Beesha Faqi-Muxumed ee North America oo Shir
Jaraa'id Qabtay:
June 2, 2007: Shir Jaraa'id oo uu maanta qabtay Af-hayeenka Beesha
Faqi-Muxumad ee North America Md. Maxamed Ahmed Sahal ayaa si wayn u
Cambaareeyay qoraal kasoo baxay shabakad Internet ah, taasoo sheegtay in
Beesha Direed ay ku shireen Hotelka Paradise ee Magaalada Muqdisho, kaasoo
socday mudo 3 sedex bilood ah, qoraalku waxa uu inkaa kudaray in shikaa ay
kusoo afjareen doorashooyin ay ku doorteen Boqor, Gudoon iyo 73 xubnood.
Afhayeenka beesha ayaa waxa uu sheegay in Shirkani uu yahay mid been abuur
ah oo sal iyo raad toona aan lahayn.
Shikan Jaraa'id ayaa waxaa uu ka dambeeyay shir wayn oo ay isugu yimaadeen
Culumaa'udiinka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada Beesha Faqi Muxumed
ee North America.
Shirkaan ayaa waxaa lagu gorfeeyay Arimo kala duwan oo ay kamidtahay
Qoraalkan been abuurka ah ay soo qoreen shabakadaha wararka,
Shirkan Jaraai'd ayaa waxa uu u dhacay sidan.
Anigoo ku hadlaaya magaca beesha Faqi-muxumad (Surre Dir) ee North Amerika,
ahna Afhayeenka Beesha Md. Maxamed Ahmed Sahal waxaan shaaca ka qaadayaa in
aan laqaban wax la yiraahdo shir wayne ay isugu yimaadeen Beesha Direed.
Waxaa jira niman calooshood u shaqeyste yaal ah oo qoraalada noocaan oo kale
ah siiya wargeysyada si ay aqoonsi aga helaan DFKMG ah, kaasoo u
Diyaargaroobaayo qabasha Shirka Dib u heshiisiinta Qaranka uu madaxa u yahay
Md. Cali Mahdi Maxamed.
Shirkan maanta aan halkan ku qabanay waxaan ka soo saarnay 3 Sedexdaan qodob
ee hoos ku qoran.
. In aan laga been abuuran Beesha Faqi-Muxamed !, Beesheena waxay
cadaynaysaa in aysan ka qeybgalin shir lagu qabtay Hotelka Paradise.
.In aysan beesha direed u dhamayn shirkaa lasheegay in laqabtay, balse ay
jiraan koox yar oo rabto in ay afduubaan magaca beesha direed, taas oo
abuurikarta kala fogaashaha beesha direed, wiiqaysana dadaalkii loogu jiray
midnimada beesha.
.In ay Beesha faqi-muxumad diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan beelaha kale
ee direed ficil kasta oo daacad ah oo keenayo midnimada iyo horumarka
beesha.
Qore: Afhayeenka Beesha Faqi Muxumad
Mohamed ahmed sahal
kalsahal@hotmail.com
June 2, 2007


|