MAQASTA
JARDIINADA
Marka la rabo in bacaad-celin lagu sameeyo
gadoodka rabshadaha wata
Free-Lancer Al-Axmed
Al_axmed@yahoo.com
Dabcan xitaa hanqaasta waa
ambad deysan oo si fiican looma riiqin oo deden bey aheyd,
hadii si daalacan la riiqi lahaa waxay ruxruxi laheyd si
hiba-saaxidna isha bidixna ugu xadi laheyd maqaaladii “Lo’da
kolka ay uriso biyaha xuriyada, nabada iyo dib u
heshiisiinta, hadaan la horin waa tii karkaarada jabisa” iyo
maqaaladii kale “Gantaal ku sii jeeda aragti loo dan
leeyahay (Mashruuca beerta tijaabada Federaalka” oo loo
qaateynka ayaa ah maxay siyaasada Soomaaliya jiibta iyo
jaanta isugu heli la’dahay?.
Dabcan waa is heysad u
dhaxeeya Soomaalida iyo beesha caalamka ee ina daneysa, ha
ahaatee dabeylaha is rogrogaaya iyo siyaasada sabeyneysa
ayaa waxay ragaadiyeen wax badan in Qaranimadeenii dib u soo
noqoto oo marba geed ayey xaaladu ku soo fooganeyd, balse
waxay soo gaamgaambiso waxay Gorada la soo gashay sidee
Muqdisho loo nabadeyn karaa?, looguna soo celin karaa
nidaamkii iyo kala danbeyntii?.
Oo dabcan waa tii uu ku heesay
Fannaanka weyn Hanuuniye “Muqdisheey heshii ha lugula
heshiiyee” oo markaa sidee heshiiskaasi ama nabad dhalintaas
ku imaaneysaa? Ma xoog baa lagu dhalinayaa?, ma xeer jajab
is faham hoose dhalin kara?, Halkee ka bilaabaneysaa ma
gunta hoose mise figta sare?.
Oo dabcan haani guntey ka
tolantaa waana tii la yiri “Markii geeleyda heshiiso ayuu
geella biyo cabaa” oo galaangal dibulaasiyadeed oo
korontooyada ka soo bilowda kuna dhamaada miiska wadatashiga
iyo dib u heshiisiinta, balse nimaan wax qaldin waxba ma
saxo oo waayo aragnimo waxaa noogu filin inta dowladeed ee
garabka lagu siday oo ay liqday Muqdishada bahala galeenka
ah, taa soo inta badana ku xukuntay daran doori oo ah iney
is ballaarin weydo nidaamyadii dowliga ahaa ee dibada lagu
soo dhisayey.
Dabcan waxay xaaladu
sahmineysaa bacaad celinada ay Muqdisho ku sameysay
nidaamyadii dowliga ahaa ee garabyada lagu siday loona
diiday in dhulka la dhigo laguna naaneesay “Ood aan dhulka
la iskula gundin garabkana la is lama saarto” oo waa yacno
looma dhama, waxaadna markaa dareemeysaa in looma dhamadaasi
xigto gadood ama mudaaharaad rabshado dhagax tuur wato oo
mararka qaarkood u muuqda qaab ciyaaradkii qori isu dhiibka
ee xaafadba xaafada kale gadoodkaas rabshadaha wato ka dhaca.
Dabcan xaalada nabad dhalinta
ee haatan ka dhisaalan Muqdisho bacaad celinta ugu weyn ee
ay u baahan tahay waa xakameynta gadoodka rabshadaha wata oo
markaa muxuu na barayaa waqtigu waa aan milicsano waayihii
ay Muqdisho ka jirtay maxkamaddii Islaamiga aheyd ee Sh.
Cali Dheere Guddoomiyaha ka ahaa oo UNISOM baa joogta oo
howlgaladii rajo soo celinta iyo rajo sii wadida ayaa lagu
jiraa, oo howlgalkaas ayaa soo qaban qaabiyay tartan
ciyaareed loogu magac daray “Rajo soo celinta Nabadda”, oo
ciyaarta wey billaabatay waxay dhex mareysaa kooxaha Dirir
iyo Bikaal oo waxaa garsoore ka ah Garsoore Sheylilaah,
waxay ciyaarta socotaba weerar iyo weerar celis gelinka hore
waxaa lagu nastay iyadoon aan goolal la kala dhalin, balse
gelinkii danbe ayaa kooxdii Bikaal u suurta gashay iney
goolkii ugu horeeyay iney dhaliso, wey difaacatay ilaa
daqiiqadihii ugu danbeeyay waxaase neefta kusoo noqotay
kooxda Dirir oo goolkii barbar dhaca dhalisay, oo markaa
maxaa dhacay?.
Dabcan kooxda Bikaal iyo
taageerayaashoodii wey ku qanci waayeen goolkaas barbar
dhaca ah wey gadoodeen balse hadiiba waa la qaboojiyay oo
lagu qanciyay in ay ciyaarta sii socoto, balse hal daqiiqo
kadib goolkii labaad ayey heshay kooxda Dirir, ciyaartuna
labo daqiiqo ayaa ka hartay, oo markaa maxaa dhacay?.
Mar labaad wey ku qanci
waayeen kooxda Bikaal ilaa garoonku uu buux dhaafiyo gadood
rabshado wato laguna tugumbeeyo garsoorihii Sheylilaah,
balse maxaa laga filan karay ilaaladii Maxkamadda Sh. Cali
Dheere?, wax kale ma aheyn waxay ku hubeysnaayeen qoryo ay
xabado nool ka dhacayaan, oo kor ayey ugu ashqeysiiyeen
dhegna jalaq waa loo siin waayay rabshadihiina wey sii
socdeen ilaa ay ciyaartu istaagto bataatanba, maxaase markaa
loo baahnaa, waxay aheyd in ciidamada Maxaakiimta ee Sh.
Cali Dheere markii horeba ay aheyd in loo soo tababaro ka
hortegida gadoodka ama mudaaharaadyada rabshadaha wata oo
waxay aheyd iney sitaan budad, gaashaaman balastiko ah,
suntan dadka ka ilmeysa iyo gaadiidka dab damiska ee biya
seyra oo intaba ma heyn wey ka aradnaayeen.
Dabcan sidaa darteed laguma
xakameyn karo ama bacaad celin laguma sameyn karo gadoodyada
rabshadaha wato ee nabad dhalinta haatan Muqdisho ka socota
hadaanan la helin agabkaas lagu xakameeyo gadoodyada dhagax
tuurka ah ee bililiqada, dhaca, iyo dilka isugu jira waase
aragtideyda.
Free-Lancer Al-Axmed
Al_axmed@yahoo.com
|