SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Maxaa laga yiri Hadalkii Xuseen Caydiid?

Waxaa soo ururiyey: Yusuf Gaduudow | Bososo.Sommalia

Fikradaha Dadweynaha:- Sidee bay Dadweynaha Soomaaliyeed u arkeen Hadalkii  dhawaan Kasoo Yeerey Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.

Dadweynaha soomaaliyeed uu ku dhaqan gudaha iyo dibada dalka soomaaliya ayaa fikrado kala duwan waxa ay ka bixiyeen hadalkii dhawaan kasoo yeerey raysal wasaare ku xigeenka dowlada federaalka KMG ah ee soomaaliya ahna wasiirka arimaha gudaha ee dowlada soomaaliya Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid hadaba dadweynaha oo aan mikrafoonka la dhex qaadney ayaa fikrado kala duwan ka bixiyay.

Burtinle Nugaal. Maxamed Cabdi Abshir : Runtii anigu waxa aan u arkaa hadalkii wasiirka kasoo yeerey mid uu ku cabirayay fikradiisa khaas ka ah oo uusan matalayn shacabweynaha soomaaliyeed iyo waliba dowlada KMG ah ee soomaaliya ee uu hadley fikradiisa u khaas ka ah waa sida ay ila tahay anigee

Weriye Yusuf Gaduudow :  Maxamed hadalka Xuseen Caydiid kasoo yeerey dhib intee leeg bay kula tahay buu u gaysan karaa Dowlada uu ka tirsan yahay?

Maxamed: Runtii hadalka kasoo yeerey xuseen caydiid dhib waa u gaysan karaa dowlada oo waxa uu ku hadley hadal lala yaabey oo aan macquul noqon karin.

 Mahad Sanid

Moqdisho. Somalia Ibraahim Maxamud Xuunshe: hadii aan fikradayda ka dhiibto hadalka kasoo yeerey xuseen caydiid waxaan u arkaa mid iska horkeena dowlada iyo asaga waayo waxa uu ku hadley hadal aan dowladu raali ka ahow ayna beenisey dowladu marka waxaaba dhici karta hadalkaas in uu dhib iyo kala fogayn keeno .

Weriye Yusuf Gaduudow : Ibraahim hadalka xuseen caydiid ma kula tahay waxa uu keeni karaa kala fogaansho asaga iyo dowlada ah maadaama aysan hadalka kasoo yeerey xuseen caydiid aysan dowladu raali ka ahayn?

Ibaahiim:  haa walaal waxa uu keeni karaa baan is leeyahay kala fogaansho asaga iyo dowlada ah maadaama uu ku hadley hadal ay dad badani ay aad ola yaabeen oo aan laftaydu aad ola yaabey hadalkaas oo aysan dowladu raali ka ahayn.

Mahad Sanid

Boosaaso Bari Cawil Cabdi Bare: Run ahaantii marka hore hadii aan fikradayda soo ban dhigo anigu waxaan u arkaa hadalkii xuseen caydiid kasoo yeerey mid dhibaato iyo kala fogaasho ku abuuri kara shacabka iyo bulshada soomaaliyeed waayo waxa uusan raali qofna ka noqon karin buu ku hadley Eng Xuseen Caydiid.

Weriye Yusuf Gaduudow : Cawil adigu sidee u aragtaa arintaasi maxayse keeni kartaa baad is leedahay?

Cawil: marka hore runtii ahaantii aad baan oga xumahay in uu horta hadalkaas ku hadlo nin masuul ah hadana ka tirsan dowladii somalia hadii aan su'aashaada usoo laabto waxay keeni kartaa baan is leeyahay sidaan horeyba kuugu sheegey kala fogaansho iyo is jiijiidasho daba dheeraata.

Mahad Sanid

Galkacyo Mudug. Cabdinaasir Nuur (lugooyo) marka hore waxaa  u arkaa anigu hadiid aan fikradayda cabiro hadalka xuseen caydiid mid aan kasuur toobi karin in uu ku hadlo nin masuul ah oo ka tirsan dowlada kmg ah ee soomaaliya.

Weriye Yusuf Gaduudow : Cabdinaasir adiga maxay kula tahay sideese u aragtay shaqsi ahaan taada markaad u hadasho?

Cabdinaasir Nuur: Hadii aan anigu shaqsi ahaantayda u hadlo waxaan u arkaa hadal aan macquul ahayn oo aanan suurtoobi karin waayo waxa uu yiri xuseen caydiid waxaa la bur burinayaa xudooda ama soohdinta u dhaxaysa itoobiya iyo soomaaliya waxa uu kaloo yiri waxaa la qaadanaa hal baasa boor taasina wax macquul ah oo caqliga gali kara ma ahan waa sida ay ila tahaye.

Qardho karkaarXasan Cabdulaahi Cadaawe: Anigu waxaan u arkaa hadalka xuseen caydiid kasoo yeerey nin iska hadley hadalkiis waayo waa hadal aysan dowlada iyo shacabka soomaaliyeed mid koodna uu san raali ka ahayn sida uu sheegeyna afhayeenka dowlada cabdiraxman diinaari waa nin iska hadley oo hadley fikradiisa khaas ka ah iyo waxa uu aamin san yahay.

Weriye Yusuf Gaduudow: Cadaawe hadii aan su'aal ku weydiiyo ma kula tahay in la midayn karo xudooda ama soohdinta kala barta soomaaliya iyo itoobiya?

Cadaawe: ilama ahan aniga in la midayn karo xudooda soomaaliya iyo itoobiya waayo macquul ma ahan in la mideeyo in la midayn kara ilama aha aniga walaal.

Mahad Sanid

W/D iskuna soo dubaridey Weriye Yusuf Gaduudow.
Bososo.Sommalia | yusufgaduudow@hotmail.com

Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH