SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Salaad Cali Jeelle: “Hub dhigistu waxay dowladdu billaabi doontaa maalinta sabtida ah, xoog ayaan lagu qaadayaa”
  • BAAQ UU SOO SAARAY XAFIISKA ISKU XIRKA BULSHADA IYO DOWLADDA EE MAGAALADA MUQDISHO.
  • Gaari safar ah oo Khamiistii lagu gubay duleedka W/Muqdisho

    Lack of security threatens Somalia's hard-won gains
    A hand grenade was tossed into a government army compound Thursday night in Mogadishu, Somalia's capital, in a sign of a growing insurgency....


Salaad Cali Jeelle: “Hub dhigistu waxay dowladdu billaabi doontaa maalinta sabtida ah, xoog ayaan lagu qaadayaa”

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Salaad Cali Jeelle ayaa Khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqay inay dowladdu hubka xoog kaga qaadayso shacabka Soomaaliyeed.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in maalinta sabtida ah ay bilaabayso inay hubka ururiso, isla markaana ay qasab kaga qaadayso kuwa aan ka faa’iidaysan xiliga loo qabtay inay hubka isaga dhigaan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay siisay shacabka Soomaaliyeed ee gacmaha hubka uu ugu jiro muddo saddex casho ah oo ay beelaha Soomaaliyeed la tashiyo la sameynaysay, waxaana beel walba oo aan la kulannay kala kulannay inay doonayaan in hubka ay iska dhiibaan” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo hadalkiisa daba dhigay: “Hub ka dhigista Shacabka Soomaaliyeed waa mid aan cidna looga haybaysanayn, waxaana idiin sheegayaa in hubka qaabka loo dhigayo ay dowladdu dhameystirtay”.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Salaad Cali Jeelle ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay in hubka ay shacabka ka dhigayaan ciidammada Dowladda oo qura, balse aysan kaashanayn kuwa Ethiopia, haddiise loo baahdo ay qayb ka noqon karaan.

“Hubka shacabka laga qaado wuxuu noqon doonaa mid la siiyo ciidammada Dowladda oo ay dowladdu qorsheysay gaarayana 45,000 oo Askari, mana nqoon doonto hubka mid shacabka dib ugu soo laabta sida dadka qaarkood ay qabaan” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in cid walba oo diida inay hubka dhigto ama ka hortimaadda ciidammada dowladda ee howshaan wada ay cagta marin doonaan

Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe) / Muqdisho


BAAQ UU SOO SAARAY XAFIISKA ISKU XIRKA BULSHADA IYO DOWLADDA EE MAGAALADA MUQDISHO.

Xafiiska Isku xirka Bulshada iyo Dowladda oo Khamiistii kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay soo saareen baaq ay dowladda guddoonsiiyeen, kaasoo ah hadafka talooyin uu xafiiska u soo jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana baaqaas oo ka kooban 7-qodob uu ahaa sidan hoose ku qoran:

1- Soo dhaweynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo gaartay Caasimadda Muqdisho iyo sidii loola shaqeyn lahaa.

2- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ka codanaynaa inaysan fursad siinin dadka ka soo horjeeda in Qaranka Soomaaliyeed dib cagahiisa uu isugu taago.

3- Dowladda Federaalka waxaan ka codsanaynaa inay dhallinyarada hubka laga xareynayo ay u sameeyaan xirfad shaqo oo ay Mustaqbalkooda ku dhisaan.

4- Waxaan dowladda Federaalka ugu baaqaynaa inay gacanta ku dhigto dhammaan saldhigyada booliiska, Isgoysyada iyo xarumaha degmooyinka, si nabadgalayadu u gaarto degmo, xaafad, waax illaa deris.

5- Waxaan taageersannahay soo celinta iyo dib xaqiijinta sugidda nabadgalyada dhammaan waddanka Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidammada Dowladda aan dariska nahay, saaxiibkana nahay ee Ethiopia.

6- Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa loogu baaqayaa inay hubka dhigaan, gacanta dowladdana ku wareejiyaan.

7- Waxaan taageersannahay go’aanka dowladda oo ah in deg-deg hubka loo xareeyo, ciddii ka hortimaaddana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado.

Markii baaqa la aqriyay kaddib ayaa waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska isku xirka Bulshada iyo Dowladda Xaaji Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) oo sheegay inay ka codsanayaan dowladda inay si dhab ah ugu dhaqanto go’aannada ay soo saareen ee ay gacanta u geliyeen wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Mudane Salaad Cali Jeelle oo xafladda goobjoog ka ahaan.

"Xafiiska waxaa la dhisay iyadoo dowladda federaalka ay ku sugan tahay dalka Kenya, waana mid aan suurogal ahayn in aan soo dhaweyn waynno iyadoo ku sugan caasimadda" ayuu yiri Caaqil Koogaar oo intaas ku daray: "Dowladdu waa inay sameyso Roondooyin ku sameyno waddooyinka Magaalada Caasimadda ah, isla markaana ay ka hortagto kuwa ammaan xumada ka wada Magaalada Caasimadda ah".


(Bidix) Caaqil Koogaar | (Midig) Salaad Cali Jeelle

Sidoo kale mar uu ka hadlayay fikirka xafiiska ee dhanka Nabadgalyada ayuu sheegay Caaqil Koogaar in looga baahan yahay dowladdu inay fariisimo ka sameysato meel walba oo lagu tuhmi karo inay amni xumo ka dhalan karto, waxaana uu sheegay in xafiiska uu si weyn dowladda taas ugu boorrinayo.

Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay kulanka markiisa ayaa sheegay inay dowladdu qaadatay isla markaana ay ku camal falayso, waxaana uu sheegay in Dowladdu ay sugayso ammaanka Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in dowladdu ay si gaar ah xil isaga saarayso inay ammaanka sugto.

Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa kusoo beegmaya xaalad murugsan oo dalku ku sugan yahay islamrkaana ay dadka qaarkood u fasirayaan inay soomaaliya faraha kasii baxayaso hadii ay sidan kusii socoto oo ay ciidamada itoobiya ay fadhiisin ka dhigtaan gudaha wadanka soomaaliya ,sidoo kalena waxaa indhahaygu qabanayeen sawirada melez zanawi iyo geedi oo ku sharaxan derbiyada xarumaha shirarka lagu qabanayo.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


Gaari safar ah oo xalay lagu gubay duleedka W/Muqdisho

Jan 4, 2006: Xalay fiidnimadii ayaa kooxo maliishiyo ah ay rasaas ooda ugu qaadeen gaadiid TM ah oo kusii jeeday tuulada Biyo cadde ee gobolka Sh/Dhexe halkaasi oo ay ku dhaawacmeen sadax ka tirsan dadkii saarnaa gaarigiina uu ku baaba’ay kadib markii ay saban qabadsiiyeen maliishiyadii dooneysay in ay ka qaataan lacagta loo yaqaan Leejada.

 Dhacdadan oo ka dhacday deegaanka loo yaqaan Galgalato ee duleedka degmada Kaaraan, waxaana lagu soo waramayaa in gaadiidkiii iyo dadkii saarnaa khasaaro xoogan uu kasoo gaaray madfaca lagu dhuftay, iyadoo uu olol ka kacay Baabuurka

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii labada dhinac ay isku afgaran waayeen lacagta leejada laga doonayey baabuurka inuu bixiyo taasoo keentay in labada dhinac ay is rasaaseeyaan kadibna baabuurkii la qabadsiiyo Saban.Muqdisho xalay lagu  gubtay 

Xalay fiidnimadii ayaa kooxo maliishiyo ah ay rasaas ooda ugu qaadeen gaadiid TM ah oo kusii jeeday tuulada Biyo cadde ee gobolka Sh/Dhexe halkaasi oo ay ku dhaawacmeen sadax ka tirsan dadkii saarnaa gaarigiina uu ku baaba’ay kadib markii ay saban qabadsiiyeen maliishiyadii dooneysay in ay ka qaataan lacagta loo yaqaan Leejada. 

Dhacdadan oo ka dhacday deegaanka loo yaqaan Galgalato ee duleedka degmada Kaaraan, waxaana lagu soo waramayaa in gaadiidkiii iyo dadkii saarnaa khasaaro xoogan uu kasoo gaaray madfaca lagu dhuftay, iyadoo uu olol ka kacay Baabuurka

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii labada dhinac ay isku afgaran waayeen lacagta leejada laga doonayey baabuurka inuu bixiyo taasoo keentay in labada dhinac ay is rasaaseeyaan kadibna baabuurkii la qabadsiiyo Saban.

mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..

Xuseen Caydiid: Xadka Soomaaliya Waa La Baab'inayaa
.Nin hubeysan oo labo Itoobiyaan ah ku diley Degmada Jilib...
.Mucaaradka itoobiya oo ku celiyey in Ciidmda Itoobiya ay..
.Dowladda FKMG oo xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii
.Ciidamo ka socda Wadamada Uganda iyo Nayjeeriya oo ku..
.Goobihii Dowladdu u cayintay in hubka la geeyo oo..
.Ma laga yaabaa in uu qabsoomo kulanka uu ku baaqey...
Wararka oo dhan oo ka akhri... Jan 3


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH