Soomaali galbeed Way Xoroobi Doontaa!
Laakiin..
Qore/dr c/raxmaan aw cumar (abuu cabaas almadani)
burjabis@hotmail.com
Haa soomaali galbeed way xoroobi doontaa haddii
jidkeeda loo maro.
Run ahantii waxaa isoo jiitay mawduuca uu qoray
xasan yare ee ahaa
soomaali galbeed ma xoroobi doontaa? iyo wakhtiga uu ku beegay oo siduu
sheegay aan ku waafaqsanahay inuu munaasab u yahay in ra,yil caam la sameeyo
lagu gado qadiyadaa, tijaara kastana wakhtiga loo baahdo ama ay ribixa leedahay
hadaan la iibinin way baartaa!!.
Qormada xasan aniga oo u fahmay inay tahay tusmo
wax laga qori karo, bal aan anna geestayda budh wayn kaga garaaco.
Ugu horayn anigoo ku waafaqsan siddeeda qodob ee
walaalkay xasan yare sheegay in xoriyada lagu gaadhi karo, Ayaan Waxaan jeclahay
bal qormadan inaan ku faahfaahiyo asbaabta guusha lagu helayo ee qadariga ahwax
ka mid ah.
Asbaabta guushuna waxay u qeybsantaa asal ahaan:
1-
asbaab qadari ah ama kawni ah.
2-
iyo asbaab sharci ah .
waa maxay sababaha qadariga ahi?
intaana guda galin asbaabahaa waxaa muhiim ah in
la fahmo inay asbaabtanu tahay sida xisaabta, oo ninkii qalda u eexan mayso kii
saxana ka eexan mayso, horayna waxaa loo yidhi ninkii qodax beertaa canab goosan
mahayo.
Asbaabta qadariga ahnaWaxaa loola jeedaa in alle
wax kastoo shakhsi ama umadi damacdo sabab u yeelay, lagu helo shaygaas, tusaala
ahaan ninkii oomaa waa inuu biyo cabo si uu u oon baxo, haduu hilib ka dhargo
isagoo raba inuu ku oon baxo, alle waa ku oon bixin karaa laakiin qadar ahaan
yeeli mahayo.
ilaahayoow ilma isii guursan mahayee alle waa
karaa qadar ahaanse yeeli mahayo, iwm.
Farqina ma laha dhanka asbaabtan nin muslin ah iyo
nin gaal ah, mid ay run ka tahay iyo mid beenaale ah. Oo mu,minimo iyo dadaal
loogu qaraaba kiili mahayo in hilib lagu oon bixiyo!!! Haddii uu carro quuto ama
dhunkaal cunana iskaba daa.
Waamaxay sababa qadariga ah ee guusha lagu gaadhi
karo?
Way tira badantahay laakiin waxaan ka tilmaamayaa
tiirarka ugu muhiimsan sida ay ila tahay waana:
1-
waa in la xadido cadawga asaasiga ah ee aan la dagaalamayno, iyo kaan asaasiga
ahayn ee laakiin la adeegsado, cadawgeena asaasiga ahi waa xabashi, iyo imaamka
sharta, ingiriis iyo laamaha ka farcamay ee uu ugu waynyahay maraykan. kuwani
waa kuwa ina faasaxay, ee ina siiyay xabashi, ilaa iyo eegana lugta noo haya!!.
waxa intaa kasoo hadhay ee muslimiinta ina hareer dagan ama ha noqdaan kuwa ku
hoos jira itoobiya ama hanoqdaan soomaali qoladay doonto ha noqotee, ma ahan
cadaw, haday rabaan ha ina laayeen. khaanaday ku jiraanna waa walaalkaa oo lagaa
dhacay laguuna adeegsaday. mudnaantiisuna waa in cidiyihiisa lagu jaro dulqaad
iyo waano, marnabana aan la galinin khaanada cadawga asaasiga ah!!, si uu
dadaalku ugu idlaado meeshuu dhibku ka yimid, dabeedna ay bogsootaa kabtii cudur
labuurayd. laakiin hadaynu habartii la inoo sameeyaba nidhaahno aan ku hurgufno,
waaga ayaa inaga baryaya inagoon cadawgeeniiba gadhin.
Waayahan danbe waxaa soo badanaya dadka aaminsan
soomaaliya, gabi ahaanteed cadaw inay u tahay qadiyada halganka, aan ka liidanin
amxaarka, qaarna way sii fogeeyeen oo waxayba sugeen inay soomaalidu ka
daranatahay amxaarada!!!!, macalin dhoodaan - ALLE ha u danbi dhaafee- oo aad
inta badan suugaantiisa loogu khushuucana, gabayadiisa biya shubkoodu waa intaa.
tusaale ahaan isaga oo macnahaas ka hadlya wuxuu yidhi:
War duunyada ragii kaa dhacee dawrshay xeradaada.
Agoow daalinkaad aamintaa kaagasii darane.
Mar kale isagoo tilmaamaya siday muhiim u tahay in
isku si loola dagaalamo labadaa cadaw wuxuu yidhi:
Cadaw inaan hankaaktaan raboo idinlaheesaaya.
Oon ku lala hardamayoon ahayn la is hujuumaayo.
Oo hadimadiinii wadaa qodaya haadaane.
War hoomaaq dalooshay rabaan inaan ka haadnaaye.
ha u kala hanbaynina dagaal
haayirkiya tuuga.
oo sidaa xornimo aan heliyo hodan ku raadceeya.
Dadka ree galbeed oo si gaar ah u qadariya
suugaanta, waxaa muuqata, inay gabayadaa macalinku saamayn wayn ku yeesheen,
xaataa kuwooda halgamaya!!
Maxaa sababayinin aragtidaas gurracansoomaalida
laga aamino:
Waxaa iisoo baxday dhugasho dabadeed in ay jiraan
sababo ay ka mid yihiin:
�
dawladii soomaaliyeed oo aan
dadka ree galbeed madaxbanaani u siinnin xoraynta wadanka, oo rabtay inay
magaceeda ku xorayso, lagana hoosbixin sida jabuuti. kadib markay urisay
caqliyada gooni isu taagnimada oo ku faaftay dadka ree galbeedka, wakhtiyadaas,
waana tii uu cali shucaac yidhi isaga oo u
jawaabaya makeyte oo ka xumaaday gooni isu taagga jabuuti:
war hasha carartay daayee tanaad u hanqal
taagayso.
walee geela haadaa arkaan hugunka soo raacin.
�
dadka soomaaliyeed qayb ka mid
oo cadawga u shaqeeya, dhibaatooyinna mararka qaarkood gaadhsiiya halgankaa,
iyo dadka wadaba.
Hadaba labadaa sababood iyo kuwa kaloon ka tagay
ma keeni kartaa in soomaalida oo idil cadaw istiraatiiji ah laga dhigo oo mudan
dagaal sida amxaarada!!
Jawaabtu waa maya siday ila tahay, maxaa yeelay
labadaa sababoodba waxay ka dheceen dad aad u tira badan oo ah ree soomaali
galbeed, waliba hadaan xarfaha dhibceeyo, dad (o) da ah!!! Haday soomaali dad ka
mid ahi mujaahidiin dhiibeen, kuwan qayb ka mid ah ayaa hubaysan oo
mujaahidiinta dhiiba maalin kasta!!.
Haday soomaaliya diiday in laga go,o, kuwan qayb
ka mid ah ayaa diidan in laga go,o itoobiya !!! (jeedaalina adoon indhaha is
xidhin farqiga udhexeeya labadaa fakir) , hadaba suaasha aadka u culusi waxay
tahay, maxaa ina cigaal, iyo c/laahi yuusu, iwm loogu shaanbadeeyay reerohooda
cadawna looga dhigtay. c/laahi lug buur iyo ina duulane iyo ibraahin xaad iwm,
ahna loogu shaanbadayn waayay reerohooda oo (o) dana cadaw looga dhigi
waayay???
Tan danbe sida loola dhaqmo ayaa qasab ah in ta
horana loola dhaqmo, maxaa yeelay farqi malaha, hadaan muraayadii qabiilka wax
lagu eegaynin.
Tan danbe waxaa loola dhaqmay sida saxda ah oo
waxaa loo bixiyay dabaqoodhi aan matalin reerkooda si khaas ahna waa loola
dhaqmaa, oon saamayn ku lahayn reerka (o)da, kuwa kalana, waa dabaqoodhi aan
matalin reerkooda in shaanbada reerka lagu dhufto oobeelo dhan cadaw laga
dhigaana gar ma aha.
2-
In la diraaseeyo cuduradii hore ee halgamadii hore ku burbureen, si looga
dheeraado, kuwaasooy ka mid ahaayeen, qabyaalada, eexashada, amaana la,aanta, ka
kaluumaysiga qadiyad umadeed iwm, waxaan ka wariyay mujaahidka ruugcadaaga ah ee
clishoocaac gabaygii gaas xakaar uu ku sifeeyay asbaabta ay ku jabtay jabhadii
64 tii, kadib markuu arkay madashii shirka oo boqol ugaas isugu tageen mid
walibana rabo isaga in la dhagaysto loona daayo madaxnimada!!!, jabhadii
guduhuna gaaja lagasoo sheegay, qoryihii la bixinayayna, laandheerihii la
siiyay, laangaabkii oo idilna jiqilka loo dhigay, rag qoryihii gatayna ay timir
soo siisteen, culuumtaa gaas xakaar waa fahmay inaan lagu ceel gaadhi Karin
wuxuuna yidhi markuu go,aansaday inuu iska tago:
Walee toban ugaasbaan taliyo toobad ku heshiinin.
Walee tawrad gaajootay baan gaal u tabaraysan.
Walee tuug hubkiisii gataan timir ka gaajoonin.
Tolkii nimuu yaraadaan walee (toomis)loo fidinin.
Turki iyo xuseenoow ka tagay togoga hiiraane.
Ninkii aniga ii talinhayoow tagay maraacaato
Tunka yaa isoo qaban hadaan tagaba uu,uule.
Waa tusaale laga dheehan karo in halganku kobtuu
ka bukaa ay tahay inaan lehilin ragiisii si dhab ah uga faaiidayn lahaa
xamaasada ay shacabwaynaha soomaali galbeed u qabaan xoriyada.
danbiguna shacabka ma ahee waa kaluumaystayaasha
u beenguurahaya, maalkooda iyo juhdigoodana hal bacaad lagu lisay ka dhigahaya,
halgankuna laba nin ayuu u dhintay siduu nin arkay yidhi:
Danayste iyo nin beenbeen wataa loogu dawgalaye.
3-
in qadiyada laga saaro go,doonka ay ku jirto caalamkana, laga iibiyo,
beecintaasuna waxay tabaysaa arimahan soo socda:
�
in marka hore ehelkeeda laga gado,
waxaana lagaga gadi karaa in qadiyada loo dhaweeyo, taasoo macnaheedu yahay in
umada soomaaliyeed dhamaanba, aan laga xigtaysanin qadiyada, xaqiiqduna waa
sidaa oo lagama xigo!! Maxaa yeelay amxaaro cadaw ayay u tahay soomali oo dhan
in laga xoroobaana xoriyad ayay u tahay soomaali oo dhan, mar haday sidaas tahay
waa in lala jahro dagaalka soomaali galbeed lagaga jiro in lagu xoraynayo
soomaali oo dhan (isaaq, daarood,hawiye iyo kuwa kaleba), dadkuna wuxuu ka
shaqayn karaa wuxuu aaminsanyahay inay maslaxadiisa tahay, hadayna jirin dan
guud ahaaneed oo laga wada shaqeeyaana, dee nin walba humuum u gaar ah ayuu
leeyahay. hal su,aala way mudantahay in laga jawaabo, taasoo ah:
ka warama hadii nin ree Somaliland ah habar wacdo
oo yidhaahdo ree soomaligalbeedoow ama soomaali waynay igu taageera igalana
shaqeeya gooni isu taaga Somaliland?? ! jawaabta dabadeedna waxaa mudan in
su,aal kale laga jawaabo oo ah dalka ogaden oo soomaaliya ka go,an ayaan
xoraynayaaye somalilayney iyo soomaali wayneey igala shaqeeya?? Waxaa laga
yaabaa dad badan inay farqi u kala yeelan waydo, muhimaduse waxaa weeye hadii la
rabo in soomaali laga iibiyo qadiyada si dhab ah waa in loogu sheegaa inay
woxoodii tahay, taa macnaheeduna ma aha in goday iyo qabri dahare, iyo
dhagaxbuur dimoqraafigeedu isbadali oo dadkale soo dagi, ee sideeda unbay ahaane
maxaa lala cabsanayaa oo la ilaashanayaa waa yaabe.
sababkaa kawniga ah waa qasab in lagu dhawaaqo
isagoo run ah si soomaali loo cabsiiyo qadiyada, aduunka oo laga gadaana
albaabka soomaalida ayaa loo marayaa, qadiyadaha lamidka ah soomaali galbeedna,
shucuub ayaa beecisa dawladahoodu xaataa haday diidaan. kashmiir sanduuqa
lacagta loogu uruuriya mujaahidiintooda wuxuu yaalaa masaajid, dukaamada iyo
suuqyada baakistaan oo dhan dawladoodu waligoodba ha la dagaalanto, sababtuna
waxay tahay waxaa la cabsiiyay inay qadiyadoodii tahay. falastiin sidoo kale
carab unbaa qasab ku taageerta iyadoo dawladeheedu cadaw u yihiin , sanduuqyada
lacagta loogu aruuriyana anaa ku arkay labada xaram iyagoo horyaala, oo uu
naadinhayo wiil aan falasdiini ahayn !!!. sababtuna waxaa weeye tasriixaadka
falasdiiniyiinta oo cabsiiyay aduunka inay qadiyadan iskaleeyihiin carab iyo
muslimiin, nin walboo leh labadaa tilmaamoodna waa ku qasbanyahay waxaa uu iska
leeyahay inuu ka shaqeeyo, ugu yaraan u duceeyo, dhulkina wali falasdiin ayaa
dagan masaari iyo urdiniyiin ku haysatoo leh waan idin la leenahay ee qasa
waxnaga siiyana ma jirto!!!
�
badeecada oo la beeciyaa waxay u
baahantahay in weel qurux badan lagu rido, aduunkuna dacaayada lacagta ugu badan
ayuu ku bixiyaa, oo waliba gaaladu gabadh quruxbadan ayay wax walba ku
dacaayadeeyaan!! taa macneheedu waxaa weeye, in qofka hawsha beecinaya uusan
lahayn iin lagaga cararo ama laga urin karo, qabyaalad,been, diin la,aan iwm.
isagoo intaasoo dhan ka fayoow waa inuu soomaalida si dhab ah oola xaajaystaa,
waxaa jira dadbadan oo jecel inuu dadka uugaamo laakiin dusha ku wata wixii
lagaga didi lahaa, ha ogaado ama yuusan ogaanine. waxaase muhiim ah intuuna
dadka u dhawaaqin inuu is qooraansado bal inuu heeryo ama qobtolo lagaga dido
wato iyo in kale, macalinkuna waa kuu yidhi:
war geelii dudada jeexayee dibadahaw yaaca.
Ninkasoo dabaalya leh miyaa saama daba jiida.
�
raga badeecadaa iibinayaa waa inay
noqdaan niman soomaali kala xigin, xuduudna aan aaminsanayn, go,doon ay
isgaliyeena aan ku jirin, tusaala ahaan ururada soomaaliya ee la baxay (sss)
sababaha uu mid waliba isagoo sheeganaya inuu soomaali badbaadinayo la jabay
waxaa weeye, (s)ta, ayaa ka been ahayd. go,doon uu isagu isgaliyayna waa ku
jiray, (usc)dayrka hawiye ayaa lagu xidhay waligoodba soomaali ayaanu
xoraynaynaa ha dhahaan(snm) sidoo kale isaaq (spm)sidoo kale absame,iwm. midna
ma guulaysan maxaa yeelay, mabda,a go,doonka ah ee uu isgaliyay ayaa
go,doomiyay, taariikhdana way ka bexeen, tajaarubtaa dad aaminsan ayaa jira
sidoodiina sheeganaya shacabwaynaha soomaali galbeed inay xoraynayaan, dadkuna
ma indha beeline wax waa garanhayaa.
Tajrubada kale waa mujaahidkii soomaaliyeed alaha
ka raali noqdee sayidmaxamad cabdala xasan, waxaa laga wariyay, inuu qabiilka
(akishaha) la yidhaahdo oo aslaax qiima badan ku lahaa banka jigjiga uu u tagay
isagoo ka gadaya mabaadi,dii dhaxalgalka ahayd ee uu aaminsanaa, wuxuuna ka
dalbay inay halganka taageeraan, saldhigna ay u sameeyaan, su,aal ayay
waydiiyeen ah dadka aad xoriyada u rabto isaaq ma ku jiraa?? Wuxuu ugu jawaabay
alamagane haa!!.
Waxay yidhaahdeen ilaahayga buuraha iyo dhagaxa
saaray uga roonaan mayno ee naga tag, geeraaradii taariikhiga ahaa ee uu u
tiriyay waxaa ka mid ahaa :
Akishooy idilkaa, intii aad ururtaan, arintayda ma
yeeli, aslaaxdaydun ku faani, iyo arladaa aydun sheegan, ubadkiina wax laaya,
umad aydaan arkaynin, isticmaar ma ka yaabi, oo akishoy idilkiin, intii aad
ururtaan arintayda mayeeli!!.
Markay diideen taladiisii ayuu gabay
iskusamirsiiyay oo uu yidhi:
Duq gaboobay oo ooyi, oo gibirra loo haysto.
Gujir wiila, oo labada garab, gaala kala jiidan.
Hadii uu gar yeeshana, rasaas gawda laga saari.
Gaaladu markay idin dishaad garani doontaane.
War hooy iga guntada hadalku waa lagama guuraane.
Waxaan uga goleeyahay ninkaasu nin is go,doomiyay
ma ahayn oo reer hebel isku xadiday, labada reer ee uu u kala dabqaadayo,
maslaxadoodana raadinayo, wuxuu u arkayay dadkiisii!!. sidaasuuna badeecadiisii
ku hirgashaday, ninkaan tubtaa gaadhiga ku kaxayn karinoow, ha isdaalinine, iska
naso, intaan laguu gabyin.
Sadexdaa qodob maanta ha inoo joogto, sheekadana
badhbaa hadhay, alle haduu idmo aan dhamays tiri doono.
Waxaan saxay, alle tawfiiqdiisa ayay ka ahaatay.
Waxaan qaldayna naftayda iyo shaydaan ayay ka
ahaadeen, alle iyo rasuulkiisuna baribay ka yihiin.
Allena ha u naxariisto ninkii ceebahayga iisoo
hadyeeya.
Wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
Qore/dr c/raxmaan aw cumar (abuu cabaas almadani)
burjabis@hotmail.com
Akhri:
soomaali galbeed ma
xoroobi doontaa?
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Jun 3, 2007
|