SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
SOOMAALIYEY, HALKEEBAAD KU SOCOTAA?..

 Qormadii Dr. C/laahi Spanish

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Ma Dhabbaa, in uu Maamul Goboleedka Puntland  ogolaaday dhisitaanka Axsaab Siyaasi ? 

jooje

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxey u sugnaatay Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay. 

Maamul Goboleedka Puntland, oo imminka sagaal jirsaday, ayaa waxa uu soo maray marxalado kala duwan, oo runtii wanaag baddana wuu lahaa, xumaan iyo khaladaad baddana wuu lahaa. Maamulkaas oo uu imminka hogaanka u hayo Madaxweyne Cadde Muuse, ayaa waxa uu golihiisa Baarlamaan, maalin dhaweyd ka dhawaajiyay in la ogolaaday dhisitaanka Axsaabta siyaasadeed. Haddaba qormadeyda maanta wax aan doonayaa inaan uga hadlo, arimahaas iyo sida ay uga suurto galeyso Maamulka. 

Dhisitaanka axsaab siyaasi waa sida kaliya ee lagu kordhin karo tayada

( Quality ) waxqabad ee ka jira deegaanada Puntland. Waxa la helayaa qaab wax loogu sheegi karo dadweynaha sida ay wax u jiraan. Waxa imanaya qaab uu Xisbi walba uu isaga iibiyo dadweynaha. Waxa laga cabiraa marka uu maamulka meel ka jiraa uu yahay hal qeyb oo kaliya, sida shirkad ganacsi oo kaligeed Monopoly ku heysata waddan ama gobol, oo markey rabto ku qaaliyeeysa badeecadda ay iibinayso dadka, markey rabtana ka iibisa dadka alaab aan tayo wanaagsan laheyn. Sidoo kale marka ay jiraan axsaab siyaasi waxa laga cabiraa Shirkado baddan oo iibinayaa alaabo isku mid ah, oo uu ka dhex jiro tartan ganacsi ( Perfect Competition), oo mar walba dadka kusoo kala jiidanaya { adeeg hufan, qiimo jaban, xirfad sare i.w.m } taasoo horseedaysa horumar ballaaran. Axsaabtaas baddan mar walba waxey isku dayayaan inay ka faa段deystaan khaladaadka kuwi ka horeeyay oo ay isku dayaan inay wax hagaajiyaan Run ahaantii haddii aynu niraahno halkan aynu kusoo gudbino faa段dooyinka axsaabta siyaasadeed maaha wax aynu ka bixi karno teer iyo berito. 

Arinta u baahan in leys weydiiyo waa suurtogal ma tahay in Puntland laga fuliyo axsaab siyaasadeed. Jawaabtu waa haa,  marka laga eego fursadda ay heystaan dadka reer Puntland iyo Potential ka ay heystaan. Laakiin marka uu maamulku uu iska yiraahdo qowlka, aanse meesha laga soo qaadeyn iyaduna dhibkeeda ayey leedahay. Sida dhacday waagi uu Madaxweyne Cadde xilka qabanayey, waxa uu sheegay in uu soo dhisayo  mas置uliyiin ku sifoobay Aqoon iyo Karti, nasiib darro ma dhicin oo inti aynu isla niqiin ayaa dib xilki loogu soo celiyay. Sidoo kale maalin dhaweyd kulanki ay yeesheen Maamulka Puntland iyo Culumaa置diinka reer Puntland, waxyaalihi lagu heshiiyey halkoodi lagama soo qaadin, oo runti culumadeeni aad iyo aad ayaa loo ahaaneystay., taasoo keentay niyadjab ku dhaca dadki iyo is aaminidi oo meesha ka baxdo. 

Runti Madaxweyne Cadde waa shaqsi ku sifoobay howlkarnimo, doonayana in uu wax baddan ka qabto Puntland, weliba dadka u kuurgala arimaha Puntland aad iyo aad ayey u ammaneen, laakiin nasiib darro waxaad moodaa in ay jiraan caqabado hor taagan, oo aynaan garan karin. Xaqiiqdi markaad eegto sida uu u doonayo in uu hormariyo mashaariic baddan oo wax ku ool ah, waa arin aan la inkiri karin, gaar ahaan hadalheynta uu hadal hayo Puntland oo lasoo baxda kheyraadkeeda iyo mudnaanta uu siinayo hirgelinta garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso. Ee waxa haboon in leys weydiiyo waxa hortaagan? 

Arimahan la xiriira Xisbiyada Siyaasiga waa arimo wax weyn ka badalaya Puntland haddii loo qumo, laakiin waxey rabtaa meel marinteeda. Waxa aynu ka sugno maamulka Puntland waa sidi arintaas loogu qumi lahaa, oo loo soo diyaarin lahaa Tiro koobka dadka iyo qaabka loo qabanayo doorashooyinka, dhaqsona loo magacaabi lahaa guddiyadi howlahan meel marin lahaa, maadaama uu waqtigu iska yar yahay. Sidoo kale shuruudaha Xisbiyada is diiwaan galinaya iyo qaabka ay isu sharciyeen karaan, loo soo diyaarin lahaa. 

Waxa kale oo aan ka digayaa in la ogolaado, xisbiyo  aan ujeedooyinkoodu caddeyn, oo dhibaato u horseedi kara Bulshada. Xisbi walbaa waa inuu leeyahay ahdaaf cad oo la fahmi karo danna ugu jirto dhammaan dadka, dalka iyo diintaba. Laakiin haddii lawada fasaxo xisbi kasta oo uu mad madow ku jiro ahdaaftiisa waxey horseedi kartaa in wax walba oo khaldan laguu soo hoos geliyo, ee waa in arimahaa laga feejignaadaa. 

Dhisitaanka xisbiyadan runti waa qaabka kaliya ee looga gudbi karo nidaamkii takhliidiga ahaa ee qabiilka ku dhisna. Waxa aynu rajeyneynaa in halki aheyd yaa reer hebel ah, lagu badal yaa wax yaqaan, oo karti u leh, danna ugu jirtaa dadka inay hogaamiyaan. Dadweynaha reer Puntland idinkaa markhaatiyadi ah oo kala saari karaya kuwa dan idiin wada iyo kuwa daneysatayaasha ahba. Fadlan is bar inaad codkaaga siiso shaqsi aad hubto inay dhab ka tahay waxqabadka. Ha aaminin daalin danbe oo qabiil kuugu soo gabada. 

Haddii arimahaas aan kor kusoo sheegay oo dhan uu Maamulka sida ugu dhaqsaha baddan wax uga qabto, waxey ila tahay waa guul ay ku tilaabsatay Puntland, yididiilana galinaysa dhammaan muwaadiniinta iyagu xiiseeya inay dalkood ku soo noqdaan oo doonaya inay  wax ka qabsadaan. Ee madaxweyne Cadde waxaan kaa sugnaa waa meel marinta go誕ankaas, oo runti baal dahab ah kuu gelin doonta taariikhda Soomaaliya, gaar ahaan tan reer Puntland. Taariikhdu iyadaa isqoreysa, ee fursadaas ayaan isleeyahay Maamulku ha ka faa段deysto. 

Allow sahal amuuraha, oo towfiiqda nawaafaji. 

Waxaan Sugnaa waa Xisbiyo ka shaqeeya danaha reer Puntland oo sida ugu dhaqsaha baddan saaxada u yimaada. Dadweynuhuna isweydiiyaan kii ay ku biiri lahaayeen, oo ay codkooda siin lahaayeen. 

Guul, Guul , Guul 

Runta ayaa iman doonta, oo Qabyaalad gabalkeedi baa dhacaya

Intaas ayaan qormadeydi kusoo afjarayaa, wixi aan asiibay oo wanaag ah waxey u sugnaatay Allaah, wixi aan ku khaldameyna waa nafteyda iyo sheydaan. 

Akhri Qaraalkii: Puntland Shalay iyo Maanta :::

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH