SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Marxab Marxab Yaa Madaxweyne, Marxab Marxab Mudane Yuusuf

 Maxamed Muxiyaddiin Cali Tifaftiraha Wargeyska Panorama Panorama100@hotmail.com

In ka badan laba sano ayaa ka soo wareegtay markii jagada Madaxweynanimo loo caleema saaray Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana murugo iyo uur ku taallo noqotay in muddadaas dheer ay dowladdu noqotay mid ay soo food saareen caqabado uga imaanayey kooxo diiddan in dalka Soomaaliya uu yeesho xukuumad soo celisa amarka iyo kala dambeynta.

Shacbiga Soomaaliyeed oo muddada shan iyo tobanka sano ah ku jirey dhibaatooyinka dagaallo sokeeye oo qabay rajo weyn oo inay ka baxaan dowlad la’aanta ah ayaa aad u soo dhaweeyey dhismaha dowladda Fedaraalka iyo doorashadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo warbaahinta caalamka si toos ah looga daawanayey qaabkii hufnaanta lahaa ee ay u dhacday, taas oo shacbiga Soomaaliyeed markhaati ka wada noqdeen in Mudane Cabdullaahi Yuusuf uu yahay Madaxweynaha xaqa ah ee la soo doortay, nasiibkiisana uu u saamaxay hanashada kursigaas. Mudane Yuusuf wuxuu khudbaddiisii ugu horreysay ku bayaaniyey in xukuumaddiisu tahay mid dibuheshiisiineed oo diiradda saari doonta inay dadka iyo dalkaba u horseeddo nabad iyo horumar, wuxuuna Madaxweynuhu ugu baaqay shacbiga iyo siyaasiyiintaba inay isa saamaxaan, xalay dhalayna ka noqdaan wixii horey u dhexmaray, laga billaabo maalintaasna u guntadaan inay iyagoo gacmaha is haysta u sara joogsadaan ka qeyb qaadashada howlaha baaxadda leh ee dowladda hor yaal.

Wax yar kadib markii la dhammeystiray dhismaha dowladda, ayaa waxaa soo ifbaxay caqabado jahawarer geliyey bulshadii caalamka ee muddada saddex sano ku dhawaadka ah ku hawlaneyd inuu najaxo shirkii dowladdaas lagu soo dhisay.

Caqabadahaas waxaa markii hore loo haystay inay yihiin kuwo fudud oo salka ku haya hab qeybsiga awoodaha dowladda iyo kuraasta golaha wasiirrada, hase ahaatee dhowr bilood kadib ayaa lagu soo baraarugay in arrintu tahay Oohinta Orgiga ka weyn. Markii ay hoggaamiyayaasha kooxaha Muqdisho, meesha ka baxeen oo Maxkamadaha Islaamiga ah qabsadeen deegaanno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, ayaa waxaa kale oo soo if baxay caqabad kale oo ahayd damaca siyaasadeed ee doolshaha qaranka uga jirey Maxkamadaha, hase yeeshee waxay garan waayeen sida ay u calfan lahaayeen, tiiyoo ay sidaas tahay ayey misana maxkamadaha ka soo dhex baxeen kooxo aad u qalafsan oo si bilaa naxariis ah u cadaadiyey shacabka, una diiday xorriyaadkii ay xaqa u lahaayeen diin ahaan. Is ballaarintii ay maxkamadaha ku doonayeen inay dalka ku wada qabsadaan iyo qorshe xumadooda siyaasadeed ayaa keentay in iskaashi caalami ah oo millateri looga saaro dalka, taas oo dowladda fedaraalka u saamaxday in ay iska mayrto eray saxaafadeedkii khaladka ahaa ee ahaa inay tahay dowlad tag daran, ilaa laashinkii reer Muqdisho uu farxad darted ugu shirbay "Dowlad Fadhiid ah aa fiddee, yaa farxay yaase fool fool madoow".

Imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Muqdisho wuxuu na geliyey farxad iyo kalsooni weyn, hase ahaatee waxaan ka baqeynaa in Madaxweynaha uu ku dhaco dabinno ay har iyo habeen u maleegayaan kooxo Gaadleey siyaasadeed ah iyo laba naflayaal hagi jirey gaashaanbuurna la ahaa Madaxdii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ee diiddanaa xukuumaddeenna sharciga ah. Mudane Madaxweyne iga ogoloow inaan ku baro Gaadleyda siyaasadda iyo Laba Naflayaasha. Waa kuwo u taagan inay fashiliyaan dowladda, oo ay ka shaqeeyaan burburkeeda keliya. Waxaa ku jira labadaan kooxood xubnahii dhaqaalaha, maskaxda iyo farsamadaba u ahaa Maxkamadaha islaamiga ah iyo qabqablayaashii diiday nidaamka dowliga ah.

Waxaan aad uga xumahay mudane Madaxweyne in durba uu Ra’iisul wasaarahaaga Prof.Geeddi xilal u magacaabay qaar ka tirsan xubnaha gaadleyda iyo laba naflayaasha ah, gaar ahaan kuwoodi ugu khatarta badnaa. Waxaan hubaa in Markey isaga la joogaan ay been u sheegayaan, Markey ka soo tagaanna ay ka shaqeynayaan qiyaano qaran. Goormeey Madaxda idaacadda HornAfriik noqdeen waddaniyiin raacsan xukuumadda fedaraalka? Oo Cali Iimaan uu gaaray in la aamino? Goormee ina Cabdikariim Gabeyre oo ganacsatada Banaadir madax u ahaa oo dhaqaalaha maxkamadaha uu ku bixiyey iyo wixii afkiisa laga maqli jirey ay xukuumaddu halmaantay? Goormee Madiino Jaranaal oo wax ka saxiixday bayaankii lagu handadayey Golaha ammaanka ay siyaasadda xukuumadda daacad u noqtay? Qaanaddee ayuu Cabdi Xaaji Goobdoon ka soo galay guddiga hub ka dhigista Muqdisho iyadoo weli aysan taageerayaasha dowladda ka soo kaban erayadii ka soo yeeri jirey waagii Maxkamadaha? Kuwo kale oo ka mid ah Gaadleyda iyo Laba naflayaashana waxay noqdeen qaar camira salootada fadhiga Prof.Geeddi iyagoo billaabay inay dhegta wax ugu sheegaan, taas oo shaki weyn ku abuurtay durba halgamayaashii xukuumaddaan. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusufoow adigaa Madaxweyne dalkaan ka ah, adigey ku doorteen xitaa kuwaan ku diidaya, innaguna adigaan ku rabnaa. Laakiin waxaan kaa doonaynaa in dadka aad xilalka u magacaabeysaan ay noqdaan kuwo haadsan oo la soo kasbeeyey, lana hubo in ay daacad u yihiin qaranka iyo xukuumaddaba, haddiise aad sidaas u halmaansho dhow dihiin sii diyaarsada halkii aad u qaxi lahydeen illeyn waan hubaa in kooxahaan ay luggooyadiina ka shaqeynayaane. Mudane Madaxweyne shacbiga Soomaaliyeed waa macaadeen, oo rafaadeen, waxayna har iyo habeen kugu soo dhaweynayaan MARXAB MARXAB YAA MADAXWEYNE, MARXAB MARXAB MUDANE YUUSUF. YATIINTA MISKIINKA, AGOON LA YADAAYO, YAXAASKA CUNAAYA, MIDKAAN KA YUREEYEY. MAS’UULKI DADKEENNA, MADAX U MUDNAAY, MUJTAMACU AMMAANAY MIYAA CABDULLAAHI?. MARXAB MARXAB YAA MADAXWYNE, MARXAB MARXAB MUDANE YUUSUF. Ha guuleysato dowladda Fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya, Ha noolaadeen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Geeddi, Allaha soo hanuuniyo Iimaankana ha geliyo kuwa marin habawsan. Ha dhaceen Gaadleyda iyo laba naflayaasha. Waxaa Qoray: Maxamed Muxiyaddiin Cali Tifaftiraha Wargeyska Panorama Panorama100@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH