Males Zenawi: Laba
wajiillihii isbahaysiga?
Qore:Ibraahim
daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-kenya
+254721130470
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato
asalaamu calaykum.
Warbixinta hoos ku qoran waxa aan ka soo diyaariyay inta
badan shabakdo internetka ah sida, goolge, wekipedia,
alsharqul awsat oo ah wargees london, waxan war bixinta
isugu hoolay in aan wax ka ogaano males Zenawi,iyo
xaalka maanta somali ay marayso dadka sheekanaya in ay
males la yihiin saaxiibo halka ay ku danbeeyeeyn males
saaxiibadiisa geeska africa.dhamaan waxan rabaa inta ila
dareensan in ay wax ka ogaadaan.waxan ka cudur daraarana
wixii qalad ah oo aad ku aragto akhriste inta ay aad war
bixinta aqrinayso.waa xaga qoraalka.
Waa kuma meles
zenawi?!!
Meles
zenawi waxa uu dhashay bishii 8/may/1955, waxa uuna ku
dhashay magaalada Adwa ee ku taal waqooyiga wadanka
Ethiopia, wax barashadii hoose waxa uu ku soo qaatay
Queen of Sheba school oo ku yaala wadanka Ethiopia, waxa
uu dugisigiisa sare dhameeyay sanadii 1972-dii waxa uuna
ku dhameeyay iskuula la yiraahdo General wingata school
ee ku yaala caasimada addis ababa, kadib waxa uu ku
biiray kuliyada caafimadka ee Addis ababa
university(waxa loo aqoon jiray Hiale salassie
university), inta uunan jaamacada dhameeysan waxa uu ku
biiray jabhadihii kasoo horjeeday boqortooyadii
wadankaasi ka arimin jirtay,1974-kii ayuu ku biiray
jabhada tigreega ee xoreenta Ethiopia, 1979-diina waxa
loo doortay in uu jabhada ka noqdo gudoomiye, wax
barashadii dib ayuu ugu soo laabtay 1989 –kii ayuu
jaamacada open university ee ku taala wadanka England ka
qaatay shahadada master, isagoo ah ra’iisul wasaaraha
wadanka kama uusan harin aqoontiisa. Sanadii 2004 qaatay
shahaado ah dhaqaalaha doctorate in economics laga
siiyey jaamacada Erasmus university,oo ku taal wadanka
Netherlanad ama Holanad.
Markii uu meesha ka baxay xukunkii uu ka talin jiray
Mengist Haile Miriam,waxa uu Zenawi noqday ra’iisul
wasaaraha dowlad kumelgarka ah oo laga dhisay wadanka
Ethiopia sidoo kale waxa uu noqday intuu u dhaxeeysay
1991-1995 gudoomiya golaha wakiilada ee wadanka
Ethiopia,22/8/1995 ayaa loo doortay ra’iisul wasaaraha
wadanka Ethiopia,waxaa mar labad dib loo jagadiisa loogu
doortay sanadii 2000.
Shaqsiyadiiisa
siyaasadeed.
xukuumada uu ka arimo Zenawi waxa lagu tuhun san yahay
in tahay xukun kali talisnimo,waxa taas daliil uh wixi
wadankaasi ka dhacay doorashadiisi ugu danbeeysay
sanadii 2000 loona doortay xilka uu hada hayo, waxa
wadanka ka dhacay dilal iyo rabshado banaanbaxyo wata,
sidoo kalana waxa loo xir xiray dad fara badan
arrintaasi oo ay ku jiraan ardayda wadanka.tuhunka kali
talisno ee xukuumada Zenawi ma aha mid shaqsi ahaan,waa
mid caalami ah, oo eedeeyn u soo jeediyay ,waxa ka mid
ah heyado caalami ah iyo kuwo gobaleedyo,heyadahan waxa
ay xukuumada Zenawi ku tilmaameen in ay tahay xukuumad
ku tumaday xuquuqda bini aadamka iyo xoriyada hadalka,
sidoo kale waxa ay dhib fara badan u geeysata mucaaradka
xukuumada tekteega.
Maalin dhaxdaas ah aniga iyo Haldhaa oo ka mid ah
qoraayasha SomaliTalk, safar gaabana ku jooga Kenya, oo
wada marayna wadada 10 street ee xaafada islii ee
magaalada Nairobi, ayaa waxa ii tusay nin ay ka muuqato
darruufo fara badan sidoo kalane gacanta ku wata laamo
jaad isla markaana timaha ay ku baxeen dharka uu watana
ay lamid yihiin dharka ay qaatan dadka loo yaqaano
jokoraa marka Kenya la joogo, wadankena Somalia waxa
dadkaas oo kale aan u naqaana alkuliiste,waxa uu mudane
haldhaa igu yiri “Ninkaas aad u jeedo waa nin sarkaal
sare ah sidoo kale waa dhaqtar waa amxaari wadankiisa
waxa uu ooga soo carayay xukunka tigreega”,xilikaasi
waxanu ka wada hadlaynay xaalka wadanka uu marayo,
xukunka Zenawi waa xukunka sidaa ah maantana dad Somali
ah ayaa u keenay in uu wadankeena inoo dhiso aad idin
xasuusiyee xaafada islii waxa jooga dad badan oo
Ethiopian ah una badan ororo iyo amxaaro kana soo
carayay xukunka Zenawi intooda badan waxa ay dagan
yihiin 9 street iyo 10 street.
Iyadoo ay jiraan dhamaan tuhumadaas loo hayo xukunka
Zenawi ayaa hadana waxa uu ku biiray isbahaysiga cusub
uu Bush ugu yareeyay ladagaalanka argagixisada 2001,si
xukuumada Zenawi ay mareekanka xarun ugu noqoto geeska
Africa iyo dhaq dhaqaaq yada ka socda.si Zenawi uu
hoowshaasi mareekanka u xilsaaray uu qabto muxuu
sameeyay?.
Zenawi waxa uu is bahaysi cusub la sameeyay xukuumada
Somalia,sida madaxwaynaha iyo ra’iisul waraasaha
xukuumada federaalka ee manta tigreeka wadanka u
horseeday in ay qabsadan,ujeedada arintaasi ka
danbeeysayna waxa ay aheed in meesha laga saaro in
dhaqdhaqaaq islaami uu ka soo if baxo geeska afrika gaar
ahaan wadanka Somalia, sidii dhacday markii meesha laga
saaray midowgii maxaakimta ujeedada arintaasi ka
danbeysayna waxa ay aheed sadax arimood.
1-In la xoojiyo isbahaysiga ladagaalanka islaamka geeska
Africa ee mareekanka uu ugu yeeray argagixiso la
dirir,iyo xukuumada kirishtaanka ee tigreega Ethiopia.
2-In meesha laga saaro maxaakimta islaamka iyo ragga
aaminsan islaamka in wax lagu xukumo oo u muuqda in ay
danaha iyo amniga wadanka Ethiopia.ka soo horjeedaan.
3-In Zenawi uu isku muujiyo in uu yahay ninka go’aan ka
gaari kara waxa ka socda geeska afrika iyo Zenawi in uu
yahay ninka abuuraya isbahaysiyada geeska Africa.
dhanka kale madaxwaynaha haatan ee dowlada FKMG ayaa in
badan waxa uu sheegay in Zenawi ay yihiin saaxiibo uuna
yahay ninkii xabsiga ka soo saaray 1991-kii markii uu
jabhada tigreeka ay wadanka qabsatay,c/laahi yusuf waxa
xabsiga la dhigay sanadii 1986-dii.
waxa ay Zenawi nafta ku soo laabatay markii c/laahi
yusuf uu sameeyay ismaamul gabaleedka putland sanadii
1998-dii,Zenawi waxa uu helay hogaamiye uu ku kalsoon
yahay sido kalana dhibka kaga soo wajahan Somalia uu ka
yaraan karo,taasi waxa ay sababtay in c/laahi shirkii ka
dhacay wadanka Kenya loo doortay madaxweyne
dublamaasiyin iyo wariyayal shirkaasi ka qeeb galay waxa
ay ii sheegeen in c/laahi uu ka duwanaa ergadii shirka
ka qeeb gashay waxa ay Ethiopian-ka siyeen guri weyn eek
u yaalay Nairobi isla markaana muhiimad gaara ayay
siyeen c/laahi inta uu shirkaasi socday mudadii labada
sano aheeh.arintu waxa ay soo socotaba waxa manta loo
wada jeeda xaalku uu wadanka marayo gumeesi cusub iyo
Somalia hala xoreeyo.ninkii aduun joogoogw maxaa aragti
kuu laaban.
Zenawi doorashiid c/laahi waxa uu u arkay mid guul uu
gaga so hoyiyay shirkii labada sana socday iyo siyaasada
wadanka Somalia waxa uuna helay saaxiin uu ku kalsoon
yahay,waxa wax laga xumaada ah in korneel somaliah
Ethiopiana dagaal la galay tigreegu ku xisaabtamo kuna
kalsoonaado,Somali ma heli doonta siyaasiin badala
siyaada iyo siyaasinta daneeystayaasha ee manta umada
calanka Ethiopia u sii wada?!!inta aan c/laahi loo
dooran madax wayne waxa uu kulamo fara badna la qaatay
Zenawi,c/laaahi oo markii la doortay wax laga waydiiyay
xiriirka ka dhexeeya isaga iyo Zenawi waxa uu sheegay in
ay yihiin labo qof saaxibo ah waxa naga dhaxeeya isfaham
siyaasadeed oo labada dooladood danahooda ah ayuu c/laahi
ku jawaabay.midowgii maxakimtana c/laahi waxa ay ku
tuhmayen in uu yahay in Ethiopian ah,kana shaqeeya
danaha Ethiopia.dhanka kale c/laahi waxa uu taageero
military ka helay Zenawi markuu qabsaday
boosaaso,ujeedadana waxa ay aheed in jaamac cali jaamac
oo ku guuleestay jagada madaxwaynaha ismuulka putland
uunan jagada qabsan maxaa yeelay Ethiopa c/laahi ayay u
arkaysay saaxiibka fulinta kara ujeedada dheer ee
Ethiopia Somalia ay ka leedahay.
Dadka arimaha somaliada la socda waxa ay sheegaan in
Zenawi uu abaal u hayo somalida maxaa yeelay Zenawi
xiligii wadankaasi uu ka talinayay waxa uu ahaa nin
Somalida ay soo dhaweeysay sidoo kalene waxa la sheega
in Zenawi somalidu uu u roon yahay marka la eego moqifka
siyaasiyinka qaarkood ee Ethiopianka ah ,dhanka kale c/laahi
yusuf isagana waxa uu abaal u hayaa Zenawi waa ninkii ka
soo daayay xabsigii uu dhigay Haile mirian,waxa meesha
ka muuqanaysa sidoo kale ninba tiisa u gaarka ah,Zenawi
waxa uu dantiisu tahay,haba kala badnaadaan danaha ay
Ethiopia naga leedahay in dadkiisa 75 milyan in uu u
helo bad ay wax kala soo dagaan,c/laahi yusufna waxa uu
ku fakarayay waligiis mar un in uu madax wayne ka noqdo
Somalia kilinka 6-aadba ha noqotee halgan dheer ayuuna u
soo galay.xukunka c/laahi waa mid ku aan fakir sidaa u
sii badan ku fadhin waana kursi qaran ku badalasho!!
Mararka qaar waxa kugu soo dhacayse maxay tahay siyaada
Zenawi?misa u muuqataa in ay dhabtahay hadalkii uu yiri
Obengo Metho oo gudoomiyana ka ah golaha Aniuk ee
nabadgalyada,kuna taqasusay arimaha wadanka
Ethiopia,waxa uuna yiri “Zenawi ma waxa uu shirko kulla
yahay reer galbeedka ladagaalanka argagixisada mise
isaga qudhiisa ayaa ah argagixiso oo uu ula jeedo
xukunkiisa?!!” hadalkan waxa qoray wargeeska alsharqul
awsat ee ka soo baxa magaalada lonodon.jawaabta oo
kooban waxa ay noqonaysaa xukuumada Bush waxa ay Zenawi
u arkaan in uu wakiil ooga yahay geeska Africa oo
siyaasad ahaan caalamka uu muhiim u arko gaar ahaan reer
galbeedka,meesha ay ku taal wadanka Ethiopia marka la
eego waxa ay istaraatiiji u tahay maraakiibta reer
galbeeda ee u socda bada hindiya,bada cad iyo gobalka
khaliijka labada marin ee ay isticmaalana waa suweeska
masar iyo babul mandabka jabuuti iyo yamen isku
xira.Ethiopia dabcan malaha bad balse waxa ay fududeen
kartaa In ay yeelato saaxiibo wadanka Somalia ah,si
maraakibta marta xeebta Somalia ay u helaan amaan.
Dubalamaasiyiin carab iyo reer galbeed ah waxa ay Zenawi
u arkaan in uu yahay ninka mareekanka u jooga geeska
Africa,dublamaasi mareekan ah ayaa waxa uu yiri “Zenawi
waa nin indheer garad siyaasi ah,waxa uu leeyahay
taariikh fiican iyo ujeedooyin fog,waxa uu la dagalamaaa
islamka taasina waa waxa aanu anagu doonayno!!”, dhanka
kale dublamaasi Somali ah alsharqul awsat warbixin
siiyay isagoo codsaday in magaciisa laqariyana codsaday
waxa uu yiri sidan “Zenawi waxa aan la kulmay dhoor mar
oo isku dhow dhow waa nin daggan,sabar badan,geesi
ah,aan hadal badneen”.sida muuqatana manta dad somaliyed
ayay waxa ay Zenawi u watan in uu la dagaalamo iftiinka
islaamka ee Somalia,alla soo mafiicneen in in badan wax
la aqriyaa waxna la fiiriyaa
Xukuumadaha soo mara mareekanka waxa ay u muudqaan kuwo
iska indha tira waxa ka socda gudaha wadanka Ethiopia
iyo cadaadiska muraadka lagu hayo,nin meeli u cadahay
meeli ka madow mareekanka waxa u cad waa in islaamka
geeska Africa loo helo cid caabisa isla markaana
xididada u siibta.
Weerarka marmarsiiyo ee uu maxaakimta meesha kaga saaray
Zenawi iyo saxiibadiisa uu Somalia ku leeyahay u
jeedooyin badan ayaa ka danbeeysay,mid hadii aan ka soo
qaadano,maxaakimta waxa ay wadanka ilatariya ka helayeen
caawinad milatari,hadii maxaakimta ay ahaan lahen shuuci,
kirishtaan ama dowlada FKMG, xitaa wuu ku duuli lahaa
maxaa yeelay Zenawi waxa uu ka soo horjeeda in ilatariya
koox ka soo horjeeda siyaasadiisa ay ka dhisto wadanka
Somalia.
Waa maxay macnaha
laba wajiilihii isbahaysiga!!..
Sudan,Masar,Somalia,iyo
Eritrea waxa ay Zenawi ku taageeren in ku guuleesto
xukunka manta uu ka hayo wadanka Ethiopia xiriirkaa
muxuu ahaa iyo taageerida loo fidiyay?.arintan markaan u
kuur galay inta badan macluumaadka waxa ay ka soo
aruuriyay shabakada internet-ka,jawaabtuna waa sidan.
Shir lagu ka dhacay magaalada lonodon,uuna abaabulikiisu
uu lahaa William Cohen oo mar noday kaaliyaha wasaarada
arimaha dibada ee geeska Africa xiligii isla markaana
1997-2001 ahaa wasiirka difaaca ee xiligii bill cilinton,
shirkasi waxa ka soo qeeb galay madaxwaynaha wadanka
hada ee Eritrea afwerki iyo Zenawi,oo labaduudaba ahaa
mucaarad,shirka ujeedadisuna waxa ay aheed in meesha
laga saaro Mangent ee wadankaasi xukumi jiray intii ka
horeeysay 1991-kii,sidoo kalana xoriyad la siiyo wadanka
Eritrea,dagada casmarana ay isticmaasho xukuumada
Ethiopia oo wax bad aanan heesan.
Sudaana
sidoo kale si dadbadan ayay ula shaqaynaysay
Zenawi,Hassan Turabi oo hogaamiye ka ahaa jabhada
islaamiga ee sudan,balse maxa dhacay?!wadanka Eritrea
waxa uu xoriyadiisa helay sanadii 1993-dii,xiligasina
Ethiopia waxa ay wax kala soo dagi jirtay dakada
casmara,waxa uu qilaaf soo kala dhax galay labada
dowladood ee Ethiopia iyo Eritrea,
sanadii 1994-kii war
mutiyeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha
Eritrea,Afwetki waxa lagu sheegay in dhamaan xiriirka
dublamaasi ee ka dhaxeeyay Eritrea iyo Ethiopia in uu
dhamaaday,xaalku waxa uu noqday mid murrugo leh talaalo
ku soo cadaatay Zenawi, haday fooli timaado gunda qabsi
dhamaa ayay somalidu tiraahdaa waxa uu badal
siyaasadiisii,sanadii 1998-kii wax dhacay dagaal lada
dowlad ah oo dhanka xuduundaha ah iyadoo Zenawi uu is
lahaa awood ku maquuni xukuumada Afwerki uu ka taliyo
balse Zenawi dagaalkaasi wax guul oo muuqata kama
garin,waxaana xusid mudan in Zewani dhanka hooyada marka
la fiiriyo Eritrea hooyadii ayaa ka soo jeeda.maxaa
xigay?

Marki
ay meesha ka baxaday dagadii kaliya ee uu wax ka soo
dagsan jiray waxa uu xiriir la sameeyay Jabuuti si uu
wax kala soo dago,balse jabuuti oo wadan yar ah Zenawi
waxa ay u sheegtay in ay culees ku tahay baceeda kaga
soo degta dekada jabuuti.arinta waxa ay u weecatay
dhanka Somalia?
Somalia oo leh xeeb lagu qiyaaso in ay ka badan tahay
3000 oo km iyo dad aan tiradiisu lagu sheego 8 milyan
ayuu Zenawi u arkay in ay tahay fursad dahabi ah waa
wadan ay ka taliyaan hoogamiye kooxeed dadkiisun ay
yihiin dad dagaal ka soo daalay,waxa uu sameestay
saaxiibo Somali ah oo manta u fududeeyay in ay
taangiyada ay tegrega saran yahay ay dhex ceegaagaan
caasimada iyo wadanka intiisa badan,waxa uu wax kala soo
dagaa,dolada la magaxbaday Somaliland,ismaamul
gobaleedka putland,waxas oo dhan iguma filna ayuu yiri
Zanawi waxa uu u xiisay xeebta magaalada mogdishu oo uu
xili ku noolan jiray caasimada Somalia abaalkii ay u
gashayna waxa uu ku badal in uu duyuurad ku duqeeyo
sameestana shaqsiyad aan siyaada wax ka aqoon oo
calooshod u shaqestayaal ah oo in lamaga caabo ka dhan
dadka oo dhana ay wada garayaan,waana laba wajiilanimada
lagu yaqanu Zenawi.
waxa uu xiriirka u jaray wadanka sudan markii 1998-dii
magaalada adis ababa dil qorsheeysan uu kaga bad baaday
madaxwaynaha masar xusni mubarak, waxa isku daygaas
siyasadeed lagu eedeeyay wadanka sudan,sidoo kale ma
fiicna xiriika ka dhaxeeya masar iyo Ethiopia markii
xukuumada Zenawi ay sheegtay in ay isticmaal fiican ku
sameen doonto wabiga niil oo nolasha dadka reer masar oo
gaara 78 milyan,waana tirikoobkii 2006.ay ku xiran tahay
nolashooda.
waxa halkan kaaga muuqanaysa in Zenawi cida dantiisa uu
ka gaaro uu ka soo qaado wax aan jirin,maanta raga
sheeganaya in ay Ethiopia ay tahay dowlad aan saaxiibo
nahay Zenawina uu u hayo tooshka ay ku danbeen doonan
meel xun,waxa maalmahan kuu muuqata in madaxwayne c/laahi
yusuf uu dhanka siyaasada kaga awood badan yahay cali
geedi oo uu xukuumada dowlada FKMG dadk siyaasada
Somalia la socda ayaa ii sheegay in c/laahi uu yahay nin
aan ogaleen Ethiopian-ka geedi iyo isagana ay kala duwan
yahay geedi waxa lagu tilmaama in uu yahay wakiilka
Zenawi ee somalia,iyo dad kaloo lagu sheego in ay yihiin
siyaasin.
waxan ku soo gaba gabaynayaa raga manta Ethiopia keenay
wadanka in ay ku dhaceen haadaan ay waligood kasoo bixi
doonin markii danta laga leeyahay laga gaarana ama la
dilo doono ama xabsi xabasho ay gali doonan ee waxan
dadka madaxda inay inoo yihiin sheegta aan ku oran lahaa
nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin.
Wabilaahi toqfiiq
Salaamat min kuli aafaT
Ibraahim da’ud c/laahi
sayfudii@hotmial.com
Nairobi-kenya
+254721130470
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 8, 2007
Waxaan la yaabanahay! qof walba meesha ay uu is
leeyahay dantaada ayaa jirta ayuu taageera,... Akhri..
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...