SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


YAA DUMIYAY MAAMULKII MAXKAMADAHA??? Baraarujin qaybtii 8aad

Qore: C/raxmaan C/laahi
waaislaamaah@hotmail.com

Waa badan yihiin Dawladihii ama dadkii ka dambeeyay duminta maxkamadaha laakiin waxaan ku soo gaabinayaa,sidatan:-

  • 1- Dawladaha ka aan ku bilaabo Maraykanka,Ingariiska, Itoobiya,Ugaandha iyo Kenya,si gaar ah madaxweynayaashooda wadamadaas, Bush,Tony Blair,Sanawi, Yoweri Museveni, iyo Mwai Kibaki.
  • 2- Maskaxdii loo wakiishaday duminta Maxkamadaha Ambassador Jendayi Frazer
  • 3- C/laahi Yuusuf Axmed iyo la taliyaashiisa.
  • 4- Cadde Muuse iyo la taliyaashiisa.
  • 5-Daahir Riyaale kaahin iyo la taliyaashiisa
  • 6-Cali Maxamed Geedi iyo la taliyaashiisa.
  • 7- Barre Aadan Shire [Barre Hiiraale]
  • 8- Ismaaciil Max'ud Hure Buubaa.
  • 9- Maxamed Darwiish(Taliyaha Jaajuusiinta Soomaaliya)
  • 10- Xuseen Caydiid
  • 11- Salaad Cali Jeele
  • 12- Nimankii Ashahaado la dirir.
  • 13-Safiirka Mareykanka u fadhiya Wadanka Kenya Micheal Ranneberger
  • 14-Safiirka Mareykanka u fadhiya Wadanka Ethiopia Vicki Huddleston
  • 15-Safiirka Soomaaliya uga wakiilka ah Midowga Afrika iyo Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo
  • 16- Iyo dhamaan inta dadkaas aan soo sheegnay ku taageeray qorshahooda.

Hadaba lix bilood oo ay Gaalo iyo Muslinba qireen wanaaga ay sameeyeen maxkamadaha maxaa loo dumiyay?

Waxaa nagu filan hadalkii ilaahay:- Waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Eebe afkooda Eebana wuu diidi dhamaystirka nuurka mooyee haba naceen gaaladuye. At-tawbah aayada 32.

Sidoo kale Alle wuxuu yiri:-Kaama raali noqdaan yahuud iyo Nasaara intaad ka raacdo diintooda, waxaa dhahdaa hanuunka Eebaa hanuun ah, hadaad raacdo hawadooda intuu kuu yimid cilmi ka dib, kama heshid xagga Eebe sokeeye iyo gargaare(midna).Al-baqra aayada 120

Sidoo kale wuxuu yiri:- Kama tagaan gaaladu inay idinla dagaalamaan intay idinka celiyaan Diintiina haday karaan, ruuxiise ka ridooba diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah kuwaasi waa kuwo bura camalkoodu adduun iyo aakhiraba kuwaasina waa naarta Ehelkeeda, wayna ku waari dhexdeeda. Albaqra aayada 217.

Waxuu Alle noo sheegay waan fahanay gaaladuse hore maxay u yiraahdeen, labadaan tusaale ee soo socda ayaa nagu filan. 1-Galaadistoon oo ahaa ra,iisal wasaare hore ee ingiriiska wuxuu yiri:Qur,aankaani inta uu gacanta Muslimiinta ku jiro, reer Yurub awood u yeelan maayaan inay dunida islaamka qabsadaan.

2-22kii maajo 1952kii wargeys uu lahaan jiray xisbiga shuuciga oo maalinle ahaan jiray kana soo bixi jiray Asbaakhistaan waxaa lagu qoray hadaladaan:-Marnaba waxaan dhici karin in shuuciyadu hir gasho ayadoon islaamka dhamaan la tirtirin.

Waxaa jira Arimo iyo qorshayaal naloo dejiyay iyo kuwa kale oo soo socda, waxaase soconaya Arimaha Alle. Alle Quraankiisa wuxuu ku yiri:-Eebaana u adag arrinkiisa,laakiin badida dadku ma oga.suuratu yuusuf aayada 21

Alle Quraankiisa wuxuu kaloo noogu sheegay:-Qofkii ka cabsada Allaah isagoo adeecsan(adeecsanaan ah in uu ka joogo qofka denbiyo iyo camallo xun oo dhan,oo gutaa lana yimaado camallo wanaagsan oo suuban) oo samra, marka hubaashii, Alle ma dayaco ajarka samaan falayaasha. Suuratu yuusuf aayada 90.

Marka dhibaatooyinka nasoo gaaray aan ku sabirno, Ibnu Cabaas wuxuu yiri:waxaa laysku imtixaani shar,dhibaato, barwaaqo,caafimaad,cudur, hodan,saboolnimo, xalaal.xaaraan, macsiyo, hanuun iyo baadi.

Alle Quraankiisa wuxuu noogu sheegay:-Kuwa xaqa rumeeyow ha ka yeelinana saaxiib(hoose) wax idinka soo hadhay, kuma gabood falaan fasaadintiina waxayna jecelyihiin dhibkiina , waxay ka muuqataa cadhadu afkooda, waxay qarsan laabahoodu yaa ka weyn, waana idiin cadaynay aayaadka hadaad wax kasaysaan. Suurat aali-cimraan aayada 118

Waxaa la sheegay in Cumar binu khadaab lagu yiri: waxaa jooga wiil gaal ah oo wax qora ee maad qoraa ka dhigatid markaasuu yiri: mawaxaan ka dhigtaa saaxiib hoose. Waxaa maanta ku dhacay muslimiinta duli iyo ka la tag ah waa markay gaalo saaxiib moodeen, iyaguna colloobeen oy qaybsameen.

Dardaarankii Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo wali taagan, waxaa kaliya oo garan kara qofka caqliga u saaxiibka ah, doqonse moog waxa laga hadlayo wuxuuna yiri:-

Dadoow maqal dabuubtaan ku iri, ama dan how yeelan.
Ama dhahoo darooryiba jiryaye doxorka yeelkiisa.
Nin ragay dardaaran u tahay, doqon ha moogaado.
Dow lagama helo Gaal hadaad, daawo dhigataane.
Waa idin dagayaa kufriga, aad u debcaysaane.
Dirhankuu idiin qubahayaad, dib u goysaane.
Marka hore dabkuu idinka dhigin, dumar sidiisiiye.
Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine.
Marka xiga dalkuu idinku oran, duunyo dhaafsadaa e.
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye.
Mar hadaan dushii Adari, iyo Iimey dacal dhaafay.
Maxaad igaga digataan berruu,Siin la soo digaye.

Sidoo kale wuxuu yiri:-
Ha,i tiri horaa rag ugu lumay himiladoodiiye.
Hawadooda beentaa ayay hebello eedeene.
Waxay hoosta gaal ugu jiraan inuu hiishaaye.
Isna inuu halaaguu rabaa hogob ka tuuraaye.
In u hor kacaa Naarta iyo holacyadeediiye.
Hunguraa u geeyeye anfaco hooya muu orane.
Hantidooda inuu dhoofiyaa haabka ku hayaaye.
Oo waliba uu ugu hanjebi dhiifna ku hadlaaye.
Ay hoos indhaha ugu rogaan sida haweenkiise.
Habaarbaa ku biiriyo cuqubo waalidoo hore e.
Inuu haysto mooyee wax kale show umay harine.!!!!

Hadaba aan iska ilaalino, in cadawgeena uu naga faa,iidaysto, si gaar ah waxaan ka digayaa in uu isku kaayo diro, waxa laga shaqaynayaa in Soomaali layskugu diro qabiil qabiil,Abuu hurayrah A.K.R. wuxuu yiri: Nabiga S.C.W wuxuu yiri: Qofkii hub noo soo qaataa nagama mid ma,aha sidoo kale qofkii na khiyaama nagama mid ma,aha.

Sidoo kale Abuu hurayrah A.K.R. wuxuu yiri: Nabiga S.C.W wuxuu yiri::qof waxaa shar ugu filan inuu yaso walaalkiisa Muslimka ah. Waxaa weriyey Muslim

Ugu dambayntii bishaaro ku socota inta la dulmiyay iyo kuwa la dulmin doono, Illaahay wuxuu quraankiisa ku yiri:- Ha umalayn in Eebe halmaansanyahay waxay fali daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagmi dhexdiisa indhuhu.

Marka kuwa dulmiga samaynaya ama Adduunyada ayay ku heli doonaan waxay kasbadeen, ama Aakhiro, Alle ayaa mahad u sugnaantay Adduun iyo Aakhiraba.Illaahay waxaan ka baryaya inuu xaqa nagu sugo Aamiin,Amiin,Aamiin.

Qaybihii hore ee qormadan halkaan ka akhri.....

Qore: C/raxmaan C/laahi
waaislaamaah@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com