Dawladda Empagathi:
Dalladda Qabqablayaasha
Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya.
Bururkii Dawladdii
dhexe ee Soomaaliya, rididdii xunkunkii Militariga, ka saariddii Siyaad
Barre Dalka kadib, waxaa bilwday sabankii burburka Dalka dowladda iyo
xiligii Qaran-jabka,Dalkana hogganka waxaa u qabtay jabhadihii hubaysnaa
ee ka soo duulay Arliga Xabashida ee magacoodu ka wada bilowdo xarfka (S),
waxaana la galay murug-maarugtii dagaaladii sokeeye, hardankii
umulo-dooxa iyo dagaladii saqiiro gowraca, Dalkana waxaa ka hanaqaaday
gees-ka-gees Qabqablayaal ku soo caanbaxay si yaabo kala duwan
iyo xilliyo kala jaad ah, balse ka midaysan sumadda: Dilka, Dhaca,
Kufsiga, Isbaarada, Afduubka iyo waxyeelada ay u gaystaan kuna
dhibaan Dalka iyo Dadka, Qabqablayaashan oo horseed ka noqday
dagaallo mindhicireedkii dhexmaray beelaha Soomaaliyeed.
Qabqablayaashii waxay Dalka u diideen jiif iyo joog, xasilooni
iyo kala dambayn, iyagoo astaan u noqday fowdo iyo jaantaa rogan,
Qabqable kastana waxuu tartan iyo isreebreeb ugu jiraa sidii uu ugu
guulaysan lahaa kaalinta koowaad iyo horyaalka xigtada Xabashida iyo
xigaal sokeeye la wadaaga xagla goynta Soomalida iyo boqno jaridoodaba,
si uusan xarig ugu xirmin, Qabqablayaasha waxay si kal iyo laab
ah ugu adeegaan xabashida oo u jeedadoodu tahay inay Soomaaliya qaska ku
sii jirto.
Waxbo yaysan ararto ila dheeraan iyo ka sheekaynta falalka guraac ee
Qabqablayaasha ee aan intaan ku hakiyo una guda galo xudunta
qormadeena ah: Dowladda Empagathi oo ah daladda midaysa isuna
keenta Qabqablayaasha waxaan wada xasuusanaa markii dagaalada
qaraaraa ay ku dhexmareen Magaalada Muqdisho Qabqablayaashii isku
bahaystay Ururkii lamagac baxay:Ururka Ladagaalanka Argagaxisada iyo
soo Celinta Nabadda (Ashahaado la Dirirka) iyo Wadaadadii ku
midoobay:Midowga Maxkamadah( Midowga Mixnadda), dagaaladaa oo
looga gacan sarreeyay Qabqablayaasha, qori caardiisna looga
saaray Magaalada ayna noqdeen: mid Laash ku tahriiba, mid hal gaari ku
baxsada, iyo mid fagaaro ka sheega inuu Toobad keenay!, Waxayse arinu ku
dambaysay markii Xabashidu Dalka u qabteen (qabsadeen)
Dowladda Eimpagathi waxay Qabqablayaashu raxan raxan u soo
galeen iyagoo dib ugu soo labtay Magaalada Muqdisho.
Bal aan ugu horaysiino Qabqablayasha: madaxa Dowladda Empagathi
Col.C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Aabaha fidnada, Odaygii qaska iyo
Horyaalka burburka, si kala haddaan u dhigno waxuu yahay jabhadkii ugu
cimri dheeraa sooyaalka Soomaalida marka laga soo bilaabo xiligii
madaxbanaanida waxii ka danbeeyay, qaab kale haddaan u dhigno waa qofkii
ugu horeeyay xabbad ku rida Qaran Soomaaliyeed oo dhisan, sidaa oo kale
waxaan dhihi karnaa waa Tabcanayaasha Tigreega Tabcanaha ugu
dhaga fudud, uguna Ilka jilacsan, uguna xagal dabacsan.
Markaanna aan ku xijinno af-hayeenka barlmaanka ama gudoomiyaha
barlmaanka Sheekh Aadan Madoobe oo aan wax tacliin ah iyo
waxbarasho toona lahayn oo siduu Dumarka Xersiga ugu goynayay, Fiddowga
iyo Iqlaaskana u akhrinayay. meelihiisana u bunaysanayay ayuu ku biiray
jabhaddii RRA ee hardanka gacan ku haynta Gobalada Baay iyo Bakool kula
jirtay maleeshiyada Qabqable Xuseen Maxamed Caydiid, Sheekh
Aadan Madoobe mar qura ayuu isku badalay Qabqablayaasha
Koofurta kuwooda ugu caansan, si fiicanna u soo muuqday 96-dii waxii ka
dambeeyay, kana mid noqday Xigaalada Xabashida kuwooda ugu firfircoon ee
ugu gacan saarka dhow, waxaa is waydiin mudan qofaan tacliin aas-aasi ah
lahayn miyuu mudan yahay inuu noqdo af-hayeenka barlamaanka soomaliyeed.
Gudoomiyaha shir waynaha Qaran iyo Dib-u-Heshiisiinta: Cali Mahdi
Maxamed oo loo xilsaaray qabanqaabinta Shirwaynaha Nabadaynta
Beelaha Saoomaliyeed, waxaana laga wada dharagsan yahay falalka Cali
Mahdi si gaar ah waxaa loogu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa
dagaaladii la magax baxay Afar-Biloodka ee dhexmaray isaga iyo
Qabqable Caydiid.
Qabqablayaasha ku jira Dowladda Empagathi waa tiro ciidaan
ka badan balse waxaan u kala qaadaynaa illaa dhowr qaybood, ka gadaal
markii aan ka soo sheekaynay madaxa Dowladda, af-hayeenka barlamaanka
iyo guddoomiyaha shirwaynaha qaran, waxayna kala yihiin
Qabqablayaashaas:
(1)xubnaha qabqablayaasha ah ee ku jiro barlamaanka waxayna kala yihiin:
- Yuusuf Mire Seeraar oo ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka
Is-Bahaysiga Dooxadda Jubba (walalaha galguduud).
- Maxamed Siciid Xirsi(Moorgan) oo ah General ka tirsnaan
jiray Ciidankii Xoogga Dalka Doomaaliyeed, waxuuna dadaal dheeraad ah
ugu juraa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa magaalada Kismaayo xoog iyo
xeelad.
- Muuse Suudi Yalaxow oo isu magacaabay guddoomiyaha makka
al-mukarama (Maddina) soona caanbaxay waxii ka danbeeyay 96kii.
- Maxamed Qanyare Afrax oo ku caanbaxay ku jiro dhex yaalka
Dowladdihii Burburka ee soo maray Dalka sida: Dowladii Cali
Mahdi, gacan ku rimiskii Caydiid ee salballaar,
dowladdii carta ee C/ qasim iyo tan Empagathi.
- Cumar Maxamuud (Cumar Finsh) oo soo caanbaxay markii
uu ka falaagoobay Muuse Suudi Yalaxow gacanna ku dhigay qayb ka
mid ah xaafadd Maddiina.
- Cusmaan Xasan Cali (Cusmaan Caato) oo si fiican loogu
xasuusto kaalintii mugta lahaa ee uu ka qaatay dagaaladda sokeeya iyo
sida wayn ee ugu caanbaxay fashilinta, asagoo halhays ka dhigta (looma
dhama).
- Xuseen Maxamed Faarax (Xuseen Caydiid) oo si
siyaasadda ku soo galay dhaxel uu kala wareegay maamulkii Dowladda
Salballaar ee uu ka geeriyooday Abbihii Caydiid dhamaadkii
96kii.
- Col.Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo
guddoomiye ka ahaan jiray Is-Bahaysigii Dooxadda Jubba(walaalaha
galguduud).
- Maxamed Ibrahin Xaabsade oo ka tirsanaa madaxdii Ururka
RRA-eeda.
- Maxamed Nuur (Shaati-Guduud) oo isna ka mid ahaa madaxda
Ururka RRA-eeda.
- Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan-ku-naax) .
Intaas haddaan ku soo gaabino magacyada Qaqablayaasha ku jira
Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka inagoon si idil usoo bandhigin, balse
aan ka soo qadanay kuwooda ugu caansan, waxaanna ku xijinaynaa
Qaqablayaasha ku jira Golaha Wasiirada waxayna kala yihiin sidan:
- Cismaan Xasan Cali (Cismaan Caato) oo iska casilay
Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta.
- Muuse Suudi Yalaxow oo laga xayuubiyey Wasiirka Ganadsiga
ka gadaal dagaalkii Muqdisha.
- Maxamed Qan-yare Afrax oo isna laga xayuubiyey xilka Wasiirka
Amniga Qaranka markii uu ka qayb qaatay dagaaladii Muqdisha.
- Cumar Maxamuud (Cumar Finish) oo isna laga xayuubiyey
Wasiirka Owqaafta & Arimaha Diinta ka dib markii uu ku lug
yeeshay dagaaladii Muqdisha.
- Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan-ku-Naax) oo isna laga
xayuubiyey Wasiirka dhaqan-celinta Maleeshiyaadka dagaaladii
Muqdisha ka dib.
- Col. Barre Aadan Shire (barre hiiraale) oo isna laga
xayuubiyey Wasiirka Gaashaan-Dhigga (Difaaca) ka gadaal
markii lagu eedeeyey inuu xilkiisa gudan wayey, arintan oo ku soo
beegantay xilli ay shaqaaqooyin ka dheceen Magaalada Kismaayo walina ku
sugan xaalad Murugsan.
- Xuseen Caydiid oo isna laga xayuubiyey Wasiirka Howlaha Guud
& Guriyeynta ahaanna ku xigeenka Ra'isul wasaaraha ka gadaaal
markuu ku biiray kooxda mucaardaka ee xarunta ka dhigatay magaalada
Asmara ee Dalka Eratariya (Eritrea) ee la yaqaan (Baarlamanka Xorta
ah).
- Maxamed Ibraahim Xaabasade oo ah wasiirka Garsoorka .
- Maxamed Nuur (Shaati-Guduud) oo ah wasiirka ganacsiga.
- Gen. C/risaaq Isaaq Biixi oo kol dhow loo magacaabay
Wasiirka gaashaan-dhigga(Difaaca) xil ka qaadista Barre
Hiraale ka gadaal.
Intaas haddan uga gudubno Qaqablayaasha ka tirsanaa ama ka tirsan
Golaha Xukuumadda Empagathi, aan ku xijinno inta u qaabilsan Gobalka
Banaadir, Ammaanka iyo Nabadgalayada waxayna noqonayaan sidaan:
- Maxamed Dheere oo ah G.G.Banaadir oo la wada ogsoon yahay
dhaqankiisa iyo falalkiisa xun xun iyo af-lagaadada joogtada ah.
- Ibraahim Sabriye Shaaweeye oo u dhintay dhaawac ka soo
gaaray qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah uu la socday.
- C/Fataax Ibraahim Sabriye Shaaweeye oo ka dhaxlay Aabihii
xilkii uu ka dhintay ahna Caana-nuug aan wax qibrad ah u lahayn maamul
xil iyo jago kumana sii jiro xilkan oo kale.
- Xasan Maxamed Nuur (Qalaad) oo dhaawac loo gaystay ka
dib markii lala beegsaday gaarigiisa Qarax, kana mid ah Qaqablayaasha
gacanta ku haya ama u xilsaaran Ammaanka Gobalka Banaaddir.
- Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ah Taliyaha Booliska
lana dalacsiiyey laba kol inta lagu guda jiray fawadada iyo burburka,
mar waxaa dalacsiiyey C/qaasim, marka labaadna waxaa dalacsiiyey
C/laahi Yuusuf ka dib marka loo magacaabay Taliyaha Booliska,
waxaana Qaybdiid si fiican loogu xasuusta madaafiicdii uu ku
garaaci jiray xaafadaha Magaalada Muqdisha xilligii uu socday dagaalkii
Cakaaro iyo Salballaar, si muuqata waxaa loogu xasuustaa madafiicdii ku
soo dhacday Suuqa Dahabka ee Bakaaraha.
- C/Qaadir Cabdi Xasan (Beebbe) oo ah Taliye Xigeenka, oo
gacan yare u ahaa Muuse Suudi kuna soo caan baxay dagaal 2003-da
dhex maray isaga iyo Muuse Suudi, waxaana loo dallacsiiyey
Gaashaanle Dhexe uu ka dhigay C/laahi Yuusuf, waxaana la yaab
leh qofaan magaciisa qori aqoon miyuu Gaashaanle Sare miyuu noqon
karaa?!, mooryaankii shalay Isbaarada dhiganayey haddii gaashaanle
Sare laga dhigo macnaheedu miyeysan ahayn Qofaan Isbaaro dhigan
dalacsiin ma mudna Xil iyo darajana iskaba daa warkeed!.
- Maxamed Cismaan (Dhagax-tuur) oo ka tirsan Qaqablayaasha
u xilsaaran Ammaanka Gobalka Banaadir.
Intaas haddaan ku soo afmeerno magacyada Qaqablayaasha ku jira Dawladda
Empagathi waxaan halkaan ku soo gudbinayaa Heesta ay ku luqeeyaan
Fannaaniinta Dhalinta Waayaha Cusub ee hal-ku-dhageedu
yahay: Qabqablaha Heestiina oo aan ka soo qaatay dhorkan bayd
Heesiina waa tan:
Kollay dhammaan Umaddeena
Kurbadiyo Fajiciyo
Kala yaaca ku habsaday
Qabqablahaa ka Masuula!
Kunka Badda lagu tuuray
Kan Rasaasta lagu dilay
Midda Kibir lagu fuulay
Macdanteeda laga kaaray
Qabqablahaa ka Masuula!
Karaamada Qarankeena
Karaahsiga Maanta jira
Kala go’a maanta yaalla
Kuwii laayey Shacabkeena
Kista Maato Koloygooda
La dhex dhigay Kiishaddooda
Ka halleeyey Cadowgooda
Uga daran kaalinnimo
Itaaliyaa kalmad tiri
Itoobiyo kuwa keento
Carabtuna sheeko ka leh
Kanadiyo Ameerika
Ma doonayaan Koorarkeena
Ku hallaabay sheerer badan
Kulli wada Garasyaani
Kimakada lagu shubay
Korka saarsan Badaheena
Qabqablahaa ka Masuula!
Kool koolinta Mujrimkiyo
Maxaa keenay kordhintooda?!
Ninka kacay kacay guri galay
Kobashinkiyo Qaxwada
Keega adag isku wada
Kulka iyo gaajadiyo
Kub ka jabka umaddiisa
Kaaga qosla Kulamada
Kuna Gaala Gorgortama
Wuxuu kasi kala garan.
Guntii iyo gaba gabdii waxaa iska cad sida aan soo sheegnay in ay
Dawladda Empagathi u tahay Qaqablayaasha Dallad haraysa,
maadama ay ka midaysan yihiin adegista Xabashida.
Bashiir
M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya.