SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 15, 125


Dowlada KMG Soomaaliya oo Albaabada u laabtay idaacado ka howl gala magaalada muqdisho iyo xafiis TV ga caan ah ee Aljazeera...

Wareegto kasoo baxaday xafiiska waaxda amniga ee gobolka Banaadir ee hoos taga dowalda kmg soomaaliya ayaa lagu amray in albaabada laysugu laabo qaar kamida idaacadaha ka howl gala magaalada muqdisho iyo xafiis tv ga caalamiga ah ee al-jaziira .

Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in idaacahada ay kamid yihiin ,idaacada shebeele ,idaacada horn afrik ,idaacada quraanka kariimka ,iyo weliba xafiiska tv -ga caalamiga ah ee al-jasiira uu ku leeyahay soomaaliya .

Wareegtadan ayaa waxay amraysaa in dhamaan milkiilayaasha xarumaha warbaahineed ee aan kor kusoo xusnay ay yimaadaan xarunta waaxda amniga ee gobolka banaadir islamarkaana ay joojiyaan shaqada ay wadaan isla maanta . [Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri]

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Idaacadaha Qur’aanka Kariimka, Shabeelle iyo Honafrik oo albaabbada la isugu dhuftay maanta

Xarunta dambi baarista Dowladda Federaalka Soomaaliya [NNS] ayaa amar ku siisay inay howlahooda joojiyaan Idaacadaha Shabeelle, Hornafrik, Idaacadda Qur'aanka Kariimka iyo weliba xafiiska telefishinka ku hadla Afka Carabiga ee Al-Jazeera ee Muqdisho.

Laguma faahfaahin qoraalka la soo gaarsiiyay xarumahaas warbaahineed sababta dhabta ah ee howlahooda ay u joojinayaan, waxaase warar ku dhowdhow dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegayaan in lagu haysto arrimo qarsoon oo aan hadda la badhigi karin.

Madaxda xarumaha howlahooda la joojiyay ayaa waxaa lagu amray inay tagaan maalinta berri ah xarunta NNS-ta Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in loo caddeeyo maalinta berri ah sababta loo hakiyay howlahooda shaqo, inkastoo aysan sheegin madaxda xarumahaas sababta dhabta ah ee lagu haysto xarumahooda.

Waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xirto xarumo idaacadeed oo ku yaalla Magaalada Muqdisho tan iyo sidii ay dowladdu u soo gaartay Muqdisho muddo saddex toddbaad ku dhow.

Ururrada Saxaafadda ee ka jira gudaha Soomaaliya ayaa sheegay durba inay ka walaacsan yihiin joojinta howlaha xarumo warbaahineed oo ku yaalla Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna ka codsanayaan dowladda Federaalka inay si dhaqso badan dib ugu ogolaato howlahooda inay sii wadaan xarumaha warbaahineed ee la xiray.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: Jan 15, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.