SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gabay "guubaabo"

Mohamoud Abdilahi Rooble
email: saylacnews@yahoo.com 

Gabaygani wuxuu soo baxay Jun,22,2007 Wuxuuna Taageerayaa Maansadii  Roda X. Misan ay ka tirisay Shirka Awdal ee ee Waqooyiga Amerika waxaana tiriyey Abwaan Mohamoud Abdilahi Rooble  Maanso quruxbadan ayey Rooda ka tirisay shirka Jaaliyada Awdal ee Qawooyiga Ameerikaku dhaqani  ku lahaayeen Magaalada Meniapolis ee Carigan Mareykanka. 

Abwaabku isagoo dhiirigalinaya Rooda Maansadeedii Wuxu yidhi: 

Guubaabo gabaygii ahaa  garasho weeyaane 
Guux buu la soo baxay arlada geli wanaagiiye  
Geeraar da'weyn oo la hubo mudan garaadkeed dheh 
Gororkii murtidu ay lahayd gabagabayntii dheh 
 
Dabaylaha gugii soo wadiyo gugac sidii dheh 
geeraar la hubo buu haa waan garwaaqsadey e 
Gorgor xaytey geenyada gilaman haadka galawlayni  
Gaax soo baxaysiyo murtida guudka loo dabay dheh 
Godol waayo reeruhu sugeen gorof ka buuxeed dheh 
Gidigood haweenkaba hadaad gees iskugu keento 
Erayadan garaadkoodu muu gaadhin waligiise  
Guncad caano laga maalay iyo gabay wanaagiisdheh 
Garaaraha ku yaalan arkaa waa gayaan wacane 
Gabalkoo dhacaayiyo aduun muuqa galabeed dheh 
Jidhkaa iwada  gariiree wanaaag gabi ahaantiidhe 
Golihii  habaasweyne iyo jidhi garooceed dheh 
 
Xareed laas gundhow laga dhamiyo gaaxo hadalkeed  dheh 
Galey reero beerteeb diraac garani maysaane 
Hadhuudhkoo guntii wagac tidhiyo guuskoo baxay dheh 
Geedweyne laamuhu gunteen   waa gahayr baxaye 
Giirqaarka layskuma  wacee  gibilcad muuqeed dheh 
Guntin hadalku uu leeyihiyo eray gobaadkii dheh 
Kuma foofto geyr laasimee geedi socodkii dheh 
 
Gaadaaf gartii loo dhigiyo, gogoldhigeedii dheh 
Geesiyaal dagaal lagu ogaa, goolka loo qalay dheh 
Gawriir tilmaan dhaaftey iyo gudasho xoogweyn dheh 
Gurcud-dama dadkoo taagan madaw gabal ku soo fooleh 
Oo muuq garaaracan watoo uunka wada gaaray 
Oo gudub u kala baxay falaadh geeskastaba geeyey 
Ilays gurux sidiisii socdiyo guuyo sharafeed dheh 
Gaalaadhi karantoo huftidhi gubankii hoosaadheh 
Ganacsade macaash buuxsadoo farax la geygeyleh 
Guule mahadii weeyee dareen soo gadaad baxaydheh 
 
 
 
Galbeed sharafta lagu oogay iyo Awrdil garabkeed dheh 
Galbiskii wacnaa iyo  gadii awdal Gacalkeed dheh 
Gudin xumaha goysiyo wanaag guudka loo dabay dheh 
Guutooyin gulufkay wadaan guux ka soo baxaydheh 
Gabagabo murtidu leediyo guulo  xeel sida dheh 
Ganbo dumarku way wada xidhaan goor iyo ayaane 
Tixo gaamuroo lagu ogaa gacalkay raadkiis dheh 
Waran geesi tuuriyo gamuun ganid waxsaarkeed dheh 
Gudbin xoogleh oo lagu  ridalay goodir geed galay dheh 
Gaadiid wax qaadiyo amuur  Awr isgarab joogta  
Oo gaafka socodkay wadaan geedi loo rarayo  
Talaabada markay wada gudbaan waa gudoon kale e 
Gooh kama baxee waxay socdaan gabaldhacweeyaane 
Hadii geesigii waday colaad lagu gax siisiiyo 
Oo qaar u sii galay gundigu weerar gabaxsiiyo 
Dibu gurasho loogama fadhiyin waa guhaad jira e 
Waa inuu guntiga giijiyaa  guuldarow darane 
Hogaankii u saarnaa garbaha geedka sare saaro  
Ilaa uu ka go'o weyna gedin gorayacawshiiye  
Adiguna gadeedaad tahiyo guri ardaagiiye  
Gadabuursi waa lagu ogaa gacalwaniigiiye  
Iyo geesiyaal aan aqoon geeri baqadkeeda  
Gartaa weeye maantana inaad geed iskugu keentid  
Gartaa weeye inaad gaariyahay halo garwaaqsiisay 
Gar islaam ayaa wada lahoo guule ugu deeqye 
Gartaa weeyi inaad guurtidii erayo gaadhsiisay 
 
 
Gada kale hadaan sii guroon gaadho hadafkeeda 
Oon erayo gaashaaman  rido waa gadaan rabo e 
Haduunbuu sidii geel irmaan soo garwaaxsadey e 
Gariguba markuu daaq yidhaa hawd iswada gaadhay 
Kama goosto geedaha dhulkee boodhku garab yaale 
Laamaha la gaadhayn ayuu garab istaagaaye 
Guudkuu ka daaqaa midhaha gooriyo ayaane 
Ana gabayga waan kala guraa sida garaadkiiye 
Goos-goos ayaan ugu qoraa loox igarab yaale 
Goortu aadmi wada seexdo ee guuxu kala guuro 
Ayaan gooni ula soo baxaa hadal la gaadhaaye 
Isagoo gudoon wacanabaan kala gun gaadhnaaye 
Sida aar la ganay waa inaad guuxdo abidkaaye 
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid 
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogaduye 
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane 
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye 
 
 
Nabsi wuu gudaa mabase guuro abadkiiye  
Ruuxii gaf kaa galay isagu wuuna garanayne 
Gocashada xanuunkaleh xusuus waa gadaan qaba e 
Hadii reero geestaada yaal la isla garan waayo 
Gujadiyo haday kugu hayaan eex isgarab taala 
Oo galbeed kuwii lagu ogaa dhibi ay soo gaadhay 
Intaan geeb qaxwa ah laga helayn reero gabigoodba 
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid 
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogaduye 
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane 
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye 
 
 
Sidii geesi hiilwaayey oo gacaladuu haystey  
Iyo gabankii uu maali jiray ee uu garab joogay 
Intay niman colaad goobayii waramo guudsaartey 
Garbaduub intay hoos wadheen geedka dacalkiisa 
Oo biri magaydii caruur gacaladii laayey 
Kala guuray maalkuu lahaa guri ba weeyaane 
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid 
Waa inuu ku gaadhaa xanuun geeskastow baxaye 
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane 
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye 
 
 
Sida Calanka guudkeena sudhan ee aad garanaysid 
Oo gayiga uu yeelan jiray lagu guboo qiiqay 
Oo gobolkastaa goonidii dhibi u gaadhayso 
Oon garan dhibtey soo wadiyo magacan guuraaya 
Oo xabashi gaalihi damceen badahan guuxaaya 
Geeskastaba ka eegoo wanaag laisku garan waaye 
Markuu geedkastaa ololobay Guule baridaaye 
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid 
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogaduye 
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane 
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye 
 
Sida gaari wacanoo qurxoon oo lawada goobo 
Oo guudka dabatoo indhuhu kaba go'ayn muuqa 
Oon garan waxay damacsantahay gooni socodkeeda 
Gadaa waxay guyaal sii wadaba way galaalaxane 
Dhabankeedu goortuu gudhay garan wanaagiiye 
Guurkana Ilaahbaa baxshee gaadhin calafkeedu 
Oon gama an ladin oon lahayn gacal u yeedhyeedha 
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid 
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogaduye 
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane 
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye 
 
Sida ruux jacayl gubay naftii oonan garab haysan 
Oo goorta uu garab yimaad ruuxu garanaayey 
Nafta gucashadeediyo hamigu aanu kaba guurin  
Oo hadalka guudmara markuu gacaladii eego 
Hayeeshee indhaha galaclihiyo uurku gabanoobey 
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garanin 
Geeraar wanaagii hadaad abid u guuxaysid 
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogaduye 
Galiiyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye 
 
Gundhiciyo ujeedada hadaan hoos ugarab raaco 
Oon geeyo goluhuu lahaa lagu garqaadaayey 
Walee gabayga aad sheegtey waa midho gobaadkiiye 
Geeraar haboonbuu ahaa uunka wada gaadhye 
Gobtii liicday oo soo kacdiyo waa garaad sare e 
Waa gaax qarsoonayd murtida garabdhigeediiye 
U galaashay odayada hortey gabayo waaweyne 
Geeraar wanaagii hadaad abid u guuxaysid 
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogaduye 
Galiiyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye

Mohamoud Abdilahi Rooble
© saylacnews
email: saylacnews@yahoo.com 

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com