SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Baaq ku aadan sii daysmada Xaaji Abuukar Cumar Cadaan

Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi).
Moallem10@hotmail.com

Baaq ku socdo Wasiirka Koowaad ee DFKM iyo guud ahaan madaxda DFKM iyo xubnaheeda dhamaan, odayaasha Deegaanka gobalka Banaadir iyo dhamaan hay'adaha mathalo Bulashada gobalka Banaadir.

Dhamaan xubnaha aan ku soo xusnay madaxa cinwaanka baaqan, waxaan ka codsanaynaa in ay dowr xoog leh ka qaataan sii daynta iyo in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Xaaji Abukar Cumar Cadaan iyo caruurtiisa,

Xubnahan dhamaan waa in ay dowlada Kenya kala xaalaan sii daysmada Xaajiga ,Kenyana waa in ay ogaato Xaaji Abuukar in uu yahay oday akhyaar ah, oo dowr xoogan, oo wax ku ool ah ku dhax leh shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ,gaar ahaana dadka ku noolka deegaanka Gobalka Banaadir ,iyo in Xaajiga oo dhaqsi loo-deeyo ay dowr wacan ka qaadan karto dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo sida uga dhaqsi badan u soo ceshto in ay si nabad ah uga wada noolaadaan wadankooda, helaana dowlad heshiis lagu wada yahay oo ka arrimiso dalka Soomaaliyeed guud ahaan.

Midd kale sii daysmada Xaajiga oo loo istaago waxay dowr ka qaadan kartaa wada hadalsiinta iyo heshiis ka dhax dhalinta madaxa Isutaga Maxaakimta Soomaaliyeed ,DFKM iyo qeybaha kale ee Mathalo Bulshada Soomaaliyeed intooda kale..

Waxaan si gaar ah wasiirka Koowaad Prf Cali Maxamed Geedi uga codsanynaa in uu si aad ah isugu taxalujiya, abaabulida sii daynta Xaaji Abuukar Cumar Cadaan iyo caruurtiisa iyo in arrimaha Soomaalida oo laga fiiriyo dhanka san ay soo kordhin karayso wanaag ka dhax abuurmo bulshada Soomaaliyeed dhaxdooda.07/01/2007

Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi).
Moallem10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH