SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

BAAQ KASOO BAXAY BEESHA GABOOYE

Ka dib markii uu ku geeriyooday Magalada Makka Al-Mukarrama Gudoomiyiihi Beesha Gabooye ee Qaaradda Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ciise Caabi(Saaqa) markey taariikhdu ahayd 28/05/07 ayaa Beesha Gabooye waxay gashay shir wada tashi ah. Afhayeenka Beesha Khadar Cismaan ayaa wuxuu xusay inay Beesha iyo Dhammaan dadka xaq u dirirka ahi uu ka wada geeriyooday Maxamed Ciise Caabi (Saaqa), wuxuuna ku nuuxnuuxsaday inay Beeshu ay sii horumariso halganka loogu jiro sinnaanta iyo cadaaladda iyo inuusan damin iftiinkii uu hormuudka u ahaa Marxuum Saaqa.

Haddaba shirkii ay Guddiga Dhexe ee Beesha Gabooye ku yeesheen Xarunta Beesha ee magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa waxaa in badan looga wada hadlayey aayaha iyo mustaqbalka Beesha iyo hogaanka ay yeelanayso Beeshu.

Haddaba waxay Beeshu isku afgaratay in Khadar Cisman oo ahaa Afhayeenka Beesha si kusii meel gaadh ahna usii hayey Xilka Gudoomiyaha inuu Xilkii Gudoomiyanimo si rasmi ah ugu wareejiyo Mudane Naasir Maxamed Ciise laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 01/07/07.

Laga bilaabo taariikhdaas kor ku xusan ayaa Mudane Naasir wuxuu ku hawl gali doonaa Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Sidaa daraadeed waxaan ogaysiinaynaa dhammaan Beesha Gabooye meel kasta oo ay joogaan inay nala wadaagaan farxadda, macabidda Naasir.

WADA SHAQAYN WANAAGSAN
WABILLAAHI TAWFIIQ
gabooye.org99@hotmail.co.uk 
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com