Riyadii Itoobiya oo rumowday
iyo Xuseen Ceydiid oo afkiisa ka qirtay
Waxaa diyaarisay; Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com
Waxaan qoslay markii aan maqlay ra'iisal wasaare ku sheega
wakiilka Sinaawi ee Soomaaliya Xuseen Ceydiid la soo
shirtagay in jamhuuriyada xorta ah ee Soomaaliyeed lugu
darro Itoobiya si ay ula midowdo iyagoo yeelanaya waxa uu ku
sheegay hal baasaboor iyo hal ciidan. Talow ninkan ma
riyoonaya mise waxbaa ka si ah? Jawaabtu " waxbaa ka si ah"
waxaana uu ilowsan yahay in hadalkaasi dhalanteedka ah uu
yahay mid caqliga diidayo taasina hadey iman kartana aysan
ciidankii xooga Soomaaliyeed dagaal ku qaadeen cadowgaasi
soo jireenka ah si loo soo celiyo dhulkii ay naga qaateen
waaba maanta halugu darro dhulalkii kale ee xorta ahaa. Alla
muxuu qarar jafayaa ninkaasi iyo dowlad faashilka ah ee
Helekobterada lugu keenay ee ku mid yahay.
Xuseen Ceydiid oo ay muuqato aqoon darrada u leeyahay Yurub
iyo axdiga u yaala wada shaqeyntooda ayaa tusaale u soo
qaatay dalalka horamaray laakinse waxa uu ilaaway inuu yahay
ninka keliya ee calooshii u shaqeyste ka ah Soomaaliya
dhawaana shabakad lugu soo daabacay calooshood u
shaqeystayaalka aduunka uu dhanka Soomaaliya ka dhex muuqday.
Waa yaab ninkaas baa doonaya inuu ka taliyo masiirka ummadda!
Alla muxuu calanku ayaan darran yahay kaas iyo misaalkiis
baa sheeganaya.

Hadaba iyadoo ka Ikraam ahaan aan ogsoonahay in sirta uu
daboolka ka qaaday calooshii u shaqeystahaasi aaney soconeyn
ayaa hadana mudan in la isweydiiyo waxa qariiradii dhawaan
ay daboolka ka qaadeen xilidhibaanadii ka soo cararay
Beydhabo ee shaaca ka qaaday in Qarankii Soomaaliya halis ku
jirto kadib markii qariiradaasi laga tiray magacii
Soomaaliya ay daliil u tahay hamiga Itoobiya ee ku aadan
dhulkeena iyo waxa kulmiyey hadalka ninkan aan xishoodka
aqoon ee ku sheegayo la midowga cadowga soo jireenka ah....
Shacabka maxaa la gudboon haddii warkaasi sax noqdo?
Ummadda Soomaaliyeed hadey dooneyso iney lamidowdo Itoobiya
dagaal lama gasheen geesigii Axmed Gureyna dagaal kuma
qaadeen ee maxaa ka qaldan dowladan daba dhilifka ah?
Shacaka Soomaaliyeed miyaase yeelaya dayaacada raqiiska ah
ee ina Ceydiid iyo dowlada faashilka ee Geedi? Ummadda
Soomaaliyeed waxaa la gudbiin iney ka dhii dhiyaan
shaqsiyaadka ku hadla afka soomaaliga ee Geedi, ina Yeey,
Jeelle iyo Xuseen Ceydiid arrinta ay wadaan kuwaasoo
dhamaantood u soo qalab qaatay iney burburiyaan Qaranka
Soomaaliyeed.
Arrintani waa mid ahmiyad leh una baahan in la dhuuxo si
qoto dheerna looga fekero siddii loo bad baadin lahaa
Qaranka halista ku jira maxaa yeelay maanta ayaan la yiri
Soomaaliya hna noqoto Itoobiya, taasoo ah mid aan weligeed
dhici doonin insha Allaah. Muwaadinka Soomaaliya ee u
dhashay dhulka iyo calanka Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah
iney hubka markale qaadaan si ay riyadii Minilik ay u
beeniyaan taasoo ay maanta cadahay iney run ka dhigayaan
shaqsiyaad calanka hoostiisa caano lugu siiyey kuna hana
qaaday magaca aan dhumi doonin ee daa'in abid jiraya ee
Soomaaliyeed.
Ciidanka xooga dalka ee qaarkood ku naafoobay iyo kuwa
maanta nool waxaan leeyahay markale qibradiinii caskari soo
bixiya si loo difaaca jiraankeena ummadeed ee faashiliinta
Beydhabo lugu quudiyo doonayaan taaso ah rumeyntii riyadii
cadowga soo jireenka ah. Hana ilaawina waxaad qaarkiin ku
weyseen xubnaha jirkiina soo celinta dhulalka maqan maantana
waan hubaa in damiirkiina iyo keenaba ee taageerada idiin
haya ineysan yeeleyn dacaayada raqiiska ah ee ina Ceydiid
meelaha ka sheeg sheegayo taasoo iyadana ah mid taariikhda
gashay oo ku jiri doonta quluubteena iyo jiilka dambe.
Itoobiya markey dagaalka aan xishoodka laheyn ku soo qaaday
qarankeena waxey ilowday iney la dagaashay kooxo yar oo
jabhad aan waxba dhaamin iyadoo kula dirrirtay caqiiqda ay
aamisan yihiin ee soomaaliyeed iyo diineed. Itoobiya ma ahan
mid haweysan karta dowlad soomaaliyeed oo awood leh
taariikhdana ma sheegin iney arrinkaasi sameysay sidaasi
daraadeed Itoobiya waxeedu waa "habar fadhida legdin la
fududaa" In aan qaran soomaaliyeed badbaadiis u imana waa
mida ay maanta u adeegsatay kooxaha canaasirta ah ee
kufaarta u adeega sida ina Ceydiid, Jeelle, ina Yeeyo iyo
Geedi.
Ugu dambeyntii ummad yahay waxaa la joogaa waqtiigii aan
iska dhicin laheyn cadowga soo jireenka ah marna yeynaan
yeelin dibindaabyada shaqsiyaadka pro Itoobiyaanka ee
fulinaya danaha guracan ee lugu doonayo in Qaranka
Soomaaliyeed gacanta loo geliyo cadowga soo jireenka ah.
Xuseen Ceydiid (calooshood u shaqeystaha ) aqoona uma laha
qaabka Yurub ay xuduudaha u wadaagta iyo ineysan wada
wadaagin baasaboor uu sheegayo waxaana qurux badan inuu ka
fiirsado kaafirkasi ina Ceydiid waxa uu ku hadlayo ka hor
intaa aaney xaajo faraha ka bixin.
Soomaaliya soomaali baa leh, calankana kor buu ahaanaya inta
uu jiro ruux damiir leh oo ka damqanaya waxa ay wadaan
faashiliinta Beydhabo lugu naas nuujiyo!! Calanka iyo ciida
soomaaliyeed weligood soomaali baa lahaaneysa No Itobiya!
Fiiro gaar ah:
Sawirka Amin Camir ogolaanshihiisa ayaa lagu daabacay
Waxaa diyaarisay; Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 4, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


|