SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Amiin Yuusuf khasaaro wariye hadba meel raaca

w/q. c/raxman madaxey
cadceed_80@hotmail.com

Maalin dhawayd ayaa idaacadaha soomaalida laga maqlay war aad iyo aad looga naxay intii dhagaysatay, warkaas oo ka soo fulay ninka la yiraahdo xuseen maxamad caydiid oo asagu ah wasiirka arimaha gudaha iyo raiisul wasaare ku xigeenka koowaad warkaas oo ay dhibsadeen dadka soomaaliyeed oo dhan ayaa hadana waxaa jiray dad yar in ay u arkeen sir la fashiliyey oo u qarsoonayd dowladda ku meel gaarka ah ee soomaaliyeed, hadaba dadkii aad ka ula dhacay warkaas isla markaana u fasirtay in xuseen yahay nin wax badan ka warqaba waxaa ka mid ahaa ninka la dhaho amiin yuusuf qasaaro oo inta badan wax ku soo qorqora webebka soomaaliyeed qaar ka mid ah kana faalooda siyaasadihii general caydiid una arka in caydiid ahaa nin xaq u dirir ah oo dadka iyo dalka soomaliyeedba u soo halgamay kuna tilmaana in caydiid ahaa halyey u dhashay dalka soomaliyeed.

Waxaan xusuusinayaa walalkay amiin yuusuf in aanay isaga darsamin amaanta qabiilka iyo waxa uu mudanyahay qof dalkan iyo dadkan danbi weyn ka galay oo maanta dhibka ka socda somaliya asagu sabab u ahaa uuna ahaa ninkii usoo kaxaystay itoobiya in uu ku burburiyo somaliya sidaad og tahay wuxuu sabab uhaa caydiid kumanaan qof oo la dilay kuwo la kufsaday kuwo la qixiyey sidee buu nadiif ku noqon karaa qof intaas oo dabi ah ay ku cadahay in uu gaystay mise adiga ayaan war hayn oo waxaad dhalatay waqtigaas ka dib? mise arinkaagu waa ninkii hooyaday huursadaa waa adeerkay oo waxaad rabtaa danbigii aad gashay in aad isag bari yeesho oo amaanta jananka iyo ilmihiisa dan ayaa kuu gaysay?

waxaad ogaataa in aysan ku haboonayn anshaxa iyo dadnimadaba in aad is badbadasho oo aad hadba reer amaanto adigoo sheeganaya saxafi madax banaan oo soomaaliyeed waa in aad noqotaa nin run sheeg ah oo qalinkiisa ugu adeega dalka iyo dadka soomaaliyeed ee ku jira xaalada xun ee qalafsan oo aadan ku meeraysayn caydiid baa wadani ahaa iyo xuseen baa sir fashiliyey waa maxay sirta la fashilinayo ma nukliyeerbaa yaala magaalada muqdisho mise dowlada ayaa dadkeeda iska qarinaysa oo argagixiso wadata ? caydiid haduu ahlu khayr ahaa iyo haduu ahaa ahlu shar maanta wuu haysaa oo ilaahay baa garanaya laakiin dadka muslinku waa shuhadaa ul ardi oo qofkii fiican iyo kii xun wey kala garanayaan ilaahay baa sheegay in qof qof muslin ah ku dila gardaro aanu jano galayn caydiidna waa ku cadahay in uu laayay dad badan oo aan waxba galabsan oo muslimiin ah waxaad kaloo sheegtay in uu dagaal la galay gaaladii maraykanka ee ku soo duushay soomaliya 1993 waxaad ogaataa in dagalkaas ay culimada qaar ka mid ahi ku sheegaan dagaal u dhexeeyey caydiid oo ay qarsoonayd arimo asaga u khaas ah iyo maraykanka oo watay arimo kale ee aan lagu sheegi karin dagaal jihaad ah maadaamaa aysan meesha ka muqan qolo diin u dagaalaysay waxaana ka mid ahaa ragii diiday waagaas in ay dagaalka wax ka galaan xasan daahir aways iyo culimo kale oo fara badan oo iminkaba nool.

w/q. c/raxman madaxey
cadceed_80@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH