SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxawawyne Cade Maxuu kaga duwan yaha jebintii qodobka 34.1

Qoraa Sare C/risaaq Sheekhaduun Boosaso
sheekhaduun@hotmail.com

is xaq dhowrka iyo wada tashiga ayaa ahaa kuwa guusha u soo hoyey dunida maanta.Iyadoo aqoonsiga sharafta uu ku dhashay iyo xuquuqda maguurtada ah ee ay u siman-yihiin dadweynaha adduunku uu yahay saldhigga xorriyada, caddaaladda iyo nabadda dunida. aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada sharcigu ay ka dhasheen falal waxashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka danqato iyo iyadoo gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan xornimo ay ku cabbiraan fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo iyagoon qabin cabsi iyo baahi, laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada ugu weyn ee uu dadku leeyahay.


Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji

Hadaba madaxawawyne Cade waxauu si ugu tuntay sharcigii Golayasha Degaanka ee dhigaayey in ay Golaha degaaku u madax banaan yihiin qof ay iska soo xulaan iyo kay xilka ka qaadayaanba waxu kaloo garab maray qodobka 3aad ee baaqa Caalamiga ee sida u dhigaayo

Waxaan xusuusanayanaa jebintii qodobka 34.1 ee Dawladii cabdulaahi sanadkii 2001-dii. Waxaa soo butaacayaa sidii dadku uga dhiidhiyeen in la jebiyo sharciga. Maanta maxaa dadku u kici layahay oo banaanbaxayo u samayn la yahay hadii sharcigii qodoba ka mid ah la jebinayo. Aaway dadkii banaan bixi jiray, aaway kuwii taayiradda gubi jiray, aaway kuwii qoraaladda daadin jiaray.

Puntland waxay maanta ka bixi ladahay qodobo sharci ah loo jebiyo sow markaa laga doon dooni maayo dadweynuhu inay kacaan oo amnigu xumaado. Waa la arakaa sarifka dollarku halkuu marayo. Awey ragii 2001dii seexaan waaga ku riday haweenka iyo ciyaal oo Ciidamdii Maryo Calasta soo dhoobay suuqyda Boosaso kuwaasi u muuqday kuwa difaacyey sharciga Puntland hankoodu ma waxuu ahaa in ay hantiyaan oo keli ah shirkada Jiriifta xeebaha Puntland mise in ay helaan Meqaano dawalada ka mid ah oo waxaa dhibaayey ka marnanta dawalda.

Madaxwayne Cade Muuse Laftiisa ayaa u muuqda nin aan si qoto dheer uga warqabin waxa dalkaani soo maray ka sokow dagaalkii ahliga ahaa uu la galay Cabdulaahi Yuusf taasina waxaay keentay in aan si dhab ah uga war helin dareenka shacabka iyo doonistiisa intaba , haduu heli lahaa xogo yar oo ku dabiibo maamulkiisa u si ugu cimri dheerado waxaa hortagaan kooxaha DawaariQa oo ah Rag isu bahaystay oo U badan beeshiisa oo naftooda ku quudaya khiyaali aan meel gaarin si ay cadaalad xumo iyo sed bursi ku jaahwareeriyaan dalka lakiin marnaba aan ka fekerin karka shacabka halka u ku danbayn doono

runtii mudooyinkii u dabeyey qoraaladii aan qoray dhamntood waxay ahayeen kuwa la oran karo waxa ay si toos ah u abaarayeen halka Boogta ay kaga taal Maamulka Puntlanad balse uma muqdaan kuwa ka gaaray dubaaqii aan ugu tala galay inuu wax ku qaato

Maanta xaalku waa Kal iyo Ban qof walba waxaa ka saraan masuuliyad inuu difaaco jiritaanka Puntland waxaase leeyahay cidna qaadan mayso in si cad loogu tunto sharciga aan ku heshiinay Xagaagii 1998dii.

mise waxaa la qurux badanantay raga hataan ku xaydaaman qasriga madaxwanaha in dib loogu laabto xiligii SSDF oo aan boqolydii dekeda u kala qaadano beel beel iyo gobl gobl mise dhici doontaa in karkaar jiri doono hadiib ay dhacdo taasai

Isku soo wada duub waxaa muuqda qodob la jebiyaa inuu qoomamadiisa leeyahay

C/risaaq Sheekhaduun Boosaso
sheekhaduun@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com