SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa Sababay Burburkii Maxaakiimta?

Cabdirisaaq maxamed xusen, Eskilstuna , Sweden.

Hordhac

Sida ay dadka soomaaliyeed ee wadanka gudihiisa iyo dibadiisuba la socdaan waxaa bur-bur deg-deg ahi soo wajahay ururkii maxaakiimta midoobey ee gacanta ku dhigay inta badan koonfurta soomaaliya. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in bal dib loo eego waxyaalaha saldhiga u ah bur-burkaas deg-dega ah. Si aan u fahamno waxyaalaha dhaliyey bur-burkaas, aan dib u eegno dhacdooyinkii lixdii bilood ee lasoo dhaafay:

Dhacdooyinkkii la soo maray

o 5-tii juun-06. Dagaal bilo socdey ka dib waxaa ay maxaakiimtu gacanta ku dhigeen magaalada muqdisho.

o 6-dii juun. Waxaa ay maxaakiimtu la wareegeen gacan ku haynta balcad iyo nawaaxigeeda.

o 14-kii juun. Waxaa ay maxaakiimtu qabsadeen magaalada Jowhar

o 15-kii juun. Waxaa ay la wareegeen maxkamaduhu gacan ku haynta Beledwene.

Bilihii ka dameeyey bishaas juun waxaa ay maxkamaduhu saareen cadaadis milateri meelo badan oo ka mid ah koonfurta iyo gobolada dhexe ee soomaaliya. Taas oo suurto gelisey in maxaakiimtu qabsadaan meelaha ay ka mid yihiin: gelinsoor, cadaado, ceelbuur iyo hobyo oo dhamaan ka mid ah gobolada dhexe ee soomaaliya. Intaas ka dib waxaa ay maxaakiimtu u dhaqaaqeen xagaas iyo magaalada gaalkacyo.Iyagoo isticmaalaaya kelmadoodii caanka ahayd “ dadka gobolka ayaa noo yeeray” Dhamaadkii bishii oktoober iyo bilowgii bishii november ayaa xiisada gobolka mudug cirka isku shareertay. Taas ugu damyntiina dhalisay in gacan ka hadal yimaado.

o 25-tii siteember waxaa ay maxaakiimtu gacanta ku dhigeen magaalada dekeda ah ee kismaayo, iyagoo qaar ka mid ah hogaamiyaashii dooxada juba soo dhoweystey qaarna dagaal ku qaaday. Dagaalkaas oo dhaliyey in magaalada buàale ay maxakiimtu ku laayaan maxaabiis ay dhaawac ku qabteen.

o Bishii november waxaa ay maxkaduhu qabsadeen meelo badan oo ay ka mid tahay,Caabudwaaq, Buurxakaba iyo agagaarkeeda iyo meelo kale oo badan.

o Waxaa kale oo ay cadaadis culus saareen magaalada baydhabo oo ah fadhiga dowlada ku meel gaarka ah.

o Maxaakiimtu waxaa ay shuruudo adag ku xireen shirkii khartuum.

Xowliga ay maxkamaduhu ku socdeen, iyo dhulka balaaran ee ay tageen iyo qaabka ay u wajaheen siyaasada soomaaliya waxaa ay qofka ku dhalin kartaa suàalo badan. Balse suàalahaas qormo kale ayaan kaga jawaabi doonaa. Maqaalkanse waxaa aan ku falan qeyn doonaa dhowr qodob oo ka mid ah kuwii sababay in maxaakiimtii burbur soo wajaho. Qoddobadaas waxaa ka mid ah:

Mugdi ku jirey qaab dhismeedka maxaakiimta

Qaab urureedka maxaakiimtu u dhisnaayeen waxaa uu ahaa mid aan caddeyn. Maxaa yeelay maxaakiimtu asalkoodii hore waxaa ay u dhisnaayeen qaab beeleed. Maxaakiimtii ugu horeeyeyna waxaa laga dhisay gobolka banaadir. Kuwaas oo dadku ugu talo galeen in ay nabad gelyada sugaan, maadaama ay magaalada muqdisho ahayd meel kala qaybsan oo nabad gelyadeedu xun tahay. Wakhti aan sidaas u fogeyn ka hor waxaa loogu yeeri jirey maxaakiimta magac qabiil. Tusaale ahaan maxkamada reer hebel iyo tan reer qansax iwm. Kelmadahaasi waxaa ay muujinaayaan in maxkamaduhu aaney bilowgii hayn kuwo ( national) ama qaran matala balse ay ahaayen kuwo ka dhashay baahidii ka jirtey halka ay maxkamadu degan tahay. In maxkamaduhu isu bedeleen qaab qarameed oo ay matalaan wadanka oo dhan, ma aaney jirto meel lagu shaaciyey. Taasi waxaa ay dhalisay in gobolada dalka intooda badan looga arko in maxaakiimtu aaney ku hadli karin qaab qarameed balse ay u hadli karaan qaab goboleed, sida puntland ama soomaaliland oo kale. Tan kale qaab dhismeedka maxaakiimtu waxaa uu ahaa mid aan si fiican isugu dhafnayn. Taas waxaa kuu cadeyn kara in aan hadalada ay ku hadlayeen masuuliyiinta maxaakiimtu ay marar badan ahaayeen kuwo aan isku jiho u socon. Taas oo sababteedu ahayd iyagoo kasoo kala jeeda maxaakiim kala duwan; Sida Ifka xalane, furqaan, albayaan iwm.

Arinkani qayb ayuu ka ahaa waxyaalihii soo dedejiyey burburkii maxaakiimta.

Siyaasad laab la kac ku dhisan

Qaabka siyaasada maxaakiimta dhinaca dibada iyo gudahaba waxaa ay ahayd mid aan laga baaraan degin. Waxaa ay ahayd mid laab la kac iyo jidbo ay ku dheehan tahay. Waxaa ay ahayd mid uu dareen hogaan u yahay ee aan lahayn qaab qorsheysan. Ma aaney jirin qorshe siyaasadeed oo qeexan oo ay rabeen iney isticmaalaan wakhtiga dhow iyo kan dheerba. Arinkan waxaa sii dhiiri geliyey fiditaankii deg-dega ahaa ee maxaakiimtu sameeyeen.

Qaab kasta oo isbedel, mid diin ku saleysan iyo mid maadi ahiba waxaa uu u baahan yahay inuu maro heerar kala duwan. Isla markaasna uu ku socdo qaab horey loo sii qorsheeyey. Isbdelku waa inuu maraa heer bilow ah, oo u baahan ugu yaraan laba sano, heer dhexe ama heerka biseylka oo u baahan ugu yaraan sadex sano iyo heerka saldhiga ah kaas oo ah kan ugu dameeya oo isbdelka lagu fariisinaayo. Haddii isbdelku ka boodo mid ka mid ah marxaladahaas ama heerarkaas waxaa soo wajahaaya bur-bur deg-deg ah. Maxaa yeelay waxaa dhumaaya isku xirkii iyo nidaamintii isbdelka socda. Dadka isbdelka wadaana waxaa ay iska eegayaan meesha xaaladu la tagto. Maalinta ay meel doog leh marxaladu la tagto waa farxayaan, maalinta dacari timaadona waa la qoomameeyaa. Siyaasada dunida ee maanta waa mid u baahan rag shaxda siyaasada yaqaan, waa mid ku fareysa inaad taqaan qaabka turubka siyaasada loo kala hor mariyo. Waa lagama maarmaan inaad madaxa ku haysaa tixdii turubka:

“ Kanaan degey kan baan degi lahaa kaninan ii laaban” Siyaasad aan la lafagurin iyo Fiditaan deg deg ah oo aan wax qorshe ahi ka demeyn ama qorshe qalad ahi ka dameeyo waxaa uu ka mid ahaa waxyaalihii horseeday burburkii maxaakiimta.

Aqoon la'aan dhinaca ciidamada ah

Hogaanka ciidamada maxaakiimtu ma ahayn mid leh aqoon ciidan oo dheer. Ma aanu ahayn hogaanku mid haysta aqoon ciidan oo jaamacadeed. Waxaan meeshaba joogin ragg takhasus u leh xagga qorsheynta ( straatijiyada). Waxaa maqnaa rag leh aqoon ciidan oo ay ku dersi karaan awooda caddowga aad wajaheysid. Awooda saaxiibada caddowga ayaa iyana muhiim ah in la derso. Taasi waxay sawir kaa siin kartaa xaaladu sida ay noqoneyso hadii aad labadiinu kala badin weydaan. In ilaahay la talo saartaa waa wax muhiim ah balse ilaahay inaad dhaqdhaqaaq , xirfad iyo aqoon la timaado ayuu doonayaa.Qof kasta oo akhriya taariikhda islaamka waa arki karaa sida ay aqoonta ciidanku muhiim u tahay. Raggii uu ka mid ahaa Indhacade uma muuqdaan iney lahaayeen khibrad ku filan oo ciidan oo dagaal lagula geli karo dowlad jirtey wakhti dheer saaxiibo xoog lehna haysata. Waxaa kaloo aqoon la àantaas ciidan kuu caddeyneysa kelmadihii kasoo yeeri jirey hogaankii maxaakiimta, sida;

“Anigu waxba qarin maayee waxaan duulaan ku nahay Gaalkacyo, hargeysa, baydhabo iyo burco”- Xasan Turki ( taasi waxaa ay keentay in dadka goboladaas ku dhaqani ay maxaakiimta u arkaan dad aan diintu daacad ka ahayn)

“Dagaalka addisababa ayaan geyneynaa” Yusuf indhacade. ( taasi waxaa ay keentay in aduunku u arko maxaakiimta urur argagixiso oo doonaaya inuu dalal kale qarxiyo, waxyna soo dedejisey weerarka baahsan ee maxaakiimta lala beegsaday)

“ Waxaan u yeeraneynaa muslimiinta aduunka oo dhan” indhacde iyo sheekh fuàad. ( Taasi waxaa ay keentay in dunida badankeed qaataan fekerka ah in soomaaliya ay kusoo ururayaan dad aduunka oo dhan laga doonaayo. Dad aan marna wadin danta soomaaliya).

Waxaa iyana meesha ku jirtey taya xumada ciidankii maxaakiimta oo intooda badani ahaayeen dad aan haysan tababar ciidan balse laab la kac ku dagaalamaaya. Waxaa kale oo aan ciidankaas ma maqneyn dhalinyaro badan oo markoodii hore ahaa maleeshiyooyinkii qabqablayaasha, kuwaas oo aan loo sameyn wax dhaqan celin ah balse ciidanka la is kaga daray.

Arimahaas aan kor ku soo sheegnay waxaa ay mid ahaayeen waxyaalihii dhaliyey bur burkii maxakiimtii midoobey.

Mahadsanidin

Cabdirisaaq maxamed xusen, Eskilstuna , Sweden.
Master degree in economics
habdirisak@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Jan 21, 2007

YAA GAAGIXIYAY MAXKAMADAHA?
Qore: Mustaf Haji Ali yanyo| Jan 18, 2007
Sida aan kawar qabno dalka soomaliya waxay soomartay maraaxil aad ufarabadan laga [Akhri...]

AKHRI: ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH