Barnaamijkii Radio
Xoriyo
02 Jun 2007.
Wiilal CGI ay Dhagaxbuur ku laayeen oo
maydkooda jidka la dhigay.
Itoobiya oo sheegtay inayna Soomaaliya ka
bixin doonin.
Midowga Afrika oo NATO ka codsaday inuu ka
caawiyo nabadgelyada Soomaaliya
Jaaliyada Ogadenya ee magaalada Musawac oo
u dabaal dagtay sanadguuradii 6aad ee aas-aaskeeda.
Waraysiyo qaar kamid ah madaxda
Jabhada(N/Hurayaal,C/nuur Sooyaan,Cabdi Cabdullahi iyo Axmed Sanweyne).
======================
Wiilal CGI ay Dhagaxbuur ku laayeen oo
maydkooda jidka la dhigay.
Wararaka naga soo gaadhaya Magaalada
Dhagaxbuur ayaa sheegaya in Ciidamada gumaysiga Ethiopia ay Magaalada ku
dileeny 4 wiil oo shacab ah. Dilka wiilashan shacabka ah ayaa lala
xiriirrianayaa qarax aan la garaneynin cida ka dambaysay oo ka dhacay
magaalada Dhagaxbuur isniintiii lasoo dhaafay.
Qaraxaas kadib ayay ciidamada gumaysiga
Ethiopia ee ka howlgala magaalada Dhagaxbuur dad shicib ah ka buuxiyeen
xabsiyada, dadkaas oo aad u tiro badnaa ayaa hadaba ciidamada gumasiga ee
magaalada Dhagaxbuur habeenkii khamiista ahayd ku gawraceen 4 nin oo shicib
ah oo ka mid ahaa dadkii loo taxaabay xabsiyada.
Sida uu noo xaqiijiyay Wariyaha Radio Xoriyo ee magaalada Dhagaxbuur ayaa
mar aan khadka Telefonka kula xidhiidhnay wuxuu noo sheegay inuu indhihiisa
ku arkay 4ta ruux ee shicib ka ah ee la gawracey oo maydkooda suuqa lasoo
dhigay kadibna loo diiday inay aastaan eheledoodu.
Warku wuxuu intaas ku daray inay ciidamada gumaysiga Ethiopia u fiirsanayeen
cida ay u maleeyaan inay eheliyadooda tahay ee ay ka dareemaan mooraal xumo
kadibna ay u taxaabayeen xabsiga.
Ilaa iyo hada ma hayno magacyada dadkaasi la laayay waana idiin soo gudbin
doonaa marka aan sugno magacyadooda oo buxa.
Si kastaba aha ahaatee xaalada wadanka Ogadenya ayaa ah mid haatan aad u
qalafsan. Dhinaca kale, wariyeyaasha Radio Xoriyo ayaa ku hawlan sidii ay
usoo tiro koobi lahaayeen dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen iyo dhimashada
Ciidamada gumaysiga Ethiiopia iyo kuwa aan laga warqabin meel ay ku
suganyihiin geeri iyo nolol midna.
Dhinaca kale Wararka naga soo gaadhaya
magaalada Awaare ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Hooyo Dheeraad Biixi
oo ganacsato ah iyo wiil keeda Rashiid Xaaji Yuusuf. sababta loo xidhay
hooyo Dheeraad ayaa ahayd kadib markii uu wiilkeeda Rashiid safar kaga yimid
magaalada Hargaysa oo uusoo galay mgaalada Awaare xilli ay magaaladu bandow
kujirtay.
Itoobiya oo sheegtay inayna Soomaaliya ka
bixin doonin
Wasiirka arrimaha dibada ee gumaysatada
Itoobiya Seum Mesfin ayaa sheegay in ciidammada dalkiisa ee ku sugan
Soomaaliya ayna marna dalka Soomaaliya ka bixi doonin, inta ay ka
hubsanayaan inay dabar-jareen xoogaggii maxkamadaha iyo waxa uu ugu yeedhay
argagixisada caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgasha.
Mesfin wuxuu arrintan kaga dhawaaqay magaalada
Muqdisho mar uu booqasho qarsoodi ah ku tagay horraantii toddobaadkan.
Mesfin isagoo arrintaas ka hadlaya wuxuu
yidhi; �Masuuliyiin badan oo soomaali ah, bulshada rayadka ah iyo madax
dhaqameedyaduba waxay naga codsadeen in aanaan ciidamadayada kala bicixn
dalka Soomaaliya, wuxuuna nagu dhiirri galiyeen inaan marka hore hubino in
Soomaaliya laga baabi�iyay taageerayaashii maxkamadaha iyo argagixisada
caalamiga ah�.
Wuxuu kaloo intaas raaciyay in ciidammada
Itoobiya ayna Soomaaliya ka bixi doonin, inta ay ka hubsanayaan in
duullaankii ay Soomaaliya ku qabsadeen uuna noqonin mid lagu guul
darraystay. Wuxuu kaloo sheegay in Itoobiya ayna marna aqbali doonin in
kooxaha islaamku ay dhexgal ku sameeyaan dowlada ama buslahada soomaaliyeed.
Hadalka Mesfin wuxuu daboolka ka qaadayaa
ujeedadii dhabta ahayd ee Itoobiya u qabsatay dalka Soomaaliya, iyadoo
markii hore ku andacoon jirtay inay Soomaaliya sida ugu dhakhsaha badan uga
bixi doonto, ayay hadda caddaysatay qorsheheeda ah inay si rasmi ah u
gumaysato dalka Soomaaliya.
Midowga Afrika oo NATO ka codsaday inuu ka
caawiyo nabadgelyada Soomaaliya
Isbahaysiga NATO ayaa ka baaraan-degaya codsi
kaga yimid dhinaca Midowga Afrika oo ku saabsan in isbahaysiga NATO uu gacan
ka gaysto gaynta ciidammada Midowga Afrika gaynayo dalka Soomaaliya, sidaas
waxaa arbacadii sheegay saraakiil ka tirsan Isbahaysiga NATO.
Midowga Afrika ayaa Isbahaysiga NATO u
gudbiyay codsi ku saabsan in gacan iyo talabixinba laga siiyo sidii ciidamo
nabad ilaalineed loo gayn lahaa Dalka Soomaaliya.
Sargaal u hadlay Isbahaysiga NATO ayaa
daboolka ka qaaday in xubnaha NATO ay isku khilaafsan yihiin wixii codsigaas
laga yeeli lahaa. Sargaalkani wuxuu intaas ku daray in xubnuhu ayna isku
aragti ka ahayn jawaabta codsigan laga bixinayo, hase yeeshee wuxuu intaas
raaciyay in Isbahaysiga NATO uu fahmi karayo codsiga uu Midowga Afrika u soo
gudbiyay, isla markaana uu codsigani la mid noqon karo taageerada uu
Isbahaysigu u fidiyo hawlaha nabad ilaalineed ee Midowga Afrika ka wado
gobolka Darfur oo Isbahaysiga NATO uu gacan ka gaysto.
Codsigan ayaa hadda loo gudbiyay guddiga
arrimaha millatariga ee Isbahaysiga, kaasoo diyaarin doona qorshe ku aaddan
sida ugu habboon ee NATO uga caawin karto Midowga Afrika ciidammada nabad
ilaalinta loo gaynayo dalka Soomaaliya.
02
Jun 2007
C/nuur
Sh. Maxamed
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM � 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 3, 2007


|