ALLOW ANAA DAWACO IGU ORGOOTEY
Bashir Sheekh
Bashka
soompress@hotmail.com
In kabadan 200 oo maalmood ayaa kasoo wareegtay markii maxaysatada Xabashida
ee ay bari taarayeen awoodaha shisheeye ay soo galeen gudaha Dalka
Soomaaliya. Kadib markii ay hal bacaad lagu lisay noqotay rabitaankii iyo
damacii horjoogayaasha dagaalka ee kooxaha soomalida ee xasiloonida u diiday
dalka mudada 16ka sanadood kabadan. Taasi oo ay bedelkeedana dalka ka
howlgaleen mudooyinkii ugu danbeeyey kacdoonadii guulaha isa soo taraya
xambaarsanaa ee ay hor kacayeen xeel dheerayaashii Golaha Maxaakiimtu.
Wax waliba waxaa ay isu bedeleen dhanka kale kadib markii ay maxaysatada
xabashidu ku baaheen Gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo kaashanaya shaqsiyaad
Soomaaliyeed oo sheeganaya masuuliyada ugu saraysa Dalka, inkastoo hadana
aanay miisaan muuqda ku lahayn xaalada uu dalku ku sugan yahay xiligan
qalafsan shaqsiyaadkaasi.
Shaqsi kasta oo Soomaaliya waxaa uu kadheregsan yahay marxaladan
uurkutaaladu buuxisey ee uu ku sugan yahay dalku, ciilka iyo carada aan
cidina uga garaabeyn, xabaal wadareeda, Xasuuqa maatida, Dhaca iyo Boobka,
kufsiga Hooyooyinka iyo Gabdhaha da’da yare e Soomaaliyeed, Adeegsiga Arxan
darida ah ee Madaafiicda loo qaybiyo Guri deegaana mid ganacsi, Iskuul iyo
Isbitaalada ay joogaan Kumanaanka lagu dhibaateeyey gudaha dalka, goobaha
lagu barakiciyey malaayiinta aan waxba haysan waxaa ay gudaha dalka ka
noqotay waxaan dhibaato ugu muuqan shaqsiyaadka shaatiga ceebeed huwan ee
maxaysatadu ku ugaarsadaan.
Waa arin murugo leh in manta oo ku beegan maalintii Qaranimada ama Xoriyada
aan shaqsi soomaliya wax xoriyada haysan haba yaraatee, waa xaalad damiirka
wadanigu ka galiilyoodo in 47 sano kagadaal uu dalku gacanta u galo Gumaysi
madow, waxaa qof waliba oo Soomaaliya uu ku jiraa Xabsi Guri, waxaana qofku
ku qiimaysan yahay Xabada ka dhacda qoriga AK 47 ka ah ee xabashiga Degta u
suran.
Sow wax laga xishoodo maaha in ayadoo DKMG ah sidii ay doontaba awoodu ha ka
ahaatee ay dalka joogto hadana arimaha dalku ay ka go’aan askari xabashiya,
ALLOW ANAA DAWACO IGU ORGOOTEY. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nimaan talin
jirin haduu taliyo nimaan tegi jirin ayaa taga.
Ugu danbayntiina waxaan murugada lawadaagsanayaa walaalahayga somaaliyeed ee
maalinta xornimada ee 47 guuradii xoriyada ku sugan maalinta madow
Bashir Sheekh
Bashka
soompress@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2007
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


|