JAALIYADDA SOMALIYEED EE MINNESOTA
IYO XUSKA SANNAD GUURADII 47aad EE MIDNIMADA QARANAMIDA
SOMALIYA...Munaasibad
lagu maamuusayey Sannad Guuradii 47aad ee ka soo wareegtay
Midnimadii Qaranimada Ummadda Somaliyeed oo ku beegnay July 1st,
1960kii ayaa maalinimadii Axadda oo ku aadanayd 1dii July, 207,
lagu qabtay Magaalooyinka Mataanaha ah ee Minneapolis/St. Paul
ee Gobolkan Minnesota.
Munaasibaddaas oo ay soo
qanabqaabisay Jaaliyadda Isutaga Somaliyeed (Confederation of
Somali Community in Minnesota) ayaa lagu qabtay Garoonka
Kubbadda Cagta ee loo yaqaan James S. Griffin Stadium, St. Paul,
Minnesota - halkaas oo ay ka socdeen tartanta kubbada Cagta oo
lagu maamuusayey isla munaasibadda. [Halkan ka daawo Sawiradii
Munaasibadda
http://www.kurtco.com/SomaliIndependenceDay07
Dawlad Goboleedka Minnesota
(State of Minnesota), ayaa u aqoonsadey, uguna WAN QALAY
“Usbuucii Somalia”, sannad walba marka la gaaro bisha June 25da
illaa 1da July, taasoo Somalidu ay ku mutaysatay, Dhaqan
wanaagooda, Daryeelka Hiddahooda, Diintooda, isku duubnida, iyo
qadarin iyo qiimayn gaar ah oo ay ku dhex yeesheen qawmiyadaha
kale ee ku dhaqan gobolkan Minnesota.
Soomalida ku nool gobolkan
Minnesota ayaa lagu qiyaasaa tiro ka badan 75, 000, waana
gobolka Somaalidu ugu badan tahay, marka loo eego gobolada kale
ee Maraykanka.
Munaasibaddaas oo si wanagsan
ku soo gabo gabowdey ayaa waxaa soo camiray dadweyne aad u faro
badan, waxaana halkaa kelmado ku aaddan minaasibadda ka soo
jeediyey:
- Mudane Ali Boolaay
(halgame Qaran)
- Fadumo Hiirad iyo Canab
Cagabiyood (Kaalinta Haweenka Somaliyeed),
- Abwaan Nuuraani (Kaalinta
Abwaanada iyo Hal Abuurka Somaliyeed),
- Sirad Abdirahman (Madaxa
Uruka LEAD ee adeegga Caafimaad).
Waxaan la hilmaami karin
kaalinta Fannaaniinta Somaliyeed, sida Bashir Nagaari, Sahro
Siyad iyo M. Guun oo halkaas heeso waddani ah ka qaaday.
Gabagabaddii Munaasibadda,
Madaxa Confederation of Somali Community, Mudane Dr. Sacid Osman
Fahia, ayaa abaal marinno Guddoonsiisay, Shakhsiyaad iyo Ururro
Hawl Karnimo dheeraad ah ka dhex muujiyey Ummadda Somaliyed,
mutaystayna waxa loo yaqaan “Abbalmarinta Hawlkarnimo”.
Jaaliayadda Isutagga Somaliyeed
(Confederation of Somali Community in Minnesota), Waxay hambalyo
iyo bogaadin ku addaan Sannad Guurada 47aad ee Midawga iyo
Qaranimada Somaliya u dirayaan dhammaan Ummadda Somaliyeed meel
kastoo ay joogaan, waxayna leeyihiin “AAN MAALNO HASHEENNA
MAANDEEQ”. Waxay mahad ballaaran u jeedinayaan Warbaahinta
Somaliyeed ee goobta joogay, sida Somali TV iyo Bulsho TV.
Halkan ka Daawo (ama soo
booqo), sawiradii Munaasibadda:
http://www.kurtco.com/SomaliIndependenceDay07
A. M. Dirir (Ducaysane
Minneapolis, Minnesota
A.M. Dirir (Ducaysane),
amdirir@hotmail.com