SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Soomaaliya: "Looma ooyaantii ay isku baheysteen cadowga wejiyada badan leh ee Itoobiya iyo Mareykan"

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com



Nin baa beri wejiga waxaa kaga tiilay bar aad u weyn oo dhibaato ku qabay,fool xumo darteedna uusan jecleysan inuu dadka la hor marro. Midna wey jirtaayo hadduu goyn lahaa xunuunka dhowrnayana lafteedu waxey ku heysaa wel wel aad u balaaran. Markasuu yiri "Baryahay fool xumo awgeed kuguma heysan karro xanuun daraadiisna kuguma goyn karro" Marka arrintaasi waa mida aan maanta ku misaalayo xaalka Mareykan ka heysta arrimaha Soomaaliya ee haatan boorkii uu isku qarinayey kasoo baxay. Mareykan wuxuu xasuusan yahay dhaawacii ka soo haaray dagaalkii ay la galeen xoogagii taageersanaa Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid ee wadooyinka Muqdisho looga dilay ciidamo waqtigaasi lugu sheegay iney ahaayeen kuwo si gaar ah u tababaran sanadihii sagaashameeyadii, aarsasho aawgeedna Soomaaliya oo aan maanta laheyn dowlad noockastey tahay marka laga reebo hogaamiye kooxeedyo masraxii siyaasadeed kasii baxaya iyo maamulo qaarkood sheegtay dowlad ku sameyn karrin maxaa yeelay waa dal dhan kasta ka liita sidaas aawadeed ka cararaya ceeb iyo fadeexo. Balse ciddii gareyna ceeb iyo fadeexo ayaa ka xishoota waxey sameyneyso, mareykana maanta ma ahan cid arrintaasi loogu tago dhankasta.

Hadaba dadka siyaasada meelo kala duwan wax ka eega sharta iyo qeyrkana saadaliya walow Illaahey og yahay cilmi qaa'ibka hadana weey sii odorasaan talaabada la qaadayo iyo waxa kalan kara.Mareykanka oo maanta Soomaaliya arrimaheeda isku tusaya caalamka inuu daneyn ayaa siddii dabeyshii markale soo ku soo dhex dhacay dalka burbursan ee qabyaaladu kala goysay. Wejiga uu haantan ku yimidna waa mid cid walbaa ogsoon tahay halka dhaankiisu ku furan doono.

Aan si ambo qaadno waxey ka yiraahdeen dadka siyaasada kala rog roga kasoo dhex muuqashada mareykanka ee xilligan siyaasada waalan ee Soomaaliya.Mareykan maanta waxaa oo arrimo badan oo luguha lagalay awgeed xalana u baahan ayaan saamaxeyn in sidu doono Soomaaliya oo aan dan sidaasi ah laga laheyn marka loo eego barriga dhaxe ka sameyn karrin. Qadiyada Kuuriyada waqooyiya iyo nukliyeerada waa arrin ku heysa wel wel, Iiraan oo lafteeda awood aan la iska indho tiri karin ahna waa mid uu fiiro dheer ka yeelanayo siduu u weji lahaa. Xaalka Afgaanistaan iyo Ciraaq oo la dhacayo lana kufayana waa nabar kale, sidaas aawadeed Soomaaliya oo aan la ogeyn faa'iidada laga helayo la ogeyn siyaasad ahaan lama qurx badna walow isagoon is ogeyn badda shab ku soo dhahay. Itoobiya oo ah cadowga soo jireenka ah ee aanu leenahay hadaanu nahay ummadda Soomaaliyeed waxaa loo xilsaaray sidey fadeexadaasi Mareykan ula qeybsan laheyn iyadoo aan ogolaansho ka heysan hey'adaha sheegta Q Midoobey iyo Midowga Afrika,carabi mabalagala tasho aayahana dalalka qaare ayaa galay Soomaaliyadii xorta aheyd.Maxey tahay ujeedada arrintaasi,waa iyadoo sheegtay iney difaaceyso aayaheeda,talow yaa difaacaya dadka ay ku soo duushay ee dhulkooda qabsatay miyaaney xaq u laheyn iney hubka qaadaan oo ay iska difaacaan? Dabcan wey u leeyihiin sidey cadowgaasi ujeedada lihi uu ku doodayo. Laakin taariikhda marka dib loo eego Itoobiya waxey weligeed ku andoocan jirtay iney ku heereysan tahay bad islaam ah oo wax ma garato ah kuna soo duulay dalkeedii awoodna ay u weysay iney iska difaacado,maanta ayey heshay fursadaasi markii Mareykan oo xasaasiyad ka qaba dunida Islaamka dhamaantoodna ku tilmaamay argagxiso uu siiyey kaalmadii ay weligeed ku hamiyi jirtay.

Maxaa ummadda la gudboon sidey amuurahan u wajihi laheyd?

Ummad damiir leh oo maanta wax loo sheega ma jiraan,daneysteyaal iyo calooshood u shaqeystayaal maahee, sidaasi aawadeed wey muuqata in cadowga leh midabka cad iyo kan madow iney isbaheysteen ee maxaa dadka sheeganaya islaanimada ee dalka leh ku haboon iney sameeyaan? Aniga waxey ila tahay iney hurdada ka kacaan kulama talinayo waqtigan xaadirka dagaal waxaase qurux badan iney xeelado ah difaac canil nafs ay adeegsadeen sida cadowga yeelayo maadama aysan jirin aalad kaafi ah oo la iskaga celin karro sida taangi iyo diyaarado (yaanse la ilaawin halgankii lugu doonay xorrinimada maanta lugu ciyaaray inaan la heyn aaladaha aan xusay ee ay mindiyaha iyo waramada shaqeynayeen) Dowladan taangi amxaarao lugu keenayna la eego waxey shar iyo qeyr la timaado islamarkaasina lala jaan qaado,sida uu masuulkeeda horeu sheegay (inuu la shaqeynayo qolyaha habeenkii iyo maalintii shaqeeya).

Geedi iyo C/llaahi oo taariikhda weydiisan doona cafis

Dabcan labadan masuul ee ku dhiiraday iney cadowgii soo jireenka ah dalkii ku soo hogaamiyaan waxaan aaminsanahay in taariikhda mugdiga ku jira ee soomaalida ay weydiisan doonaan cafis iyo raali gareyn goor ay noqotaba balse taariikhdu sidey u cafin doontaa duulkaasi xukun jeclida lugu ibtileeyey uu shiikh shariifa dilay ayaa la is weydiina.
Ugu dambeyntiina waxaan qoraalkan gaaban ku soo afgarayaa hadal uu horey u yiri nin soomaaliyeed " Gudin yahay ima goysan hadaan gacalkeey .......... Ninkii wax garad ahow adiga dhameystirro maah maahdaasi.

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH