SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

  • Diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo duqeeyay xuduudda Kenya iyo Soomaailya
  • Dalal Afrikaan ah oo lagu qalqaalinayo inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya
  • Hay’adda Somali Society Development Association (SOSDA) oo howlo wacyi gelin iyo seminaaro ku soo gabagabeysay gobolka Sh/hoose
  • Guddoomiyaah xisbiga Somali Nation-State Party Md. Max’ed Xaashi Cigaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho
  • Xildhibaan Khaalid Cumar Cali "Muqdisho waa caasimaddii dalka, waxaana aaminsanahay ilaa iyo hadda inay wanaagsan tahay nabad gelyadeeda"

Diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo duqeeyay xuduudda Kenya iyo Soomaailya

Diyaaradaha dagaalka ee Itoboiya nooca helicoptarada ayaa weerar ku qaaday shalay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya dhinca dalka Kenya ka mid ah, iyagoo halkaasi ku riday gantaallo iyo rasaas.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhacay, waxayna wararku sheegayaan in dowladda Kenya ay cabasho arrintaas ku saabsan u dirtay Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay daba joogeen madax iyo ciidamo ka mid ah maxkamadaha Islaamiga oo xuduudka Kenya meel u dhow ku sugnaa.

Dalal Afrikaan ah oo lagu qalqaalinayo inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya

Dalal Afrikaan ayaa lagu qalqaalinaya inay ciidamo u diraan Soomaaliya ka qeyb qaata nabad ilaalinta iyo taageerada dowladda Federalka Somialia, kaddib markii ciidamada Itoobiya ay jebiyeen maxkamadihii Islaamiga Soomaalida.

Mareykanka ayaa la sheegayi nuu dadaalkaasi qeybtiisa ugu weyni ku jiro waxaana ilaa iminka ciidamo ku yaboohay dowladaha Uganda oo 1000 askari diyaar la h iyo Nigeria oo sheegtay inay Soomaaliya u direyso hadba ciidamadii looga baahdo.

Dalalka la doonayo inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya waxaa la sheegay inay ka mid tahay Koonfurta Afrika oo la sheegay inuu ka cago jiideyso, waxaana la filayaa inuu Mareykanku ku qanciyo dalal kale oo Afrikaan inay ciidamo u diraan Soomaaliya.

Lama hayo cidda maal gelin doonto ciidamadaasi, iyadoo Midowga Yurub oo hore looga codsaday inuu ciidamada nabad ilaalinta soomaaliya maal geliyo ayaa ka gaabsaday iyadoo dhaqan gelinta qaraarkii Golaha ammaanka ee 1725 ay dhibaatooyin badan hor taagan yihiin.

Hay’adda Somali Society Development Association (SOSDA) oo howlo wacyi gelin iyo seminaaro ku soo gabagabeysay gobolka Sh/hoose




Xiriiriyaha Hay’adda SOSDA Max’ed Sheekh C/raxmaan (Abkow) oo ay la socdaan howl wadeenno ka tirsan Hay’adda SOSDA iyo howl wadeeno ka tirsan hay’addaas ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxayna ka warbixiyeen howlo seminaaro iyo wacyi gelin ah oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo kala ah: Beledul amiin, Buulo-kulan, Bangaley iyo tuulooyin kale.

Howlahan la xiriira seminaarada iyo wacyi gelinta oo ay hay’addu ka soo fulisay tuulooyinkan ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka faa’iideystay in ka badan 200 qof oo isugu jira beeraley, xoolo dhaqato iyo reer guuraa, iyadoo howlahan seminaarka iyo wacyi gelinta ay socdeen inta u dhexeysay 30/12/2006-da ilaa 03/01/2007-da.

Seminaaradan iyo howlahan la xiriira wacyi gelinta ayaa waxaa lagu kala qabtay tuulooyinka Beletul Amiin, buulo kulan iyo Bangaley oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, waxaana lagu baray dadkaas qodobo ay ka mid ahaayeen: waa maxay Aids? Sidee lagu kala qaadaa? Qaab ceynkee ah ayaa loola dhaqmaa qofka qaba cudurka HIV/Aids? Sidee loo daryeelaa bukaanada qaba HIV/AIDs? Iyo wacyi gelin ku saabsan qaabka looga hortago iyo siyaabaha lagu kala qaado cudurka HIV/Aids, waxaana qodobadaasi wax ka dhigayay macallimiin ay ka mid ahaayeen C/naasir C/laahi Shuuke, C/fitaax C/shakuur Warsame, Cismaaciil Cabdi Xasan, Max’ed Faarax Aadan, Liibaan Max’ed Aweys, Cabdi Muuse Mayow iyo xubno kale.



Hay’adda Somali Society Development Association (SOSDA) oo howshan iyada ka soo fulisay gobolka Sh/hoose ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxayna soo laabashadooda kaddib shir jaraa’id ku qabteen xaruntooda magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaasi jaraa’idna uu qabtay xiriiriyaha Hay’adda SOSDA Max’ed Sheekh C/raxmaan Abkow oo ugu horreyn shirkiisa jaraa’id kaga warbixiyay muddadii ay ku gudo jireen howlahaasi seminaarada iyo wacyi gelinta oo ay ku qabteen gobolka Sh/hoose, isagoo sheegay in hay’addu ay u taagan tahay sidii bulshada Soomaaliyeed ay uga wacyi gelin laheyd cudurkaasi halista ah ee adduunka fara baas ku haya.

Md. Abkow wuxuu sheegay in howlahani ay iska kaashadeen hay’adaha kala ah: OXFAM NOVIB, Global Fund oo iyagu gacan weyn ka geystay taabo gelinta ololahan laga soo fuliyay gobolka Sh/hoose, wuxuuna sheegay Md. Abkow inuu mahad weyn u celinayo masuuliyiinta gobolka Sh/hoose, waxgaradka iyo dadkii ka faa’iideystay howlahaas, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay bahda saxaafadda gudaha iyo dibadda, wuxuuna Md. Abkow si kooban uga hadlay waxqabadka hay’adda SOSDA oo uu sheegay in la aas-aasay 1998dii, waxayna howlo wax ku ool ah uu sheegay inay ka fuliso gobollada South and Southern gaar ahaana gobollada Sh/hoose, Banaadir iyo Mudug, wuxuuna intaasi ku daray in ay wax ka qabtaan HIV/Aids-ka ka sokow howlo waxbarasho iyo caafimaad oo ay u fidiyaan dadweynaha ku dhaqan gobolladaas.



Xiriiriyaha hay’adda SOSDA Md. Abkow wuxuu sheegay in haatan hay’addu ay sanadkan cusub qorsheyneyso sidii ay u laba laabi laheyd howlaha ballaaran oo ay hay’addu u hayso bulshada, wuxuuna sheegay inay u qorsheysan tahay inay fuliso mashaariic dhowr ah sanadkan 2007da, oo uu sheegay in hay’addu is beddel weyn ka muujin doonto howlaheeda.

Hay’adda SOSDA waxay ka mid tahay hay’adaha ka howl gala dalka Somalia gaar ahaanna gobollada South and Southern, waxayna horay u soo qabatay seminaaro iyo howl wacyi gelin ah oo la mid ah kuwan, iyadoo ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan oo ah dhallinyaro isuguna jira rag iyo dumar, da’dooduna u dhexeyso 25-45 jir.

Guddoomiyaah xisbiga Somali Nation-State Party Md. Max’ed Xaashi Cigaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Xisbiga Somali Nation-Sate Party Md. Max’ed Xaashi Cigaal ayaa shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho, wuxuuna shirkiisa jaraa’id kaga hadlay xaaladda guud ee dalka maanta ka jirta

"Xaalad adag ayaa maanta soomaaliya ka jira, xaaladdaas labo dhinacba way aadi kartaa, waxaan Ilaahay ka rajeynaynaa inay dhinaca wanaagsan u socoto, dhinacaasi oo ah nabad, midnimo iyo qarankii Soomaaliyeed oo madax banaani iyo midnimada ummaddiisa ay u sallowdo, dhinaca kale waxay u dhici kartaa in dhibaato cusub ay timaaddo, qaranimada Soomaaliyeed iyo karaamada Soomaaliyeed iyo amniga labadaba inay wax gaaraan" ayuu yiri Md. Max’ed Xaashi Cigaal guddoomiyaha Somali Nation-State Party oo dhowaan Muqdisho soo gaaray

Guddoomiyuhu waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray "xaajada maanta ma ahan mid cusub sida aan la wada socono, ilaa 16 sano oo sanadkii 17aad billowday dalka waxaa ka maqnaa seddax arrimood: Soomaalidu ma aqaan siyaasadda sida ay u fahamto, waa wax yaab badan, siyaasaddu haddeysan laheyn saldhig, saldhiggaas oo ah institution ama hay’ado qaanuuni ah oo ay ugu horreyso qaabka uu u dhisan yahay oo ay ku xigto dhismahaasi inay wadaan dad awood u leh inay kaxeyn karaan dhismahaas oo gaarsiin kara, qodobka sedexaad waa hadafka markaas uu leeyahay institution-kaas, in seddaxdaas waxyaabood aysan jirin, kuwaas oo maqnaa ilaa iyo intii dowladda Soomaaliya meesha ka baxday, waxba ma imaanayaan" ayuu yiri Md. Max’ed Xaashi Cigaal oo ku dheeraaday qaabka ugu habboon ee loo adkeyn karo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in xarunta ugu weyn ee xisbigiisu ay ku taallo magaalo madaxda gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo, isla markaana ururkiisa la aas-aasay 27-kii Jun, 2006-da.

" Magaca xisbiga dowlad qaran Somali Nation-State annagoo ku hadleyna ayaan ku warsaneynaa in dowladda Itoobiyada ciidamadeeda waqtiga ugu horreyso kala baxdo, dowladda KMG ah ee keentayna awood inay u yeelato inay la wareegto xilka, xilkas oo ay tahay inay ku wareejiso kula wareegto awoodda dadka Soomaaliyeed, ciidan ahaan, amni ahaan, shacab ahaan, waana suurto gal, taas baaba dan u ah inay kula wareegto, waana suurto gal, taas baana dal u ah labada dal, Itoobiya ciidamadooda dalkeeda ayaa u baahan, iyaga culeysyo ayaa haysan karaya, waxa weeye inay ciidan Soomaaliya u noqdaan ciidamada Itoobiya ma dooneyno, man dhici karto, ciddii isku dayda in ay taas yeesho iyaguna isuma daneyn haddey dantooda ka fikirayeen, qaran Soomaaliyeedna uma daneyn, umana daneyn tan Itoobiya, taasi waa qodob, waxaa Ilaa xalay aad looga dhawaaqayay hadallo ka soo yeeray masuuliyiinta qaarkood oo uu ula jeeday ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha gudaha Eng. Xuseen Caydiid oo ahaa in Itoobiya iyo Soomaaliya in ay isku darsamayso xuduudaheedana ay bannaan yihiin, horta Afrikoo dhan waxaan jeclahay inaan dadweynaha u sheego inaanan aad loola fajacin oo loola yaabin mabda’a isku darsanka iyo midnimadu Afrika oo dhan jaatarkooda ayay ku jirtaa, innaguna aanu aheyn dalalkii ugu horreeyay oo markii dowladdu dhalatay OAU la suubiyay 1963dii, dadkii ayiday ayaanu ka mid aheyn, ha yeeshee Soomaaliya iyo Itoobiya isku darsankooda wax weyn baa u dhexeeya, dariiq dheer oo fog baa jira, bal horta inaanu jirno weeye si aan wax ugu darsano, waxaa la soo qaatay EU-da iyo dalalka Yurub, intee sano ayay Yurub u halgameysay inay midnimo gaarto, haddeer ayay ku guuleystay oo weli qaar ka maqan yihiin" ayuu yiri Guddoomiyaha NSP Md. Max’ed Xaashi Cigaal.

"Xuduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya waa Artifishal, nin kastaana waa inuu ogaado taas, shan sano wada hadalkii Soomaaliya iyo Itoobiya u socday oo lagu dhex-dhexaadinayay Mingiste Xayle Mariam ninkii waday aniga ayuu ahaa oo Max’ed Xaashi Cigaal, dhalashadii IGAD-na macno kale ma lahayne waxay aheyd in la helo meel lagu dhex-dhexaadiyo Max’ed Siyaad Barre iyo Mingiste Xeyle Mariam, oo hal sano aan isku haysanay in la helo ayaa adkaatay, sidaas ayay aheyd in laysugu yimaado, arrintaana gacan ayay ka geysatay sidii lagu heshiisiin lahaa Mingiste iyo Max’ed Siyaad, arrimahaasoo dhan iyo dagaalladii dhex marayya Itoobiya iyo Soomaaliya iyo xaaladda maanta jirta marka laysku daro arrimuhu waxay u baahan yihiin in la tartiibiyo, caqli, waayo aragnimo, maskax, qawmiyad ayuu waddaninimo" ayuu ku soo gabagabeeyay shirkiisa Jaraa’id Md. Max’ed Xaashi Cigaal.

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali "Muqdisho waa caasimaddii dalka, waxaana aaminsanahay ilaa iyo hadda inay wanaagsan tahay nabad gelyadeeda"

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo suxufiyiinta kula hadlayay hotel Global ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay sdia uu u arko soo gelitaanka dowladda Federalka iyo howlihii ay qabatay intii ay dhisneyd iyo xaaladda guud ee nabad gelyo ee magaalada Muqdisho.



Xildhibaanku wuxuu sheegay in caasimadda magaalada Muqdisho ay tahay meel wanaagsan waqtigan oo laysku halleyn karo nabad gelyadeeda, wuxuuna xusay in dowladda Federalka Soomaaliya ujeedadeedu ay tahay sidii nabad gelyo guud looga dhalin lahaa dalka, isla markaana ay dowladda Federalka Soomaaliya u soo guurto caasimadda.

"Imaanshaha aan Muqdisho nimid waa qorshe u degsanaa dowladda Federalka, taasoo loogu talo galay markii Ilaahay guusha naga siiyay shacbigana aan taageero badan uga helnay la dagaallankii kooxihii Maxkamadaha sheeganeysay ayaa waxaan nasiib u yeelanay xubnihii ugu horreeyay ee xukuumadda ka socday iyo baarlamaanka uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Cali maxamed Geeddi inay yimaadaan magaalada Muqdisho, taasoo nasiib wanaag aan ka billownay soo gelitaankeenii Muqdisho markaan soo galnay kadib aan booqanay airporkii, dekeddii weyneyd ee caalamiga aheyd iyo magaalada qeybo ka mid ah oo aan ku sameynay wareeg dheer" ayuu yiri xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo sheegay in xukuumaddu ay tahay mid u dhalatay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana looga baahan yahay dadweynaha inay mar walba soo dhoweeyaan.

Sidoo kale Xildhibaan Khaalid Cumar Cali waxa kale oo uu sheegay in arrimaha Soomaaliya go’aankeeda uusan hal ruux laheyn, waxaana go’aanka ugu dambeeya iska leh baarlamaanka, "Sababtoo ah joogitaanka aan joognay magaalada Baydhabo wuxuu ahaa go’aan baarlamaan ah, haddana soo guuritaanka loo soo guurayo Muqdisho wuxuu noqon doonaa go’aan baarlamaan ah" ayuu yiri Xildhibaan Khaalid Cumar Cali mar la waydiiyay su’aal aheyd: ma laga yaabaa in dhammaan xildhibaanada baarlamaanka ay Muqdisho u soo guuraan?

"Baarlamaan labo ah ma jiro, baarlamaanku waa hal, xubnaha Baydhabo jooga, kuwa Jooga Nairobi iyo kuwa Muqdisho jooga waa hal, qaar ka mid ah shalay ayay baxeen, qaarna maanta ayay baxayaan, waxayna tagayaan xarunta ku meel gaarka ee golaha baarlamaanka magaalada Baydhabo" ayuu yiri Xildhibaan Khaalid Cumar Cali.

"Ammaanka magaalada Muqdisho faraha kama bixin, sababtoo ah waxaa aan marqaati ka ahay aniga shalay waxaan kormeer ku soo sameeyay ilaa Jaamacadda Muqdisho xarunteeda cusub, waxaana soo wareegay magaalada gees ka gees, waxaana ka waayay hal nin oo qori wata iyo meel isbaaro u taalla" ayuu yiri Xildhibaan Khaalid Cumar Cali.

Sidoo kale waxa uu difaacay Xildhibaan Khaalid Cumar Cali go’aanka ay ciidamada Itoobiya ku yimaadeen dalka Soomaaliya isagoo xusay inay ku yimaadeen go’aan baarlamaan, taasoo uu sheegay inuu yahay go’aankii cunaqabateynta hubka Soomaaliya saarneyd, wuxuuna sheegay inay yihiin dowlad xor ah oo heshiis qoraal ah la geli karta dowlad kasta oo caalamka ka jirta.


Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH