Gobolada woqooyi bari Soomaaliya
waxey ahaayeen gobolo ay
dadkoodi kasoo guureen, oo ay
badankoodi soo degeen gobolada
Koonfureed ee Soomaaliya, gaar
ahaan Muqdisho. Waxey ahaayeen
gobolo ay kasii jeesteen in la
hormariyo Maamuladi iyo
dowladihi dalka ka jiray, haddey
noqoto midi Lixdanki ee shibilka
iyo tii 69ki ee Milateriga
aheydba. Goboladan marka la bar
bar dhigo gobloada kale ee
Soomaaliya waxey ahaayeen kuwo
aad uga danbeeya, haddey noqoto
Xagga Waxbarashada, Caafimaadka,
Arimaha Bulshada, dhinac kasta.
Tusaale gaaban waxaan idinku
siinayaa Gobolka Bari oo ahaa
gobolka ugu weyn goboladi markaa
jiray, ayaa waxeynu la kulanay
ardeydi kaga soo baxday Dugsiga
sare sanadki 1982/83 ee ku soo
xerootay dugsiga Xalane waagaas.
Waxaan la kulmay arday ka mid ah
ardeydi waagaa soo geshay Xalane,
wuxuu ii sheegay inay Boosaaso
uga yimaadeen 28Arday oo keliya,
Qardhone waxaan lixdan dhameyn.
Runti sanadkaa wuxuu ah sanadki
ugu ardo badneyd Xalane intii la
asaasay oo waxaa ku jiray ardey
gaareysa illaa iyo 12,000 oo
arday. Bal fiiri gobol lagu
tirinayey gobolada dalka ugu
degmooyinka badnaa, uguna
baaxada wenaa inay kasoo baxaan
tiro ka yar 100 arday.
Waxaa goboladaa la oran jiray
(La Gaari waa ). Wey dhici
kartay waxoogaa ganacsi ah oo
aan sidaa u hormarsaneyn inuu ka
jiray. Oo xitaa nasiib darada
jirtay waxey aheyd dadka
goboladaas u dhashay oo ka
ganacsan jiray halkaa,
inay baddankooda ayan guryo ku
laheyn goboladaas, Nasiib wanaag
sanadi 1986 ayaa mashariic ay
dowladda talyaaniga ah ugu
talagaleen in laga fuliyo
Soomaaliya, ayuu Allaha u
Naxariistee Madaxweyne
Maxamed Siyaad Barre, uu u
ogolaaday in la geeyo waddo
gobolka Bari, Dekedna loo dhiso.
Run ahaanti waa Mashruucyo wax
ku ool ah, inkastoo la fuliyay
xilliga ugu danbeeyay dowladdi
Siyaad Barre.
Bur Burki iyo Dagaaladi
Sokeeye Kadib
Kadib burburki ku yimid Dowladi
dhexe ee Soomaaliya 1991di ayaa
waxa dhacday in dadki leysu
laayay qabiil qabiil, oo ay
badatay Fowdadi, waxa dhacay qax
aad u ballaaran. Tiro aan yareyn
ayaa u qaxay dalka intiisi kale
iyo dibaddaba. Haddaba dadka
asal ahaan kasoo jeeday
goboladaa Mudug iyo Bariba waxey
u noqdeen dhulkoodi. Nasiib
darro waxey yimaadeen meel aan
laheyn adeegyadi ay ka heli
jireen magaaladi Muqudisho iyo
goboladi kale ay ka yimaadeen,
Waxey yimaadeen meel inti la
doono ka hooseysay halkay joogi
jireen. Daniba kuu run
sheegtay. Nasiib wanaag
dadka goboladan u dhashay ee
markaa isbidayey waxoogaa aqoon
ah, amaba aqoonyahanadi
goboladan ayaa markiiba waxey
bilaabeen in qof waliba uu
xirfadiisi ku shqeysto, kii
macalin ahaa, kii taqtar ahaa,
kii ganacsade ahaa, kii farsamo
kale yiqiin. Waxa ka dhacday in
leys dabiro.
Muddo yar kadib xoogaa dadki
waxbaa ukala baxay, oo
magaalooyinki cidlada ahaa wey
camirmeen, judhiiba waxa soo
baxay magaalooyin aan horey u
jirin iyo kuwi horey u jiray oo
sii camirmay. Nasiib wanaag
dadka goboladan oo dhaqan ahaan
ahaa dad u hogaansan odey
dhaqameedyadooda ayaa Allaah
fadligiisa waxaa la helay nabad
gelyo taam ah, oo ma jirin qof
qof ku xadgudbaya. Laakiin ma
jirin nidaamki lagu yiqiin
dowlad ( Law & Order ),
taasoo run ahaanti dhib jira
noqotay. Wey jireen in dadku uu
sameynayey horumar shaqsi shaqsi
ah. Wey jirtay in dad ay isu
xilqaameen horumarinta
waxbarashada oo iskuulo ayaa
laga furay deegaanadaa. Runti
nabad wey jirtay, adeegyo
bulshada ah oo shaqsiyaad ay
waddeen wey jireen. Laakiin
waxyaalaha ugu dhibka badnaa
ayaa wuxuu ah maamul la’aanta
jirtay in qof walba uu siduu
doono u socdo, majirin wax dadka
kala xadidaya. Ma jirin nidaam u
degsanaa gawaarida oo lagu
maamulayay waddooyinka. Maxaa
sharci ah, maxaa sharci darro ah
wax kala saarayay ma jirin. Waxa
lagu socday bacda Allaah, dadka
oo iska niyad wanaagsnaa iyo
odey dhaqameedyo waxoogaa loo
hogaansanaa.
Waxyaalaha aan aad ula yaabey
waxaa ka mid ahaa mar aan fasax
ku aaday 1997di magaalada
Boosaaso, waxyaalihi aan ku
arkay. Waagaas ma jirin Maamul
Goboleedka Puntland. Waxaaa
jirtay labo arimood oo midna aan
aad ugu farxay, midna aan aad
uga xumaaday. Midda aan ku
farxay waxey aheyd
markaan arkey iyadoo aan ilaalo
la socon gaari gacan lagu waday,
lacag isugu jirtay Shilin
Soomaali iyo Doollar aad u tiro
baddan, taasoo runti
yididiiladeydi sare u qaadey.
Sida ummaddaas ayan isugu
xadgudbeyn. Sidoo kale middi aan
aadka uga xumaaday, oo aan
tamaniyey in Maamul la helo haba
xumaadee waxey aheyd, maalinti
aynu soo marnay annagoo gaari
wadana waddo yar, oo loo qaado
xaafad ka mid ah xaafdaha
Boosaaso, ayna jirin mid kale oo
loo maro, taasoo uu wiil
dhalinyaro ah uu gaari uu watey
jidka bartamihiis ku xayiray.
Goorti aynu weydiisanay inuu
naga qaadana uu noo sheegay inta
uu Qaadka dhameysanayo inuusan
ka kaceyn barta uu fadhiyo.
Dadki oo dhan ayaa baryey,
nasiib darro waxey noqotay
ineynu meesheeni ka noqono. Oo
uu sidaa ku bur buro barnaamijki
aynu halkaa ka laheyn. Runti
waagaas waxa jiray maamul hoos
taga SSDF, laakiin ma aheyn
maamul waxtar leh, oo la
qadariyo.
Tusaalayaashan waxaan usoo
qaatay bal inaan ku dareensiiyo
in waxyaalaha ugu yar ay dowlad
la’aantu leedahay aad ila aragto.
Waxaa ka mid ahaan jiray qoryaha
hubka oo had iyo jeer magaalada
bartamaheeda lagu tijaabinayo,
Sidoo kale dhulalka had iyo jeer
leysku heystay oo uusan markaa
jirin maamul adag oo dadka kala
saarayay. Run ahaanti haddii aan
is iraahdo halkan uga sheekey
dhibaatada ay leedahay Dowlad
la’aanta, waa wax aan maanta iyo
beriba laga dhamaaneyn.
Intaas ayaan kusoo
gabagabeynayaa qeybtii 1aad.
Akhri qeybta 2aad iyo
asaasiddii Maamul Goboleedka
Puntland.