SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maraykanku ma booliiska soomaaliyaa !!!? 

Xasan Sheikh Axmed
xasan203@hotmail.com
 Laascaanood/somalia

Laascaanood:-  Run ahaantii dadka reer laascaanood  ayaa arbacadii iyo talaadadii mar qura kusoo baraarugay diyaarado inbadan laga sheegi jirey goboladda lajaarka ah laascaanood sida burco, hargeisa, iyo boosaaso hadaba diyaaradahan oo guuxoodu aad usareeyo ayaa marmarka qaarkood kusoconayay jawi hoose.

Dadka reer laascaanood marka aad wareysato ayaa qofba waxkuugu jawaabayaa adiga oo kadareemaya inaysan ku qanacsanayn waxaad moodaa labadii casho ee udanbeysay in ay ahaayeen waxa ugu hadal haynta badan dayaaradaha dul heehaabaya magaalada laascaanood ee xaruunta gobolka sool taas oo ay dadku kamuujinayaan wejigabax  .

Hadaba iyadoo diyaaradahan dadka intiisa badan qabaan inay leeyihiin Ciidamada Maraykanku hadana wax cadayna looma hayo , sidoo kale iyadoo diyaaradahan meelo badan oo kamida soomaaliya sida Somaliland puntland iyo koonfurta soomaaliyaba horey loogu arkay ayaanan la,arag cid sifiican wax uga sheegta ama ula jeedka dhabtaa ay leeyihiin sheegta iyo dowlada leh. waa yaabka yaabkiise tolow haduu maraykanku leeyahay waa maxay wejiga qarsoon ee uu maraykanku leeyahay !!!

bartamaha soomaaliya iyo waqooyiga soomaaliyana ma cismaan bilaadin ( usaama binlaadin) kay utiqiin soomaalidu ayaa kusoo dhuuntay goboladan .

sikastaba arintu ha,ahaatee dowlada maraykanka ayaan iyadu mowqifkeeda ku,aadan soomaaliya cadaysan iyada oo lashaqaysa dowlada gumaysiga itoobiya ee soomaaliya kusugan iyo dowlada kumeel-gaarka waxayna duqeysaa marba meeshay tuhmaad ka qabto ama degaan ha,ahaato ama daaqsine iyadoo goobo badan oo ay duqeysay aykuledeen dad rayid ah .

dowlada maraykanku waxay samaysaa duqeymahaa iyada oo aan cidna kala tashan tfg-duna aysanba ogeyn, oo waxaan xusuustaa mar diiyaaradaha maraykanku duqeeyeen gobolada jubooyinka oo lawaraystay madaxweynaha dowlada tfg-da uu kujawaabay ( waxaan ka maqlayay inwaxladuqeeyey idaacadaha ) tolow miyuusan ahayn madaxweynihii dalka , shacabka soomaaliyeed ayaa waxay isweydiinayaan dalka mawaxaa katalisa ama booliiskii soomaaliyeed iyo ciidamadii difaaca dalka ah maraykanka waa yaabka yaabkiisa marhadii dowladii dhexe ee xal dadka soomaaliyeed hownoqoto layslahaa ay booliis inooga dhigtey ciidamadda maraykanka .

waxan kusoo gabagabaynayaa “ maraykanku ma booliiskii soomaaliyaa!!!" 

 Xasan Sheikh Axmed

xasan203@hotmail.com

 Laascaanood/somalia

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com