Wararkii: Jan 16, 2007
-
Dowladda Federaalka oo
howlahooda u fasaxday Idaacadaha Shabeelle,
Hornafrik iyo IQK
-
Maamulka Cusub ee
Muqdisho oo soo jeediyay in magaalada Muqdisho laga
saaro Ciidammada Ethiopian-ka
-
Mooshin ka dhan ah
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maalmaha soo socda la
hordhigay xildhibaannada
-
Wadamadii laga
codsaday inay Soomaaliya u soo diraan oo u muuqda
Cagajiid...
-
Gudoomiyaha
Baar-lamaan oo qoraalo u kala direy ururo
-
Diinaari oo ka Hadley
xarigii loo geystey Dhowr Idaacadood oo ku yaal..
-
Maxay tahay U
jeedooyinka loo xiray Idaacadaha Shabeele, Hornafrik,
Quaanka kariimka iyo…
-
Ra’iisul wasaare Geedi
oo digay Kooxaha shaqaaqooyinka ka wada….
-
Faahfaahin dheeraad ah
oo ku saabsan iska horimadkii ka dhacay…
“The Ayr clan is part
of the problem,” Mr. Dinari said. (Abdirahman Dinari,
spokesman for the transitional government)...
Read... Somalia’s Transitional Government Shuts 3
Radio Stations New York times
The United Nations
envoy to Somalia, Francois Lonseny Fall, said he
would discuss the media closures with President
Abdullahi Yusuf and Prime Minister Ali ... Read
Media crackdown in Somalia draws protests
Muddo
24 Saacadood Kadib Waxaa Hawada Dib Ugu Soo Laabtay
Idaacadaha Hornafrik, Shabelle, Qur'aanka Kariimka &
xafiiska Al-Jazeera
Dowladda
KMG oo shalay xayriraad kusoo rogtay in ay hawlahooda
warbaahineed gabi ahaanba joojiyaan ayaa maanta si toos
ah xayriraadii uga qaaday dhamaan idaacadihii iyo
xafiiska tv ga caalamiga ah ee al-jaziira
Ka dib kulan ka dhacay xarunta Nabad-Sugidda (NSS) ee
waqooyiga Magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loogu
falanqeeyey qaabka wada shaqayneed ee Dowladda KMG iyo
warbaahinada xorta ah.
Mas'uuliyiinta Idaacadaha ee kullanka ka qeybgalay ayaa
xaqiijiyey in Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka oo
wareegtadii lagu xiray Idaacahada shalay soo saaray,
ayaa sheegay in culeys fara badan oo Caalamka daafihiisa
ka kala yimid ka dib, oo looga dalbanayey in ay dib u
furaan Idaacadaha, ay go'aansadeen in ay dib u
hawlgalaan xarumaha warbaahintu.
Waxyaabaha kullanka sida weyn looga dooday, ayaa waxaa
ka mid ahaa In Dowladdu ay qaadanayso Mas'uuliyadda
Hadii war laga waayo mas'uuliyiinteeda ay Idaacadaha
wixii jira baahin karaan, sidaana loogu soo kala
dareeray kullankan.
Lama sheegin wax shuruudo ah oo lagu xiray furitaanka
Idaacadaha, marka laga reebo in kullanka la iskula
gorfeeyey qaabka wadashaqeynta warbaahinta xorta ah iyo
Dowladda KMG ah sidii ay u taageeri lahayd saxaafadu .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com
Dowladda
Federaalka oo howlahooda u fasaxday Idaacadaha Shabeelle,
Hornafrik iyo IQK
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u ogolaatay
idaacadaha Hornafrik, IQK iyo Shabeelle inay dib
howlahooda dib u billaabaan, waxaana kulankaan la
sheegay inay isku afgarteen Madaxda Nabadsugidda iyo
madaxda Hay'adahaas.
Ma jiraan wax tafaasiillo ah oo laga baxshay dib u
howlgelinta idaacadahaas oo ka soo baxay danka Dowladda
iyo dhanka Mas'uuliyiinta Dowladda ayaa dhanka kale
waxaa jira warar hoose oo sheegay inay is afgarteen
madaxda Dowladda iyo kuwa Hay'adahaas warbaahineed.
Madaxda Idaacadaha qaarkood ayaa sheegay in howlahooda
ay dib u billaabeen inkastoo aysan sheegin lagu xiray
wax shuruudo ah, waxaase qaarkood ay sheegeen inaysan
jirin wax shuruuddo ah oo lagu xiray idaacadahooda.
Ma jiraan warar ka soo baxay dhanka dowladda oo sheegaya
dib u howlgalinta idaacadihii shalay ay xireen qaybta
nabadsugidda ee Gobolka Banaadir, sidoo kale xubno ka
tirsan dowladda waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dib
u howlgelinta idaacadihii la xiray.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Maamulka Cusub ee Muqdisho
oo soo jeediyay in magaalada Muqdisho laga saaro
Ciidammada Ethiopian-ka
Maxamuud Axmed Xasan (
Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Sida ay sheegayaan xubno ku dhowdhow maamulka cusub ee
Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in Magaalada
Muqdisho laga saaro dhammaan ciidammada Ethiopia, isla
markaana la geeyo duleedka Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in maamulka cusub ee
Magalaada Muqdisho qaybtiisa nabadgalyada iyo ammaanka
uu wado qorshayaal uu kulammo kula qaadanayo odayaasha
iyo cuqaasha Soomaaliyeed isagoo ka dhaadhicinaya inay
hubka iska dhiibaan, ayna beelahooda ka dhaadhiciyaan
inay hubka wareejiyaan.
Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa
inay kulammada ay la qaadanayaan cuqaasha iyo ugaasyada
beelaha Muqdisho ku dhaqan ay billowdaan maanta oo
tallaado ah, isla markaana lama sheegin xilliga ay ku
wadaan in hubka ay soo wareejiyaan beelaha Muqdisho ku
dhaqan.
Sidoo kale ayaa la sheegay in maamulka cusub ee
Magaalada Muqdisho uu qorsheynayo inuu kulammo la qaato
kuwa lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan falalka qaraxyada
ah ee habeenkii lala beegsado Ciidammada Dowladda iyo
kuwa Ethiopia, iyagoo ka dhaadhicinaya inay joojiyaan
falalkaas, isla markaana ay hubkooda soo wareejiyaan
lana shaqeeyaan maamulka.
Mooshin ka dhan ah
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maalmaha soo socda la
hordhigayo xildhibaannada
Fariisinka Baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda ayaa
waxaa ka socda dhaqdhaaqyo lagu doonayo in lagu mooshin
lagu hordhigo baarlamaanka, kaasoo xilka looga tuurayo
Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Mooshinkaan ayaa waxaa wada inta badan xidlhibaannada
baarlamaanka, waxaana ka socda Baydhabo hadal hayn ku
saabsan mooshinta iyadoo xildhibaannada qaarkoodna ay ku
sii raacayaan xildhibaannada mooshinkaan wada fikirkooda.
Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in
lagu wado in maalinta berri oo Arbaco ku beegan la
hordhigo baarlamaanka mooshinka lagu doonayo in xilka
looga qaado guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif
Xasan Sheekh Aadan oo haatan booqasho ku jooga dalka
Belgium.
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha Baarlamaanka
Cismaan Cilmi boqorre oo haatan ku sugan Magaalada
Baydhabo oo ay saxaafadda wax ka weydiisay mooshinka la
doonayo in lagu rido baarlamaanka ayaa sheegay in
baarlamaanku uu xaq u leeyahay inuu ka doodo qodob kasta
oo la soo hordhigo.
Mar uu Boqorre ka hadlay Mooshinkaan iyo sida uu
shaqsiyan ula muuqdo ayaa yiri: “Waxaan qiraynaa
dhammaanteen in ruux dambi galay uu sharciga la
xisaabtamayo, tanina waxay ka mid tahay xisaabtanka
sharciga, maadaama Guddoomiyaha Baarlamaanka uu hadal ka
maqli waayay xildhibaannadiisa isla markaana uu
go’aannada isaga uun iska gaaro”.
Shariif Xasan iyo xubno la
socday oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Midowga Yurub
Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo laba xubnood oo ka tirsan
Baarlamaanka ayaa waxay kulan kula qaateen xarunta
Midowga Yurub ee Brussels Madaxa Arrimaha Horumarinta
iyo gargaarka Bani’aadamka ee Midowga Yurub Luis Michel.
Guddoomiye Shariif Xasan oo ay safarkiisa ku wehliyaan
labada xubnood ee kala ah Xildhibaanad Caasho Xaaji
Cilmi iyo Xildhibaan C/raxmaan Ibbi ayaa waxaa kulankii
ay la yeesheen Luis Michel uu ahaa mid ay ku sheegeen in
xaaladda ammaanka ee gudaha Soomaaliya uu yahay mid aan
la isku halleyn Karin.
Luis Michel ayaa sheegay in fikirkiisa ku aaddan
arrimaha Soomaaliya uusan ahayn in xoog wax lagu xalliyo
balse loo baahan yahay in lagu xalliyo wax walba is
faham iyo wadatashi.
Sidoo kale Michel ayaa sheegay in loo baahan yahay in
Soomaalidu ay iyaga danahooda ka tashadaan loona baahan
yahay inay wadahadallo yeeshaan xubnihii ka haray
Maxakamdaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Anigu waxaan qabaa in aan wax walba lagu xallin Karin
qoriga caaraddiisa, waxaana aaminsanahay in dhinaca kale
lagu daro in wadahadallo la yeesho si xal waara looga
gaarro arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri shir jaraa’id oo
uu qabtay Luis Michel.
Dhanka kale Shariif Xasan iyo wadiga la socda ayaa waxay
kulammo la qaateen Agaasimaha Guud ee Waxaada
Horumarinta u qaabilsan Gudiga Midoowga Yurub Mr.
Stefano Manserfisi, iyagoo uga warbixiyay xalaadda Dalka
Soomaaliya uu haatan marayo, balse aanu wax war ah ka
siin guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa fikika
Midowga Yurub ay ka qabto xaaladda Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan (
Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Guddoomiyaha Baarlamaanka
DFKMG ah iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo maanta kulan la
qaatay Madaxa Arrimaha Horumarinta iyo Gargaarka Aadmiga
u qaabilsan Midoowga Yurub Mr. Louis Michel
15/1/2007: Gudoomiyaha baarlamaanka Dowlada Federaalka
Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Wafdi
uu hogaaminaayo oo shalay maalinimadii Axadda soo gaaray
magaalada Brussels ee xarunta u ah Midoowga Yurub iyagoo
casumaad ka helay Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan
Arrimaha Horumarinta iyo Gargaarka Aadmiga Mr. Louis
Michel.
Wafdigaan oo ka koobnaa Gudoomiyaha baarlamaanka iyo
laba xubin Baarlamaan oo kala ah Cabdi Raxmaan Ibbi iyo
Caasho xaaji ayaa isla shalay kulan la qaatay Agaasimaha
Guud ee Waxaada Horumarinta u qaabilsan Gudiga Midoowga
Yurub Mr. Stefano Manserfisi. Waxayna halkaasi kaga
hadleen xaalada uu iminka dalka ku sugan yahay.

Prof. Ibbi, Sharif Xassan, Stefano iyo Caasho X.
Maanta ayay wafdiga kulan gaar ah oo saacado qaatay la
yeesheen Madaxa Gudiga Yurub ee Arrimaha Horumarinta iyo
Gargaarka Aadmiga Mudane Louis Michel, iyagoo kulaka
kaddib wada qabtay shir jaraa’id ay saxaafada ugq
warrameen waxa uu kulankoodaasi ku saabsanaa.

Ibbi, Shariif Xassan iyo Michel oo shir jaraa’d ku
qabtay xarunta guddiga M. Yurub.

Louis Michel oo isagu ah masulka furey shirka jaraa’id
ayaa hadalkisi ku bilaabay waxay ii tahay farxad aad u
wayn in aan halkaan kusoo dhoweeyo Gudoomiyaha
baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xassan iyo
wafdigiisa sharafta leh
Waxaana jeclahay in aan halkaan ka cadeeyo moowqifkayga
siyaasadeed ee ku aadan dalka Soomaaliya ; Waxaan qabaa
in Soomaaliya lagu xalin karo wada hadal iyo dib u
hishiisiin heer Qaran ah waxaana dhamaan kula talinayaa
in ay wada hadlaan. Mar uu ka hadlaayay sharciga dhowaan
uu baarlamaanka u codeeyay ee Xaalada deg dega ah ayuu
tibaaxay Michel in Midoowga Yurub moowqifkiisa arrinkaas
ku aadan uu cad yahay kaasoo ah in haddii uu ka hor
imaanayo Axdiga Qaranka taas macnaheedu uu yahay in ay
Midowga Yurub si deg deg ah u joojin doonaan taageerada
dhaqaale eey ku bixiyaan baarlamaanka Ku meel gaarka ah,
sidoo kale mar wax laga waydiiyay Duqaynta uu Maraykanku
ku haayo Soomaaliya ayuu ku jawaabay; Xal maaha mar
kasta xabada ee xalka wuxuu ku jiraa in gacan laga
gaysto dib u hishiisiinta qaranka. Michel wuxuu kalo ka
jawaabay hadii xilka laga qaado Gudoomiyaha baarlamaanka
wuxuuna sheegay in ay taasi tahay mid kala fogaan hor
leh dhalinaysa oo abuuraysa marxalad kale oo cusub
cawaaqibka ay keentana waxa ka mas’uul noqon doona cidii
ka danbaysay hadalkaasoo ka yaabiyay saxafiyiinta
goobtaasi ku sugnaa iyagoo ku tilmaamay mid xoog badan
oo muujinaya mowqif cad oo Midoowga Yurub uu taagan
yahay iyo in ay ka go’an tahay in la hirgaliyo wada
hadal kaasoo ay u arkaan xalka kaliya sido kale Michel
ayaa intaas ku daray in taageero badan la gaarsiin doono
baarlamaanka haddii ay mujiyaan is af garad dhamaan
dhinacyada waa siduu hadalka u dhigayee haddise buu yiri
aan la hishiin oo ay mar bilaabo is eryid iyo motion la
isku bursanaayo anagu dib bana uga laabanaynayaa
malaayiinta ana ugu talo galnay baarlmaanka.
Waxaa ku xigsaday gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya
Mudane Sharif Xassan oo ka warbixiey xaalada guud ee uu
dalka ku sugan yahay iyo moowqifyadisa siyaasadeed halka
uu Midowga Yurub uga mahad celiyay taageerada joogtada
ah ay siiyaan mar kasta Soomaaliya. Sidoo kale ayuu
sheegay in Soomaaliya xalkedu uu jiro wada hadal iyadoo
xornimadeeda leh.
Saida Sheikh Ahmed VIP
EU Press Section
Brussels belgium
saidavip1@yahoo.com
Sawiarada Saida VIP
Shariif
Xasan Sheekh Aadan “Maanta maalin ka xun ma soo marin
Soomaaliya"
Guddoomiyaha
Baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, Shariif
Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa
Axaddii booqasho gaaban ku yimid magaalada Brussels ee
dalka Belgium, si uu ula kulmo madaxda Midowga Yurub.
Waxaa wafdiga ka mid ahaa Dr Caasha Xaaji Cilmi Aamin
iyo Prof Cabdiraxmaan Ibbi. Kaddib markii ay kulamadaasi
u dhammaadeen ayaa Maxamed Xaaji (Ingiriis) waxa uu
Guddoomiyaha Baarlamaanka la yeeshay wareysigan. [Halkan
ka akhri waraysiga oo dhan....].
