Madaxwaynaha DFKMG Soomaaliya oo Xaalad Caafimaad Awgeed Lookeenay Nairobi
balse xubno ka tirsan DFKMG ayaa beeniyay in xaaladiisa caafimaad aad daran
tahay..
Somalitalk.com | Dec 4, 2007
Magaalada Nairobi ee caasimada wadanka kenya ayaa waxaa si deg deg ah loo
keenay madax waynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/lahi Yuusuf Axmed ka dib markii
xaaladiisa caafimaad maalintii isniinta ahayd ilaa maanlintii talaada ahayd ay
aad xumaatay taas oo keentay in si deg deg ah loo keeno magaalada Nairobi
halkaasi oo Isbitaal Nairobi ku yaal lagu dabiibayo.
Madaxwaynaha DFKMG ayaa waxaa lagu waday in oo magaalada Addis Ababa ee dalka
Ethiopia uu gaaro halkaasi oo uu kula kulmi lahaa haweenayda xog hayaha arimaha
dibada maraykanka ah Condaliza Rice iyo waliba masuuliyiinta dowlada Ethiopia oo
ay ka wada hadli lahayeen xaalada dalka Soomaaliya.
Mr Yuusuf ayaa waxaa lagu wadaa in si deg deg ah loogu qaado magaalada London ee
dalka Ingriiska halkaasi oo lagu baxnaanin doono madaxwaynaha DFKMG kulana kulmi
doono dhakhatarkiisa.
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi xiriir aan la samaynay Maxamed Cali
Nuur America safiirka DFKMG Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa waxaa uu ka
gaabsaday in uu wax war ah ka bixiyo xaalada madaxwaynaha DFKMG.
Maxamed Cabdiraaq oo ah la taliyaha madax wayaha oo safarkisa ku weheliyay ayaa
waxaa uu isagu ganafka ku dhuftay warararka sheegaya in madax waynaha xaaladiisa
caafimaad ay tahay mid cakiran waxaana uu sheegay in madax waynuhu safarkiisaan
uu aha mid qorshaysan.
Cabdi Xaaaji Goobdoon ayaa waxaa uu yiri '' waxaa uu ahaa madax waynuhu mid si
wanaagsan u shaqaynayay xalayna kulan dheer magaalada Baydhabo kula qaatay
ra'iisul wasaaraha''.
Waxii war ka soo siyaado xaaladahaan kala soco SomaliTalk Nairobi
(Guji)Wakaalada wararka ee AFP war bixin ay ka qortay xaalada Madax waynaha
04/12/07.
(Guji) BBC Arabic oo war bixin ka qortay xaalada madax waynaha
Faafin: SomaliTalk.com |Nairobi Kenya | Dec 04, 2007


|