BAASABOORKA
ETHOIPIA WAA IN LA QAATAA.
axmed sadiiq
sadiiq120@hotmail.com
maser-qaahira
Maqaalkan mid ka horeeyay waxaan ku sheegay in muqdisho laga
maamulayo adisababa waxaana sii raaciyay rumeeso ama
harumeesan.
Sida aad lasocotaan soomaalida wali ku safarta baasaboorka
cagaaran ee soomaliga ah ama hawaayeen mid wadan kale ah ama
haka ahaato wadani nimee waxaa dhacday qiso layaab leh oo ku
saabsan baasaboorka soomalida markay dhacaday dawladii
siyaad barre baasaboorka cagaaran waa uu agoomooway inkastoo
la soo sameen jiray hadana daryeel mahili jirin markaad ku
safreesid .
hadii aad dhiibato adoo maraya airapoorada qaarkood ee laga
ogolyahay saas baa loo fiiriyaa marka ugu horreysa waa lagaa
qaadayaa waayo muuqaalkiisu aad buu u quruxsanyahay kadib
markuu ogaado qofkii kaa jeekin sameenayay waxaa uu sameeyaa
laba midkood
waa marka horee in uu ku daahiyo oo lagu yiraahdo wax yar
istareex wax baan ka fiirinayaaye asal ahaana wax laga
fiiriyo maba lahee saa dawlad soo saartay maba lahane.
Marka labaad waxaaba lagu waydiin wadanakaa aad u dhalatay
mar hadiiba aad sheegto soomaliya waxaa laguugu leeyahay
safkan markuu dhamaado sug waayo dadkan waxay wataan
baasabooro yurub iyo mareekanka ah adigana waxaad wadataa
waa baasaboor aabihiisii geeriyooday mar hore.
Mar hadii saas dhacaday sababtuna ay ahayd dawlad mas,uul ka
ah baasaboorkan lawaayay qofka raba in uu safro ama uu
daneeso waxaa laga yaabaa in uu qaato baasaboor wadan kale
uu leeyahay amaba waxaaba suura gal ah in wadan waayo uu qax
ku tagay in ay siiyaan baasaboor ku meel gaar ah oo laga
yaabo in lagaa qaato markii la rabo.
dadka kunool ameerica iyo yurub ayagu waxay haystaan mid
kumeel gaar ah oo hadii adeb daro ay sameeyaan ama lagu
tuhmo in ay xariir laleeyihiin argagixisada aduunyada in
lagaa qaato baasaboorka sidii looga qaatay xuseen caydiidba
mar hore waxaa intaa dheer dadka ku nool Africa ee
soomaalida ah waxaa ay qaateen qaarkood baasabooro wadanka
ay joogaan siday rabaanba haku qaateene waxaa jira dad tiro
yar oo ayagu aanan nasiib u helin in ay iska badalaan baasa
boorka cagaaran oo ayuguna murugo ku seexdaan amaba ku
fikira say ku heli lahaayeen.
mar hadii xaalka sidaas marayo dadka badanaa uma arkaan wax
dhib ah in qofka qaato baasaboor wadan kale siduu raba haku
qaatee ,laakiin waxaa jira hadal dadka ku murugeesay oo laga
yaabo dadkii soo joogay waayadii hore ee ilaahay cimriga
siiyay ama dadka wax akhriya ama ay ku jirto xoogaa dhiig
yar oo sheegayo in qadiyada soomaaliya ay tahay muqadas ama
xuduudaha soomaalida ay yihiin lama taabtaan.
qof kamid ah ragii dabaabadaha ethoipia ku yimi ayaa war ka
soo yeeray ilaa hadana dadkii waa ay yaabanyihiin waa intii
fahantay hadalka meesha uu u socdo mar hadii aysan dhib
ahayn in qofka qaato baasaboor wadan kale waxaa wax lala
yaaba ah in manta qof noo sheego in la baabi,iyay xuduudihii
soomaaliya oo muqdisho laga maamulayo adis ababa qof baa
waxuu yiri nin yahoow hogaamiye kooxeedyadii waa la soo
celiyay ninkii kale ee warka loo sheegayay ayaa yiri nin
yahoow waa la soo dhaqan celiyay marka hadii la soo dhaqan
celiyay waxaanba is weeydiiyay anoo raacaya warkaas dhaqan
celinta ah malaga yaabaa in laga soo dhaqanceliyay in
aysanba ku hadlin wax aanan ahayn waad mahadsantahay
zanaawiyoow oo aay dhahaan soomaliya iyo Ethiopia waa mid
waayo ilaa iyo hada ragii u waramay war baahinta waxaa kamid
ahaa dhoor nin
1-bashiir raage-mar laweydiiyay ethoipia arimaheeda inta uu
qushuucay ayuu oga mahadceliyay intii ku geeriyootay oo
ilaahay ooga baryay in u naxariisto waxaana uu ka
shanqariyay mahad u muuqata waxba in aysanba sameen amaba
wax dilin wax u eg in uu yahay zanawi adeerkii.
2-sidoo kale waxaa hadlay dabageed reer b/weyne waxaa uu
sheegay in markii ay joogeen ethoipia la soo dhaqan celiyay
soona tashadeen mar uu ka jawaabayay ma soo noqoteen mar
layiri ethoipia ayuuna ku mahadceliyay si ixtiraam kamuuqato
isweydii talada maxay tahay ama dhaqan celinta loo sameeyay
corneel barre ayaa mar laweydiiyay asagoo ku soo socda
magaalada kismaayo una muuqata dekaddii kismaayo asagoo dad
u qorayo boonad ku saxiixan 10,000 oo doolar siinayana
sargaal ethopian ah oo uusan siinayn markan seeraaar ama
goobaale ayaa yiri nin yahoow ethoipia waaba to lee waxaan
soo wadan lahaa yahuuda xasuuqda falastiinta ethopiana waa
tol buu raaciyay ,
xuseen caydiid oo aabihii lagu ogaan jiray nin gumeesiga
neceb ayaa asaga aabihii raacin waayo waxaa jirta maah maah
oranaysa waan ku dhalay I soo raac majirto ka raali noqoda
hadaan khaldo maahmaahda.
mar uu ka hadlayay meel
tolkiisa ku badanyahay oo aan filayo taariikhda waligeed in
aan eraygaas la dhihin meesha uu ka yiri xuseen caydiid
warkaas waa madaxtooyadiiye ayaa waxaa uu af cad ku yiri
waxaan baa,binaynaa xuduudaha soomaaliya ay laleedahay
ethoipia waliba sii raaciyay si sarbeeb ah in zanaawi la
hoostagayo waxaan orankarnaa waxaaba naloo keenay dad la soo
dhaqan celiyay laguma soo dhaqan celiyay in ay ku hadaaqaan
zanaawi hanoolaado iyo asagaan walaayadii u dhiibanay waxuu
rabo haka sameeyo soomaaliya .
akhristoow uma baahnid in aan kuu sheego waxaa ay yiraahdeen
labada nine ee ugu weyn nimanka ku yimi dabaabada korkeeda
mar hadaan kuu sheegay difaacooda oo haya siraha iyo arimaha
gudaha iyo waliba hogaamiye kooxeedyo ,
waxaa wax ku soo kordhay aduunyada oo dhan dad sheeganayo
dawlad hadana dadkeedii u soo kaxeesanayo dawlad kale markay
ku laysana ka fikirayo amaan la,aamaano zanaawi oo aan ka
fikirayn dadkii waxaa wax laga naxa ah in maanta rag dhahaan
xaduudii waan bur burinaynaa aaaaah aaaaah waa ra,saaaa
""""".
axmed sadiiq
sadiiq120@hotmail.com
maser-qaahira
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 4, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...
|