JAMICADDA CARABTA -3-
SABABAHA FASHALKA EE GUDAHA.
Dr. Abdi Xassan. Dhaan-Wade.
Sweden.
Email: dhaan_wade@hotmail.com
Labadii qormo oo hore waxaan tii kawaad
falanqeeyay asaaskii Jaamicadda carta 1945kii iyo ula-jeeddooyinkii loogu
tala-galay oo ku wada biyo-shubayay xaqiijinta MIDNIMADA UMADDA CARBEED ee uu
kala qayb-qaybiyay gumaysigii reer Eurup. Waxaan xusay in ay Jaamicadd
muddadaas 60ka sano ah ay fashalba ugu guuraysay fashal kale ilaa shucuubta
carabto ay ku magaabeen AQALKII FASHALKA.
Qomadii labaadna waxaan soo taxay sababiihii keenay fashalka ee kaga yimidd
dibadda kuwaas oo ahaa kuwo baxsanaa awoodda dalalka xubnaha ka ah. Laakiin ay
wateen duruufo iyo siyaasado caalami ah oo aysan carabi saamayn-wayn ku lahayn.
Maantana waxaan ku soo qaadayaa qormadaan sababaha fashalka gudaha ee ka yimidd
dhica shucuubta iyo dawladaha Carabta. Waana tan :
1-
DIBB-U—DHAC GUUD:
Waxaa
ku dhacay dadyawga Carbeed dibb-u-dhac guud oo saamiya arimaha Siyaasadda,
dhaqaalaha iyo bulshada ee dadyawga carabta guud ahaan. Waxay ka hareen Carabto
hor-u-marka Aadamuhu sameeyay 200 ee sano ee la soo dhaafay. Kaas oo caalamka ka
dhaliyay is-beddello qoddo-dheer oo ku yimid dhinacyada nolosh Aadamaha ee kala
duwan, Carabto waxaay ka gaabiyeen in ay wax ISLAAXA ku sameeyaan nidaamkooda
siyaasadeed, dhaqaale iyo Bulsho ee ay soo jireen boqolaalka sano.
XAGGA
SIYAASADDA:
Dhibaatada ugu wayn ee haysata Carabta waxay ku salaysan tahay xagga Siyaasadda
iyo xukunka.
Waxaan
weli xal laga gaarin SU’AASHA AH YAA XUKUMAYAA DALKA? Waana su’aal soo
taaganayd lagu soo bilaabo khilaafdii raashidiinta ahaa ( RC
)
ilaa waqtigaan manta ah. Waa mushkilaadd da’deedo kur u dhaaftay 14 qarni.
Dalalka Carabta waxaa xukuma Niman boqorro ah oo iyagu ku dhaqma fikradda ah in
DALKA iyo DADKUba yihiin milkiyadd gaar ah oo ay iska leeyiin Boqorka iyo
qowskiiso.
Waxaa
soo raaca Boqoradaas Madax-waynayaal ASKAR u badan oo xoogg ku qabsady xukunka
oo ku shaqeeya hab la mid ah kan boqorada oo ay ku jirto in ubadkooda ay
DHAXALSIIYAAN xukanka.
Labadaas nooc ee madaxda carbeed magaca ayaa kala duwan ( BOQOR- MADAXWAYNE )
nuxura nidaamkooduna waa midd midaysan.
Shucuubta Carbeed waxay ka fogyihiin in ay wax-yar oo saamayn ah ku yeeshaan
talada dalkooda. Waxayna marti ku yihiin waddamadoodii.
Su’aasha ah yaa xukunka xaq u leh? Waa mid ay dadyawga adduunku soo dhaafay
qarnigii 18 aad. Waxaana lagu xalliyay in xukunka uu leeyay DAD-WAYNUHU. Waxuuna
u wakiilayaan wakiillo uu soo doorto. Waa mushkiladd caalamku dhibaatadeeda ka
soo gudbay waqti aan dhowayn Carabtase weli dulsaaran.
Jaamicaddu waxay kulmisaa xukuumado aan shucuubtoodii soo dooranin. Waxayna ka
fikiraan oo qur ah danahooda gaarka ah iyo sidii ay KURSIGA ugu daa’imi
lahaayeen kaddiban u dhaxalsiin lahaayeen wiilashood.
B-
XAGGA DHAQAALAHA:
Carabta waxaa Alle ku mannaystay in ku yaallaan bartaha caalamka. Waana
madiqadda ugu hodansan dunida xagga khayraadka dabiiciga iyo kan Aadamiga.
Haddana waxay ka tirsansan-tahay meelaha dunida ugu FAQIIRSAN.Markii laga hadlo
dhakhliga dhexdhexaaka qofka, dar-yeelka-caafimaadka, Adeega wax-barashada iyo
xataa isticmaalka tvga, telefoonka iyo internetka.
Waddamada saliidda hodanka ku ah dhakhliga ka soo gala saliiddaas wuxuu gala
jeebabka dad kooban oo ka tirsan qoysaska xukunka leh iyo inyar oo iyaga u
adeegta. Waa dalal qani ah oo ku noolyihiin dad faqiir ah.
C-
XAGGA BULSHADA :
Waxaa
sugan in dalalka Carbeed inysan dhinaca bulshada ka samaynin hor-u-mar wayn.
Waxaa ka jira caadaadkii gabawbay ee salka ku hayay xadaaradihii Islaamka ka
horeeyay ee Paabbil iyo Persia. Kuwaas oo ay ka midd yihiin xaqiraadda hawaynka.
Waxay kaga jiraan meesha ugu saraysa akhris iyo qoridd la’aanta. Iyada oo ka
badan ( 80 Boqolkiiba ).
Dar-yeelka caafimaadka guud siiba kan dhallaanka iyo hooyada waa ka ugu hooseeya
adduunka
Dhibaatooyinka bulsho ee carabta badankoodo waa kuwo aduunku soo dhaafay 200
sano ka hor sida xuquuqda Aadamaha, hawaynka, dhallaanka iyo tan dadka laga
tiro-badanyahay.Xagga Isboortiga haddii laga eego Carabto ma soo gaaraan
garoonada tartamada ee caalamka.
Dib-u-dhacaas bulsho waxay dhigeen shucuubta carabta kuwa ugu daciifan dayawga
manta ku nool arlada. Taas oo Jamicaddana ka dhigtay urur daciif ah oo dad
daciif ah igu yimaadeen.
2-
KHILAAFAADKA DHEXDOODA AH:
Waxaa
la degay Carabta khilaafaad aan dhamaad lahayn oo u dhexeeya dalalka Jaamicadda
xubnaha ka ah. Khilaafkaasi wuxuu ugu daranyahay dalalka deriska ah ee xuduudaha
wadaaga. Inta badan khilaafkani wuxuu sababaa culaado dhexmara xukuumadaha.
Mararna wuxuu heer isku-dhacyo militari.
Waxaa
la ogyahay Carabto ay yihiin kuwa ugu HUBB iibsi badan Caalamka ( 280 Milyaard
oo doolar 20kii sano ee la soo dhaafay ) Waxaa taas lagu macneeya in Xukuumadd
kastaa u soo iibsato hubbka si ay ugu la dagaallanto Xukuumadaha carbeed ee ay
dariska yihiin. Waxaan marna qorshahooda ku jirin in hubkaas lagu ljeediyo
dhinaca dalka ISRAA’IL oo ah cadawga carabta.
Khilaafaadkaas iyo colaadahaas u dhexeeya xubnaha Jaamicadda ayaa ka dhigay
Ururka mid aan laga rajaynhaynin in qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu
daaweeyo dhibaatooyinka haysta carabta. Kalalka xubnaha ah ayaan marna ku
heshiinhaynin in ay Jamicadda siiyaan awood ay wax-qabadd dhab ku dhaqaaqi
karto.
Waxaa
taas ka sii daran in go’aannada lagu heeshyo ee tirade yar aan marna laga
dhabaynin fulintoo.
Carabto waxay ku tilmaamaan go’aannnada Jaamicadda kuwo la qiimo ah warqadda iyo
khadka lagu qoray.
3-
MASAR OO GABTAY HOGGAAMIINTA:
Urur
goboleed kastaa wuxuu leeyahay dal HOMOOD ah oo hoggaamiya. Hadduu dalkaasi
hooggaaminta ku guulaysto wuxuu gaaraa ururku himilooyinkii loo dhisay. Hadduu
dalkaasi curyaamiyana ururku wuu fashalaa.
Dalka
Masar ayaa iska lahaa Hoggaaninta dalalka Carabta tan iyo Burburkii khilaafaddii
Islaamka ee Turkiyaa 1923. Waxaa Masar dawrkaas hoggaaminta siiyay arimaha ay ka
midka yihiin:
A- Iyada oo ah dalka ugu
tiro-badan dad ahaan. Dadka maser wuxuu u dhigmaa 35 boqolkiiba tirade Umadda
carabta. Maanta dadkeedo wuu dhaafay 70 malyuun. Waxaa kale oo ay ahaan jirtay
Masar dalka ugu hodasan dalalka Carabta intii ka horaysay hilitaanka saliidda..
B- Waa dalkii ugu horeeyay ee
qaata madax-baani buuxda 1923kii oo ku dhisan nidaamka casriga ah ee reer
galbeedka ee ku salaysan axsaabta siyaasadda, doorasha barlamaanka iyo garsoor
ka madax banaan xukuumadda iyo weliba hab wax-barasho oo casri ah oo laga soo
xigtay kan caalamka.
C- Waa dalka ugu horeeya xagga
aqoonta iyo farsamada warshadaynta. Taas oo ka soo billaabatay qarnigii 18 aad
markii uu xukumayay Maxamed Cali Baashaa iyo duriyadiisii oo uu ugu danbeeyay
Boqorkii Faaruuq 1952kii markaas oo uu Jamaal Cabdi-naasir ka taagay nidaamka
jamhuuriga ah. Cilmiga Masar kuma
koobna in kumaan-kun ardo carbeed ahi ay u yimaadaan tacliin balse waxaa ka hawl
galay waddamada carabta boqolaal mucalliimiin oo Masaari ah oo ka hirgeliyay
dalalkaas wax-barasho casri ah oo isugu jirtaa madani iyo diiniba.
D- Waxaa ka shaqeeya dalalka
Carabta oo dhan kumanyaal khubaro ah oo masaari ah, Sida Dhakhaatiir,
Injiyeerro, garyaqaanno, …iwm. Waaxaa kale oo ka hawl-gala malaayiin shaqaale
ah oo u dhalatay Masar.
Khubaraasi iyo shaqaalahaasi waxay saamayn
ballaaran ku leeyihiin siyaasadaha dalalkaas.
E- Jograafi ahaan Masar waxay ku
taallo bartamaha ama wadnaha caalamka Carabta. Waxay kulmisaa Carta qorax soo
baxa ( Mashriq ) ee qaarradda Asia ku yaalla iyo Carabta Qorrax-dhaca ( Magribb
) ee qaaradda Afrika ku yaalla. Waa meel iski-xirta qaarradaha Asia, Afrika iyo
Europ
.
Intaas iyo qaar kale ayaa Masar ka dhigay
hoggaamiyaha dabiiciga ah ee Carabta.
Haddaba su’aasho waa: sidee bay Masar u gudatay
dawrkeeda hormuudninmada-Carbeedd??
Jawaabto su’aashani waxay u baahantahay in aan
waxa-yar dibb u jalleecno taarikhda dalka Masar ee dhaw. Haddaan soo qaadanno
intii ka danbaysay kacaankii luulyo 1952 dii ee uu hogaaminaya halyaygii Jamal
Cabdi-naasir. Muddadaas 50sano ah Xukunka dalkaas waxuu soo maray laba
marxaladood oo aad u kala duwan:
A- Maxaladdii cahdigii Cabdi-naasir.
B- Iyo maraxaladdii ka danbaysay.
A- CAHDIGII CABDI-NAASIR.
Marxaladdan oo ah 1952-1970 kii Masasar waxaa astaan u ah ssiyaasaddii la
dagaallanka Isticmaarka iyo kuwa raacsanba. Masar waxay la gashay kuwaas halggan
kharaar oo aan nasasho iyo waa-waani ku jirin. Nidaamkii kacaanku wuxuu isugu
geeyay awooddiisii dhaqaale, militari iyo war-baahin xoraaynta dalalka la
gumaysto ee carabta iyo Afrika. Siyaasadda dibaddu dalku waxay ku dhisnayd oo
tiirar u ahaa:
1- Xurayta dalka Falasddiin
2- Xoraynta dalalka carabta ee ku jiray xukunka
gumaystaha reer Europ.
3- Xuraynta dalalka Afrika oo
badidood ku hoos noola gumaysigareer Europ.
4- Midaynta Umamadda Carbeed.
Waxay Qaahira xarun u ahayd in ka badan 30 Urur oo
gobonimo-doon ah oo Afrika ah iyo ilaa 10 Urur oo Carab ah oo ka tirsan
Khaliijka, koonfurta Yaman ( Cadan ) iyo waqooyiga Afrika.
Dhaq-dhaqyadaas gobonimo doonka ahi waxaa uga
furaa Qaahira xafiisyo siyaasadeed oo ay ka soo saaraan bayaannada iyo wararka
la xiriira halgankooda. Waxaa kale oo Ururadaas u furaa idaacado RADIO ah oo loo
jeediyo dadyawga halganka ku jira.
Afrika waxaa ku wajahnaa Idacadd la yiraaho CODKA
Africa (Sawtu-Ifriiqiyaa ) oo ay ka baxaan 30 luqo oo uu jiro Af-Somaligu oo
leeyihiin xoriyaad-doonku.
Dalalka Carabta waxaa ku wajahnaa idaacaddii
caanka ahyad ee wareerisay reer galbeedka ee la oran jiray Codka-Carabta ama:
SAWTUL-CARAB.
Siyaasaddaasi waxay ku ridday Isticmaarkii naxdin
iyo anfariir markii meel kasta looga kacay. Waxaa lagu qaaday dagaal militari
iyo mid siyaasadeed. Waxaana la gariiray dhulkii uu ku taagnaa wuxuuna ku
qasbamay in xamaantiisa ka urursado Afrika iyo carabtaba
Siyaasaddaas gumaysi la dirirka ah waxay u soo
jiidday Masar culaad qoddo-dheer oo dhexmartay dawladda Masar iyo quwadaha
waawayn ee reer galbeedka. Colaadahaas waxaa ka mid ahaa duullaanii
seddex-geesoodka ahaa ee Masar ay ku soo qaadeen Ingiriiska, Faransiiska iyo
Israa’il 1956dii.
Waxaa la maleegay shirqoollo la doonayay in lagu dilo Jamaal Cabdi-naasir. Waxaa
kale oo ay reer galbeeku ku qaadeen dagaal siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid
idacadeed.
Wuxuuse Cabdi-naasir kaga guulaystay xirirkii adkaa ee uu la
lahaa dalalkii lagu magacaabi jiray: IS-BAHAYSIA LA DAGAALLANKA GUMAYSIGA. Kaas
oo kulminayay: dalalka hant-wadaagga ah, kuwa ka xoroobay gumaysiga iyo kuwa
gobonimo-u-dirarka ah. Waxaase intaas oo dhan ka waynaa taageerdii xad-dhaaf
ahayd ee ay siiyeen Jamaal Cabdinaasir iyo siyaasaddiisii-shucuubta carabta
dhamaantood. Kuwaas oo aan u kala harin
laga bilaabo Badd-yarayda Khaliijka ilaa Badd-waynta Atlantikada,
Marxaladdaas Masar waxay ahayd dal saamayn wayn
ku leh arimaha caalamka iyo mandiqadda carabta, Afrika, Asia iyo
Laatiin-Amerika. Waxayna ku kasbatay siyaasaddaas
Ixtiraamka iyo tixgelinta cadawgeeda iyo saaxiibkeedaba ee Galbeedka iyo
Barigaba.
Saamaynta Masar kuma koobnayn Caalamka Carabta iyo Jaamicaddiisa ee oo qur balse
waxay raad wayn oo lagu xisaabtamo ku lahayd Afrika, Islaamka, Asia,
Laatiin-Amerika iyo Aduunka dhex-dhexaadka.
Waqtikaas Jaamicadda Carabto waxay la jaan-qaadaysay siyaasadda dalka hoggaanka
u haya waxayna la hayd qiimaheeda iyo qaddarinteeda ha ahaato waddamada Carabta
dhexdooda ama maxfallaada caalamiga ah.
Geeridii Jaamal Cabdinaasir kaddibb dalka Masar wuxuu galay marxaldd cusub.
Waxaa ku dhacay siyaasaddiisa dibadda Is-beddel asaasi ah. Waxaa dhabarka loo
jeediyay mabadi’dii iyo himilooyinkii kacaankii Liiliyo 1952dii. Taas oo aan ku
soo qaaddi-doono qormada soo socota haddii Alle yiri,
Waa: Dr. Abdi Xassan. Dhaan-Wade.
Sweden.
Email: dhaan_wade@hotmail.com
Qoraaladii hore ee Dr. Daanwade....
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|