Odaygu ma abaalgudee wa aarsadaa?
WQ: X A Kullane
xkullane@yahoo.com
Waayaha aduunyadu sida cadceedda iyo waagu isku daba maraan ayey iyana hadba
meel u guurayaan.
Dadka qaar waa ka haraan, hayaanka waayaha, qaarna waa ka daba harjadaan,
qaarna waa la halbeeg, qaarna waa horboodaan. Siyaasiyiinta Soomalidu waxey
u badan yihiin kuwo aan la saanqaadi karin waayahan isbedbedelaya taasna
waxaa tusaale u ah sida ay hadba maalintaas waxa jooga keliya ugu qeybsadaan
ee aaney ka fakarin berito iyo waxa cawaaqibka ficilkooda ka dhalan kara.
Qaar baa ku habsaamay sanadihii todobaatameeyadii, qaar kalena waxaad
arkeysaa in maskaxdoodu weli la socoto sanadkii 1990kii, kuwo kalena waa ku
dhex-wareereen oo jahawareer ayey la asqoobeen.
Maxamed Qanyare Afrax oo ahaa siyaasi si lama filaan ah uga soo dhexmuuqday
masraxa siyaasadda Soomaaliya biloowgii 90kii ayaa hadba door mawjadda
siyaasaddu u qaadaysay, waxaa markii ugu horeysay wasiir looga magacaabay
dowladdii Cali Mahdi ee dhicisoowday, dabadeedna wuxuu Qanyare noqday
hogaamiye kooxeed waxuuna ka dhexmuuqday shirarkii lagu kala qabtay Jabuuti
iyo Addis sanadihii 1991 ilaa 1994. Hogaamiye kooxeedyadii ka horeeyey ayaa
ku baraarugay hamiga Qanyare mar uu isku taagay Maxamed Ibraahim Cigaal
iyadoo loo fadhiyo shirkii addis ababa ka dhacay horaantii sagaashameeyadii.
Maxamed Qanyare oo markii danbe u muuqday nin miisaan ku leh siyaasadda gaar
ahaan xarig jiidka siyaasadaha gobolada koofureed oo saldhigoodu ahaa
Muqdishoow ayaa ka mid noqday dowladdii Salbalaar ee Janan Caydiid hogaanka
u qabtay, isla waayahaas waxaa sare u kacay taageeraddii shacab iyo awoodii
ciidan iyo dhaqaale ee Qanyare wuxuuna u muuqday wixii sanadahaas ka
danbeeyey nin lagama maarmaan u ah siyaasadaha hogaamiyaasha Muqdisho.
Markii hogaankii Salbalaar ay u wareegtay Xuseen Caydiid ayuu Qanyare si
rasmi ah ula soo baxay siyaasadiisii kelinimo ee ku dhisneyd isku celinta
miisaanka awoodaha ku loolamayey hogaanka siyaasadda Muqdisho. Qanyare
intaas ka dib waxa uu si rasmi ah ugu wareegay xaruntiisa cusub ee Dayniile
oo noqotay meesha laga hago beel-weynta uu ka dhashay ee uu majaraha u
qabtay siyaasadooda. Dhowr nin oo kula loolamay hogaanka siyaasadda ee
beeshiisa ayuu afka ciidda u daray, Iyadoo ay gaartay in markii danbe
beeshaasi ka caagtay in laga helo qof kale oo hogaanka kula tartama Qanyare.
Taas waxey beesha u noqotay guul iyo guul darro labadaba; waa mare maadaama
beelaha kale ay noqdeen kuwo hogaankooda laysku heysheysto faa'iido ayey u
ekeyd, tan kalena waa iyadoo beeshu hoos gashay hogaan keli talis ah.
Qanyare kama qeybgelin shirkii Jabuuti 2000 ee lagu soo dhisay dawladdii
Carta ee C/qasim madaxweynaha ka noqday, hase yeeshee mar danbe ayuu ku soo
biiray dowladdii Carta ka dib markii loo ogolaaday waxyaabo badan oo uu
codsaday. Waxey taasi keentay in wasiir laga tuuro nin ay isku reer ahaayeen
isna la siiyo wasiirka kaluumeysiga oo uu caashaqay. Runtii dowladdii Carta
si wanaagsan ayey ula dhaqantay Qanyare waana hogaamiyaha keliya ee ka
faa'iideystay maadaama dowladdii saqiirtay isagoo balanqaad-kiina loo
oofiyey. Waagaas ayuu balaariyey Qanyare xaruntiisii Dayniile isagoo
garoonka diyaaradaha ee uu xaarxaarteyna noqday mid mashquul badan oo looga
kaaftoomay kuwii ka durugsanaa magaalada. Heya'aha samafalkuna garoonkaas
ayey badanaa adeegsan jireen halkaas waxaa qanyare uga furmay il-dhaqaale oo
muhiim u noqotay awoodiisa aan laga dhayalsan karin Muqdisho.
Siyaasadihii Qanyare ee kobcay, awoodiisii balaaratay, magaciisii dheeraaday
wuxuu sababay in uu hogaamiye u noqdo koox aan sidaas u tiro badneyn laakiin
saameyn weyn ku lahaa shirkii Mbagati taas ayaa keentay in C/lahi Yusuf uu
dadaal dheer u galo soo jiidashada kalsoonida Qanyare intii lagu jiray
loolankii hogaanka cusub ee shirku dooran doono. Maantii uu Qanyare ku
dhacay dabinkii uu u loogay Mr Yusuf ayaa u danbeysay horumarkii siyaasadeed
ee Qanyare. Isagoo Qanyare oofinaya balanqaadyo muhiim ah isaga oo ka heysta
Yusuf ayuu saameyn weyn ku yeeshay guushii Cabdullahi Yusuf ka helay Mbagati
maadaama Qanyare ku qanciyey in xulufadiisa oo dhan ay codkooda siiyaan.
Waxaa ku soo baxday oraahdii aheyd “God sireed ha qodin hadaad qodana ha
dheereyn” Dibirtii uu weydaartay Qanyare raggii loollanka ku jiray ee beel
wadaag iyo asxaabtaba ay ahaayeen sida C/qasim ayaa isagii ku xumaatay goor
danbe.
Durba Qanyare waxaa u muuqatay in uu balantii uga baxay C/lahi Yusuf markii
dariishadda laga soo geliyey nin la yiraahdo C M Gedi oo wasiir koowaad loo
magacaabay. Qanyare iyo asxaabtiisa iyagoo iska dhigaya in sadkii beeshooda
iyo qaranimadii labadaba meel looga dhacay ayey Muqdisho u soo hayaameen
halka dowladda inteedii kale ay degeen Jowhar. Dagaal xagga afka ah ayuu
Qanyare ku qaaday C/lahi Yusuf iyo dowladdiisa, waxyaabaha xusuusta reebay
waxaa ka mid ahaa inuu mucaaraday magacaabistii Jen Naaji ee taliyanimada
ciidamada isagoo ku hal-qabsaday in aysan suurto galeyn Qanyare in uu
hogaamiyo ciidamada Yemen sidaas awgeed ay qadaf tahay in Jen naaji isna
hogaamiye ka noqdo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Markale oo hub
uruurin la soo hadal qaaday ayuu Qanyare ku dhaliilay C/lahi Yusuf in waxa
ciidanka uu ku sheegayaa ay yihiin beeshiisa maleeshiyo laga soo uruuriyey
ee reer P/land ah oo aaney hub ka dhigi karin gobolada kale. Labadaan qodob
ayaa mar danbe ku soo noqon doona Qanyare sida riyo argagax oo kale iyagoo
dhab ah.
Kooxo u badan hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho laakiin ay ku soo biireen
niman samaha jecel oo meelo kele ka yimid ayaa Muqdisho isugu yimid.
Heshiisyo qorshe ahaan wanaagsan oo la qodobeeyey laguse degdegay oo
caadifad ku dhisan ayey kooxdan reer Muqdisho u badani ku soo saxeexdeen
Nairobi. Qorshahaas oo ku aadanaa nabadeynta iyo maamul u sameynta Benaadir.
Qorshahaas ugu danbeytii rag uu Qanyare hormuud u yahay ayaa fashiliyey
markii uu jeclaaday inuu maamulo doorashada maamulka gobolka laakiin ay u
socon weyday. Waallidii uu ka qaaday qab-jabkii maamulka gobolka Benadir
ayuu qanyare la galay ururka la dirirka argagixisada ee ay taageeraysay
dowladda Mareykanku.
Shacabkii uu hogaamin jiray iyo beelahii wadaagga la ahaa ayaa goor danbe ku
baraarugay in Qanyare runtii yahay hogaamiye danihiisa keliya uun eegta ee
aan shacab iyo taageere midna isxaan u heyn dabadeedna waxaa qaaday daadkii
kacdoonka shacabka, xaruntiisii habeen madow ayuu ka baxay ilaa uu miciin
baday tuulooyin ka tirsan gobolka Galgaduud. Mar danbe ayuu magan galay
Baydhabo iyo dowladda C/lahi Yusuf isagoo weliba jagadii wasiirnimo lumiyey.
Waxaa hubaal ah in odaygu niyaddiisu aad u xumaatay maadaama bahdil iyo
sharaf dhac keliya uu ka mutay joogitaankiisii Baydhabo.
Waa tii siyaasadda wadanku isbedeshay, waatii Tigre ciidan lixaad leh iyagoo
garab ka helaya ciidan dowlad sheeganaya iyo dhaqaale Mareykan ay xoog ku
maquuniyeen maxaakiimtii, Qanyare ka ceyrsaday xaruntiisii Dayniile. Dhowr
maalmood qabashadii Muqdisho ka dib ayuu Qanyare soo guri noqday, Maalmihii
hore ayuu isku dayey inuu cadeysto figradiisa ku aadan hub uruurinta ee ah
in aan dadka Muqdisho keliya laga dhigin dabka ee wadanka oo dhan mar laga
wada qaado laakiin odaygii C/lahi ma ilaawin hadaladii hore ee Qanyare
waagii uu atooraha Xamar ahaa oran jiray sidaas awgeed C/lahi wuxuu
go'aansaday in uu ka aarsado Qanyare maadaama uu tabar daran yahay maanta
taageeradii beeshiisana lumiyey, awood shisheeyana dul degan tahay.
Wuxuu qorsheeyey C/lahi in hubka laga dhigo Qanyare wixii gacantiisa ku jira
hadaba habkee ayaa loo marayaa hub wareejinta. Xusuuso labadii arimood: 1.
Jen Naaji waa Yemeni aan mudneyn hogaanka ciidanka xoogga Soomaaliyeed;
maalintii Dayniile hubka looga tiriyey Qanyare wuxuu C/lahi soo diray Jen
Naaji 2. Maleeshiyada P/land ciidan dowlad ma ahan nagamana qaadi karaan
hubka; C/lahi Naaji wuxuu ku soo daray maleeshiyo dhafoor qiiq ah oo ka
yimid Garowe iyo Jariiban iyagaana hubkii ka jiitay odaygii Qanyare. Taas
waxaa u sii raacay in wiilal yaryar oo naftiisa ilaalo ka ahaa Qanyare lagu
laayey madaxtooyada isagoo booqanaya C/lahi Yusuf. Waxaa rag goob joog ahaa
sheegeen in meydka wiilasha dhegta loogu sheegay C/lahi isagoo la fadhiya
Qanyare iyo asxaabtiisa hayeeshee kuma soo qaadin geeridooda ilaa shirkii ka
dhamaado oo markii uu Qanyare sii baxayey ayuu si kaftan ah u yiri “Intii
dhimatay alle haw naxariisto ee meydkaagana hore u sii qaado” Waxaa taas ka
sii dartay markii Qanyare xusi waayey tacsi iyo cabasho midna xasuuqii loo
geystay wiilasha aan waxba galabsan. Nin la shaqeynayey muddo dheer C/laahi
Yusuf ayaa oraahdan tiraabay: “odaygu ma abaal gudee waa aarsadaa” Bal aan
dhowrnno waxa ay mutaan ragga kale ee haatan sii daba jooga C/lahi Yusuf.
WQ: X A Kullane
xkullane@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Feb
18, 2007
Xabiibo: waa Gabar yar oo
Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna
dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna
caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga
qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.
Akhri....
|