Xabiibo
Xasan oo geeryootay
Xabiibo
Xasan Axmed Xaydar oo ah gabar Shan jir ah oo ay isha buru
uga tiil ayaa maalintii shaley ahayd ku geeryootay Magaalada
Muqdisho kaddib markii Ishu ay keentay Dhiigbax.
Aabbaheed Xasan Axmed Xaydar ayaa u mahadceliyey intii
damacsaneyd in ay gabadhaasi caafimaad ahaan la tacaalaan,
waxa uuna Illaah kaga baryey in uu bedel khayr qaba siiyo.
Sidoo kale adeerkeed C/waaxid Axmed Xaydar ayaa isna u
mahadceliyey intii dooneysay inay gabadhaasi u gargaaraan,
waxa uuna illaah uga baryey in uu ajir iyo xasanaad ugu
bedelo.
Amiin Yuusuf Khasaaro oo gabadhaan xaaladeeda la socday ayaa
u xaqiijinaya dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka
gudihiisa iyo dibaddiisa in Xabiibo Xasan ay geeryootay,
waxa uuna u soo jeedinayaa sidoo kale Web-Site horey
warbixinteeda loo galshay inay la socdaan in ay Xabiibo
Xasan Geeryootay.
Feb 25, 2007
Cabdirashiid
Cali Guutaale oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyey Xabiibo Xasan
|
Xabiibo
Xasan Cali oo ah Gabar 5- jir ah oo la dhibaatoon Cudur ka
heleelay Isha Bidix ayaa maalintii shalay ahayd Deeq
lacageed soo gaarsiiyey C/rashiid Cali Guutaale oo degan
Dalka Norway. Deeqdaan lagu soo hagaajiyey Jibriil Max’ed
ayaa waxa ay ka Koobneyd 800-Doolar ayaa waxaa laga
Gudoonsiiyey Aabaheed Xasan Axmed Xeydar waxaana goobjoog ka
ahaa Adeerkeed C/waaxid Axmed.
Aabaha dhalay Gabadha ayaa u mahadceliyey C/rashiid Cali
Guutaale waxa uuna u rajeeyey inuu helo mid ka khayr badan
sidoo kale waxaa uu mahadceliyey intii kale oo iyana
fududeysay Deeqdaasi.
C/rashiid Cali Guutaale ayaa markii la gudoonsiinaayey la
soo xiriiray Qoyska Gabdha oo u rajeeyey in ay Gabadhooda u
helaan Caafimaad deg-deg ah isagoo sheegay inuu dadaal u
gali doono sidii Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Norway ay u
caawini la haayeen Gabadhaasi.
Xabiibo Xasan oo marba marka ka dambeysa sii liidanaysa ayaa
waxaa loogu baaqayaa Dadka soomaaliyeed ee ku nool Dalka
gudihiisa iyo dibadiisa inay Gabdhaasi ay gacan siiyaan si
ay u hesho Qaliin deg-deg ah cidii dooneysa in ay u
gargaarto hala soo xiriiraan.
Tel 2521-5532494
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Feb 22, 2007
Deeq Lacageed La soo Gaarsiiyey Xabiibo Xasan..
|
Gabar lagu
magacaabo Xabiiba Xasan Axmed oo da'deedu tahay shan jir degan magaalada
Muqdisho ayaa xaaladeeda caafimaad aad u liida kadib markii ay isha bidix kaga
soo baxday buro aad weyn, tiiyoo saddexdii habeen ee ugu dambeysay ay gabadhaasi
dareemeysay xanuun hor leh oo ka soo wajahay isha kale ee midig.Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland ayaa soo gaarsiiyay markii ugu horeysay
deeq lacageed oo gaareysa 150-Doollar, waxaana qoyska gabadha soo gaarsiiyay
Weriye C/llaahi Axmed Xasan (Sheekhaalow) oo ka mid ah weriyeyaasha Idaacadda
Radio Banaadir, iyadoo aabaha gabadha Xasan Axmed uu u mahad celiyay Jaaliyadda
Soomaalida Holland.
Xubnaha ka tirsan Jaaliyadda Soomalida Holland gaar ahaan Magaalada ZWOLLA oo
Deeqdaas lacageedsoo gaarsiiyey waxay magacyadoodu kala yihiin: Aamina, Naadiya,
Kheyrto, Maryan, Maryan Ruun, Maxamed Cali iyo Yaasiin Cali, hase yeeshee
kharashkaasi ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu taakuleeyo gabadhaasi
dhibanaha ah oo u baahan Qaliin Deg deg ah .
Dhinaca kale Gabar lagu magacaabo Aamina Maxamed oo degan dalka Mareykanka ayaa
Xabiibo Xasan soo gaarsiisay deeq lacageed oo gaareysa $50 oo doolar , waxaana
deeqdaasi lacageed guddoonsiiyay isla markaana wakiil ka ahaa Weriye Amiin
Yuusuf Khasaaro oo gabadhaasi xanuunsan aabaheed guddoonsiiyay, wuxuuna Aabaha
gabadha uu ka mahad celiyay deeqdaasi. Cidii Gar gaar u fidineysa ha kala soo
xiriireen.
Tel 2521-5532494
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Feb 21, 2007
Xabiibo: waa Gabar yar oo
Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gar gaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna
dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna
caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga
qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.
Gabadhan oo ka soo jeeda qoys Sabool ah ayaa Mar aan
booqanay gabadhaasi ayaa waxaa ka muuqatay xaalad aad u
daran oo ka haysatay Isha, oo ay uga soo baxday Buro aad u
weyn oo qofkii arkaa uu aad uga naxayo.
Gabadhaan ayaa waxaa dhabta ku hayey Aabbaheed oo aad uga
walwalsanaa xaaladeeda, waxa uuna ka codsaday Ummadda
Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa inay
ka kaalmeeyaan Cudurka gabadhaasi isha ka haya.
Xaawo waa gabar hal il wax ka aragta, Maskaxdeedu joogto,
Firfircon, Raashinka si caadi ah u qaadaneysa, waxayna
Burada isha uga soo baxday culeyskeedu keenay in ay xamili
kari weyso, hase yeeshee gabadhaasi dhiban, caafimaad-keeda
kale aad ayuu u wanaagsan yahay, isha kalana aad ayey u
caafimaad qabtaa sida uu sheegay Aabbaheed. Balse Marka ay
la cayaareyso Caruurta kale waa ka cararaan.
Qofkii doonaya in uu u gargaaro Gabdhaa dhiban ha la soo
xiriiraan
Tel 2521-5532494
Ama 2521-5875169
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 14, 2007
|