iyo Cayaaraha Fudud ayaa waxaa mar uu halkaasi ka hadlay Max’ed Dheere waxa uu sheegay  in Isboortigu yahay mid isku keena bulshada, qaybna ka qaata nabadda.

Furitaqanka tartanka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Ku simaha xiriirka Soomaaliyed ee K/cagta Salaad Macallin Max’ed, iyo martisharaf kale, waxaan cayaartii ugu horeysay ay dhex martay, kooxaha Safaana iyo Supershell, waxayna guushu 3-1 ku raacday Kooxda Supershel ee Afgooye.

Mar uu la xiriiray Guddiga Qabanqaabada Cayaaraha Guddoomaiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagga Siciid Mugaanbe ayaa u mahadceliyey intii isku soo dubariday tartankaasi.

Maanta ayaa la filayaa in cayaar aad u xiiso badan ay wada yeeshaan kooxah Banaadir iyo Naynuus.

Tartanka marka uu dhamaado ayaa lagu wadaa in maamulka Gobalka Banaadir uu bixiyo Abalmarinada loogu talagalay tartamadaasi kala duwan.

SomaliTalk.com | Muqdisho, Soomaaliya

Faain: SomaliTalk.com | June 10, 2007


Ciidanka Tigreega Oo Galay Guriga Madaxwayne C/qaasim Kana Qaatay Hub & Gawaari

Jun 9, 2007: Ciidamada Tigreega ayaa maanta galay guriga Madaxweynihii dawladii hore Soomaaliya Dr: C/qaasim Salaad Xasan, iyagoo hubka ka qaatay ciidanka Ilaaladda ahaa. iyadoo u Madaxwayne C/qaasim oo isagu xiligaa
ku sugnaa gurigiisa ayaa handadaad kala kulmay ciidanka Tigreega oo uu horkacayey nin Soomaali ah.

Ciidanka Tigreega ayaa dabodacal u baaray guriga qaatayna gawaari guriga taalay, isalmarkaana jejebiyey alaab faro badan gaar ahaan albaabadii guriga.

Waa fal aad ugu ah meel ka dhac in in ay u gaystaan masuul sare ciidamada Tigreega ee dalkeena qabsaday iyo dabadhilifka u wato

Maalmahan ayaa ciidanka Tigreega ah waxay wadeen falal ay ku khalkhal gelinayaan islamarkaana ku xadgudbayaan waxgaradka iyo odayaasha kasoo horjeeda joogitaankooda. Falalkan ayaa canbaarayn baahsan kala kulmay beesha caalamka.

Dadka u kuurgala arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ficilka Tigreega iyo kooxda Mbgathi uu ka turjumayo quus iyo in ay wax u socon la'yihiin, iyagoo ka rajo dhigay taageero ay dunida ka helaan. Waxaana jira warar isi soo taraya oo sheegaya in xitaa Maraykanku uu maagan yahay sida ay Tigreegu iyo Mbagathi wax u wadaan, taasoo ku bixinaysa Tigreega iyo Mbagathi in ay u dhaqmaan sidii ninkii yiri "waxba dhowrayn meynee rabow dhagaxyo soo daadi"

Ilo wargal ah.
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com