Hadalkii
maxaakiimta : Dadka Soomaaliyeed ha ka tashadaan
Danahooda ........
SAAHID MAXAMED YUSUF
EASTLEIGH,NAIROBI
SAHID_YUSUF@YAHOO.COM
Hadalkaasi wuxuu ka mid ahaa wareysigii dheeraa ee shiikh
shariif uu siiyey TV Al-jasiirah markii ay ka baxeen
magaallada muqdisho sitimaankii hore.
Hadalkaas oon runtii markaan maqlay aan ku sigtay in aan
ooyo wuxuu ahaa mid raadi weyn igu reebay waxaanna iskula
hadlay [ Goorma shariif????!!! IMMISAAN IDIN LAHEYN DANTA
SOOMAALIYEED WAX KASTA KA HORMARIYA ].
Lix bilood ayey laga joogaa markii ay maxaakiimtu ay si
fudud guul wax ku ool ah ay uga soo hooyeen siyaasaddda
Soomaaliya taas oo wadanka oo idil
gilgishay min rasul caseyr ilaa raas kanboodi ayadoo lala
qabo maamullada ka jira waqooyiga waa Soomaliland & Puntland
e !!!!.
Neecaaw caafimaad ayaa is wada qabsatay, Rajo waa hore
dhimatay ayey soo nooleeyeen, waxaa meel dheer nooga
iftiimay barwaaqo & bash bash aan
mudo sugaynay, wax garadkii waxay bilaabeen in ay wax ka
qoraan,suugaanleydii wey sifeeyeen,hooyooyinkii wey
alalaaseen,culumadii wey ka khudbeeyeen.
maxay ku danbeysay neecaawdaas Runtii si dhaqso ayey u
feyrtay, waxay noqotay la mood noqonse weyday,ka dar oo dibi
dhal, wax la is yiri oo sidii la moodaayey
noqon waayey !!! wixii wadaada lagu xaman jiray ee ahaa in
aysan u qalmin in ay siyaasadda ka hadlaan ee ay mudan
yihiin in ay iska waliimaystaan ayaa dhaboowday!!!
Akhristooy waxaad haatan i weydiinaysaa maxaa dhacay? Runtii
ninba kaskii buu kortagaa waa barnaamij furan bal aan cabiro
in aan wax ka sheego khaladaadkii fashiliyey maxaakiimta in
ay u dililn diloobaan sidii dhagax meel sare ka soo dhacay
oo ku socda xawli lagu daray 9-8m2 sida ay qabto aragtida
newton theory.
Horudhac:
Akhristoow waxaan ka sii afeefanayaa in dhaliiladeydu ayasan
aheyn mid goodisiyo digasho ah ama ku faan ah ee ay tahay
uun in aan sheego waxaan is leeyahay fashilka ayey
keeneen,waana mid meesha ku jirta in la xisaabtamo oo la
isku sheego meesha masiibadu ka timid sidii Qaswatul Uxud ay
saxaabaddu u yiraahdeen [ xagee waxaani nooga yimaadeen?
markaas ayuu Allaah ugu jawaabay balse jabkaani xaggiina
ayuu ka yimid????!!!!..... markaad fashilanteen oo aad
arrinkii isku khilaafteen oo aad ku caasiseen nabigiinii
markaad aragteen waxaad jecleydeen ee ah qaniimadii,QAARKIIN
ADDUUNYO DOON BAY AHAAYEEN QAAR KALENA AKHIRO AYEY
DOONAAYEEN, MARKAAS AYUU ALLAAH IDINKA WEECIYEY GUUSHII SI
UU IDIIN IMTIXAANO...] SUURATUL AL-CIMRAAN.Sidaas oo kale
ayaan rabaa in aan soo koobo wax yaabaha aan is leeyahay wey
soo dadajiyeen kufkii maxaakiimta islaamka .
1) waxay ka marin habaabeen habkii dawladnimo laheyd macnaa
runtii uma diyaarsaneyn in ay dhisaan ama hogaamiyaan Dawlad
Soomaaliyeed ama la gorgortamaan mid jirtay,waxaan sidaas u
leeyahay dawlad laguma dhiso food la jaro iyo jaad la
joojiyo iyo shaneemo la xiro ee waxay u baahnayd maamul weyn
oo suga Danaha ummadda ay masalayaan
xagga waxbarshada ,dhaqaalaha,nabadgalyadda ooy igu
fiicnaayeen,maamul dhismeed dawladeed sida dawladaha
hoose,arrimaha gudaha,debedda,xiirka adduunweynaha iwm.
2) waxay aad ugu fashilmeen in ay soo dhaweeyaan kawaadirtii
ayidsaneyd iyo khabiiriinta ummadda ee lahaa siyaasiyiin,wax
garad,ciidan,dhakhaatiir,macallimiin,iwm
waxaa booskoodii badalay dhallinyaro la yiri waa shabaab oo
ka ugu weyn uusan labaatankii u buuxsamin ,horaa soomaalidu
u tiri labaatan jir intuuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa!!!!
waxay ku hadaaqaayeen ma cilmaaniga allow yaa yiraahda
kalimadaas fasira??? cilmaani ku ayidsan waa faasiq khibrad
leh yaa heli kara u noqo mid haga ( romate control)!!!!Shiikhul
islaam ibnu tiimiyah rxl ayaa la weydiiyey :[ yaa
muslimiinta madax looga dhigaa arrimaha caskarinimda ma
caabud aan khibrad laheyn mise faasiq khibrad leh?wuxuu ku
jawaabay faasiq khibrad askarinimo leh,maxaayeelay ayuu yiri
caabudku cibaadadiisa asaga ayey nafcineysaa ducfigiisuna
ummadda ayuu dhibayaa,faasiqa fusqigiisu asaga ayuu dhibayaa
khibradiisa iyo tamartiisuna ummadda ayey wax
tarayaan]assiyaasa alsharciyah sidoo kale futyadaas waxaa
kaga horeeyey ayaa la yiri Axmed ibnu xanbal rxl.
shabaabkii maxaakiimtu kheyr ayaan u rajeynaynaa caabudkaas
ayey ahaayeen ,kumaandoostee soomaaliyeedna qaad baa looga
tagey oo waa fusaaqdii !!! maxaa dhacay cibaadadii shabaabku
nagama difaacin amxaaraddii se cududii kumaandoosta waan
gabnay !!!!
3)Si cad waxay maxaakiimtu u khilaafeen xadiiskii nabiga
nnkh :[ HA TAMANINA IN AAD CADAWGIINA LA KULANTAAN,LAAKIIN
HADDII AY DHACDO SUGNAADA OO HA CARARINA ALLAHNA WAX BADAN
XUSA...] AMA SIDAAS OO KALE AYUU YIRI. SIDOO KALE QASWATUL
UXUD WAA LAGU CANAANTAY SAXAABADA :[ WAXAAD AHEYDEEN KUWA
TAMANIYA MOWDKA INTAADAN LA KULMIN HAATAN BAAD ARAGTEEN
ADINKOO ARKAAYA ] EE MACNAA WAX ISKA CESHA.AKHRISTOOW MA IS
TIRI AYAADAAN IYO XADIIDSKII KA HOREEYEY MAANTA AYEY SOO
DAGEEN!!! AMA AAN SI DHEEREYN BEY NAGU SIREEN OO AY DOONEEN
WAANA MIDDA LOO DIIDAY EE NABIGU KU YIRI WAAR DAGAAL HAW
TAFA XEYDANINA HADDII SE UU DHAKALA U IRAAHDO MAXAAKIMTEE KU
SOO DAGEEN ... BAL ILA FIIRI : ADIS ABABA AYAAN SOO
QABANEYNAA... TODDOBO BERI HADDII AY ITOOBIYA UGA BIXI WEYDO
DAGAAL AYAANU KU QAADEYNAA!!!!ANIGU RUN BAAN MOODAY ILEEN
AWOODOODA MA OGEYNE SE DAD BADAN OO KHUBARA AH WEY SUGAAYEEN
IN AY KU FASHILMAAYAAN NIN WADDAAD AH BAA IGU YIRI [ WAXAAD
MOODAA FASHILANKA MAXAAKIIMTA IN AAN BUUG KA AKHRISANAAYEY
WAA KHABIIR XAMAR LA JOOGAY MARKAY HEYSTEEEN] DAGAAL AAN
QOTO CO SUGNAADA HA U SOO TARAARAXINA SIDII DAAD SOO
ROGMADAY !!!! ALLA YAA MAANTA SHALAY KA DHIGA .. YAA
ADDUUNKA DIB U YARA CESHA ( REWIND) ANIGUNA SIDAAN UMA
HADLEEN MAXAAKIIMTUNA JABKAAS KUMA DHACEEN!!!!!
4) MAXAAKIIMTU TALO WAA DIIDEEN... HORAA LOO YIRI NIN MEELI
U CADAHAY MEELI KA MADOOW... CULUMO IYO CIROOLE , WADAAD IYO
WAX GARAD, HOOYO IYO AABBE TALO AYEY SIIYEEN MAXAAKIIMTA SE
WAX MA KU QAATEEN ..... MAY HABEENKII XALAY AHAA OO TAGAY
!!! BALSE FURUURYAHA AYEY DADKA GOOSANAAYEEN WAXAA MAR
KALIYAH IS QABSATAY EREYGA ( GAALO RAAC)WUXUU NOQDAY JOOKAR
MEEL KASTA LA GALIYO!!!! BAL ADBA .....AKHRISTOOW WAXAAN
ISKU DAYI IN AAN NOO SOO KOOBO INTA TALO EE MAXAAKIIMTA
LAGULA TALIYEY WEB-SIDE KA SOOMAALITALK OO KALIYAH AYAAN SOO
QAADAN ,OON ANIGU KA MID AHAY QORAYAASHIISA HA UGU HOREEYO
MAQAALKAYGII [ KISMAAYO & KANDAHAAR ] OON QORAY MARKAY
MAXAAKIIMTU KISMAAYO QABSADEEN.
RUNTII TALO KASTA DHAGAHAY KA FUREYSTEEN TOODII MOOYEE OO
AHEYD HA LA DAGAALAMO ( JIHAAD)!!! WAANA FIKRADII XARAKATUL
JIHAAD SIDA KU CAD KITAABKA SHIIKHOODA EE LA YIRAAHDO ( AL
FARIIDAH AL QAA,IBAH) FARIIDADII MAQNEYD OO UU KA WADO
JIHAADKA .
5) WAXAY KU MASHQUULEEN QUBKII MOOSKA WAXAYNA KA TAGEEN
LUBIGII MOOSKA !!! AKHRISTOOW MOOSKA LA CUNO WAA LABO SHEY
QUBKA SARE OO XIDFIYA IYO INTA LUBAGA AH EE HOOSE EE MACAAN
!!! DIINTEENUNA WAXAY NA BAREYSAA IN AAN ARRIMAHA MIISAANO
OO MASLAXADDA MIDEEDA WEYN AAN QAADANO, DHIBKANA TEEDA YAR
AAN QAADANO !!!
HADDIISE AANAN GARANAYNIN SIDA UMUURUHU U KALA SAREEYAAN OO
AANAN KALA GARANEYNIN {ASLAXUL MASLAXATEEN IYO AFSADUL
MAFSIDATEYN }WAXAAN NOQONEYNAA JAADNA DIID ITOOBIYANA
WADANKA SOO GALI, CAJALAD HEES BURBURI AMEERIKANA U
YEERO,FOOD JAR MAAMULNA ISKA ILOOW, KHUBARO KA CARAR
SHABAABNA WAX U DHIIBO,JANAQOOW DIID ABUU QITAADANA LA BAX
!!! ODAY SOOMAALIYEED OO DARAJADA ADDUUNKA KA GAARAY JANAN
XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO AAN SHEEKAYSANAY AYAA IGU YIRI
ADEER MAGACYADA SOOMAALIYA WAA MAGACYO MUSLIM AH C/RISAAQ,YUSUF,MAXAMED
MAXAAN U BADALEYNAA OON MAGACYO GAALEED OON LA KASEYNIN ULA
BAXAYNAA ABUU QATAADA ,ABUU MANSUUR,ABUU MUXSIN ...
MAXAAKIIMTU DADKAAS AYEY ISLAAM ISLA YIHIIN OO LA RABAA IN
AY WAX ISLA WADAAN AYAGUNA SURWAAL GAABAN IYO GAR WEYN BEY
KU MASHQUULSAN YIHIIN !!! BAL HORTA JANANKA BAR IN ABUU
QATAADA UUSAN MAGAC GAAL AHEYN TAAS AYAA KA HOREYSA IN AAD
JAADKA XAARAAN DHAHDO AMA FOODA MAQAS LA WAREEGTO.
WAA QUB MOOS OO LA QABSADAY MACAANKII LUBIGANA LA ILOOBAY OO
LA TUURAY !!! ISLAAMKA MACAANKIISA DADKA BAR EE DAA LEE HA
KA HOR KEENIN !!! JANANKA HADALKIISU WUXUU I SOO XASUUSIYEY
SACIID IBNU MUSAYIB AWOOWGIIS XAZAN OO NABIGU KU YIRI
MAGACAAGA ISKA BADEL XAZAN MA TIHID EE WAXAAD TAHAY SAHAL
!!! XAZAN LUQADA CARABIGA WAA MEESHA JIQ DA AH OO DHIBKA
BADAN ,SAHALNA WAA MEESHA FUDUD !!! MARKAAS AYUU SAXAABIGAAS
OO KU ADAG MAGACII UU AABIHIIS U BIXIYEY NABIGA KU YIRI {
BADALIMAAYO MAGAC UU AABAHAY II BAXSHAY} SACIID IBNU MUSAYIB
TAABICIGII WEYNAA AYAA WAA DANBE YIRI DHIBKII AWOOWGEEN NALA
DOORTAY WELI NAGAMA HARIN WAA XAZAN KIIYE .AKHISTOOW
KHALADAADKU WAA BADAN YIHIIN AAN INTAAS MAANTA KU SOO KOOBO
!!! ADIGUNA IGALA QEYB QAADO MEESHAAD WAX KA ARKAYSO II
BAYAANI AMA II MUUJI AAN DHAHEE!!! FASHILAADA WAXAAN U
SHEEGEYNAA SI AAN MAR KALE LOOGU DHICIN!!!!
WIXII AAN SAXAY ALLAAH AYAA I WAAFAJIYEY !!! WIXII AAN
KHALDAYNA WAA NAFTEYDA IYO SHEYDAAN ALLAANA UGA TOOBAD
KEENAYAA !!!
FII AMAANI LAAH !!!
SAAHID MAXAMED YUSUF
EASTLEIGH,NAIROBI
SAHID_YUSUF@YAHOO.COM


|