SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Barnaamijkii Radio Xoriyo
05 Jun 2007.
 
 
Ciidammada gumaysiga oo gubay tuulada Daratoole.
 
Dagaallo lagu wiiqay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
 
Jaaliyadda Gobalka Alberta ee Canada oo shir wayn qabatay.
 
Barnaamijkii waraysiyada iyo warbixinada ee qaar kamid ah madaxda jabhada(Q2aad).
 
Warar Goos-goos ah.
 
 
 
======================                    
 
 
 
Ciidammada gumaysiga oo gubay tuulada Daratoole
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa la sheegay inay dab qabadsiiyeen tuulada Daratoole, oo dhinaca Woqooyi Bari kaga aaddan magaalada Wardheer, markii ay taariikhdu ahayd 02/06/07, waxayna halkaas ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsanin.
 
Wararka aan ka helayno magaalada Wardheer ayaa sheegaya in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay taariikhdaas kor ku xusan duullaan ku qaadeen tuulada Daratoole iyo nawaaxigeeda, iyadoo ay dhibaatooyin kala duwan dullaankaas dadwaynaha ugu gaysteen. Markii ay ciidammada gumaysigu yimaadeen Daratoole waxay dadwaynihii magaalada ku dhaqnaa ku amreen inay magaalada ka baxaan, iyagoon waxba ka qaadanin, ka dibna waxay dab qabadsiiyeen magaaladii.
 
Wararka aan halkaas ka helnay ayaa sheegaya in ciidammada gumaysigu ay labo nin oo rayad ah ku dileen magaalada Daratoole, waxaana labadaas nin ka mid ah nin magaciisa naloogu sheegay Hudle Baddal Aw Cumar.
 
Ciidammada gmaysigu waxay sidoo kale halkaas ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo aad u badan, waxaanan magacyadooda helnay dadka kala ah;
1-    Maxamed Xuseen
2-    Qabaan Yuusuf
3-    Macruuf Cabdi iyo
4-    Xaliimo Gaaciye, oo la sheegayo inay jidhdil iyo faraxumayn u gaysteen. Dadkan waxay ciidammada gumaysigu dhammaantood ku xukumeen inuu qofkii waliba bixiyo 1000 Bir oo madaxfurasho ah.
 
Sidoo kale waxay ciidammada gumaysigu ururiyeen rag badan oo ka mid ah dadwaynaha deggan magaalada Wardheer, kuwaasoo la sheegayo in qasab lagu ciidamaynayo, ilaa iyo haddana aan la garanaynin jihada loo dagaal gayn doono.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa sidoo kale labo gabdhood oo shacab ah ku dilay magaalada La-helow, markii ay taariihdu ahayd 02/06/07. Labadan gabdhood ayay ciidammada gumaysigu kufsadeen oo jidhdil xun u gaysteen, ka hor intii ayna dilin.
 
Dagaallo lagu wiiqay ciidammada gumaysiga Itoobiya
 
Wariyaha RX uga soo warrama gobolka Jarar ee dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo waxyeellooyin badan loogu gaystay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
24/05/07 Weerar ay Ciidammada Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya CWXO ku qaadeen kuwa  gumaysiga Itoobiya oo ku suganaa  meesha  lagu magacaabo Karin-dheere waxay cadowga  kaga dileen  5 askari, 4 kalana  way  kaga  dhaawaceen.
 
27/05/07 Wijiwaaji oo ka tirsan gobolka Qorraxay  kolonyo Baabuura oo uu lahaa  cadowgu ayay CWXO wadada u galeen, waxayna ka gubeen  2 gaadhi,  waxaana  halkaas ku bas-beelay labadii gaadhi iyo wixii saarnaa oo dhan.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa markii jabkaas loo gaystay waxay sidii caadada u ahayd ku gadoodeen dadkii deegaankaas degganaa, waxayna  dileen  nin  lagu magacaabo Maxamed Haayir, waxay sidoo kale dhaawac u gaysteen 6 qof oo shacab ah.
 
Isla 27/05/07 Qudhaclay, oo ka tirsan degmada Dhagaxabuur Kolonyo baabuur ah oo cadowgu leeyahay oo halkaas maraysay ayaa waddada loo galay, waxaana laga dilay inta la ogyahay 8 askari, 10 kalana waa laga dhaawacay.
 
Sidoo kale 27/05/07 waxay CWXO weerar ku qaadeen ciidammada  gumaysiga ka tirsan oo marayay Balanballe, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxayna ka dileen 6 askari, 16 kalana  way ka dhaawaceen.
 
Dhinaca kale 27/05/07 waxaa ciidammada Wayaanaha ee ka hawlgala gobolka Doollo ka soo baxsaday 26  askari, kuwaasoo dadwaynaha ka codsaday in loo geeyo CWXO, hase yeeshee waxaa Tuulada Afar-Irridood, oo ka tirsan gobolka  Doollo, ku soo gaadhay ciidammo kale oo Wayaane ah, waxaana dhex maray  dagaal wayn oo  khasaare badani uu kala gaadhay. Askartan Wayaanaha ka soo gosatay waxaa ku jira 2 sargaal oo sarsare.
 
28/05/07 weerrar ay CWXO ku qaadeen kuwa cadowga ka tirsan oo ku sugnaa nawaaxiga Qabridaharre, waxay cadowga kaga dileen 8 askari, waxay sidoo kale kaga dhaawaceen 10 askari.
 
Jaaliyadda Gobalka Alberta ee Canada oo shir wayn qabatay.
 
Jaaliyadda Gobalka Alberta ee waddanka Canada ayaa maalintii Axada ahyed ee bisha June saddexda ahayd shir wayn ku qabatay magaalada Edmonton, kaasoo lagu maamusayay guulaha waawayn ee is-dabajooga ah ee CWXO ka soo hoyiyeen Gumaysiga daallan ee Itoobiya.
 
shirkaas waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada  Ogaadenya ee ku dhaqan magaalada Edmonton iyo waftiyo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobalka Alberta, waxaana warbixin dheer shirkaas ka jeediyay  Isku duwaha Guud ee Jaaliyadaha Ogaadeenya Mudane Moxamed Macalin Axmed, oo ka xog-warramay heerka uu marayo halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay, iyo yoolalka la higsanayo xilliyada dhaw. Isku Duwuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay siyaasada JWXO eek u aaddan xaalada manta la marayo iyo sidii loola jaan-qaadi lahaa is-badallada raadka ku yeelan kara halganka Ogaadeenya ee ka dhacaya gobolka Geeska Afrika.
 
Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay Gudoomiyaha Unugta Edmonton Mawliid Curjin iyo xubnaha iyo taageerayaasha jaaliyada Ogadenya ee Alberta. Waxaa xusid gaar ah mudan gabadh ka mid ah gabdhahii shirka ka soo qaybgalay oo shirka ka soo jeedisay hadal iyo guubaabooyin si wayn u kiciyay dareenka dadkii shirka ka soo qayb galay.
 
Waxaa shirkaas lagu soo gabagabeeyay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Ogaadeenya, gaar ahaan Ciyaarta Dhaantada oo raad gooni ah kaga tegtay dadwaynihii halkaas isugu yimid. Dadwaynihii shirkaas ka soo qayb galay ayaa ugu denbayntii waxay ballanqaadeen inay sii laban laabi doonaan taageerada  aan hagarta lahayn ee ay la garab taagan yihiin halganka Ogaadeena.
 
 
 05 Jun 2007
C/nuur Sh. Maxamed
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM � 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com