Ciil Maxaa ka Weyn?

W/D: Amiin Max’ed
Jimcaale
E-Mail: iimaan123@myway.com
Inkastoo Dowladda
Federaalka kumeel gaarka ay si toosa ula wareegtay gacan ku haynta
magaalada Muqdisho dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay iyadoo taageero
ballaaran ka helaysa milatariga Itoobiya ayaa haddana xaaladda
caasimaddu waxa ay tahay mid si aada u qasan oo arrimaheedu waa kuwo
marba mar uu ku imaanayo isbaddal dag dag ah iyadoo ay taasi jirto ayaa
haddana waxa ay dadku isweydiinayaan sida ay isbaddal weyn u sameyn
la’yihiin dawladaha is garbsanaya ee iyagu meesha ka saaray maamulkii
Maxaakiimta Islaamiga ee gacanta ku dhigay ku dhawaad kalabar Gobollada
dalka Soomaaliya iyagoo lagu eedeeyay in ay xiriiro la lahaayeen qolyaha
Argagaxisada ee qaaradda Afrika qalalaasaha ka wada inkastoo aan lasoo
bandhigin wax caddeemo ah oo muujinaya suurtagalnimada wararkan.
Waxaanu wada
ogsoonahay in muddadii dheereed ee dalka uu qalalaasuhu ka jiray ay la
soo gudboonaadeen shacabka soomaaliyeed caqabado ay kamid yihiin in aan
la aqoonsan baasaboorka Soomaaliga waliba qaar kamida dalalka Afrikaanka
ah iyo waliba dalalka Carbta qaarkood, waxaa sidoo kale ka mida
dhibaatooyinka haysta shacabka muddada la daalaa dhacayey Dawlad
la’aanta iyo duruufaha adag in la xayiro oo waliba la mamnuuco ganacsiga
qaar ka mida xoolihii loo dhoofin jiray dalalka Carabta iyagoo sabab uga
dhigay in xoolaha soomaalida ay qabaan cuduro sidaa daraadeedna aan loo
baahneen oo laga kaaftoomo tiiyoo waliba sida lasoo xaqiijiyay la
sheegay in xoolaha soomaalida loo dhoofiyo dalalka Carabta iyagoo ku
shabadeesan magaca dalalka aanu dariska nahay ee iyagu laga
aqoonsanyahay caalamka maadaama aanu inaga ka maqanahay shaashadaha
caalamka sida la isku wada raacay maxaa yeelay magaca soomaaliya
xoolihii ku dhigan waa la joojiyay oo dalalka kale waa laga ogolyahay
taana waa mid gaf iyo waliba gardarro cad ku ah shacabka Soomaaliyeed.
Haddii ay taasi
jirto maxaa looga baahanyahay madaxda Dawladda Federaalka Kumeelgaarka
in ay u qabtaan shacabka?. Run ahaantii waa su’aal muhiim ah oo in la
isweydiiyo mudan waxaase sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo
kaalinta ama doorka ay ka ciyaari karaan madaxdani wax ka qabashada
xaaladaha kala duwan ee haysta dhibanayaasha muddada dheer baadi
goobayay meel ay ku nastaan oo ay isaga dajiyaan heeryada culeeskeedu ka
tan badanyahay, Waa suura gal in qaar kamida madaxda u xil saaran
xallinta iyo wax ka qabashada umuurahan ay jeclaan lahaayeen in ay
dhaliyaan isbaddalo waaweyn kuwaasoo laga yaabo in ay u riyaaqaan
shacabka soomaaliyeed waa haddii ay sameeyaane balse laga yaabo in laga
hortaaganyahay oo aanay talaabo dheeri ah qaadi karin
Dad baa aaminsan in wax
walba lasoo bandhigi karo waa haddii ay jirto hufnaan iyo wanaag jecli,
geesinimaduna waa shay muhiim ah maxaayeelay haddii tusaale ahaan uu
dhaco fal ay geystaan ciidamada Dawladda Federaalka iyo kuwa
Itoobiyaanka siday doonaan haba ku dhacaane waxaa hubaala in
warbaahintu ay ku adkaanayso in ay si toosa u soo tabiyaan wax allaale
