Barnaamijkii Radio Xoriyo
03 July
2007.
Caleen oo
ciidammada gumaysiga si wayn loogu jabiyay.
Dhibaatooyin ay
ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.
Ciidammada OLF oo gumaysiga askar ka laayay.
Barnaamijkii
Xog-Warran(Zenawi oo qirtay inay ku
khasaareen duulaankii ay Soomaaliya ku qabsadeen).
======================
Caleen oo
ciidammada gumaysiga si wayn loogu jabiyay
Wariyaha RX uga soo
warrama jiidda hore ee dagaalka ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr
ah oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada cadowga, gaar ahaan meesha
lagu magacaabo Caleen, oo Shilaabo ka tirsan oo darsin lama
illaawaan ah ciidammada cadowga lagu siiyay.
Markii ay
taariikhdu ahayd 29/06/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa cadowga ku
dhex maray Caleen, oo degmada Shilaabo ka tirsan, waxaa ciidammada
loogu gaystay jab aanu ka soo waaqsan Karin, waxayna ciidammada
cadowgu goobtii dagaalka kaga carareen 43 askari oo mayd ah, waxaa
sidoo kale laga dhaawacay 21 askari, hase yeeshee waxaa la filayaa
in khasaaraha dagaalkaas ka gaadhay uu intaas aad uga badan yahay.
Ciidammada gumaysiga ayaa deegaankaas hawlgal dadwaynaha ka dhan ah
u tegay, iyagoo ka kala yimid Shilaabo, Wardheer iyo Laasa-caano.
Markii jabkaas loo
gaystay ciidamadii cadowgu waxay u kala carareen meelihii ay ka kala
yimaadeen, hase yeeshee waxay ku gaydhadeen dadwaynihii deegaankaas
degganaa, iyagoo dilay seddex qof oo rayad ah, oo kala ah; Madiina
Diirshe Xirsi, oo 90 jir ah, Axmed Cabdi Dhuub iyo C/llaahi Macalin
C/raxmaan oo iyaguna ah waayeel ay u suuragali wayday inay
cararaan. Waxay sidoo kale gubeen Aqallo badan oo hantidii taallay
oo dhan ay ku gubeen.
Sidoo kale 29/06/07 dagaal CWXO iyo kuwa
gumaysiga Itoobiya ku dhex maray meesha lagu magacaabo Ija Labi-yar,
oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 29/06/07
dagaal isagumana ka dhacay Eegiyada, oo Dhagaxmadow ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay7 askari, 5 kalana waa lagaga
dhaawacay.
16/06/07 dagaal
sidoo kale ka dhacay Tantoomi, oo Dhagaxmadow ka tirsan, waxaa
cadowga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dhibaatooyin ay
ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.
Ciidammada nacabka
ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay
dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin.
29/06/07 kolonyo
baabuue ah oo ay wateen ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa Dalaad,
oo Qabridaharre ka tirsan, ku dilay nin shacab ah oo lagu magacaabo
Cabdi Khaliif. Markii ay ninkaas dileen waxay jeebkiisa kala baxeen
lacag gaadhaysa 100 Bir.
Isla 29/06/07 waxay
ciidammada cadowgu Karin Bilcille ku xidhxidheen dadwayne rayad ah
oo ay ka mid yihiin;
1-
Daahir C/llaahi Faarax
2-
Gurey Cabdi Muxumed iyo
3-
Maxamed Yuusuf Yaase
28/06/07 Raar, oo
Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen 10 Neef,
waxaan xoolahaas lahaa Aw Xasan Baddal Dhabeeye iyo Faarax
Ismaaciil.
27/06/07 Gosoley
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Sh Xuseen
Dhaga-sayn iyo
2-
C/llaahi Dheeg
3-
Isla 27/06/07 waxay
ciidammada gumaysigu Maramaydh si xun ugu jidhdileen nin lagu
magacaabo Cabdi Makhtal Diiriye, oo markii denbana la tageen, ilaa
iyo haddana aan laga warhanin meesh ay geeyeen. Waxaa isagana isla
maalinkaas la waayay oo la filayo inay la tageen Cabdi Cumar
Qabille.
20/06/07
Abaa-qorrow waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen oo qofkiiba
5000 oo Bir ka qaateen dadka kala ah;
1-
Maxamuud Qorane Mureec
2-
Dhux Qase Farxaan
3-
Faadumo Mahdi Maxamed
4- Dhuux Caydiid Aaden
5- C/raxmaan Axmed Dalab
6- Xaliimo Cabdi Nuur iyo
7- Hodan Maxamuud Kayd
08/06/07 magaalada Fiiq waxay
ciidammada gumsigu sidoo kale ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-
Maryan C/llaahi Cumar
2-
Faadumo Baddal
3-
Tamaad Abiib
4- Xamdiya
Mawliid
5-
C/llaahi Yare
6-
Sakariye C/llaahi Xasan
7-
Daahir Cabdi C/llaahi
8-
Cumar Maxamed Dalmar
9-
Gorod oo magaciisa buuxa aanaan haynin iyo
10-
Mooge oo isagana magaciisa oo buuxa aanaan
haynin.
Ciidammada
gumaaysigu waxay sidoo kale dad ku laayeen meel u dhaxaysa Garigo’an
iyo Shaygoosh, magacyadoodana waxaan idiin soo gudbin doonaa markii
aan helno.
Ciidammada OLF
oo gumaysiga askar ka laayay.
War ka soo baxay
ururka Oromada ee OLF ayaa sheegaya in Ciidamada Xoreynta Oromiya ay
khasaare lixaad leh u gaysteen ciidammada gumaysiga Itoobiya, ka dib
markii ay weerar ku qaadeen.
Warkan ayaa
sheegaya in Ciidammada Xoreynta Oromiya ay weerar ku qaadeen
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay meesha lagu agacaabo
Fulale, oo ka tirsan gobolka Boku, oo ku yaalla bariga Hararge,
markii ay taariikhdu ahayd 19/06/07.
Weerarkan waxay
ciidammada gumaysiga kaga dileen 20 askari, waxay sidoo kale kaga
dhaawaceen 10 kale. Ciidammada Xoreynta Oromiya waxay sidoo kale
weerarkan nolol kaga qabsadeen ciidammada gumaysiga 9 askari.
Waxayna kaga furteen in ka badan 10 Qori oo AK-47 ah iyo qalab kale
oo millatari.
03 July
2007
Axmed Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari