SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xiligaan la jooga iyo sidee lagu ogaan karaa qofka ay dhab ka tahay islaamnimada iyo somalinimada.
c/risaaq xaaji cali axmed 
Malaysiya

ujeeda: waxaan  rabaa in aan wax yar kuga hadla xaalada somalia ay ku sugantahay ee dhabta ah xiligaan la jooga iyo sidee lagu ogaan karaa qofka ay dhab ka tahay islaamnimada iyo somalinimada.

Waxaan la soconaa somalia in ay soo martay mar xalada kala duwan taas oo ay marba marka ka danbeysa  shacbiga somaliyeed uu raja ka qabay in ay soo dhamaandoonta , mase noqonin maxaa yeelay waxaa arintaas laga sugaa waa allaah subxaanahu watacaalaa.

Waxaa intaas sii dheer isku day badan oo la isku dayay somalia in looga dhiso dowlad in kastoo ay ugu raja wanaagsaneed midii lagu soo dhisay ciida somalia oo ah wadanka walaalaheen Jibuuti taas oo ay markii danbe ka hor imaadeen qabqablayaashii wadanka gaar ahaan reer muqdisho iyo putland .

ka dib dowladii lagu soo dhisay Jabuuti waxaa bilowday xoogaa yar is dhax gal xaga shacbiga reer muqdisho oo ahaay kuwa ay la dagtay xiligaas colaad xun oo ay u abuureen hogaamiya kooxeedyadii xiligaas jiray. muda yar ka dib waxaa bilowday abaabul culimada somaliyeed lagu eeb geynaayo itoobiya iyo America taas oo ay ka dhiidhiyeen culimaa ,udiin badan oo ayagane bilaabay abaabul  kaas la mid ah oo hoos laga waday .intaa ka dib waxaa soo ifbaxday dowladii lagu soo dhisay wadanka dariska nala ah ee kenya taas oo is qabqabsi ka bixi waysay muda badan .

 intaa ka dib waxaa biloowday in ay hogaamiyaashii reer muqdisho ku heshiiyeen in ay iibsadaa dhamaan qofkasto oo ay ka muuqata astaanta islamka taas oo sababtay in ay wadaadadii iyo dhamaan shacbiga somaliyeed ka dhiidhiyaan ,taas oo ku kaliftay wadaadadii in ay agane ku heshiiyaan in ay is difaacaan ilaahey mahadiis waxaay galeen halgan weyn taas oo argagax ku abuurtay dhamaan wixii hogaamiya ahaay ee ku noolaay wadanka somalia sidaa darteed waxaa ilaahey u sahlay in ay gacanta ku dhagaa inta badan wadanka somalia. markii ay ogaadeen dhamaan wixii hogaamiya kooxeed ahaay ee wadanka ku maamuli jiray xoog ee ay cidna dooranin ayaa waxaay isku baheysteen in lala dagaalamo wadaadadii ku midoobay maxaakiimta islaamka taas oo ay la kaashadeed dowladiid aya markii horaba soo dhiseen wadamada dariska ah oo u jeedadooda aheed in aysan somalia wax noqonin maadaama ay tahay wadan muslim ah 100% waxaa bilaabatay in ay u qeyla dhaansadaan dhamaan gaaladii aduunka oo uu ugu weynaay maraykanka iyo Itoobiya oo ah wadan masiixinimada ay ku weyntahay oo ah israa,iisha Africa .

intaa ka dib waxaa soo baxay in ay bilaabatay dagaalkii taas oo keentay in loo adeegsada ciidamada itoobiya ee lugta ah maalma ka dib markii la ogaaday in aysan itoobiya wax ka qaadi karin waxaa dhacday in uu maraykanka duqeyn cirka ah la beegsada ciidamadii maxaakiimta islaamka taas oo ay u sii wehlisay somalida qaar oo jaasuun u noqday iyo cabaad ka imaaday ninka ay itoobiya u soo xilsaartay wadanka somalia oo ah cali maxamed gedi. ciidamadii maxaakiimta waxaay ogaadeen in ay tahay la helo xeelad kale oo lagula dagaalamo diyaaradaha iyo waliba cadawga islaamka waxaay baneyeen dhamaan goobihii ay ku dagaalamaayeen taas oo ay ugu daneyeen shacbiga somaliyeed in ay wax dhibaata ah soo gaarin waxaay waxaa hubaal ah in la duqeyn lahaay sida muqdisho ,kismaaya ,marka iyo jowhar iyo waliba meela kale oo badan .

waxaa is weydiin mudan shacbiga somaliyeed ma raali buu ku yahay in la gumeysta ama la laayo  wadaadadii wadanka .waxaa in la is xusuusiya hadii maanta la laaya wadaadadii oo ah laf dhabarka shacbiga somaliyeed  , waa diintii oo la dabargooyay ee ogow nin waliba oo ah somalia oo ay dhab ka tahay islaamnimada , intaas waxaan dheer waxaay yiraadaan dadka sheegtay masuuliyiinta somalia oo ay u soo xilsaarteen cadawga islaamka waxaan ku raad joognaa islaamiyiin mitid ah war adiga hadii ad ku raadjoogtid islaamiyiin adiga maxaad tahay cadeytaas su,aashaas jawaabteed waxaan u deynaa dadweynahay

c/risaaq xaaji cali axmed 
Malaysiya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH