Xawaaladda kala
gudbinta lacagaha ee Amal Express oo dhisme wayn oo ay ugu magacdartay amal
Plaza ka furtay magaalada Galkacyo iyadoo lacag ka badan 25000$ ugu yaboohday
Agoonta magaalada galkacyo labadeeda dhinac.
Xawaalada Amal Bank transfer oo kamida xawilaadaha ka shaqeeya kala gudbinta
lacagaha ayaa maanta xariga ka jartay dhisma wayn oo loogu magac daray Amal
Plaza dhismahaasi oo ay shirkadu ka dhistay Magaalada Galkacyo ee xarunta
Gobolka Mudug iyadoo xafladii maanta deeq farabadan ay xawilaada amal ugu
deeqday agoonta magaalada galkacyo ee Koonfurta iyo waqooyiga magaalada.

Xafladii maanta xariga looga jaray dhismaha xawilaada amal express ay ka
hirgalisay magaalada galkacyo oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Madaxda Gobolka
mudug, Madaxda hay'adaha, Dhakhaatiirta Gobolka iyo marti sharaf kale ayaa lagu
qabtay hotelka wayn ee Taar city iyadoo siwayn loo soo agaasimay xafladaasi.
Xafladii maanta lagu qabtay hotel taar oo ay ka hadleen madax waaawayn oo ka
tirsan Shirkada amal Bank uuna kamid yahay maareeyaha guud ee amal Bank Yuusuf
Cali shire iyo madax sar sare oo ka kala socday xafiisyada shirkada amal ay ku
leedahay wadamada aduunka ayaa siwayn looga war bixiyay wax qabadka shirkada
amal iyo sidoo kale hawlaha ay ka fuliso wadanka somalia iyadoo dadwaynihii
xaflada ka qayb galay la daawad siiyay sawiro muujinaya dhismayaasha shirkada
amal ay ka hirgalisay wadanka gudihiisa iyo dibadiisa.

Madaxda shirkada amal ayaa shirkii maanta ku balan qaaday lacag gaaraysa 25000$
iyadoo lacagtaasi loogu deeqay agoonta ku nool magaalada galkacyo in loogu dhiso
school labada dhinacna ee ay ka kooban tahay magaalada galkacyo laga hirgalinayo
iskuulo ay agoontu wax ku bartaan si loo garab istaago agoonta ku tabaalaysan
wadanka gudihiisa.
Xafladii maanta oo ahayd mid siwayn loo agaasimay ayaa lagu casuumay bahda
warbaahinta iyadoo ay ka soo qayb galeen saxafihiin ka socotay TVyada SBC iyo
ETN ee ka hawl gala magaalada bosaso iyo dhamaan idaacadaha kudaha ee ka hawl
gala Puntland iyo somalia inteeda kalaba goobta xafladana siwayn loogu arkayay
saxafihiin kala gadisay oo ay ka muuqanayso astaamaha idaacadaha iyo TVyada ay
ka socdaan.

Abdinuur Mohamed Seeraar
qalay2005@hotmail.com
Galkacyo Puntland State of somalia.
Faafin: SomaliTalk.com | Garoowe | July 2, 2007


|