iyo wixii halkaa ka dhaca iyadoo la dhowrayo Madaxbanaanida
xoriyatul-Qawlka oo ah mid si aada looga qadariyo dalalka ay maamulada
wanaagsani ka jiraan ayaa haddana waxaa xusid mudan in laga yaabo in
irdaha loo laabo hadii warbaahin ay tabiso dhacdo xaqiiqda ka hadlaysa
balse aanay jeclaysan karin madaxda sar sare ee Dowladda waana mid xitaa
ku keenaysa kuwa ay hawshoodu tahay in ay u soo tabiyaan dadweynaha
wararka ka kala dhacaya qaybo badan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah
Waana ciil
iyo caro kugu garoodhay haddii xumaan aad arkayso aadana ka hadli karin
oo iska daa in aad wanaag raadisee xitaa aadan oran karin sidaa ayay wax
u dhaceen oo dadkii aad u tabin lahaydna lagaa xayiro lagaana dhigo
dambiile haddii aad u gudbiso sidii loogu tala galay ama ay wax u
dhaceen, waxaana shaki ku jirin in ay jiraan dad badan oo aanan hayn
wixii hamigooda ku jiray iyagoo laga yaabo in laga hortaaganyahay amaba
aa loo ogoleen in ay ka hadlaan waana wax si aad loola yaabo meel uu
maamula kajiro in dhibaatooyinkuna ay baisbarbar socdaan oo midba midda
ay ka darantahay dabataalo waliba xilli ay shaqeynayaan maamulaaddi kala
duwanaa ee dalka iyadoo xitaa uu furanyahay xafiiska nabad sugidda ee
magaalada muqdisho iyo maxkamaddii garsoorka iyo waliba qeebihii kale ee
maamulka ku shaqada lahaa waxaanse eebe ka rajeenaynaa in wax walba uu
inoo wanaajiyo maxaa yeelay waxaanu nahay bani aadam aan isku filneyn
ilaah isaga ayaa inoo keeni kara maamul caddaalada, magaceena lumayna
dib u soo celin kara, walaalaheen na nacayna na jeclaysiin kara,
ummaddeenan mideen kara, dib u heshiisiina na dhex dhigi kara ee aloow
adigaa garsoore ahee xaaladdeena samee, .
Isagu waa
muwaadin soomaaliyeed waxa uu xaq u leeyahay in uu si xur ah ugu
noolaado dhulkiisa hooyo, wuxuu dhibsadaa kala-sarreynta beenta ah ee ay
aaminsanyihiin badi dadka Soomaaliyeed. Waxaa hubaala in qofkii aaminaa
afar dhibic shan uu qayb ku leeyahay xadgudubka tooska ah ee loo geystay
dulmanayaasha soomaalida dhabta ah, sababtoo ah dad uu ilaahay simay
ayaa ladamcay in lakala saaro taasina waa wax caqliga bani aadamka ka
weyn in dib loogu laabto oo wax laga badadalo wixii uu alle yiri sida
lagu yaqiinay yuhuuda oo kitaabka alle ayay ka been sheegeei jireen waxa
ayrabaan ayay ka qaada jireen wixii kalana daad ayay iska saari
jireen,In aan doorinno kitaabka allana waa shay fool xun,sida aan ku
aragnay kitaabka qur’aanka kariimka wuxuu alle inoogu sheegay mid kamida
aayadihiisa isagoo ka hadlaya sharafta bani aadamka “walaqad karramnaa
banii aadama”waaanu karaameynay bani aadamka ee ilaahay ma uusan oran
waanu karaameenay afarta beelood
Haddaba adigoo
sidaa u ogsoon maxaad ugu dhiiratay in aad lumiso xuquuqdo dad adigoo
kale ah? Maxaad sidii kitaabka muqadaska oo kale ugu aamintay afarta
beelood? Miyaadan ka baqanayn oo aadan ka cararayn wixii keenaya ciqaata
iyo carada rabbi? Su’aalahaas si uu miyir ku jiro qofkii ugua jawaaba
waxaa u soobaxaya wax badan oo kaah horay looga saaray, waase goormee?
Waa marka aad ka leexato awaameerta madaxdaada aaminsan afar dhibic
shan.
Isagoo ka hadlaya
sababaha keenaay in la liido ayuu yiri “haddii aadan dili Karin ninkii
aad aragto ee maal-qabeen ah oo aadan dhici Karin naagtii walba ee
dahab iyo lacagba wadata islamarkaana aadan kufsan Karin gabadhii
qurxoon ee aad damacdo,waxaad ka mid noqonaysaa kuwa laga awoodda
badanyahay”.haddii aadan hub qaadan Karin laguguma tiring doono qof u
dhashay beelaha hubeysan, taasina waa qaaciddo ay aaminsanyihiin kuwa
cadeystay fulinta xadgudubyada muddada dheer ka soconayay gudaha
soomaaliya, islamarkaana ku dadaali jiray in ay lunsadaan garaamaadka
dadka kale
Dhibanayaashan in
muddo ah ayay samir caadeysteen oo wixii dhib ah ee soo gaara inta aan
la iska wareysan xajmigooda iyo inta uu la igyahay ayaa la is xasuusin
jiray samirka oo la oran jiray iska samir albaabkana soo xiro, waxayna
mar walba is oran jireen haddii ay dawladi dhalato waad ka bixi doontaan
oo xitaa kuwii tacaddiyada idiin geystay maxkamad ayaa lasoo taagi
doonaa, curatay oo timid dalka tii lasugayay, maxayse la timid? Kolkii
looga fadhiyay in ay taakuleyso oo ay wax u qabato kuwii muddada la
handadi jiray iyadaaba u baahan taakuleyn, inkastoo ay ka heshay ciidamo
Itoobiyaana gacansiin heerkeedu sarreeyo haddana kuma guuleysan in ay
xasiliso gudaha dalka oo dhan, qaar baa laga sheegayey waddooyinka
waaweyn ee isku xira goballada dalka burcad caadeysatay dhaca iyo boobka
hantida dadweynaha, dowladdana waxaa looga baahnaa in ay gurmad u fidiso
cid kasta ee dhibaateysan maxaa yeelay dastuurka waxaa ku qeexan
dowladddu waxay u adeegtaa shacabkeeda.
Haddii uu magac
jiro muggiisuna buuxin waa ciilee, Ciil maxaa ka weyn?, haddii ay
dhibaato jirto ciddii xallin lahayd magaceeduna uu muuqdo oo aanay waxba
kuu qaban Karin waa ciilee, ciil maxaa ka weyn?, ruux hadduu cudur
dilaayo dowladiina haysto oo aanay waxba tarin waa dhibaatee allow rarka
naga dulqaad.
Dhib hadduu ku gaaro, midkii kuu
geystay iyo kii ku taageeray iyo waliba midkii ku yiri waxbaan kuu qaban
ee haddana kaa daystay intuba isma darajo dhaamaan, waa ciil iyo
ciil-kaambi, hadmaa dulmanaha magtiisa la siin doonaa? Oo intii uu lahaa
iyo in ka badan abaal looga dhigi donaa?, hadmaase mudankiisa la marsiin
doonaa dayuuskii xaaraan quutaha ahaa ee u bareeray in uu dhuuntiisa
mariyo masaakiinta xoolahooda, sidaan rajeynayo ma dheera ee waa goor
dhowr oo Illaahay ummaddiisa way u siman tahay wixii kala gaara ee
xad-gudub ahna isagaa xaakima oo u kala xaq sooraya, kuwii qabiilkooda
darti loo bandaday iyo kuwii dadnimadooda la yasay intuba xaqbay
leeyihiin mardambaase la ogaan in aan afar dhibic shan la’ aheyn ee la
yahay shan aan kala Sharaf badneyn.
W/D: Amiin Max’ed Jimcaale
E-Mail: iimaan123@myway.com