SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
30 Jun 2007.
 
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga iyo aqallo badan oo ay Doollo ku gubeen.
 
Dad shacab ah oo ciidammada cadowgu waxyeelleeyeen.
 
Gudoomiyaha jwxo oo ka hadlay xaaladaha military iyo mida cunaqabatayn ee gumaysigu kuhayo Ogadenya (Waraysi).
 
======================            
 
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga iyo aqallo badanoo ay Doollo ku gubeen.
 
Wariyaha RX uga soo warrama jidda hore ee dagaalka ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo waxyeellooyin ba’an loogu gaystay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
24/06/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar ku qaaday kolonyo baabuur ah oo ciidammada cadowga ka tirsan, kuwaasoo marayay meesha lagu magacaabo Dhallaadi, oo Fiiq ka tirsan, waxaana weerarkaas ciidammada cadowga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintisa la haynin. Markii nabarkaasi gaadhay waxay kolonyadii ciidamada ahayd degeen meeshii lagu weeraray. Waxaana waddaddii ku soo maray safarro Awri u raran tahay oo adeegyo kala duwan wata, kuwaasoo ay halkaas ku joojiyeen, ka dibna ay kala wareegeen wixii adeeg ahaa ee ay wateen oo baabuurtooda ay ku gurteen. Ka dibna waxay rasaas oodda kaga qaadeen Awrtii wateen, waxayna halkaasna ku dileen hal Awr.
 
22/06/07 Xamudhka, oo isna ka tirsan degmada Fiiq, dagaal CWXO iyo kuwa cadowga ku dhex maray waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 9 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
19/06/07 Yoocaali, oo Dhagaxbuur ka tirsan waxaa lagu miray ciidammo cadowgu leeyahay oo ku sugnaa, waxaana lagaga dilay inta la ogyahay 7 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Dhinaca kale wuxuu wariyuhu noo soo sheegay in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay weerarro badan ku qaaday dadka baadiyaha deggan ee meelo ka mid ah gobolka Doollo, isla markaana ay gubtay Aqallo aad u fara badan. Arrintan iyo cadaadisyada kale ee ciidamada cadowgu dadwaynaha ku hayaan ayaa keentay kacdoon dadwayne, iyadoo ay dadku goosteen inay hubka gurtaan oo lafohooda difaacaan mar haddii ayna cadowga ka badbaadayn. Kacdoonkan oo kale wuxuu ka jiraa gobollada Qorraxey iyo Nogob oo dadwaynuhu dhaqdhaqaaq badan samaynayaan.
 
Dad shacab ah oo ciidammada cadowgu waxyeelleeyeen.
 
Ciidamada gumaysiga Itoobiya, oo beryahan denbaba gobollada Ogaadeenya ka waday xasuuq ba’an oon aaba-yeel lahayn, ayaa wali sii wada dhibaatooyinkii ay dadwaynaha rayadka ah u gaysanayeen.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 28/06/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen tuulada Haar-cad nin shacab ah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Carte (Bukhaari)
 
27/05/07 ilaa iyo hadda waxaa ciidammada gumaysiga Lagahidda ugu xidhxidhan dadwayne rayad ah oo ay ka mid yihiin;
1-    Nuurre Sh Daahir
2-    Xasan Shugri iyo
3-     Saxane Kaahin Cumar
 
Intii u dgaxaysay 05 – 21//06/07 waxaa magaalada Shilaabo ku xidhxidhnaa dadwayne rayad ah oo aad u badan. Dadkan ayaa qofkii walba laga qaaday lacag madaxfurasho ah oo gaadhaysa 4000 oo Bir. Dadkani waxay kala yihiin;
1-    Faarax Daa’uud
2-    Baddal Axmed Gaan-daaf
3-    Qodax Cali Abshir
4-    Khaliif Maxamuud Qarwaash
5-    Sh C/llaahi Aw Cali
6-    Ciiro C/llaahi Cadceed
7-    Ilix Sulub
8-    Kilinbe Qoor-jeel
9-    Shakuur Sh Xaaji
10- Deeq Biile
11- Bile C/llaahi Guuleed
12-   Kuuriyaan Baar-madoobe
13- C/llaahi Cali Xadhuun
14- Maxamed Qorane Cumar Xakaar
15-Maxamuud Axmed Hudhey
16-  Macali Cali Xuseen Geel-qaad
17-  Baddal Caafi Rafle
18- C/casiis Oogle
19- Muxumed Umal
20-Sh C/llaahi Cismaan Cali Dayl iyo
21-  Faarax Aaden Wacays
 
20/06/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale ku xidhxidheen magaalada Awaare dadka kala ah;
1-    Ismaaciil oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
2-    Sh Ridwaan Sh Axmed Yare
3-    Cabdi Dawaare
4-    Xiis Faroole
5-    Axmed Afey Maxamuud Jallaabe
6-    Cabdi Gahayr Xasan
7-    Ina Cali oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
8-    Xiis farlow
9-    Maxamuud C/llaahi Caydiid
10-Waafeer Xiis Daahir
11-  Ardo Maxamed Aw Aaden
12-  Laamaca Sh Maxamed Yare iyo
13-  Sacdiya Food Buur-le’eg
 
18/06/07 Dhagaxmadow waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Yuusuf Muxumed Cumar
2-    Ibraahim Askar Tubeec
3-    C/raxmaan Sh Axmed Nuur
4-    Xaawo Muxumed Cumar
5-    Jamaal Axmed Nuur
6-    Maxamed Cabbaase
7-    Bashiir Maxamed Cabbaase
8-    Cabdi-Barre Cumar Cali
9-    C/llaahi Maxamed Sanqoole
10- Cumar Cabdi Haybe
11- Jawhar Sh Maxamed Sulub
12-C/nuur Carab C/llaahi Cumar
 
27/05/07 waxaa magaalada Shaygoosh sidoo kale lagu xidhxidhay dadwayne rayad ah oo tiradooda guud aanaan haynin, waxaanan magaceeda helnay Khadra Muxumed Maxamed Faatulle.
 
30 Jun 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com