SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


ALLE TUUG (Gabay) 

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com

Bilowgii bishaan Jan 2007 ayaan waxaan tiriyey tix magaceedu ahaa “Qabrigiin dun Soomaaliyeey Qoon xun baad tahaye”. Tixdaas waxaan ku muujiyey sida aan uga rajo go’ay in Soomaalidu noqoto ummad aragti, iimaan iyo midnimo leh. Qaar ka mid ah walaalaha oo tixdaas akhristay ayaa welwel ka muujiyey quustaas gabaygu muujinayo iyo ereyga “Qabrigiin dun” ee hooriska u ahaa, waxayna iga codsadeen in aan tix kale oo duco ah ka daba geeyo, waana tan tixdii “Alle tuug”. 

  1. Tix ayaan dhaweyd aan tirshaad ka anfariirteene
  2. “Qabrigiin dun” ereygii ahaa waa ka olosheene
  3. In Ilaah canaan uu ka dhigo cidu ku aafoobin
  4. Oo wixii musiibaa dhammaan Eebbe naga awdo
  5. Aamiinta ii dhaha ducaan Alloowsanaayaaye
  1. Addoommaa is mahadshoo Alloow aabi noo dilaye
  2. Adduunkii nin eylaa Rabboow amar ku taagleyne
  3. Amriikiyo cawaankeed ayaa naga itaal roone
  4. Islaweynidey nagu hayaan waad ogsoon tahaye
  5. Ilaahii Ficoon aamus-show Buush indhaha beelo
  1. Injirrey Tigreeyaa la yiri aarso godobtiiye
  2. Aartelleri la soo siiyey bay nagu asqeeyeene
  3. Diyaaraad Abaajeey barqadi nagu afuufeene
  4. Awood bay u sheegteen kufrigu inamadeenniiye
  5. Ilaahii Abraha jebiyayoow Melle ka aargooso
  1. Ilaahoow addoon caabudoo kuu cawdaan ahaye
  2. Ilaahoow adaa qaaddiroon lagu ijbaareyne
  3. Ilaahoow itaalyarida bay nagu arkoodeene
  4. Ilaahoow Amriikiyo midkii haysta udubkeeda
  5. Araxdiyo lafaha jebi Alloow kuu ergaan ahaye
  1. Ilaahoow Islaamkay kufrigu weerar ku ekeyne
  2. Addinkiyo afkooday rabaan inay ku aasaane
  3. Oo uunka laga waayo ruux Axad yiraahdaaye
  4. Ilaahoow adaa yiri xaqaan laga adkaaneyne
  5. Ilaahoow abaalkooda mari edeb ha yeesheene
  6. Oo adigu gaal nagaga aad kuu ergaan ahaye
  1. Aabbiyo awoowiyo adeer eheladeydoo dhan
  2. Isirkoodu Soomaali buu ka askumaayaaye
  3. Arladana waxay uga dhacaan Geeska Afikaaye
  4. Dad Islaama weeyoo dhammaan ehelu iimaane
  5. Amni iyo ismaqal sii Alloow kuu ergaan ahaye
  1. Dadkaan kala irdhoobee Rabboow oodafada jiitay
  2. Ilaahoow dadkeygaan xumaha loo anqarinaayo
  3. Labadaan awoow wada dhalee aabbe kala sheegta
  4. Isma eegayaashaan Alloow uurka ka colloobey
  5. Isu ururi Eebbow kuwaan kuu ergaan ahaye
  1. Ummad waxaa hogaamiya ninkii aayaheed garane
  2. Ijiid aan ku jiidey in badan agab u haysteene
  3. Ilaahoow mid aamina u keen urursha oo ceynsha
  4. Ilaahoow ismaqal bay ummadi ka ambaqaaddaaye
  5. Ilaahoow iftiin maamul sii aragti aamaalle
  6. Oo tobanka uurdoox ka qabo kuu ergaan ahaye
  1. Ilaahoow addoon caabudoo kuu cawdaan ahaye
  2. Ilaahoow Ilaah kale ma jiro adiga mooyaane
  3. Ilaahoow ducada iga ajiib waad na aragtaaye
  4. Ilaahoow awooddaada baan cidi ku aadeyne
  5. Ilaahoow ammaankaaga geli ubadka Soomaali
  6. Oo abid mushkilad yeysan arag kuu ergaan ahaye

 Dhammaad


Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com 

QABRIGOOD DUN SOOMAALIDII !! (Gabay): Tixdaan gabayga ah waxay tilmaan cad ka bixineysaa.. Guji

GABBAL DUMAY = DAGAAL OOGE (Gabay):waano ku socota dadweynaha Soomaaliyeed iyo digniin ..... Guji

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH