SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
SOOMAALIYEY, HALKEEBAAD KU SOCOTAA?..

 Qormadii Dr. C/laahi Spanish

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Puntland Shalay iyo Maanta ::: Qeybtii 2aad

jooje

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Qaybtii 2aad

Asaasiddii Maamul Goboleedka Puntland 

Sidi aan horey ugu soo sheegnay qeybtii 1aad ee qoraalkan, kadib markii ay meesha ka baxday xukuumadii dhexe ee Soomaaliya, ayaa waxa adkaatay sidi dib loogu yegleeli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo ay ku dhan tahay Soomaali oo idil. Waxa la sameeyay isku day fara baddan, oo lagu sameynayo shirar dib u heshiisiin, oo ay ka mid yihiin { shirarki Jibuuti, Addisabeba 1 & 2, Cairo, iyo kuwo kale oo fara baddan oo dalka gudihiisa ka dhacay } shirarkaas oo idil ma jirin mid uu natiijo fiican ay kasoo baxeen, bal in laga qaado niyadxumo mooyaanee. Goorti la arkey in ay adag tahay in Soomaali ay dowlad loo dhan yahay dhisato, ayaa waxgarad u dhashay deegaamadaas, ay qaateen go’aanka ah bal in laga wada hadlo suurtogalnimada in ay sameystaan maamul kulmiya goboladaas. 

Waxa go’aan lagu gaaray in shir ballaaran oo arimahaa looga arinsanayo leysugu yimaado magaalada Garoowe. Waxa shirkaas lagu casumay inay kasoo qeyb galaan dhammaan Waxgaradka, Culumada, aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Haweenka, oday dhaqameedyada iyo ganacsatada u dhalatay goboladaas oo uu maamulku ka dhaxeeyo. Doodo iyo falanqeyn qaadatay muddo saddex bilood kadib waxaa dhidibadda loo aasay maamul la magac baxay { Maamul goboleedka Puntland } oo ay caasumad u tahay Garoowe, Madaxweynana loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, lehna gole baarlamaan oo ka kooban 65 xubnood. Halkaas ayaan madaxweyne Cabdullaahi uu ku soo dhisay golihiisa wasiirada ee ugu horeeyay bishi August 1998di. 

Haddaba maamulkaas oo imminka dhisan muddo  sagaal sanadood ah, ayaa runti waxa la oran karaa dhisitaankiisi wuxuu ku soo beegmay xilli loo baahnaa. Wey dhici kartaa in dadka qaar ay u arkaan in la doonayey in lagu kala qeybiyo Soomaaliya, haddana waa arin aan la inkiri karin xilligi lagu dhawaaqayey in uu ahaa xilli ay bulshada reer Puntland ay aad ugu baahnaayeen. Waayo ma jirin waddanka badankiisa maamul iyo kala danbeyn. Waxaa qal qal ku jiray amnigi.  

Sidoo kale maamulkan Puntland waxa jira waxyaalo baddan oo muhiim ah oo uu ku guuleystay. Sidoo kalena waxaa jira dhaliilooyin baddan oo uu maamulku leeyahay.Haddaba marka hore waxeynu soo qaadaneynaa waxyaalihii uu ku guuleystay Maamulku oo wanaag ahaa, kadibna waxaanu soo gudbineynaa dhaliilaha uu leeyahay maamulka. 

Arimaha uu Maamulku ku Guuleystay 

  1. Waxa aad loo adkeeyay ammaanka iyo nabadgelyada Gobolada hoos yimaada Puntland, iyadoo la asaasay ciidamo oo uu leeyahay Puntland..
  2. Waxa bulshada reer Puntland la baray, oo ay la qabsadeen nidaamka maamulka iyo kala danbeynta dowladnimo ( Law and order ), iyadoo ay marki hore dad baddan ku indho furteen nidaamka foowdaawiga ah.
  3. Muwaadiniin baddan ayaa ku dhiiraday in waddankooda maalgashadeen kadib markey ku qanceen maamulka iyo ammaanka ka jira Puntland. Waxaad arkeysaa in maanta Puntland ay ka furan yihiin warshado yar yar oo fara baddan, bangiyo Caalami ah, Idaacadaha maqalka iyo kuwa leyska arkaba, Hoteelo caalami ah, machadyo waxbarasho, Iskuulo, Jaamacado,, dhammaan arimaahas waxey ku yimaadeen Bacda Allaah , kalsoonida iyo ku qancida ay muwaadiniinta ku qanceen maamulka iyo Amniga, taasoo ku dhiiragelisay inay mashaariicdan maalgashaan.
  4. Maamulku wuxuu isku dayey oo illaa iyo hadda la wadaa qorshihi lagu soo saari lahaa macdanta dhulkeena ceygaagan.
  5. Waxa sare u kacay hammigi dadka, iyadoo dadki sheegan jiray tuulooyin iyo magaalooyin mucayin ah, oo ku qaabeysan qabiil ay hadda sheegtaan inay ay yihiin dad reer Puntland ah.
  6. Waxa uu maamulku aad wax uga qabtay arimihi waxbarashada, iyadoo wasaaradda waxbarashada ay middeysay manhajki waxbarasho, kaasoo marki hore kuwaba ay meel gaar ah ku xiraayeen. Sidoo kalena waxa sare u kacay nidaamka waxbarasho ee goboladan, iyadoo la asaasay Iskuulo fara baddan iyo weliba waxbarasho heer jaamacadeed ah.
  7. Mashruuca dhismaha Airporka Boosaaso, oo runti ah mashruuc aad u ballaaran oo imminka la wado dhismihiisa. Haddii lagu guuleysto waxaanu oran karraa waa guul usoo hoyatay Puntland, maamulkana  lagu xasuusan doono.
  8. Dhismihi golaha deegaanada Puntland.
  9. Sidoo kale dadka oo la qabsaday nidaamka canshuur bixinta oo runti iyada ah guulaha lagu farxi karo.
  10. Maamulka oo aad u dhiirogeliyay sidi adeegyada qaarkood looga dhigi lahaa kuwo gaar loo leeyahay ( Privatisation )
  11. Abuuridda iyo dhismaha degmooyin iyo gobolo cusub.

    Dhaliilaha Maamulka Puntland

  1. Dhaqaalaha soo gala Puntland, oo aan loo adeegsan sidi loogu talagalay. Dhaqaalahaasna horumar weyn lagu sameyn lahaa haddii si wanaagsan loo maamulo.
  2. Golaha Wasiirada, Maamulada Gobolada, Degmooyinka iyo dhammaan hay’adaha dowladda oo qaar ka mid ah ay joogaan maamul aan laheyn aqoonteedi, kartideedi iyo waayo aragnimadeediiba. Ma oranayo dhammaan laakiin inbaddan oo ka mid ah.
  3. Qofki leysku dayo in laga badalo booskuu horey u joogay, oo isku dayaya in uu fowdo iyo qas abuuro.
  4. Wasiirada qaarkood oo ku takri fala hantida Maamulka Puntland.
  5. Musuq maasuqa oo aad ugu baddan.
  6. Kormeer la’aan iyo xisaabtan la’aan.
  7. Dayactir la’aan waddooyinka  Gobolada Puntland, taasoo sababta  shilal baddan oo geeri sababa.
  8. Shaqaalaha iyo Ciidamada oo aan mararka qaarkood mushaar loo helin.
  9. Degmooyinka qaar oo aan laheyn adeegyada asaasisga sida iskuulo, goobo caafimaad, ama ay dhici karto inuu aad u hooseeyo.
  10. Gudoomiyayaasha degmooyinka iyo Gobolada  qaar,  oo aanba tegin Goobahey xukumaan, oo had iyo jeer iska jooga magaalooyinka waaweyn. Sida qaarkood laga soo weriyey inaanay Qorraxba arag muddo saddex sano iyo in ka baddan.

Intaas ayaan uga baxayaa wanaag iyo dhaliil wuxuu leeyahay maamulka Puntland. Run ahaanti wey jiraan shaqsiyaad ka tirsan maamulka oo ku sifoobay daacadnimo iyo waddaniyad, oo weliba karti ku darsaday, oo ma oranayo maamulku wuu wada xun yahay. Shaqsiyaadka xusida mudan waxaa ka mid ah ( Marwo Caasho Geele ), oo ah wasiiradda Haweenka iyo arimaha Qoyska oo runti ah tusaale wanaagsan oo ku jira maamulka Puntland. Sidoo kale wey dhici kartaa, oo weyba jiraan, shaqsiyaad kale oo sifahaa leh, ee nasiib darro waxa dhici karta inaanan garaneyn. 

Intaas ayaan kusoo gababeynayaa qeybtii 2aad, Akhri qeybta saddexaad iyo talo soo jeedin. 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH