SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ardeyda Jaamacadda Kismaayo oo soo Gabagabeysay Semestrerka (1) ee wax barashada.

Ardeyda Jaamacadda Kismayo ayaa haatan u fadhida imtixaankii semistarka koowaad ee sanad waxbarasheedka 2006/2007 .

Imtixaanka oo ah kii ugu horreeyay ee ay jaamacaddu ku soo gabagabeyneyso xilli waxbarasheed ayaa wuxuu bilowday 17/kii febraayo 2007da isaga oo socon doona muddo taban casho ah . waxayna ardeyda labada kulliyadood ee ay jaamacaddu ka kooban tahay (kulliyadda waxbarashada , iyo kulliyadda maamulka iyo dhaqaaluhu) ay qaatay duruus la xiriirta takhasuskooda mudadii 5-ta bilood ahayd ee ay jaamacaddu socotay.


Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka

Xuseen Cabdi Aadan madaxa akadeemiyada jaamacadda Kismayo oo aannu wax ka weydiinay habsami u socodka hawlaha jaamacadda ayaa wuxuu tibaaxay in ardeydayda jaamacaddu ay muujiyeen dadaal iyo firfircooni dheeraad ah intii uu socday semistarka aannu hadda gabagabeyneyno, sidoo kale wuxuu profosoorku mahad ballaaran u celiyay macalimiinta Jaamacadda kismaayo sida weyn ee ay ugu suxul duubteen kor uqaadida tayada waxbarasho ee jaamacadda , iyagoo muujiyay xilkasnimo waqti uu dalku marayo xaalad aad udag.

Mid ka mid ah ardeyda Jamacadda oo magaciisa ku sheegay Cabdullaahi ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dhameeyo semistarkii koowaad isagoo u rajeeyay Jaamacadda guul iyo horumar.


Kuliyadda Waxbarashada

Jaamacadda Kismayo ayaa ah jaamacaddii ugu horreeysay ee laga hirgaliyay magaalada Kismayo iyo guud ahaan gobolda Jubbooyinka .

Abdiraxmaan Al- Muhaajiri
Kismaayo – Somaliya
Email: xadur06@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |Feb 20, 2007
 


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH