DARAASAD: Ninba dahab lumay si’ u
doondoon
Mushkiladda colaadda Soomaaliya
waxaa tiir-dhexaad u ah gobollada Jubbooyinka
Qore:
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email:
Ingiriis@yahoo.com
Waxaa muuqda mustaqbal weyn oo ay
leeyihiin Reer Gosha
- Commander F. G. Dundas, Royal
Navy, 1893
Dhammaadkii qarnigii
18-aad, illaa iyo maanta, waxaa ka socda gobollada Jubbooyinka ee dalka
Soomaaliya baratan iyo loollan dhinaca kheyraadka (resource contest) iyo
xukumidda dhaqaalaha (economic control), hardankaas oo kooxo kala duwan ay isku
dayayaan inay ku hantiyaan dhulkaas, kuwii dhulka iska lahaana ay ku adag tahay
qaab ay isaga difaacaan kuwa doonaya inay dhulkooda ku dhaxal-wareejiyaan.
Xusul-duubka loogu
jiro hanashada Jubbooyinka oo, run ahaantii, ku saleysan cirweynin, wax-badsi,
damac waalan iyo dhul-boob wuxuu ka xoog badan yahay kii uu buuggiisa Xeradii
Xayawaanka (Animal Farm) uga qisooday George Orwell sannadkii 1944-kii, taasoo
caqiidadii ka soo dhex baxday ay noqotay in bini’aadamku ay siman yihiin,
laakiin ay jiraan kuwo ka sinnaan badan kuwa kale (all humans are equal, but
some humans are more equal than others).
Maskax-maalka ajnabiga
ah ee sida qotada-dheer ah wax uga qora dhibaatada Soomaaliya, waxay rumeysan
yihiin in gobollada Jubbooyinka ay yihiin udub-dhexaadka dagaalka sokeeye ee
Soomaaliya iyo meesha ugu dambaysa ee colaadaha ahliga ah ay ka sii socon
doonaan. Waxa ay ku sababeeyaan kheyraadka gobolladaas ay gaarka u leeyihiin iyo
sida koox walba ay u doonayso inay manaafacaadkaas ku marooqsato; “Dahab la
miiray iyo mid aan la deyn karin.”
Catherine Besteman iyo
Lee V. Cassanelli oo ah laba Anthrapologist ayaa buugga The Struggle for Land in
Southern Somalia: The War Behind the War “Hardanka Dhulka ee Koonfurta
Soomaaliya: Dagaalka uu ka sii dambeeyo Dagaalka” ku soo bandhigay in Soomaaliya
aysan ka bixi doonin colaad iyadoon xal loo helin arrinta Kismaayo iyo guud
ahaan Jubbooyinka.
Taariikhda Jubbooyinka
Gobolladan ayaa sida buugaagta ku
qoran waxaa dadkii ugu horreeyey ee deggenaa dhinaca xeebta lagu sheegaa inay
ahaayeen qowmiyadaha loo yaqaanno Baajuun iyo Jareerweyn, kuwaasoo ahaa dadkii
ugu horreeyey ee sahmiyeyaashu ay gobolladan ku arkeen. Waxaa kaloo la rumeysan
yahay in Gaaljecel, Sheekhaal iyo Cowramaleh ay iyaguna ahaayeen dadkii deggenaa
berriga.
Hase ahaatee, deegaankan ayaa
wuxuu hadda noqday mid muran badan uu ka taagan yahay dhaxalkiisa. Beelihii
asaliyan deggenaa gobolladaas ayaa waxaa si xowli leh, xorriyaddii Soomaaliya
kaddib, xoog ugala wareegay dhulkooda – iyagoo taageero ka helaya awoodda
dowladda – beelo ka soo hayaamay deegaannadoodii (fiiri cilmi-baarista Bestman
1994).
Markii ugu horreysay
dad soo naqraacay ayaa Jubbooyinka soo degay dhammaadkii qarnigii 1880-aad mar
ay abaar kulul ka dheceen dhulka Soomaali Galbeed (fiiri Turton 1970, Dalleo iyo
Little 1992), waxayna degeen Afmadow, laakiin dad kale oo iyaguna ka soo
haajiray gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si habqan ah gobolladan ugu
soo qulqulay sannadihii 1940-meeyadii iyo 1960-meeyadii.
Sida uu leeyahay Peter
D. Little oo Anthropology ka dhiga University of Kentucky, qoysas ka soo jeeda
Waqooyi Bari ayaa 1940-meeyadii ka soo tagay gobolladoodii, waxayna soo
beegsadeen Kismaayo. Billowgii hore ee soo degitaankooda waxaa ka hor yimid
beelihii gobolka deggenaa, laakiin waxay gacan ka heleen gumeysigii Ingiriiska
oo ka talinaayey Soomaaliya 1940 illaa 1950, waxaana ay u noqdeen gacan yareyaal
iyo shaqaale.
Peter Little wuxuu
rumeysan yahay in beelihii gobolka u soo hayaamay ay ka mideysnaayeen
barakicinta beelihii gobolka Jubbooyinka xaqa u lahaa (fiiri daraasadda Rural
Herders and Urban Merchants: The Cattle Trade in Southern Somalia). Waxaa
dhacday in markaas kaddib gobollada Jubbooyinka loo bixiyey magaca “Alabama,”
maadaama uu ka taagnaa dagaal la mid ah kii madowga iyo caddaanka ku dhex maray
waddanka Mareykanka.
Goshaland mise Jubbaland?
Marka ay dadku ku
murmaan milkiyadda lahaansho dhuleed, waxaa la doonaa culumada cilmiga
Archaeology, si ay baaritaan ugu sameeyaan dhulka iyo Architecture-ka. Waxa ay
Archaeologists-ku raadiyaan wax raad ah oo ka dhexeyn kara dadka dhulka iska leh
iyo kuwa ku haysta. Meelaha ay baaritaanka ka billaabaan waxaa ka mid ah dhulka,
qabuuraha maydka, dhismayaasha qadiimka ah iyo buugaagta laga qoray dadka iyo
deegaanka.
Magacii hore ee loo
yiqiinnay gobollada Jubbooyinka ayaa wuxuu ahaa Gosha, dadna dhulka degganna
waxaa loo yiqiinnay magacyada; Reer Goleed, Reer Gosha, Shambara iyo Mushunguli
(fiiri Menkhaus). Waayadan dambe ayaa waxaa soo baxay dad isku dayaya inay
xalaaleystaan gobollada Jubbooyinka oo ku gabbanaya magacyo ay iyagu sameysteen,
sida reer Waamo iyo wixii la mid ah, kuwaas oo dadka dhulka iska leh ay u
yaqaanniin “kooyto” iyo “galti.”
Waxay dadka deegaanka iska leh, ka
hor intaan lagu soo duulin lana qabsan gobolladooda, ay lahaan jireen suldaan la
oran jiray Nasiib Buunda, kaas oo madax u ahaan jiray gobollada Jubbooyinka
xilligii loo yiqiinnay Gosha. Qarnigii la soo dhaafay ayaa waxay xooggooda isugu
geeyeen reer Gosha sidii ay isaga caabin lahaayeen dadkii u soo duulaan tagay
dhulkooda.
Sannadihii 1950-meeyadii xilligii
Soomaaliya ay u halgamaysay inay xorriyad ka qaadato gumeystayaashii haystay
ayaa madax-dhaqameedyadii reer Gosha ee xilligaas waxay la xiriireen Qaramada
Midoobay, iyagoo weydiistay in Jubbooyinka la raaciyo waddanka Kenya (fiiri
Menkhaus). Cabsida ay qabeen ayaa waxay ahayd in dowladda dhalan doonta ee
Soomaaliya ay u xalaaleyso dadka qabsaday dhulkooda, waxaana dhab ahaantii
dhacay wixii ay ka walaacsanaayeen.
Intii ay xukunka Soomaaliya hayeen
dowladihii rayidka iyo tii ka dambaysay ee militariga ayaa dadweynaha Gosha
waxay la kulmeen dhibaatooyin fara badan. Waxay ku dhex qasmeen tartan u
dhexeeya kooxo dhiigmiirad ah oo xukunka hayey, kuwaas oo istaraatiijiyaddoodu
ahayd inay helaan meel ay ka koontarooli karaan deeqaha caalamiga ah (eeg Prof
Cabdi Samatar).
Shacabkii degganaa
tuulada Buulo Nasiib oo ku taalla Jubbooyinka ayaa sannadkii 1986-kii waxay
Professor Menkhaus uga sheekeeyeen qaabka dowladdii Maxamed Siyaad ay u dhici
jirtay, ulana wareegi jirtay dhulkooda. Dad deegaanka ah ayaa Professor-ka ku
yiri, “Nin dowladda militariga u shaqeeya ayaa ka yimid Muqdisho, wuxuuna noola
yimid warqado uu ku sheeganayo dhulkeenna, waxaana dhacay muran. Markii aan
murankii ula tagnay saraakiishii maamulka gobolka, waxay nagu yiraahdeen
dooddiinu dokumenti ma lahan, waxayna beereheenna ku wareejiyeen ninkii
waraaqaha sitay ee dhulkeenna sheeganayey.”
Dad kale oo isku dayey
xilligii militariga inay racfaan ka qaataan go’aannada ay dowladdu sida qasabka
ah ugula wareegi jirtay dhulkooda ayaa waxaa lagula kacay handadaad iyo xarig,
meelaha qaarna waaba lagu jirdilay. Waxaa, sida badan, dhulkooda lagu abaal
marin jiray dad kale oo dowladdii kacaanka - oo xaaladdu ku soo xumaanaysay - ay
u arkeysay inay ka helayso taageero siyaasadeed iyo mid militari. Tusaale, Jubba
Sugar Project ayaa dowladdii militarigu waxay madax uga dhigtay General Cabdi
Maxamed Saxardiid oo ka soo jeeday deegaanka Sool.
Maadaama bulsho ahaan
ay dadweynihii asalka u lahaa gobollada Jubbooyinka ay ahaayeen dad xirfadleyaal
ah oo xoola-leey iyo beeraleey isugu jira, waxaa ku adkaatay inay wax jawaab ah
ka bixiyaan wixii loogu yeeri jiray ‘qarameynta’ ee lagula wareegayey
deegaannadooda. Xaaladdu si kale ayay isu bedeshay markii iyagii dhulka lahaa ay
shaqaale ka noqdeen beerahoodii oo ay yeesheen dad dhulkooda qaatay (squatters).
Caddaalad-darradaan bareerka ah ayaa waxay ka mid ahayd habaarkii biiray ee
burburiyey Soomaaliya.
Halka gobolkooda loo soo
hayaamayey ayaa iyaguna (reer Gosha) waxay u sii hayaamayeen Muqdisho iyo meelo
kale, iyadoo weliba ay gobolka ka socdeen xilligaas mashruucyo lagu bixiyey in
ka badan 200 oo milyan oo dollar, sida Fanoole Rice Farm, Mobambo Irrigation
Project iyo Jubba Sugar Project. Dhammaan dhulkii mashruucyadan laga
hirgelinayey ayaa waxay ahaayeen beero ay dowladdu boobtay, iyadoon waxba u
celin dadkii lahaa. Waqtigii uu soo dhawaanayey dagaalka ahliga ah ayaa waxaa
dhulka Jubbooyinka ka socday carruur lagu shaqeeyo iyo maxaabiis aan maxkamad la
soo taagin oo lagu falo beeraha.
Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka
dhacay, wuxuu reer Gosha u noqday nasiib wanaagsan oo ay kula soo noqon karaan
dhulkooda illaa iyo inta laga helayo qaran lagu mideysan yahay (fiiri Menkhaus).
Hase ahaatee, iyaga oo aan hubeysnayn awgeed waxaa ku adkaatay inay dhulkooda la
soo noqdaan, waxaana korkooda ku dagaallamayey (welina ku dagaallamaya) kooxo
dhammaan u malabsanaya kheyraadka gobollada Jubbooyinka. Sababtu waxay tahay,
dirirta iyo dagaallada ku saleysan ‘tartanka deegaanka’ waxay ka mid yihiin
xaaladaha caadiga ah ee waaya-aragnimada Soomaalida (eeg buugga Lewis).
Waxaa dadkii Gosha ku dhacay
barakac aad u ballaaran oo ay kaga haajireen dhulkii ay ab-ka-ab degenaayeen.
Waxaa waxyeello xoog leh sii gaarsiiyey dagaallada aysan iyagu qaybta ka ahayn.
Loollan ku qotoma gacan ku haynta gobolladan oo dhex maray jabhadihii ay
horkacayeen General Caydiid, Colonel Jees, General Morgan, Colonel Goobaanle iyo
Colonel Barre Hiiraale ayaa sii laba jibbaaray mixnaddii ay dhex maquuranayeen
dadka deegaanka leh.
Warbixin la diyaariyey xilligan
colaaddu weli socoto ayaa tilmaamaysa in dhowrkii sano ay mar dhacdo macluul ku
habsata gobolka. Ugaadhii iyo duurjoogtii ayaa iyaguna ku qaxay xabadda socota.
Waxaa kaloo meesha ka baxay xilliyadii xisaabsanaa ee tacabka beeraha ee ay
lahaayeen dadka deegaanku, sida Laba-mooyaale, Laba-Maalisley iyo
Laba-Maylinley. Wuxuu noqday gobolku, baaxadda dhibaatada dhacday darteed, mid
ku dhowaada nabaad-guur.
Dhul ninkiisi baa iska leh
Haddaba, sannado badan oo
qalalaase iyo fowdo ay soo dhex dabaalanayeen ayaa dadweynaha Gosha waxay hadda
isku dayayaan, iyagoo dhulkooda laga fara-maroojiyey, sidii ay naftooda ku
badbaadin lahaayeen. Inay tahay xaq-darrada Jubbooyinka ka taagan iyo in kale
ayaa waxaa is bedelay jawigii joqoraafiga (geographical condition) ee
gobolladaan, waxaana yaraaday roobabkii biyaha badnaa ee ku di’i jiray (fiiri
khariiradda NOAA iyo CRES, Australia).
Qaramada Midoobay oo ku
baraarugsan colaadda cakiran ee gobolladan ka oogan ayaa sannadkii 1994-kii
waxay qabanqaabisay shirweyne dib u heshiisiin oo laysugu keenay beelaha ku
muransan Jubbooyinka oo isugu jiray kuwii asaliga ahaa iyo kuwii gadaal uga soo
duulay. Shirkan waxaa guddoomiye ka ahaa General Maxamed Ibraahim Axmed
(Liiqliiqato). Wax kastoo ka soo bixi karay, waxaa hor istaagay colaado dib u
billowday iyadoo shirku socdo.
Waxaa musiibo ah in gobollada
Jubbooyinka ay hadda ku dirirayaan kooxihii ku soo duulay qaar ka mid ah oo ku
andacoonaya inay iyagu leeyihiin, iyadoo Soomaalidii kale ay daawanayaan.
Daawada gobolladan ayaa waxay tahay inuu noqdo dhul Soomaali u dhexeeya oo aan
cid gaar u sheegan karta aysan jirin, maadaama dadkii asalka u lahaa aysan wax
awood ah u lahayn inay ka arrimiyaan dhulkooda oo noqday mid lagu tilmaamo
dhulkii maydka nool (the Land of the Living Dead).
Si kasta ha ahaatee, xalka
gobolladan ayaa waxaa kaloo keeni kara dowlad caddaalad ah, isla markaana
doonaysa inay dalka ku maamusho caddaalad. Laakiin, nasiib darro dowladda
Mbagathi oo oggolaatay in laba beel, oo midba tan kale ku sifeysay argagixiso,
ayna horsocdaan Col Fartaag iyo Col Afguduud, ay ka xaaltamaan Kismaayo ayaan
ahayn midda aan ka hadlayo – waxay taasi petrol ku sii shubaysaa dabka ka oogan
gobolladaan. Haddaba, goormee xal dhab ah laga gaari doonaa arrinta Jubbooyinka
oo fure u ah furdaaminta mushkiladda kala irdheysay Soomaalida (fundamental
basis of Somali conflict)?
Tixraac (Bibliography)
-
1. Craufurd, Clifford H.
“Journeys in Gosha and beyond the Deshek Wama (Lake Hardinge).”
-
2. Menkhaus, Kenneth. “From
Feast to Femine: Land and the State in Somalia’s Lower Jubba Valley.”
-
3. Little, Peter D. “Rural
Herders and Urban Merchants: The Cattle Trade in Southern Somalia.”
-
4. Besteman, Catherine. “Local
Land Use Strategies and Outsider Politics: Title Registration in the Middle
Jubba Valley.”
-
5. Menkhaus, Kenneth and
Craven, Kathryn. “Land Alienation and the Imposition of State Farms in the
Lower Jubba Valley.”
-
6. Samatar, A. I. “The
Predatory State and Peasantry: Reflections on Rural Development Policy in
Somalia”.
-
7. Cassanelli, Lee. V.
“Society and Culture in the Riverine Culture of Southern Somalia.”
-
8. G, Schlee,
“Regularites dans le chaos: traits recurrents dans l’organisation
politico-religieuse et militaire de Somali.”
-
9. Summer, John G. “Hope
Restored? Humanitarian Aid in Somalia, 1990-1994.
-
10. Design-ka Sawirada
Daraasadda la socda waxaa igu caawiyey Liibaan Xasan Diiriye Carrabey.
Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email:
Ingiriis@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida website-kan.
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007

