Sababahii ka danbeyay Jabka
MaxkamadahaProf Mohamud Uppsala.
hafbasto@hotmail.com
Dhamaan ummada Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan wey salaaman
yahiin, salaan ka dib waxaan rabay wax yaalo badan oo sababay jabkii ku
dhacay Maxkamadihii islaamka ee ka talinayay inta badan dalkeena.
Ka hor inta aanan ka waramin sababaha aan wax yar ka iraahdo waxey
qabteen, wanla wada soconaa maxkamaduhu in ay qabteen howl aad u wanaagsan
xagga abniga haba ugu weynaadee runtii waxey la soo baxeen siyaasad furfuran
oo soo jiidaneysa qof kastoo Somali ah gaar ahan reer muqdisho oo runtii la
dhahi karo waxey ku hoos jiren gumeysi.
aan u so noqdo mowduuceyga aana ku bilaabo
1. doorashadii la doortay gudomiyaha golaha shuurada Sh. Xassan Dahir Aweys
waxey aheyd nabarkii ugu horeyay ee gaara maxkamadaha Islaamka waayo waxaan
la wada soconaa in maanta aduunka uusan xor aheyn una duleysan tahay dawlada
mareykanka oo qofkeysan rabin uu yahay qof argagaxiso ah, sidaas darteedna
uu mareykanka iyo inta ku fikirka aheydba ay candhuuftooda dib u laqeen
waayo waxey u arkeen sheekha nin mayal adag oo ka hor imaan doona waxa alla
iyo waxey la yimadaan.
2.Tan labaad waxey aheyd Maxkamadahii markey dhabarka u jeediyeen ururadii
bulshada,oday dhaqameedyadii,haweenkii, dhalinyaradii iyo waliba maamulkii
wagaa jiray ee Cadde gaaboow oo la dhahi karo wey ka qeyb qaateen halgankii
lagu karbashayay mooryaantii iyo madaxdoodii ee ka talinyay waagaas
muqdisho.
3.tan sadexaad waxey tahay dariiqadii ehlu sunna wal jameeca ( al suufiyah)
oo ay maxkamaduhu aysan waxba kasoo qaadin oo aysan xukunka ka qeyb galin
waayo waxey u arkayeen cadaow lid ku ah siyasadaha Maxkamada iyagoon ka
fakarin ineey jiraan dad badan oo raacsan sufiyada una baahan in laso jiito
taas oo maxkamadaha garan waayeen.
4. Tan afaraad waxey tahay sida ay ku wajaheen maamulkii ka jiray Kismayo oo
runtii la dhahi karo guuldaradii labaad ee ugu xumeyd ee soo gaarta , sidaan
la soconay maamulka dooxada jubba isagooo awalba xaaraan iska ahaa ayuu ka
koobnaa maamulkiisa sadex nin,Serar Goobaale iyo Barre.
Maxkamaduhu waxey kala saareen ama kala doorteen sadexdii nin ee markii
horeba xooga ku heystay magaalada Kismayo, Barre hiiraale oo wiigag ka hor
loo doortay wasiirka gashaan dhiga ee dowlada faderaalka ah iyadoo markaas
dowlada ay waday olalaha lagu soo galinayo dowlada itoobiya ayaa waxuu
gaashaanka ku dhuftay Barre hiiraale hadafkii dowlada war cadna ku yiri wax
ajnabi ah ma soo gali karo iyadoo dadkii oo dhan ay u fahmeen in Barre
hiiraale uu arintan uu ku dhawaaqay isagoo ah wasiirka gashaan dhiga ay
dhabar jab weyn ku tahay dowlada isla markaana ay si aad ah isugu soo
dhawaanayan Maxkamadaha islaamiga ah lakin ma,aysan dhacin taas markaliya
ayaa wax is badaleen, dadkii waxey ka war helleen Bare oo kismaayo
maxkamadaha ay ka ceyrsadeen halka ay Goobaale iyo seraar ay dhabarka
gashteen,halkaas maxkamadaha waxey ku abuuratay cadow cusub oo ay kasban
kartay lakin ay ku fududadeen sideey ula dhaqmeen.
5. mida shanaad oo ah mida ugu qatarsan eeba soo dadajisay burburka
Maxkamadaha wana hadalo aan lo baahneen uu meel fagaaro ah ka yiri Yusuf
Indho Cadde isagoon wax caqli ah ama dubulamaasiyad ah anu isticmaleyn,Yusuf
indho cade oo ahaan jiray nin dagaal ooge ahaa lakin magaca sheekh nimada uu
wato iyo caawinadii uu siiyay maxkamada xiligii qabqablayaasha lala
dagalayay uu ku qalday madaxii maxkamaha ka dibna ay u doorteen gudoomiyaha
nabadgalyada oo u dhiganta wasiirka gaashaan dhiga ayaa meel fagaaro oo ay
wada joogaan war fidiyeeno caalami ah ayuu ku yiri waxaan ku casunay
dalkeena dagaalyahanada Muslimiinta ah ee aduunka ka dagaalanto oo uu
aduunka reer galbeedka ah iyo inta kabaha u qaadaba ay u yaqaanan
(argagaxiso) hadalkaas oo aahaa mid aan laga fiirsan kana soo baxin caqli
saliim ah ayaa mar kaliya aduunku si feejignaan ah u fiiriyay somalia.
Jaale yusuf intaas kuma uusan ekaninee waxuu markale balansaday shacab
u sacbiya iyo war fidiyeeno waxuuna ku hanjabay inuu qabsan doono magaalada
Adis ababa,hadalkaas oo dowlada itoobiya ay aheyd mid ay dooneysay iney ka
hesho hogaanka maxkamadaha ayaa waxuu ku dhaqaaqay Meles sanawi inuu
baarlamaankiisa horgeeyo hadalkii yusuf indho cade kana ansixiyo dagaal in
ay ku qaadaan Somalia. Mr Yuusuf wali ma aamusine waxaa afkiisa ka soo yeeray
7 cisho,
todobadaas cisho yusuf waxuu ku shegay iney wadanka uga baxaan cidamada
itoobiya hadeysan ka baxina uu dagaal ku qaadayo, aduunkii ayaa ka qeyliyay
7badas cisho kuna tilmamay hadal aan wanaagsaneen caqlina loo adeegsan
gardarana ah ay wadaan Maxaakimta.
Dowlada ku meel gaarka ah iyo tan itoobiya waxey halkaas ka heleen
janiskii ugu wanaagsanaa noloshooda waxaana taas ka caawiyay dowlada aduunka
gumeysata ee mareykan iyadoo xayiradii hubka ka qaday Somaliya. Hadaba
aqristoow todobadii cisho markey dhamaatay maxaa dhacay,dowlada itoobiya oo
addunka amar ka heysata iyo dowlada ku meel gaarka ah waxey weerar ku soo
qadeen ciidamada ku meel gaarka ah iyadoo aduunkuna uu u fahmay in dagaalka
ay bilaabeen Maxkamadaha waayo hadalkii Yusuf indho cade´ayaa horyaal
markasta.
Iskusoo wada duuboo shantaas qodob ayaa ugu weynaa waxyaabaha jabiyay
hogaankii maxkamadaha taaasoo ay ugu weynaa hadalkii Yusuf indho cade ka soo
yeeray, marka waxaa la dhahi karaa Yusuf indho cade waxuu la mid yahay
Saddam xussein oo waxuu jabiyay quwad muslin ah.
waxaa kaloo jira waxyaale kale o yaryar maxkamaha taageerayaashooda ay
ku yaradeen sida joojinta filimada,jaadka iyo fanaaniinta dadkaas ayaa
hadda waxey u sacab tumayaan ciidamada dowlada iyagoo ciyaalkii kubada ay ku
jeesjesayaan maxkamahii una adeegsanaya hadalada kubada cagta sida
´´Maxkamadaha waxaa labada dhinac kaga guuray Ronaldinho iyo Figo´´ halka ay
muqayiliinta oranayaa ´´Gaari jaad wale ah ayaa maxakiimta ku kor
kufay´`halka fananiinta oranayaan ´´xaliimo qaliif ayaa kadaba heestay
maxkamadaha´´ intaaas oo cadownimo ah maxkamaduhu wey baabi,in kareen.
arimahas ayay aheyd waxii burburiyay Maxmadahii shacabka diirsanayeen,hadda
wadanka waxaa heeysta dowlada federalka waanu arki doonaa waxey shacabka ula
yimadaan lakin waxaa nasiib wanaag ah in maanta wadanka labo guruub oo is
qilaafsan uusan jirin haddusan hadda Maxamed dheere howshiisa bilaabin.
wabilaahi towfiiq
Prof Mohamud Uppsala.
hafbasto@hotmail.com Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 4, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


|