Maxay tahay U
jeedooyinka loo xiray Idaacadaha Shabeele, Hornafrik,
Quaanka kariimka iyo…
Waxaa maalintii shalay
ahayd albaabda loo laabay dhowr idaacadood oo ku
yaala Magaalada Muqdisho ka dib markii sidaasi uu ku
amray waaxda Nabad sugidda ee Dowladda Fedaraalka ee
Gobolka Banaadir.Idaacadaha la xiray waxaa ka mid ah
Idaacadda Shabeele,Idaacadaha Horn-Afrik, idaacadda
Quraanka Kariimka ah iyo Xafiiska Telefishanka Al-Jaziira
ee Magaalada Muqdisho, waxaana xirintaankan aad
wal-wal uga muujiyey qaybaha kala duwan ee Bulshada
kuna tilmaamay mid ka horimaanaysa Xoriyadda
Saxaafadda ee Axdiga Ku meel Gaarka ahi oo isaga
ugalaanaya in Dalka laga furo Warbaahin Madaxbanaan.
Xiritaanka
Idaacadahan waxay ku soo beegantay xilli uu Golaha
Baarlamaanka uu Darraad ansixiyey in Dalka lagu soo
rogo xaaladd deg-deg ah waana Sayftii ugu horreysay
C/llaahi Yuusuf Axmed uu kula duldhacay
Idaacadahaasi.
Illaa
hadda lama garanayo sababaha loo xiray Idaacadahaasi
hase yeeshee waxaa loo badiyay in howgallada
Dowladda aan waxba laga sheegin iyo iska
horimaadyada ka dhacaya Muqdisho, waxaana xirtaankan
Idaacadaha cambaareeyey Ururada Saxaafada ee ka jira
Caalmka iyo Soomaaliya.
Axm’ed Cabdi Salaan oo
ah Agaasimaha Idaacadda Hornafrika ayaa waxa uu
xariga Idaacadaha ku tilmaamay mid ay ku jirto
caadifad taasna laguma noqon karo Dowlad.waxa uuna
sheegay in loo baahan yahay in Dowladdu ay noqonto
Dowlad ku shaqaysa Axdiga.
Diinaari oo ka Hadley
xarigii loo geystey Dhowr Idaacadood oo ku yaal..
Afhayeenka Dowladda C/raxmaan
Nuur Max’ed (Diinaari) ayaa ka waramay xiritaankii
lagu sameeyey Idaacaha ay ka mid yihiin Shabeele,
Hornafrik, Idaacaha Quraank Kariimka iyo Xafiiskii
Teleefishinka Al-Jazeera ee Muqdisho waxa uuna
sheegay Afhayeenku in Idaacahaasi ay ka dhaga
adeygeen digniino horay loogu soo jeediyey asagoo
sheegay in ay faafinayeen warar lidi ku ah Nabadda
iyo xasiloonida Magaalada Muqdisho.
C/raxmaan
Diinaari waxa uu sheegay in Idaacahaasi ay ahaayeen
kuwa ay ka shaqayni wanaaga iyo isu soo dhawaansha
Bulshadda Soomaaliya waxa uuna meesha ka saaray in
xarigooda lala xiriinayo Arrimo Caadifadeed
Wadamadii
laga codsaday inay Soomaaliya u soo diraan oo u muuqda
Cagajiid...
Qaar
ka mid Wadamda Midowga Afrika lagana dalbaday inay
Soomaailya keenaan Ciidamo Nabad ilaalin ah ayaa haatan
waxay u muuqdaan Wadamadaasi kuwa ka cagajiidaya inay
Soomaaliya keenaan Ciidamo Nabad ilaalin ah ka dib
markii ay sii kordheen qalalaasaha iyo iska horimaadyada
ka jira Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, ayadoo ugu
dambeeyay iska horimaadkii habeen hore dhexmaray Kooxo
Hubaysan iyo Ciidamada Dowladda fedaraalka ah iyo oo
kaashanaya Ciidamada Itoobiya hase yeeshee Dowladda
Itoobiya ayaa haatan wada dadaal ay ku doonayso sidii
Wadamada qaar uga dhaadhidhicin la hayd sidii Soomaaliya
loo keeni lahaa Ciidamo Nabad ilaalin ah oo badela kuwa
Itoobiya oo haatan Soomaaliya ku sugan.
Wadamada Ciidamada laga
doonayo waxaa ka mid ah Uganda,Ruwanda, Tansaaniya,
Koonfur- Afrika Tuuniisiya, Al-Jeeriya, iyo Dowlada
kale, hase yeeshee Dowladda Koonfur Afrika ayaa ayadu
sheegtay in Ciidamadeedu aysan u diri doonin Soomaaliya
tan inta xaaladu ka degeyso Shacabkana uu ogalaanayo in
Soomaaliya la keeno Ciidamo Nabad ilaalin ah sidoo kale
waxay sheegtay Dowladda In loo baahan yahay in Ciidamada
loo diyaariyo kharashkii ay ku howlgali la haayeen lana
caddeeyo Cidda bixinaysa kharashkaasi, Beesha Caalamka
ayaa ayada taageersan in Ciidamada itoobiya lagu badelo
kuwa ka socda Midowga Afrika weeraradii lagu qaaday
Soomaaliya iyo soo gali taankii Ciidamada Itoobiya ee
Soomaaliya sidoo kale Jaamacadda Carabta ayaa ayana si
aad ah uga soo horjeesatay Ciidamada itoobiya ee galay
Soomaaliya kuna tilmaamay mid xadgudub ku ah Midnimada
Soomaaliya iyo xeerarka Caalamiga ahwaxaana si aad ah u
taageersan Midowga Yurub oo ayaga horay u cambaareeyey.
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Warkaas iyo Shiinaha iyo Tartanka Batroolka Qaaradda Afrika.
Markabka lagu magacaabo MV Chyuku oo ah riigga
batroolka ka qodayada meel ka durugsan xeebta magaalada
Lamu ee Badweynta Hindiya waxa uu ka badbaadey in ay soo
gaaraan rabshadaha dalka deriska ah ee Soomaaliya..
Akhri... 16/1
Halka uu ka dhacay iska
horimaadka ayaa waxa shalay la keenay Ciidamo aad u
xoogan oo watay Dabaabaad hase yeeshee Dadwaynaha
Deegaanka ayaa Ciidamadaasi ku sameeyey Dhagax tuur iyo
banaan baxyo yar-yar oo goos-goos ah ayadoo Dadka ay ka
cabanayeen Hubkaasi faraha badan oo la soo duldhigay
waxayna ka codsadeen Dowladda in sida ugu dhaqsiyaha
badan dib loogu celiyo Ciidamadaasi oo ayagu joojiyey
isu socodkii Gaadiidka Dadwaynaha iyo waliba Ganacsigii.
Iska horimaad ka
dhacay Magaaladda Muqdisho ..
Waxaa shalay
Galbnimadii agagaarka Warshadda Caafi ee Jidka
Warashadaha ka dhacay israsaaseen ka dib markii
Ciidmo Itoobiyaan ah oo maryey Wadadaasi uu
rasaaseeyey Wiil dhallinyro ah ka dibna Ciidmada
Itoobiya iyo kuwa Dowladda fedaraalka ayaa rasaas ku
furay waxaana halkaasi ku dhintay Gabar 11-jir ahayd
waxaana Rasaastaasi dhaawacday 6-Qofood oo ahaa
Dadkii maryey Wadada.
Dadka ayaa
marka ay kor ka arkaan Gawaarida itoobiyaan iyo kuwa
Dowladda fedraalka way cararaan waxayna taasi shaki
galinaysaa Ciidamadaaso oo ayaga moodaya in Wadada
loogu jiro.
Habeen
hore ayey markii Gawaari Kulanyo ah oo isdaba
socotay lagu Rasaaseeyey agagaarka Jidka Warshadaha
agagaar ahaan Caymiska, waxaana israsaasayntaasi
waxyeelo ka soo gaartay Dad aan waxba galbsan oo
Guryahoodii iska joogay.
Lama
karanayo Kooxaha weeraraya Ciidama hase yeeshee waa
Kooxo diidan Joogitaanka Ciidamada Itoobiya, waxaana
shalay la arkayey dhalinyaro yar-yar oo dhagxaan ku
tuuraya Ciidmadaasi oo ayagu aad u Hubaysan.,
ciidamada Dowladda Fedraalka ayaa shaley Howlgalgal
ka sameeyey goobihii ay ka dheceen Iska horimaadyada
waxaana lagu waramey in ay halka ka heleen qoryo
fud fudud