ISDAAHIRINTA
MUSLINKA; SU´AALO IYO JAWAABO
Qoraa:
Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)
Email:
abdibashir@hotmail.com
ISBN:
978-91-976662-9-9
Tirada
bogagga: 116 bog
Soo baxay:
2007-07-01
Maxamed Xirsi Guuleed
|
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Ilaahay baa mahad leh. Nebi Muxammed korkiisa naxariis iyo
nabadgelyo ha ahaato. Intaa dabadeed:
Waxa soo baxay kitaab cusub oo
afsoomaali ah, kana hadlaya sida qofka muslinka ahi isu
daahirinayo. Kitaabkan waxaa loogu talo galay inuu noqdo qaybtii
labaad ee kitaabbo is daba socon doona oo ka hadlaya diinta
islaamka. Waxaa hore u faafay kitaabkii koowaad ee ciwaankiisu
ahaa; Caqiidada islaamka; su´aalo iyo jawaabo.
Qaabka kitaabkani u qoran yahay
waa hab su’aal iyo jawaab ah. Wuxuu ka koobanyahay 220 su’aalood
iyo jawaabahooda oo si kooban u dhigan . Waa hab xiiso badan oo
soo jiidan kara dareenka akhristaha isla markaana aan lagu
daalahayn.
Ujeedada kitaabkan loo qoray
waa in bulshada afsoomaaliga ku hadasha loo soo dhaweeyo
barashada iyo fahanka diinta islaamka.
”Isdaahirinta muslinka, Su’aalo
iyo jawaabo”, waxa ku qoran casharro koobaya axkaamta dahaarada
ee ay tahay in aanu moogaanin qof muslim ahi. Waa kitaab kooban
xaddi ahaan balse koobsanaya nuxur badan oo qofku u baahanayo
maalin kasta, noloshiisa oo dhan. Waxa uu u qaybsan yahay16
qaybood oo kala ah:
- DAAHIRNIMADU DIINTA WAA KA
BADH;
- AMUURAHA FIDRADA TOOSAN
- BIYAHA LA ISKU DAAHIRIN
KARO
- WEELKA LOO ISTICMAALI KARO
ISDAAHIRINTA
- NIJAASTA LA ISKA
DAAHIRINAYO
- GUDASHADA BAAHIDA MUSQUSHA
- ISKA DAAHIRINTA BAAHIDA
MUSQUSHA (ISTIJADA)
- WAYSO-QAADASHADA
- WAXYAALAHA WAYSADA JEBIYA:
- MASAXIDDA KHUFKA, DUUBKA
MADAXA IYO KABNIINKA
- GABAGABAYSI (BOODHAYSI)
- MAYDHASHADA IYO SABABAHA
KELLIFA
- JINAABADA
- DHIIGGA CAADADA (XAYDKA)
- DHIIGGA DHABAR FURANKA
- DHIIGGA DHALMADA
(NIFAASKA)
HADDII AAD RABTO IN AAD HESHO
LA SOO XIDHIIDH:
- Qoraaga buugga oo ah
Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir).