Warbixin:- Maxaad
ka taqaan 26 juun iyo 1da luuliyo?
W/D Yusuf Maxamed
Ismail (Gaduudow)
E-mail
yusufguduudow@hotmail.com
Maalintii isniinta
ahayd ee asbuucii aynu soo dhaafney ayay waxa ay ku beegnayd 26 juun sanadka
2007 oo ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudun 26 juun waa maalintii ugu
horeysey ee ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu
alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan eebe naxarisitii jano
ha ka waraabiyee maalintii ay gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya ay ka
xaroobeen gumaysgiii cadaa ayna iska qaadeen heeryadii gumaysiga ee ingiriiska
maalintaasi ayaa waxaa hoos loo dhigey calankii gumaysigii ingiriiska waxaana
hawada ka babadey calanka baluuga ah ee xidigta shanta geesood ah dhexda ku leh
ee jamhuuriyada soomaaliya waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u
tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid aha
maansaddii KAANA SIIB KANA SAAR oo uu ola jeedey in calankii gumaystaha meesha
laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho
weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey
ee ingiriiska.
26 juun oo ah
maalin qiimo iyo qadarin iyo weynaynba ugu fadhida dhamaaba bah weynta
soomaaliyeed ee ku hadasha afka soomaaliga meel walba oo ay joogaan waxana 26
juun laga xusey sanadkan gobolo iyo degmooyin aad u fara badan oo ka tirsan
soomaaliya waxaana ka mid ahaa meelihii laga xusey magaalo madaxda Puntland ee
Garowe iyo Magaalooyinka laascaanood, Ceerigaabo, iyo dhamaan gobolada ay ka
kooban yihiin gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya sida
Hargaysa,Burco,Boorama,iyo Berbera waxaa kaloo maalintaasi qiimaha iyo qaayaha
leh laga xusey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya inkastoo aan laga xusin
sanadkan magaalo madaxda dalka soomaaliya ee moqdisho hadana waxaa laga xusey
magaalooyinka kismaayo baladweyne iyo gobolka shabeelaha dhexe iyo
degmooyinkiisa oo laga dhigey munaasabado lagu wayneenayo xuska 26 juun oo ah
maalintii ay gobonimada qaateen gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya.
1da luuliyo waa
maalin ayana qadarinteeda iyo xasuusteeda mudan aysana ilaawi doonin bulsha
weynta soomaaliyeed ay ay ku dheehan tahay waxa la yiraahdo wadaniyada, waa
maalintii ay ay xoroobeen gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana isla
maalintii iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ay ka xoroobeen
gumaysigii cadaa ee talyaaniga iyo ingriiska talyaanigu waxa uu gumaysan jirey
gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya ingiriiskuna waxa uu gumayste ka ahaa
gobolada waqooyiga soomaaliya waana maalintii ugu horeysey ee uu gumaysigii
cadaa ee talyaanigu uu ka guuro gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana
israacii iyo midowgii somaliweyn.
Isku soo wada
duuboo xusus kala duwan oo lagu weyneenayo maalmahan aya waxa ay ka dhaceen
gobolo iyo dagmooyin fara baadn oo ku yaala dalka soomaaliya iyadoo maanta ay
qaban qaabo aad u xoogan ka socoto magaalada caasimada ah ee moqdisho caawana
lagu xuso doono xarladaas lagu weyneynayo markii ay xornimada qaateen gobolkada
koonfureed ee dalka soomaaliya ayna midoobeen labada gobol ee koonfure iyo
waqooyi ayaa waxa ay ka dhacaysaa xurunta madaxtooyada ee villa soomaaliya
halkaas oo lagu wado in uu cabdulaahi yuusuf kasoo jeediyo khudbad aad u xasaasi
ah cabdulaahi yusuf waxa uu ka mid yahay raga ugu waa weyn ee ku jira siyaasada
soomaaliya noolaana markii ay midoobeen gobolada waqooyi iyo kuwa koofureed ee
dalka soomaaliya intaas ayayna faaladii iiga eg tahay.
W/D Yusuf Maxamed
Ismail (Gaduudow)
E-mail
yusufguduudow@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007