WALAAHOWGA
SOOMAALIDA IYO WADDANIYADDA CUSUB
Hashi, Abdirahman Elmi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no
Anigu waxaan ka mid
ahay dadka aaminsanaa haddana aaminsan in heshiis
iyo awood qaybsi dhexmara Maxkamadaha iyo
Dawladda-ku-meelgaarka ah uu yahay waddada ugu roon
uguna dhow xal laga gaaro soo celinta qarannimadii
luntay ee Soomaaliya.Aqoonta aan haddaba soomaalida
u leeyahay awgeed,taasi inay dhacayso u malayn
maayo. Soomaalida hadba kan u haysta inuu gacan
sarreeyaa ma yeelo wadahadal,”guushuna”madax wareen
waalli u eg ayey ku riddaa.Miyirkuna uma soo laabto
jeer xeero iyo fandhaal kala dhacaan,arrintuna
farihiisa ka baxdo.Dawladda ku meelgaarka ah ayaa
maanta taladu faraheeda ku jirtaa,inay ka
faa,iideysato fursaddaas oo ay wadahadal la furto
Maxkamadahana furaha qarannimo ayaa ku jirta.Waxaa
la yaab leh in arrintaa uu xataa maraykanku arkay
asagoo weliba maalin walba si joogto ah u dukheynaya
haraagii ciidammada maxaakiimta,xasuuq waxashnimo
lehna u geysanaya dadka soomaaliyeed ee rayidka ah.
Waxaase
waayahan soo baxay dad soomaali ah oo ku qaylinaya
in dalkii oo xor ah itoobiyaan qabsadeen,si joogto
ahna dadka ugu guubaabinaya in halgan gobannimo doon
ah la qaado.Ma xuma dareenka waddaniyeed,laakiin
waxaa la yaab leh meesha dadkaani jireen 16-kii sano
ee u dambeysay!Xabashidu waxay dalka run ahaantii
qabsatay 1991-dii,si toos ah iyo si dadbanna way u
maamulaysay.Ciidammadeedu waxay ku cusub yihiin
Xamar iyo meelo koonfurta fog ah,laakiin waxay
markay rabaan soo geli jireen meeshay rabaan.Waxay
amarro siin jireen dadka deggan magaalooyinka ay soo
geli jireen,waxayna kaxaysan jireen qofkay
rabaan.Meelaha aysan ciidammadeedu tegin waxaa u
joogay maamullo ku sheegyo u fulin jirey waxay
rabaan iyagoon wax hawl ahi ugaga bixin.Taas ayaan
anigu u aqaan gumeysi,cid halgan gobannimo doon ah
ka abaabusheyna ma arag.
DANTA
ITOOBIYA KA LEEDAHAY SOOMAALIYA
Markii Itoobiyaanku
wax ka abaabulayeen shirkii Keenya ee soomaalida loo
qabtay,waxay mar walba u ololeynayeen inaan wax
dawlad ahi meesha ka soo bixin,haddii ay soo baxdana
ay noqoto mid aan waarin.Dad ayaa qaba in
itoobiyaanku rabeen in dawladda Cabdullaahi Yuusuf
iyo Cali Mxamed Geeddi horboodayaan ay guulaysato oo
dalka hanato.Taasi wax jira maaha.Markii dawladdu
fadhiday Jowhar Itoobiyaanku waxay la daba joogeen
dibindaabyo,waxayna iyada iyo maraykankuba
taageerayeen dagaal-oogeyaashii Xamar.Sab-
abtuna waa
sidan;Danta Itoobiya ee Soomaaliya waxaa ugu
waaweyn,sidaan anigu qabo, 3dan qodob:
1) In aan
dawlad Soomaaliya ka dhalan,dalkuna u kala
qaybsanaado gobollo mid kasta leeyahay maamul hoos
yimaada Itoobiya.Taasi waa gumeysi toos ah,waana tii
dalku ku jiray 16kii sano ee la soo dhaafay
2)In
Itoobiya hesho dekad ay siday rabto ugala soo degto
waxay rabto,qiimuhuna jaban yahay.Baahidaas waxaa ka
haqab tirtay dekadda Berbera.
3)In
jabhadaha ku kacsan maamulka tigreega aysan u helin
meel u ah fariisin oo ay kaga soo duulaan
Itoobiya.Taasoo ah mid Itoobiyaanku ku xalliyeen
qabsashada Soomaaliya.
Sababo kuwaasi ugu
waaweyn yihiin ayaa ku kallifay Itoobiya inay mar
kasta jillaafeyso dadaal kasta oo la isku dayo in
dalka Soomaaliya qaran ku yeesho.Zenawi kursi ayuu
dhacadiid ugu jiifay,wuxuuna si diirran ugu
raaxeysanayey waddada ay ku socoto dawladda
Embaghati oo aad ugu ekayd tii ay martay dawladdii
Carta.Keligitashadaha Addis abeba weligi talada kuma
darin in kacdoon siyaasadeed ay dadka soomaalidu
abaabuli karaan.Sannadihii la sheegay inuu
Soomaaliya marti ku ahaa waxay siiyeen aqoon aan
dhammaystirnayn oo uu u leeyahay dadka
soomaalida,isaguse u qabo inuu khabiir ku yahay sida
soomaalidu u fakarto.Kacdoonkii bulshada Muqdisho ee
ay hoggaaminayeen Maxkamadaha Islaamiga ahi wuxuu
Meles Zenawi iyo maraykankaba u caddeeyey in aysan
aqoon buuxda u lahayn dadka soomaaliyeed,wuxuuna si
halhaleel ah u beddelay siyaasaddiisii uu 16-ka sano
ku caanomaalayey.Wuxuu door biday inuu taageero
dawladda Baydhabo oo uu aaminsan yahay inuu ka heli
karo 2da qodob ee u dambeeya 3dii qodob ee aan ku
soo sheegay danaha Itoobiya.Wuxuu qiyaasay in dawlad
maxkamadaha islaamiga ahi hoggaaminayaan uusan ka
heli karin danaha Itoobiya ay ka leedahay
Soomaaliya,Maraykanka
Oo aan maqli karin
magaca Islaamkuna wuxuu u ballan qaaday waxa ku
baxaya dagaalka.
Haddaba annaga
soomaalida ahi fursad ayaan iska dhuminnay markii
maxkamaduhu Xamar qabsadeen,taasoo ahayd xukun
qaybsi maskax ku dhisan oo dhex mara maxkamadaha iyo
dawladda.Maanta oo dawladdu Xamar joogtana fursad
kale ayay inoo tahay.Tii hore haddii aan ka
faa,iideysan weyney yeysan tani ina dhaafin,oo aan
taageero hiil iyo hooba leh siinno
dawladda.Fursaduhu maalin walba ina soo mari
mayaan,ummadihii aan fursadaha soo maray ka
faa,iideysanna meeshay ku dambeeyeen kutubta
taariikhda ayaa qoraysa.Mucaaradka dawladdu ha noqdo
mid canaan iyo tusaaleyn ah,khaladkoodana lagu
saxayo ee yuusan noqon mid hubaysan.Nacaybka loo
qabo qaar ka mid ah madaxda dawladduna yuusan
indhaha inaka ridin.Waxa meesha yaallaa waa ka weyn
yihiin qof ama urur.Waa jiritaanka
Soomaaliya.
Waxaa xusuus mudan
in Itoobiya oo ay ka taliso mid ka mid ah dawladaha
adduunka ugu liita dhinac kasta,ay dalkeenna ka
yeesho siday rabto sababtuna tahay dawlad
la,aanteenna.Marka hore aan dhisanno dawlad soo
celisa qarannimada dalka,dabadeedna aan awoodda
saarno sidii aan u samaysan lahayn dawlad haqab
tirta baahida aan qabno oo idil.Waxba tari mayso
walaahow iyo iska daba-ka-laabasho aan lahayn wax
natiijo ah.Dawladda Itoobiya ka jirtaa ma waari
karto,cimrigeedana waxaa xaddidaya maamul
xumada,saboolnimada iyo jabhadaha ka soo horjeeda.Ka
badan mayso 20 sano hadday raagto,dalka Itoobiyana u
malayn maayo inuu mar dambe isu imaanayo.Xabagta isu
haysaa waa mid duugowday.Haddaba waa lagama maarmaan
inaan is diyaarinno oo aynnu noqonno dawlad tabar
leh maalintaa iyada ah.Dalka inaka maqan si dhib yar
ayaan markaa ku heli doonnaa,innagoo mar kasta
awoodda saaraynna inaan qawmiyadaha gumeysigu madaxa
ka galay xukunka Itoobiya gacanta ku dhigin.
Dad badan oo
soomaali ah ayaa waxaa aad uga caraysiiyey hadalkii
aan loo meel dayin ee ka soo yeeray Ina
Caydiid,kaasoo ku saabsanaa isku darka Soomaaliya
iyo Itoobiya.Aniga siday ila tahay taasi weligeed
dhici meyso,waxaanan marna oggolaaneyn
Itoobiyaanka,sababtoo ah;
B)isku darka
2 dal wuxuu keenayaa in la beddelo magaca
dalka,calanka iyo astaamo kale oo qarameed.Dadka
itoobiyaanku way ka waddanisan yihiin
soomaalida,weligoodna ma aqbalayaan inay beddelaan
calankooda,magaca dalkooda iyo astaamihiisaba.Hadday
Ina Caydiid ka suurowdo inuu beddelo magaca
dalkiisa,kama suurowdo taasi qof itoobiyaan ah.
T)in kastoo
aan lahayn tirakoob sax ah,haddana waxaa la
qiyaasayaa in 60% dadka Itoobiya yhiin
muslimiin.Haddii 10milyan oo muslimiin soomaali ah
lagu daro tirada muslimiinta ”dalka cusub” ayaa aad
kor ugu kacaysa,sidaa awgeed qawmiyadaha Masiixiga
ahi marna aqbali maayaan inay dalkooda ku noqdaan
koox yar oo aad looga badan yahay.
WA BILLAAHI
TAWFIIQ
Hashi, Abdirahman
Elmi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no