SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxamed Dheer : Maxaa ka Guuxaya?. 

W.Q. Cabdishakuur  Mire Aadan(cobol)
Cobol319@yahoo.co.uk      Cobol319@hotmail.com 

Sida lagu yaqaan  xubnaha ugu cad cad DFKM ah  ayaa inta badan ka dhawaajiya inaysan jirin  cid Mucaarad ku ah Dawladooda. Waxay sheeg sheegaan Argagixiso caalim ah,  Haraagii Maxkamadaha.Hase yeeshe hadal ay Saxaafadu ka soo werisay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Magaaladda Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) ayaa noqday hadal ka duwan hadaladiisii  lagu yiqiin isaga iyo Ragga ay siyaasadda jaalka ku yihiin.

Dadka  sida qotada dheer u Qooraansadda Siyaasadda halka  IL leh ee DFKM  ayaa la yaabay hadalka Maxamed Dheere ee tibaaxayey In  Dadka dagaalamayaa la hadalaan DFKM. Macnawiyan wax badan ayaa la iska weydiinkaraa hadalkan  Duqa Magaaladda waxaa lagu sii adkaysan karaa maxaa iska bedelay siyaasadii hogaamiyaha  Gobolka Banaadir. Dadka dagaalamaya ee uu Maxamed dheere sheegay waa kuwa DFKM ahi u taaqan Argagixiso iyo dawladiidayaal 

Hadalaka  Maxamed Dheere ayaa la dhihi karaa  inuu biloow u yahay furfurnaasho siyaasadeed oo ay qabaan musuuliyiinta  sida aadka ah u taageera DFKM  ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye. Waxaa hadalka Duqa Muqdisho loo bayaamin karaa af diblomasiyadeed oo lagula hadlay Kooxa Kacdoonka ka wada Magaaladda Muqdisho ee ku Abtirsadda  Hawiyaha. waa oraah sarbeebeed lagu iftiiminayo hadalka Maxmed Dheere in la wada hadlo iyadoo la abaarayo xaqiiqooyinka  dhabta ah ee ka jira  Casumadda Somaliya ee Muqdisho.

Dad badan ayaa kalsooni ku qaba hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir inuu yahay  biloow Talaabo wanaagsan oo loo qaadi karo dhanka isfahamka, Maxmed Dheer wada hadalada ayaa xal ugu muuqday , waxaa la oran karaa waxaa damqay isaga maalin walba dhimashada iyo dhawaca Shacabka aan waxba Galabsan oo ay galaafanayaa rabshadaha  loo maarawaayey ee ay hormuudka u yihiin kooxaha diidan  dawladdaa uu gacansaarka xooga ah la leeyahay. Dadweynaha waxyeeloobaya ayaa badankood la hayb ah marka la eego madaxda akhiro sabaanka soomaaliyeed ee qabyaaladu madaxmaratay waxaa la xaqiijinayaa  haday qabyaaladu damqayso quluubta madaxda Hawiye in dhibaatadii dagaalada Muqdisha ka dhacday Naf iyo Maalba ay 95% galaafteen  Beelaha Hawiye dad ku abtirsada. Abbe ayaa kuwaayey sadexdii wiil oo uu dhalay, hooyo ayaa saygeedii iyo caruurteedii ku weyday Dagaalka, maxaa Maal ku burburay..

Marka xalku noqday in la wada hadlo ayaa la isweydin karaa maxaa ka Guuxaya Maxmed dheere? Ma waxaa ka guuxaya in la helo Nidaam lagaga  Gudbo is mari waaga Taagan. Mise  waxaa ka guuxaya in xalku siduu yahay hadda weligii ahaado. Ma waxaa ka Guuxayaa inuu sameeyo nidaam Dawlad Goboleed la mid ah kan  Puntland( heshiisya caalami  gashay, horumar iyo amni sameyo) si uu dadkiisu  u higsado horumar?.Mise inuu weligiis dadkiisu ahaado kuna jiraan is ximin qoloqol ku salaysan iyo nidaam daro?. Ma waxaa ka guuxaya Haweenka Asayda sida iyo Agoonta in la daryeelo?. Mise waxaa ka guuxaya in kuwa hor leh la arko. Ma waxaa ka Guuxaya wada hadal iyo is cafin Hawiye dhexmara? Mise waxaa ka guuxaya Nacayb iyo sifayn  laga sifaynayo beelo hawiye ka mid ah Muqdisho. Ma waxaa ka guuxaya in Muqdisho la mid  Noqoto Bosaaso( nabad , kala danbayn, is maqal , wada noolasho Somali oo dhan) ?Mise waxaa ka guuxaya in Muqdisho weligeed Bamdoow ku jirto.

Maxmed  Ma waxaa kaa guuxaya inaad Noqoto Oday Soomaaliyeed oo  Dadka isu keena .Mise waxaa kaa guuxaya inaad weligaa ahaato dhinac. Ma waxaa kaa guuxaya in Hotel Ramdaan  iyo dhismayaashii dagaalka ku burburay aaad dayactirto .Mise waxaa kaa guuxaya inay weligood ku daawto burburkaas. Ma waxaa kaa guuxayaa inaan qofna fikirkiisa lagu colaadin. Mise waxaa kaa guuxaya Xabsigii Labaatan Jiroow. Ma waxaa kaa guuxaya in Sharciga loo sinaado.Mise waxaa kaa guuxay in sidii xayawaankii dadka la isdka xirxiro. Maxaa kaa guuxaya ? Maxaa kaa guuxaya?  Ma hawiye in la heshiisiiyo Mise in la sii kal fogeeyo.

Maxmed Dheere Maxaa kaa guuxaya? Duqii Muqdishoow Maxaa kaa Guuxaya? Gudooiyihii Gobolka Banadirow Maxaa kaa Guuxaya? Shar iyo Khayr  Maxaa kaa Guuxaya……….

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com