SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Diintu waa Dhaqan Soomaaliyey!

Sh. Axmed Taajir. USA
taajir200@hotmail.com

Maqaal kan waxaan ku qaadaa dhigi doonaa arimio aan ku tilmaami karno akhlaaq daro iyo anshax xumi aan Soomaalida lagu aqoon jirin, balse qurba jooga wadamada reer galbeedka sida USA iwm lagu dhex arki karo, sidaas darteed maqaalkani wuxuu si toos ah u taaban hayaa qurba jooga Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Reer galbeedka, maqaalkiina waa sidan ee akhrisasho wacan.

Magaca Allaha Naxariista Badan baa Mahad gabi ahaanba isgaa leh. Naxariis iyo Nabadna Nabi Muxammed scw hasiiyo.

Diintu waa dhaqan Muslimiiney

Akhristaha sharafta badan lahaw mahad waxaa iska leh Allaha inaga dhiga ummad Muslima oo ku abtirsata Diinta diimaha lagu soo gunaanaday (waa Islaamka) iyo Rasuulka ugu fadliga badan ee lagusoo af jaray soo dirida fariin sidayaasha, ( waa Nabi Muxammed scw). balse waxaa iswaydiin mudan akhristaw Muslimnimada saxsani maxay tahay? Islaamnimada saxsani matahay in dhaqan kayaga, nolol maalmeedka iyo Man-hajka Diinta Islamku ay laba dhabe laka qaadaan!!? Akhriste Islaamnimada saxsani waa in Rabbiga caalamka uumay(abuuray) kitaabkiisa sharafta badan leh iyo fariimaha uu xambaarsan yahay si buuxda oon ka leex-leexasho lahayn loo raaco looguna dhaqmo. Rasuulkiisa Muxammed scw ee fariin sidayaasha laguso af jarayna dhaxalka uu inooga tagay si buuxda loo hirgaliyo ku dhaqankiisa.

Walaal Alle wuxuu ina farayaa inaan si buuxda u qaadano Diinta Islaamka, wuxuuna yidhi: War dadka Alle iyo Rasuulkiisa rumaysanow islaam nimada si buuxda u dhex gala, hana raacina dhabaha Shaydaanka waa cadawgiin oo qayaxane. Suurada Al Baqara,208.
Sidookale Wuxuu Yidhi Eebe: Qofkii Alle isu dhiiba una hogaansama isagoo rumaysan wuxuu qabsaday (cuskaday) xarigii xooga badnaa, Suurada Al Luqmaan,22.
Camar Bin Caas rc wuxuu yidhi, Nabigu scw wuxuu yidhi: qofku ma rumaysno (iimaankiisuu ma dhamays tirno) inta hawadiisa iyo dookhiisu ay ka raacayaan (uga hogaan samayaan) Manhajka iyo Diinta islaamka ee aan la,imid. waa xadiis saxiixa.

Xalaalsha iyo Xaaraanta:

Nabi Muxammed scw wuxuu yidhi: waxaa hoogay oo halaagsamay qofkii Dirham iyo Diinaar ( Doolar & Duunyo) ay adoonsato. Waa Xadiis saxiix ah.



Walaalkay/shay islaamnida iyo diin ku dhaqanka waxaa kamida, ku dhaganaanshaha iyo ku dadaalida; xalaalsha, run sheega, amaanada iyo daacadnimada, isla mar ahaantaana ka fogaan shaha iyo ka feejignaanta; xaaraan cunida, been sheegida, khiyaanada iyo wax isdaba marinta.

Run-sheega:


Akhristaw Alle sw wuxuu yidhi: War dadka iimaanka la how Alle ka cabsada, waxaanad ahaataan kuwo ruta sheega, Suurada Attawba,119. Walaal halkaas waxaa inooga iftiimay in Diinta Islaamku cadaysay in runsheegidu ay tahay waajib, beentuna xaaraan iyo danbi ciqaab iyo cadha Alle lagu mutaysan karo.

Amaanada:


Eebe wuxuu yidhi walaalkay: War dadka Alle rumaysanow ha khayaamina Alle iyo Rasuulkiisa ood markaas noqotaan kuwa khiyaameeyay amaanadooda idinka oo og, suurada Al Anfaal,27. Sidaas darteed amaanadu waa waajib diniya, khiyaamada iyo wax isdaba marntuna waa xaaraan cadaab iyo ciqaab Alle lagu mutaysan karayo.

Xalaalsha iyo xaaraanta:

Akhriste Alle sw wuxuu kitaabkiisa sharafta badan leh ku qeexay in aysan marnaba xalaasha iyo xaaraantu sinay, haba yaraato xalaashu xaaraantuna haba badnaato, wuxuuna yidhi sw: Waxaad u sheektaa (Muxammedow) in aysan sinay khabiithka (xaaraanta) iyo dhayibku (Xalaalshu) haba ku cajab galiyo fara badnaanshaha khabiithku (xaaraantu) ee Alle ka cabsada dadka wax garadka ahaw si aad wanaag iyo liibaanba u heshaan. Suurada Al Maa,ida,100


Nucmaan ibnu Bashiir rc (waa saxaabi wayn) wuxuu yidhi,Nabigu scw wuxuu yidhi: Xalaashu way cadahay, xaaraantuna way cadahay, waxaana dhexdooda ah (waxaa u dhexeeya) waxyaabo mushtabi haad ah (aan kala caday) , dadka badankoodna aysan garan haynin..., waxaa xadiiskan soo tabiyay Bukhaari & Muslim.

Walaal Qofka muslimka ah waxaa la farayaa in uu ahaado xalaal cune sida Nabiyaasha, waxaa kale oo uu Nabigu scw cadeeyay in xaaraan cune Alle barigiisa aan la aqbali haynin, jirkiisana Naartaa ugu mudan inay cunto. Abuu Hurayra rc wuxuu yidhi, Rasuulka Alle wuxuu yidhi: Alle subxaanahu watacaalaa waa Dhayib ( waa wanaagsan yahay, fiicanyahay) mana aqbalayo(ogalaanayo) wax aan isna fiicnayn. Wuxuuna Alle faray Mu,miniinta(dadka iimaanka leh) waxa uu faray Rususha, wuxuuna yidhi Alle: Rusuley; cuna xalaasha, camal wanaagsana fala" fiiri Suurada Al Mu,minuun,51, Mu,miniintana wuxuu ku yidhi: war dadka iimaanka lahaw xalaasha cuna...., eeg Suurada Al Baqara,172. kadibna wuxuu Rasuulku scw sheegay qof safar dheer galay basaas iyo busaaradna ay ka muuqato, gacmihiisana kor u taagaya, isagoo dhahaya: Rabigayow! rabigayaw! Cuntadiisuu waa xaaraan, cabitaan kiisuuna waa xaaraan, dharkiisuuna waa xaaraan, waxaana lagu qadaysiiyay amase lagu ababiyay (markii uu yaraa) xaaraan, ee sideebaa baryadiisa loo yeeli?!!. saxiixu Muslim.

Waxaa kale oo uu Nabigu scw yidhi:Hilib kasta ee xaaraan ku baxay Naarbaa inay cunto ugu mudan!!.

Hadaba akhristow, Nusuustaas aynun soo akhrinay iyo kuwa kale oo badan oy naan wakhti u haynin inaan soo gudbino amaba aan sharaxaad kabixino, waa aayadihii Kitaabka Alle iyo axaadiistii Nabi Muxammed scw, waana Diinteenii Shareecadeenii Islaamka; adiga, aniga iyo dhamaantayo. Qof kastawna adiga iyo Nusuustaan isaga tagi haynaa, adoo waliba maanka iyo maskaxdadaba ku haya in: maanta ay tahay Aduun Barina Aakhiro!!!.

Halkaas waxaa inooga cadaatay akhristaw in xalaal quudashadu ay tahay irin lagama maar-maan ah, xaaraantuna ay aakhiro iyo aduunkaba tahay bur-bur, balaayo iyo baas. Waxaana aad iyo aad muhiim u ah in aynu maanka iyo maskaxdeenaba aan marwalba ku hayno hadalkii Nabiga scw ee ahaa in qofna maalinta Qiyaamda uusan ka dhaqaaqi haynin kana nuux-nuuxsan karin meesha uu taagan yahay inta uu ka jawaabayo afar su,aalood oo qofkasta la waydiin doono, waxaana kamida: War wixii aduunka xoolo iyo hantiba kusoo galay xagay kaasoo galeen? meel Eebe raali ka yahay miyay kaasoo galeen mise ..? xageedse ku bixisay? Eebe raali miyuu ka ahaa mise?, Qofwalba isagay jawaabtu u taalaa akhistaw!!!

Dhaqamo aan Soomalida horay loogu aqoon jirin


Akhristaw waxaa waayahan danbe soo ifaf baxayay dhaqamo iyo hab nololeed aan looga baranin laguna aqoon jirin Umada Soomaaliyeed ee Muslimka ah. Hadaba inta aynaan tixin qaybo akhlaaqdaro iyo anshax xumi kamid ah waxaa mudan in aynu ogaano in marnaba aysan banaanayn in qofna jaaliyada Soomaaliyeed wax dhibaato u gaysan kara amaba khatar iyo dhaawac galin kara daganaan shahooda aan sinaba loo ogalaan karin.

Dhanka kale in aynu ogaano inay waajib Diiniya kutahay Culimaa,u Diinka iyo qofkasta oo xilkaas gudan kara inay kahadlaan kana hortagaan oysan marnaba ka aamusin wixii khalada amaba meel uga dhacaya Diinteena islaamka, dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan, maxaa yeelay qofkii anshax xumo iyo wax khaldan arka kana aamusa isagoo wax kaqaban kara, khaladkaas iyo danbigaas isna wuu lawadaagayaa.

Labadaran Mid dooro

Akhriste markaynu xalada sidaas u ugaanay waxaa hubanti ah in aynu ku dhex jirno mawqif iyo arin cakiran oo qalafsan, waxaanan dhihi karnaa amaba aan ku tilmaami karnaa waa laba daran midkood dooro, ma dhaqanka iyo anshax xumida foosha xunbaan ka aamusnaa? inagoo tix galin hayna nolosha iyo nabad galiyada jaaliyadeena dhinacyo badan?. Mise gafta iyo meel kaga dhaca diinteena oo khasaare aduun iyo mid aakhiro gabi ahaanteenba inoo gaysan kartaan ka aamusnaa?

Waxaa lama huraan ah akhristaw inaan si wanaagsan u ogaano in:

A. Rabbi sw uu marwalba og yahay kana warqabo inta khaldan iyo khalad koodaba, abaal marintoodana uu lasugayo xiliguu ugu tala galay.

B. Iyaguna ay is og yihiin inay anshax xumi iyo akhlaaq daro ku dhex jiraan, walbahaar, walaac iyo wal-walna ay hadh iyo habeenba ku dhex jiraan.

C. Dawlada nafsad-deeduuna kama qarsoona oo wax badanbay ka ogtahay kalana socotaa anshax xumida iyo akhlaaq darada ay ku dhex jiraan.
Hadaba inagoo dhamaan irimahaas iyo kuwo kalaba maanka iyo maskaxdaba ku hayna waxaan leenahay:
Waxaan aamin sanahay in bulshadeena Soomaaliyeed ay yihiin kuwo lagu yiqiinay dhaqan iyo akhlaaq wanaag ay udhashayn, balse ay dhici karto -ileen waa bini aadame- inay jiraan:

1. shakhsiyaad ay ugeysay jahli, aqoondaro iyo ka warqab la,aan oo haday si fiican fariintu u gaadho ay dhakhso uga dhex baxayaan falalkaas.

2. Shakhsiyaad hunkuri iyo hawo raac ay qaaday, fahankooda diineedna uusan sidaas u badnayn, waxayna u badan tahay hadii ay baraarujin helaan in ay kaharyaan.

3. Waxaa kale oo suurto gala inay jiraan shakhsiyaad fara kutiris ah oo kas iyo ula kac u sameyn, waxaana suurta gala -hadayba jiraan- kuwaa naftigooda aynaan ka quusanin. Haday wacdi iyo waano si haboon u helaan waxaa suurta gala inay hilinka Ibliis kasoo hadhayaan.

Akhriste bal hadaba aynu isku dayno inaan arimo anshax xumi u muuqda oo dadka qurba jooga qaarkood lagu tuhun sanyahay inaan qayb ama qodobo kamida farta ku fiiqno.

1. Caruur kala gadashada iyo canshuur celinta:

walaalkay/shay sanad walba xiliyadan oo kale markii lasoo gaadho waxaa badata xafiisyo aan horay jiri-jirin oo xayaysiin xaafadaha daadsha, anaa xariifa, anaa xirfad badan, aana xoolo badan kuusoo xaabin kara ee ani iga xereyso.

Akhriste khilaaf kuma jiro in qofkii shuruudaha ay dawladu xadiday layimaada in uu xarayn karo loona xarayn karo xalaala ay utahay labada dhinacba. balse intaas wixii dhaaf siisan waa khiyaamo, been iyo wax isdaba maris aan marnaba banaanayn. Cunug aadan waligaa arag, maqlin waxna aadan utarin suuqa karaadso meeqaad igu siin? waa wax inagu cusub hadaan nahay Soomaali !!? war Alle halaga cabsado Soomaaliyey. waxaanad ogaataana in gafta iyo khaladka ay ku wada dhex jiraan labada wax kala beecsan iyo xafiiska xareynta naftiisaba, waase hadii xaaladaas uu xog ogaal u yahay Xafiisku. Allana wuxuu nafaray inaan khayrka iyo waxyaabaha wanaagsan garab iyo gacan isku siino, xumaanta, xaaraanta, iyo dhamaan macaasidana aan iska qabano oy naan marnaba gacan iyo garab isku siinin. Fiiri Suurada Al Maa,ida Aayada 2aad.

Akhristaw waxaa kale oo akhlaaq darida iyo anshax xumida lawadaagsan oy ina abti iyo ina adeernimo ka dhexeeysaa caruur kala beecsiga arimahan hoos ku qoran, oo xili kale baraarujin tooda iyo ka had lidooduuba u baahantahay waana sidan:

2. Kala noolaan sheegasho (saprate) aan sal iyo raad toona laheyn:


Walaalkay waxaad ogaataa in xoolaha iyo hantida sidaas kugu soo galay aysan marnaba banaanayn oy aafo, olal, caasinimo qoys, caaqul waalideyn iyo dhaga adayg caruureed, balaayo,baas iyo bur-bur laga qaadayo xaraan cunidaas.

3. Xanaano caruureed iyo daryeel guriyeedka dadka waaweyn:

Akhriste Dawladu waxay ogashahay iyadoo danayn haysa danta guud ee bulshada: dar-yeelka guryaha ee caruur haynta, curyaamiinta, dadka waawayn iyo cidkasta oy u aragto inay u baahantay daryeel.

Balse waxaa lagama maar maan ah oo waajib diineed ah in aan ogaano in dhibka (shaqada) iyo dheeftaba uu iska leeyahay qofka ay dawladu u xilsaartay shaqadaas, wixii intaas ka baxsanina uu yahay khiyaamo, been iyo wax isdaba marin aysan Diinteena Islaamku ogalayn, qaanuuka dawladana idinkaa iga yaqaana waxaydun mutaysan hadii la idinku ogaado arinkaas ee Allaah oo kaliya halaga cabsado walaala yaal.

4. guryo kala ijaarasho qarsoodiya:

Haday sugnaato akhristaw in qof dagan guryaha lakabo in uu qofkale kasii ijaatay si qarsoodiya, ha is ogaado hana yaqiinsado inuu yahay khiyaamo cune, ciqaab iyo cadho Allana uu ku mutaysan karo isaga iyo cida ay khiyaamadu ka dhexayso.

5. Bur-burin baabuur iyo gubid guri:


Haday sugnaato(uma malayn hayo inayba jirtee) in uu jiro shakhsi ku fikiray bur-burin gaari ama gubid guri isagoo ku andacoon haya gaarigu wuu igu cilado batay, badeecaduna way iga socon wayday, waxaanan ku jiraa inshuuransi iyo caymis ee....!!!??? Walaal miyaadan ogayn oo aadan yaqiinsanayn in uu Eebe mar walba kuu jeedo, ku ogyahay kuna maqlayo, hadii shilimaad aad heshayna ay xaaraan xaaraan xaaraan tahay, balaayo iyo baasna aad kaqaadi haysid.

6. jiro, xanuun, iyo hawl gab sheegasho:


inkasta oo aynu joogno wadan ay nidaam iyo kala danbayni ka jirto, oo qofna sida uu isagu doono uusan samayn karin, hadana hadayba dhacdo in si luuq-luuq iyo wax isdaba maris ah ay dhaqaale uga raad shaan dawlada, ha ogaado ruuxwalba oo inaga tirsan in aysan marnaba banaanayn xeladaasi. walaal waanad iyo wax isu sheegeenuu wuxuu yahay inaad caafimaadka uu Eebe kusiiyay ugu mahad naqdo, sugtidna inta aad ka dhamaysan heerka hawl gabka loo xadiday.

7. Ku shaqaysasho sharci aadan lahayn:


Akhyaarey aan wada ogaano dhamaantayo inay khiyaamo tahay ku shaqaysasho sharci aadan lahayn, waxaana si wada jir ah u wadaagaya danbiga, khiyaamada iyo anshax xumidaas qofka sharcigiisa u saamaxay in lagu shaqaysto iyo ku shaqaystaha sharciga.

8. Nidaamka kaalmo cunteedka iyo qaab gadashada qaarkeed:


Dhaqaalaha dadka qaar kamida lagaga caawiyo dhinaca cunada, aad bay arin muhiima u tahay in qofku haduu muslim yahay in uusan ka talaabsanin xeerka uyaala qorshaha iyo qaab gadashadiisa.

Tusaale; dhaqaalaha loogu tala galay xanaanayta caruurta iyo haweynka uurka leh ama naaska nuujiya, haka leexinin hanaanka u qoondeeysan iyo xeerka u yaal.

Cadaalad matahay walaal waa iga su,aale in cuno cunug yar caafimaadkiisa lagu jaan gooyay aad u leexsato adeegasho arimo kale? waxaa hubaal ah in dukaamada kale ee wadankan USA aadan kaga qaadan karin wax ka baxsan habkii loogu tala galay, in aad ku fikirtidna aysan suurta ga ahay, ee Allaah halaga cabsado walaalayaal: qofka dukaanka gadi iyo kan ganba.

9. sponsar kabeen sheega:


Walaalkay Dawladu iyadoo tix galin haysa ururinta iyo isu keenka qaraabadii iyo qoysaskii kala dhumay waxay furtay qorshe isu soo uruurin haya xaaladaha qaraabada qaarkood, hadaba waxaad ogaataan akhyaareey inay waajib diiniya tahay ka run sheegida kiiska aad gudbin haysid.

Haduu xareeyahu wax isdaba mariyo oo wax aan jirin uu sheekto, amase qofka loo diray/xareeyay ay hawo aduun iyo hunguri wayni qaado, ha yaqiinsado inuu ku dhex jiro dhusuq iyo dhiig cabid, halaag iyo hoogna keeni kara aakhiro iyo aduun labadaba.

Waxaynu ka wada dharag sanahay walaala yaal in dhibka ugu badan oo dhalinyaro badani ku dhex dhumeeyn uu ka dhashay dhoof qoysas beenaad ay dhulkan kusoo dhex dageen.

Waydii walaal xarumaha xabsiyada xaaladaha caruurtayadii, dhex gal oo la sheekayso shabaab keena meel walba ku dhac-dhacaya maxaa sababa!? maxaa sidan u galay!? maxay u xuub siibteen!? maxaa xabsiyada dhoobay!? in badan oo kamid ah waxaa kuu cadaan inay kusoo dhoofeen qoysas beenaad aan waxba kajirin, kadibna magaalada lagu kala firxaday, Qofkastawna waa nasiibka, hakani Ameerika ee iska xaji...!

Alla xaaladu xanuun badaan!! Alla yaa hashu markay halkaas mareeysay yax dhaha!! intaas waxaa dheer akhyaarey, qaska, labka iyo jaha wareerka ka jira amase kataagan joogitaan sharciyeedka wadankan in badan oo kamida kuwii sidaas oo kale kusoo galay.

10. Ugu danbeytii walaalkay/shay aan iska wada bixino daynta iyo tikidhadii nalaga soo bxiyay, gaar ahaan Wadankan USA, waa amaano,waana dayn bini aadan oo waajib ah in labixiyo diin ahaan.

Walaal 10kaas qodob iyo kuwa kale oo ay kamid yihiin cinwaan(adreys) beenaad sheegasho aadan daganay si caymiska gaarigu kuugu raqiiso/ mehrada iyo meelaha ganacsiga oo lagu qoro qof aan waxba ku lahayn si xisaabtanka dawlada looga baxsado, waa waxyaabo waajib diiniya ay tahay inaan ka harno kana feejignaano.


Raali ahaada akhyaarey hadaan idinku dheereeyay hadalka, waxay iga tahay wacdi, waano iyo waajib gudasho diini ah,. Waanad mahad santihiin.

Sh. Axmed Taajir. USA
taajir200@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Feb 18, 2007


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH